Maayarkii caasimadda Somaliland Eng Yuusuf Warsame Siciid oo xanuun hayey u geeriyooday

labadii maayar oo in barbar fadhiya bidix maayarka cusub Eng Yuusuf Warsame siciid iyo maayarkii hore Eng Jiciir

xil wareejintii  Dec 2012
Waxa dalka isu-taga imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi, ku geeriyooday maayarkii ama duqii caasimadda Somaliland, Hargeysa, Eng Yuusuf Warsame Siciid oo muddo ku jiray dhakhtar ku yaala Abu Dhabi, halkaasoo lagu daawaynayey maayarka. Maayarka magaalada Hargeysa oo in muddo ah u jiifay xanuun macaana, macaan adag. Sannadkii hore bishii Dec 2012, ayey ahayd markii loo doortay duqa magaalad Hargeysa, muddo yar kadibna waxaa la soo dersay xanuun, markii uu xanuunku aad u qabtay ayaa la geeyey Abu Dhabi , si loogu soo daaweeyo. Madaxweynha Somaliland oo bishii Marsh 2013 booqasho rasmiya ku tegay dalka Abu Dhabi ayaa dhakhtarka maayarku ku jiro ku booqday maayarka/duqa magaalada Hargeysa, Ilaahayna uga baryey caafimaad qab. Wararka ka imanayey Abu Dhabi ayaa sheegayey in uu ka soo raynayey wiigag u danbeeyey. Waxaase utimid tii Alleh, Waxaa dhamaatay saacaddiisii Maayarka Eng Yuusuf Warsame Siciid, waxaanu geeriyooday 6 April 2013. Maalinta isniinta ayaa lagu aasi doonaa magaaladii uu ku dhashay, kana noqday Maayarka. Madaxweynaha Somaliland ayaa guddi wasiirro ah u saaray si loogu sameeyo maayarka Eng Yuusuf Warsame Siciid aas qaran.

Bahda mareegta caafimaadka waxa ay tacsi u dirayaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay maayarka magaalada Hargeysa, Eng Yuusuf Warsame Siciid, waxaanan Ilaahay uga baryeynaa in uu samir iyo iimaan ka siiyo aamiin.

Waxaa soo diyaariyey: Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)
Bahda mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com
E-mayl: editor@caafimaadka.com
E-mayl:caafimaadka2011@gmail.com

april 8, 2013 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Hargab Shinbireed cusub oo ka dilaacay Shiinaha

Waxa la sheegayaa in uu Hargab shinbireed cusub oo loogu wan qalay Flu A (H7N9) ka dilaacy dalwaynaha Shiinaha halkaas oo ilaa imika oo ku dhacay ilaa 14 qof kuwaas oo 6 ka mid ahi u dhinteen safkaas, waan ilaa imika cadayn halka cudurku uu ka soo bilaabmay laakiin waxa la tuhunsan yahy in laga qaaday Shinbiro. Laakiin waxa lagu dagay markii la ogaaday in ilaa imika aanay dadku dhexdooda is qaadsiinin, taas oo keentay in fiditaanka cudurku aanu u socon si xawliya. Dawlada Shiinaha ayaa wali ku hawlan baadhitaanka cudurkan iyo meesha uu ka yimi iyadoo la kaashanaysa hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO.

april 6, 2013 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

dawo dhaqameedka, daawaynya dhirta

qaybta 1aad

april 5, 2013 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Biyaha dur-durka ah ee Biyo Kulule oo dad badan Ilaahay caafimaad ka siiyey

mars 31, 2013 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Dhakhtarad sare oo dalka Baraaziil u dhalatay oo lagu soo eeddeyey in ay dhishay 300 bukaan-jiifa

Qisadan naxdinta leh oo ka dhacday dalka Baraaziil, magaalada Curitiba ee qaarada Koonfur Amreerika. Haweenaydan dhakhtarada, masuulna ka ahayd qaybta Intensiv-ka (Koma) ee ee la dhigo qofka xanuusanaya ee xaaladdiisa caafimaadeed halis weyni ku jirto ama ay la soo deristo.
Haweenaydan dhakhtarada oo magaceeda la yidhaahdo, Dr. Virginia Soares de Souza., 56 jir, Ayaa imminka lagu hayaa xabsi Boolis ilaa inta ay baadhistu socodto. Arrintan ayaa soo shaac baxday, kadib markii la ogaaday in si deg deg ah ay u dhinteen buuk-jiifyadii ku jiray koomada ee dhakhtarka, Evangelica Hospital. Waxaa lagu soo eedeeyey in dadkii bukaanka ahaa ee ku jiray koomada ay amar ku bixisay in la yareeyo ogxajiinta, laguna shubo jidhkooda dawada muruqyada yidhka dabcisa, marka danbena uu qofku sidaa neeftu ku dhegto oo naftuna kaga baxdo. Ilaa hadda waxaa socodta baadhista amuurtaas ku saabsan, waxse marba marka ka danbaysa soo kordhaysa tirada dadka koomooyinkaa ku jiray sannadihii u danbeeyey u geeriyooday habkan. Waxaana la sameeyey guddi soo baadha 7 sanno ee udanbeysey ee ay ka shaqaynaysay, Dr Virginia, qaybta intensiv-ka. Arrintan ayaa shacabka Baraaziil, shoock ka qaadeen, waxaana werwer iyo walaac badan ka muujiyey eheladii iyagu dadkooda lagu daawanayey dhakhatarka ay haweenaydan ka hawl-galaysay. Waxaa kaloo la soo qatay 7 shaqaalo oo iskugu jira, kalkaaliyaal iyo qaar kale oo arrimahan lagu tuhmayo.

Published by: Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)
Bahda mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com
E-mayl. Editor@caafimaadka.com

mars 29, 2013 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Todoba sababood oo Dumarka ka daadiya timaha, Maxayse Kaga badbaadi karaan Waxaa soo diyaarisay Amina A. Mohamed

(Hadhwanaagnews) Sunday, March 17, 2013
waxaan si gaara u salaamayaa Hablaha Somaliland ku nool ee sida tooska ah u suga maqaaladayda, kana faaiidaysta, anigoo walaalo idiinka mahadcelinayana Email-ada salaanta iyo

waxaan si gaara u salaamayaa Hablaha Somaliland ku nool ee sida tooska ah u suga maqaaladayda, kana faaiidaysta, anigoo walaalo idiinka mahadcelinayana Email-ada salaanta iyo sharafta badani ku duugantahay ee aad ii soo dirteen.

Maanta waxaan ka hadlaynaa timaha daadanaya, runtii hablo badan baa isoo waydiiyay dhibatada timaha ku dhacda, Hadaba markii aan eegay codsiyo

badan oo ah xaga timaha daadanaya, sidaa darted, marka hore timahan go?aya qaarkood waxa keena xaalad caafimaad daro iyagoo xoog u go?a marka la maydhayo , timo aayar aayar goaya oo nafaqo la?aani hayso, iyo timo daryeelid la?aani ku dhacday daadashadooda .sababahaana keena marka hore. Hadaba, waxaa jira todobada sababood oo ugu badan dhibta soo gaadha timaha dumarka xoogna u daadiya, waana kuwan hoos ku qoran:-
1. Low iron levels——dhiiga cas oo aad u hooseeya
2. Thyroid disorder——-hoormonka timaha la shaqeeyaa oo dhibaato soo gaadhay
3. Post-pregnancy hormonal changes—dumarku markay umulan oo iyadana hoormankoodu is badalo sababtana timahoo daata
4. Stress—–walbahaar welwelka badan, hurdo la?aanta badan
5. Medicaiton—-qofka dawooyinka qaata
6. hair colours—— dawooyinka timaha midabka laga badalo hadii uu qofka jidhkiisu diido, ka bacdi timaha xoog go?a
7. Low deficient diet——Nafaqada jidhka oo aad u hoosaysa iyadana timaha xoog u go?a
Dhibaatooyinkan aan kor ku soo sheegay waa noocyada ugu badan eek u dhaca dumarka, timahoodana khasaare soo gaadhsiiya, wallow Somali ahaan aanaynu uba roonayn timaha ama aanaynu ahayn kuwo ka shaqeeya, hadana gabadhina ma jecla timaheeda oo go?a. Dhibaatooyinkan qaarkood waxaa sababa nafaqo darada jidhka.
Sideenaba Somali ahaan waxaynaa cunaa cuntooyin aan haba yaraatee quruxda gabadha waxba ku soo kordhin, oo ay ka mid yihiin bariiska huuriska, baasto iwm. Cuntooyinkan ayaa ah kuwo naftaada uun u samaynaya awood aad ku noolato se jidhkaagu wixii uu qaban laha ama kugu shaqayn lahaa adna aad u heli lahayd qurux dhalaalaysa haba yaraate kama helaysid cuntooyinkeena. Hadaba habloow sideedaba quruxda dumarka ayaa ah inaad jidhka la saaxiibtaan oo aad barataan cuntooyinka quruxda si aad uga badbaadaan timo daadanaya, jidh qayirmaya iwm.
Cuntooyinka ay cuno Somali ahaan waxaad mooda dhamantood inay yihiin cunto cafimaad daro kugu hogaaminaysa, tusaale ahan hadaan idiin soo qaato cuntada bisbaaska badan, saliida badan, subaga badan iyo sonkorta badan, intaasoo dhami wa u cadaw jidhka dumarka iyo timahooda.

Read the rest of this post »

mars 17, 2013 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Daawo barnaamijka caafimaadka ee Kulan show

mars 17, 2013 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Biyo caafimaad leh (Hereri iyo Hargeisa Biyo Kuluule Berbera 2013)

Sannadkii hore horaantii ayey ahayd markii aannu (mareegta caafimadka) soo gelinay video ka hadlaya Biyo Kuluule, oo ah goob biyo dur-dur ah, oo dadka xanuusanaya tagaan, si ay caafimaad uga helaan biyahaas. Waa biyo Ilaahay ku manaystay, in ay maraan buuraha dhexdooda.
Waxaana marba marka ka danbaysa sii kordhaysa tirada dadka buka ee soo booqanaya goobtaas. Dadka buka oo ka soo hayaamaya geyiga ay soomaalidu degto. Bal haddaba akhristoow nala daawo qaybtan 2aad ee Biyo Kuluule.

Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)
Bahda mareegta caafimaadka
www.ccafimaadka.com
E-mayl: Editor@caafimaadka.com

mars 11, 2013 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Dhacdo naxdin leh ninkii xaaskiisii iyo labada carruura ee uu dhalay dilay oo cusbitaalka guud ee Hargeysa lagu daawaynayo

Dhacdo Naxdin leh: Nin Xaaskiisii iyo Caruurtiisii Mindi Qudha kaga Jaray isaguna Xiniinyaha iska Gooyay.

Dhacadan oo Aad uga Nixisay Dadwaynaha reer Hargeysa ayaa ahayd mid aan nooceeda hore

Hargeysa (GNS)- Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Oo Ah Aabe 30 jir ayaa Xalay Saq dhexe Qudha Kaga Jaray Laba Caruur Ah Oo Uu Dhalay Iyo Xaaskiisa Magaalada hargeysa ,

Dhacadan oo Aad uga Nixisay Dadwaynaha reer Hargeysa ayaa ahayd mid aan nooceeda hore loogu arag Wadanka, Abdiraxmaan Maxamed Axmed Ayaa La Sheegay Markuu Dilay Caruurtiisa Iyo Xaaskiisa Isaguna Xiniin Yaha Iska Go’eeyey Sida Lasheegay,Isla Markaana Iminka Uu Yaalo Lagula Dabiibabayo Cisbitaalka Guud Ee Caasimadda Somaliland Ee Hargaysa

Sikastaba Ha ahaatee Arinka ayaa Dadka Reer Hargaysa Argagax Ku Riday Markii Ay Arkeen Sidan ay Wax dheceen,

Lama Oga Ilaa Iyo Hadda Inuu NInku Caafimaad kiisa Maskax ahaaneed Wanaagsantahay Balse Qaarkamid ah Eheladiisa ayaa sheegay in markii ugu war Danbaysay uu Sax ahaa oo aanu midh qabin.

2013-03-08

Source: Gabileynews
Mareegta caaafimaadka
www.caafimaadka.com
E-mayl:editor@caafimaadka.com

mars 10, 2013 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Madaxweynihii dalka Venezuela Huga Chavez oo wadnuhu istaagay

Madaxweynihii dalka Venezuela Huga Chavez oo muddooyinkii u danbeyey la il-darnaa cudurka Kansarka, Ayaa habeen hore markii ay taariikhdy ahayd 6 bishii Maarsh, ku geeriyooday dhakhatr lagu daaweeyo ciidamada dalka Venezuela, ee ku yaalla caasimadda dalkaas ee Caracas. Wiigii u danbeeyey ayaa xaaladiisa caafimaadeed aad looga dayrinayey. labadii sannadood ee u danbeeyey ayaa xaaladiisu marba marka ka dnabysa ka soo daraysay, tiiyo afar goor lagu qalay, caasimadda dalka Cuba ee Havana. laguna daawaynayey halaas. Sidii aan horeba maqaalkii hore kaga soo waramay, xaaldiisa, waxaa ku dhacay infektion adag, waxaana ugu darsantay in uu neefsan kari waayo. Wararka ka imanaya dhakhtarkaa uu ku jiray ee ciidamadda, ayaa sheegaya in heart attack badani ku dhacay intaa ka dibna uu geeriyooday. Shacabkaa dalkaas Venezuela ayaa bilihii u danbeeyey aad ugu werwersanaa xaaladda caafimaadeed ee madaxweynaha dalkooda, Hugo Chaves. Beri oo ay tahay maalin jimce ah 8 bish Maarsh ayaa la aasi doonaa madaxweynihi hore ee Venezuela, Hugo Chaves oo 58 jir ahaa. Dá dii uu ku geeriyooday raysal-wasaarihii hore ee dalka Ethiopia, Melez Zenawi sannadkii ina soo dhaafay 2012.

Muuqaalkan video mareegta caafimaadku ma caddayn karto (Caafimaadka.com can not verify this video clip) in qofkan neeftu hayso uu yahay madaxweynihii Venezuela Hugo Chaves.

Waxaa ku qoran video sida tan iyo BBC News oo laga soo xigtay.
[HOSPITAL IMAGES] President Hugo Chávez of Venezuela Death – 03/05/2013
BBC News ‎- 3 horas atrás

Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)
Bahda mareegta caafimaadka
wwww.caafimaadka.com
E-mail: editor@caafimaadka.com

mars 7, 2013 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo