Faallo/Comments

From: Nagiib
17 Ogos 2011

nagiib

Postat den 2011/08/17 kl. 6:54 e m

rooda ma iska baadhay xanuunka la yidhaahdo GERD (Gastroesophageal reflux disease) sidoo kale makugu dhacay ama ma iska baadhay xanuunka isna la yidhaahdo H.pylori ee keena gastriga somalida aadka ugu dhaca, labuda way keenaan riixda qarmuun weliba aadbay u badanyihiin dadka labadaa midkood qaba ee hadana badbreathka leh, hadii ilkahaaga iyo cirikaagu caafimaad qabaan siday adiga kula tahay waxa laga yaabaa in cudurada ay labadan cudur kow ka yihiin ku hayaan,

isku day inaad laban cudur wax badan ka ogaatid adoo raadinaya mawduucyo badan oo ka hadlaya labadan cudur.

nagiib badbreath sufferer
From: Nagiib
17 Ogos 2011

nagiib

Postat den 2011/08/17 kl. 6:54 e m

From: Rooda
ROODA
Postat den 2011/08/15 kl. 10:13 e m

Nagiib walaal waan ku salaamay marka hore , salaanta muslimka (ASCWRB)Intaa ka bacbi walaal waxaan kaaga mahad celinayaa sida aad isugu taxalujisay inaad i caawiso aniga iyo inta ila midka ah ee dhibkan ka cabanaya , walaal ilaahay ha kaa abaal mariyo adiga iyo bahda caafimaadka oo iyakuna intaa ku howlan si ay uga haqab tiraan umada somaliyed dhibka caafimaad ee haysta iyo wixii kolba talo ah ,walaal waxaad ii sheegtay oo dhan waan sameeya oo waan raacaa talo kasta ood ii soo gudbisay oo walibana waan ku dadaala ilahay ha inagau caafiyee dhamaanteen , walaal inkastoon wali dadaalkii wado hadana wali wax is badal ah maan dareemin balse ma joojinayo insha allah,
waxaan ka codsanayaa bahda caafimadka iyo adiguba wixii kale ee talo iyo tusaale ah inaad ii soo gudbisan idinkoo mahadsan ,Ilahayna ha idinka abaal mariyo , wasalaamu calaykum

From: Rooda
ROODA
Postat den 2011/08/15 kl. 10:13 e m

From: Mareegta caafimaadka.com

ASW Rooda!

Walaal waanu kaa qaadnay salaantaa qiimaha iyo qaayaha leh ee aad noo soo dirtay. Walaal waxa aanu aad iyo aad kaaga mahad celinaynaa sida geesinimada leh ee aad u soo bandhigtay dareenkaaga. Walaal waa qiso cashar wanaagsan oo dawo ah u noqonaysa dad aad u badan oo dhibtani ay haysato. Waxa kale oo ay cashar u tahay dadka kale ee aan dhibtani haysanin, in ay dareemaan dhibta intaa leéeg ee la soo derista qofka ay dhibtani haysato. Su ´aal mar hore nalaga soo waydiiyey amuurtan, ayaan ku sheegay in urta ka soo baxda afka (afka qadhmuun) ay saamayn ku yeelato qofka noloshiisa. Walaal xanuunka iyo dhibta Ilaahay baa keena , Ilaahay baana qofka ka dul qaad. Ha ka quusan rajada Ilaahay. Waxaa laga yaabaa in sabarkaa iyo dulqaadkaa, Ilaahay wax faraj ah kuugu bedelo. Ilaahayna waxa aanu kaaga baryeynaa adiga, inta
maanta xanuun u jiifta, ama xanuun hayo, in uu Ilaahay SW ka dul qaado Amiin Amiin. Waxa aanu kaaga balan qaadaynaa wixii tallo ama dawo aad ku fiicnaato in aanu kuu soo gudbino inshaanlaa.

Bahda mareegta caafimaaka

http://www.Caafimaadka.com

Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com

Rooda!
Aad iyo aad baad u mahadsan tahay mar labaad!

From: ROODA …………………………………….

2011/07/17 kl. 9:04 e m

walaal marka hore waan idin salaamay, salaan ka dib walaal waxaan qabaa cudurkaa af qadhmuunka in badana wuu i haystay dhibaato badana waan ka soo maray dhakhtarkana waan la xidhiidhay wuxuu ii diray dhakhtarka ilkaha isna waxa uu ii qoray dawo lagu luqluqdo oo waxa uu ii sheegay inay ciridka tahay ciladu masa aha oo xataa hadaan dawadii dhamaystay oo ciridkiina fiicnaaday wali way jirtaa neeftayda baa uraysa , waliba waxad mooda inay sii badanayso, walaal ma garanayo waxan sameeyo waxani mudo badan bay i haysay ,waxa dhacday xataa inaan cuqdad qaaday oon ka go’ay inaan dadka la sheekaysto ama ag fadhiisto anoo ka baqaya inay sanka iga qabsadan, waxan ahay gabadh wax baratay ,hasa ahaatee ma shaqaysto oo dadkii xataa lama shaqayn karo waxa dhacday in xataa dhow shaqo la iga eryay sababtuna tahay dadka aan la shaqeeyo oo ka cawday in aanay ila shaqayn karayn, lakiin la iigu mar-marsiiyooday wax yaabo kale aniguse aan ogahay cilada, iminka waxay noloshaydii ku soo ururtay inaan guriga isku qariyo oon qof walba ka fogaado, dhibaatada haysata dadka qaba cudurka urta afka waxa haysta dhib aan cidi qiyasi karin, wax kale iska daayoo xataa qofka aad nolosha la wadaagto kuma dul qadan karo iska daa cid kalena ,

anigu waxan haysta caruur yar-yar aabohoodna waxa uu iga tegay riixda qadhmuun ee afkayga ka soo baxaysa, isagoo waliba markuu ila joogayna igu hayay aflagaado aad u xun oo naftayda dhaawac wayn ku reebtay ,sidas ay tahay hadana wali ilaahay kamaan rajo dhigin ,waxaan ilahay ka sugayaa inaan maalin uun ilahay ka heli doono naxariis aniga iyo inta ila mid ahba , waxaana u sheegayaa dhamaan dhibanayaasha inaan noqono (strong) waa inaan adkaysi u yeelana wax kasta oo naga soo gaadha dadka kale ee iyagu noola dhaqmaya inaan anagu cudurka soo iibsanay, iga raali ahaada hadaan hadalka badiyay, waxaan uga jeeda inaan si daacad ah ula wadaago murugada ay qaban dadka ila midka ah,

adna walaal waxaan kaa codsanayaa inaad ii soo gud biso wixii talo ah ama waxad is leedahay waan kaga bogsan karaa xanuunkan
aadna walaal waad u mahadsan tahay

Waxaa soo qortay Rooda…………

Suáal? From: Faadumo

faadumo
faadumaani2000@hotmail.com
Postat den 2011/07/01 kl. 6:29 f m
magacaygu waa faadumo walaal waxaan qabaa af qadhmuun aad u daran oo aan u malaynaayo inuu ka imanaayo caloosha ilaa yaraantaydii baan lahaa fadlan markaa ii soo sheeg sida loo baadho kaa aad moodayso inuu caloosha ka imanayo waxaan joogaa somalia

Postat den 2011/07/03 kl. 3:20 e m | Som svar till faadumo.

Jawaab!

ASW Faadumo!
Walaal aad iyo aad baad u mahadsan tahay suáashaa (Af qadhmuun) aad na soo waydiisay, runtii waa suáal dad aad u badani ay na soo waydiiyeen. Urta ugu weyni marka hore waxa ay ka timaadaa afka, waxaana keenta urta , bakteriyo. Urtii ka imanaysay caloosha waxa ay soo maraysaa, oo ka soo baxaysaa sambabada. Culimada baadhista caafimadka waxa ay isu raaceen in urta ugu badani ay ka timaado afka, Waxaa jira bakteriya ku ururta oo marka danbe keenta ur, waxa ay ku ururaan xoqadaha dabadooda. Taasina qofku wuxuu moodaa in ay urtaasi ka timid caloosha. Waxa inta badan la isku raacsan yahay inurtu ka timaado afka sababo awgood. Sida su´aashaada ku qoran waxaad tidhi urtani waxay i haysay ilaa yaraantaadii, (urta aan joogsanin oo afka qalaad lagu yidhaadho (chronic halitosis). Waxaa jira cuduro keena urta ka timaada afka, waxaa kaloo jira dawooyin la isticmaalo oo keena urta. Haddii uu qofku cuno cunto xawaash badan leh ayey cilmi baadhayaashu yidhaahdaan waxay keentaa ur. Haddaba Faadumooy waa la baadhi karaa urta xoqadaha ka imanaysa ee ta caloosha way dhib badan tahay. Waayo caloosha waxaa ku jiraa intaas oo xubnood oo mid walba shaqo gaar uu qabto, haddii la yidhdho ha la ogaado ta ay ka imanayso urtu way adag tahay. Qofka ay dhibtani hayso waxa ay saamayn ku yeelaataa nolosha qofka. Habka baadhista urta xoqadaha u malayn maayo in Somaaliya laga helaayo.

Waxaan filayaa inaad ku qanacday suáashii aad na soo waydiisay.
Bahda mareegta caafimaaka

http://www.Caafimaadka.com

Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com

Su´aal
nimco
nimco@live.dk
Postat den 2011/06/27 kl. 9:15 e m
maxaa lagudawayn karaa
maxase lag hortagikara
hadawalaalo ii soo jawab hadad hesho cinwaanka

Jawaab

Postat den 2011/06/28 kl. 9:04 e m | Som svar till nimco.
Asw NImco!
Suáashaa aad na soo waydiisay jawaabteedii oo faahfaahsan waxa ay ku jirtaa qaytbtii 2 aad ee maqaalka Dhagaxaanta xamaytida oo aanu maanta soo gelinay. Laakiin haddana waxaanu jecelnahay in jawaabta laftigeeda aan halkan kuu soo dhigno.
Waanu kaa gudoonay suáashaadii qiimaha lahayd. Haddii aan isku dayo in aan ka jawaabo suáashaa aad na soo waydiisay.
Dhagaxaanta xamaytida waxaa lagu daawayn karaa laba siyaaboodba
1- Qaliin
2- Burburin
mid kalena way jirtaa daawayn.
Qaliinka waa marka xanuunku qayral caadiya yahay, ayaa waxaa la sameeya in qaliin lagu sameeyo xamaytida ka dibna kiishka xamaytida sidaa lagu soo saaro
ta labaadna waxay tahay in aan la qalin ee dhagaxaanta meeshooda lagu burburiyo.
maxaa lagudawayn karaa?
Haddii ay dhagaxaantu yar yar yihiin oo aanay qofka xanuun ku haynin looma baahna in la daweeyo, balse haddii xanuun yari jiro waa la daawayn karaa. Kolba waxay ku xidhan tahay sida uu qofku u dareemayo xanuunka iyo dhagaxaanta sayskodoa inta uu yahay. Haddii ay yar yar yihiin waa la daawayn karaa.
Maxaa lagag hor tegi karaa?
Waa su´aash 2aad ee aad na soo waydiisay
Waxaa lagaga hortegi karaa qofka oo iska yareeya
Waxaa wanagsan oo lagaga hortegi karaa xamaytida ama qofka qaba ee ay hayso xanuunkan xamaytida waxaa wanaagsan in uu aad uga taxadaro cunida khudrada ee ay ka mid yihiin
• Tufaaxa
• Basasha
• Barbarooniga
• Khijaarka
• Kaluun la dubay
• Cuntada habeenkii goor danbe la cuno
Si kalena waa loo daawayn karaa xanuunka xamaytida in kiishka xamaytida gebigiisaba la saaro oo qalintaan lagu sameeyo meesha uu ku jiro ama in dhaxanaata meeshooda lagu burburiyo.
Aad baad u mahadsan tahay suáalahaa aad na soo waydiisay.

waxaan filayaa in aad ku qanacday suáashaas jawaabteedii
Bahda mareegta caafimaaka

http://www.Caafimaadka.com

Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com

From: Caafimaadka.com Jawaab celin ku socodta Jaamac
Postat den 2011/04/22 kl. 8:25 e m |.
Asalaamu Calaykum Jaamac!
Waanu kaa qaadnay salaantaa qiimaha leh ee aad noo soo dirtay, aad iyo aadna waa ugu mahadsan tahay. Intaa ka dib, haddii aan isku dayo suáashaas jawaabteeda. Jaamacow, waxaa jirta sheekooyin caalamiya (international) oo soomaalidu kala siman tahay dalal badan oo dunida ka mida. Waxaa jira sheekooyin dibedda inooga yimid, hase yeeshee ay dadka soomaalidu aaminsan yihiin in sheekooyinka khurafaadka ahi ay soomaalida ka soo jeedaan ama ka yimaadeen. Haddaba aan u soo noqdo jawaabta suáashaas
”walaal caafimaad ahaan maxay udhimay saa ninka galmad malintii duhur ka bacdal qado ka dib” ”Jaamac”
Waxaa jira dalal badan oo dunnida ka mida, oo aaminsan sheekadan khurafaadka ah, in haddii uu ninku u galmo sameeyo maalinta cad , bacda duhur ama qadada ka dib in caafimaadka jidhkiisa ay wax iska bedelayaan ama ay wax u dhimayso. Haddaba arrintas wax si cilmiyan u sheegaya ma jirto ee waa sheeko dadku ay aamineen. Haddii ay dhici lahayd waxa hubaala in arrintaa mar hore la shaacin lahaa oo lagu soo qori lahaa warbaahinta dunida, dhakhaatiirtuna ay ka waanin lahaayeen dadka in ay taa sameeyaan. Markaa halkaa waxaa innooga cad in aanay sheekadani aynu kor ku soo xusnay aanay jirin.
Waxaan filayaa in aad ku qanacday jawaabtaas
Bahda mareegta caafimaaka

http://www.Caafimaadka.com

Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
From: Caafimaadka.com Jawaab celin ku socodta Cabdalla
caafimaadka.com
Caafimaadka@gmail.com
80.217.163.133
Postat den 2011/04/19 kl. 7:32 e m | Som svar till cabdale.
Salamu Calaykum Cabdale!
Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay suáashaas aad na soo waydiisay. Haddii aan si saxa aan u fahmay suáashaada waxaad u jeedaa HIV. Haddii ay suáashu tahay HIV, astaanta lagu garto HIV.
Kelmada HIV, waxaa loo soo gaabiyey (human immunodeficiency virus). Haddaba waa xanuun dila difaaca jidhka. Waxaa jira laba siyaabood oo caana oo lagu qaado HIV-ka
1. Galmo
2. Dhiig Shubid (blood transfusion)
Haddaba calaamadaha lagu garto HIV waxaa ka mid qodobadan hoos ku xusan
* Daal badan
* Xanuun xagga cunaha
* Miisaanka jidhka oo hoos u dhaca bilaa sabab
* Infektion soo noq-noqda oo marinka hawada ku dhaca, iyo maqaarka oo haddii ay wax soo gaadhaan aanla daawayn karin, haddii nabar maqaarka ku dhacana inta uu bogsanayo ay wakhti dheer qaadato
* Xumada
* Qanjidhada oo barara
* Calool shuban
* Nabaro afka ka soo baxa
* Dhidid habeenkii ka yimaada qofka
* Infektion raagay oo jidhka muddo dheer ku soo jiray ama jiifay
Iyo calaamado kale.
* Xanuun xagga sambabada
Haddii aad calaamadahan ama astaamahan aynu kor ku soo xusnay qofku isku arko waxaa wanaagsan in uu is baadho oo dhakhtar u tago
Waxa aan filayaa in suáashaa jawaabteeda aad ku qanacday.
Calaykum Wasalaam
Bahda mareegta caafimaaka

http://www.Caafimaadka.com

Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
Suáaal?
cabdale
caliaxmed189@HOTMAIL.COM
196.201.206.73
Postat den 2011/04/19 kl. 5:17 e m
BISMILAAHI RAMAANI RAXIIM
WALAALO MARKA HORE WAXAAN
IDN KU SALAAMAYAA
SALAANTA ISLAAMKA
SALAAMACALAYKUM WARAX MATULAAI
WABARAKAATAHU
SALAAN KADIB WAXAAN DOONAYAA
IN ANWAYDIIYO DHAKHTARKA
ASDAAMAHA XANUUNKA LAYIDH
HIVGA SIDA AAD U OGAATO INTAANAD
DHAKHTAR UTAGIN

caliaxmed189@HOTMAIL.COM
cabdale

admin. From: Caafimaadka.com Jawaab celin
caafimaadka.com

Postat den 2011/04/13 kl. 9:43 e m | Som svar till bushra.
Calaykum wasalaam Bushra.
Aad iyo aad baad u mahadsan tahay dhiirigelintaa qiimaha leh ee aad noo soo dirtay. Waanu kaa gudoonatay Ilaahay hakaa abaal mariyo.
Bahda mareegta caafimaaka

http://www.Caafimaadka.com

Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
ahmad nur ahamad
ahmadaaninuur2011@hotmail.com
196.201.205.55
Postat den 2011/04/12 kl. 2:27 e m
salaama calaykum

Bare
farax100@yahoo.com
66.41.93.56
2011/03/24 kl 3:38 f m

Waad ku mahadsantahay sida wanaagsan ee aad wax noogu sharaxday,laakin waxaan fahmin sida xisaabta aad u qortay.

Ma waxaad kala jedaa calaamadan ”,” Decimal? Mase waxaad kala jedaa waxa loo yaqaano ”Comma”?

Aniga waxaa ila sax ah sida tan; 0.05!

Halista shucaaca nukliyeerka ku yeesho caafimaadka
1 #
ahmed
bardaalee@hotmail.com
196.201.207.61
2011/03/18 kl 7:14 f m

walaalo dhakhtarka waan ku salamayaa walaalo suaal ayaan ku waydiin lahaa insha allaahu ilaahay ayaa kuu fududayndoonee

walaalo muddo ayaan ka bukaa caloosha markaas shaybaadhkii ugu dambeeyay waxaan tegay dubai waxaa laygeliyay indiscopy ama tuubada caloosha sawirkii soo baxay waxaa uu noqday baago madmadaw caloosha oo yeelatay waxaa lay qoray daawo waa dhamaatay hadda waxaan qaataa nexium.cuntada ka hor habeen kasta waxaan joogaa hargeisa ila tali walaalo welina xanuunkii waa i hayaa .waad mahadsan tahay walaalo

U dul qaadasho la’aan sonkorta caanaha (Lactose intolerance)
1 #
admin
caafimaadka.com
abdirahman72@hotmail.com
80.217.174.44
2011/03/24 kl 10:04 e m | Som svar till ahmed.

Asw
Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay Bardaalee. Jawaabtaa waxaad ka heli kartaa e-maylkaaga.

salamu calaykum
Bahda mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com

U dul qaadasho la’aan sonkorta caanaha (Lactose intolerance)
2 #
mohamed hassan
mohahha@gmail.com
88.112.230.64
2011/02/26 kl 11:04 e m

As,c www walaal waxaa loo baahan yahay in aad ku qorto luqadda soomaali midda la qoro !! kalmadaha aad istecmaasho waa kalmaddo u babahan in qofkale la weydiiyo anigoo soomaali ah aan garan waayo marka walaal waxaa laga yaabaa in dad kale oo ila mid ah ay jiraan laakiin ay iska daayaan im ayku yiraahdaan eraygaasi waa maxaay iwm!!
sida (Cun cunto leh buushe badan)

ulama jeedo xumaan iwm!!
wa bilaahi towfiiQ

Babaasiir

Asalaamu Calaykum

Maxamed Xasan, waad ku mahadsan tahay tallodaas aad na soo siisay. Waxaanu aad iskugu taxaluujinaa in luqada lagu soo qorayo ama ay ku soo baxayaan maqaaladu noqdaan af la fahmi karo. Waan dedaalaynaa inshaanlaa.

waad mahadsan tahay.

Bahda mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com

Asalaamu Calaykum Maxamed Xasan, waad ku mahadsan tahay tallodaas aad na soo siisay. Waxaanu aad iskugu taxaluujinaa in luqada lagu soo qorayo ama ay ku soo baxayaan maqaaladu noqdaan af la fahmi karo. Waan dedaalaynaa inshaanlaa. waad mahadsan tahay.

Bahda mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com

abtor54@hotmail.com
65.95.186.84
2011/02/19 kl 11:19 f m

Walaalo wax fiican baad qabatay lakiin Joonis ama Cagaarshow cudur ma aha laakiin waa calaamado lagu garto xanuunkaa iyo xanuuno kale
Walaalo wax fiican baad qabatay lakiin Joonis ama Cagaarshow cudur ma aha laakiin waa calaamado lagu garto xanuunkaa iyo xanuuno kale
abtor54@hotmail.com
Abdi

Daacuun (Cholera)
1 #
YUSUF IBRAAHIM
yousuf55-@hotmail.com
77.239.41.151
2011/02/05 kl 11:22 e m

ASC WR WB,
WAAD SALAAMAN TIHIIN DHAMAAN TIIN, WAXAAN U BAAHNAA INAAN HELO MAQAALO KA HADLAAYO CAAFIMAADKA RAGGA GAAR AHAAN KAADI HEYSTA SIDA PROSTATADA ,WAXA KEENA IYO SIDA LOODAAWEEYO IYO WAX YEELADA EEY KEENI KARTO INTA EEY KU HEEYSO , WALOOW AAN QABO SU AALO BADAN , MARKA HORE AAN JAWAAB ISIN KA HELO. WAADMAHADSAN TIHIIN. YUSUF
yousuf55-@hotmail.com
YUSUF IBRAAHIM

Cilmi-baadhid Ku Saabsan Riixada Qadhmuun Ee Afka Dadka Ka Soo Baxada *Af Qadhmuun-ka*

admin
caafimaadka.com
abdirahman72@hotmail.com
80.217.174.44
2011/03/24 kl 10:11 e m | Som svar till YUSUF IBRAAHIM.

Yusuf! Waanu kaa qaadnay salaantaas. Maqaalo badan ayaanu soo diyaarinaa, kan Prostatada, ee aad na soo waydiisayna qorshaha ayuu noogu jiraa in aanu soo daabcano inshaanlaa wakhti dhaw ee la soco inshaanla

Bahda mareegta caafimaadka

nima_qawdhan30@hotmail.com
196.201.207.191
waxa aan u hambalyeynayaa dhalinta ay ka soo burqatay maskaxdooda in ay sameeyaan mareegtan wax loo baahan yahay ay tahay.
ka sii wada halkaa waa fikir runtii aad u naajixa.

Mahamed Aden Guun (MOHAMED IT)
guun80@hotmail.com
196.201.207.191 2011/01/08 kl 2:46 e m
Salaamu Caleekum Marka Hore
Marlabaad dhamaan cidii ka qabqaadatay sameenta ama hirgilinta website-kan aad ayey u mahad san yihiin.
Runtii waa arimaha loo bahan yahay in lagu soo kor dhiyo bulshadeena, isla markaana calaamad u ah horu marka ubadi leedahay…
Waxaan Leeyahay hore usii wada ha kadaalina, waana arin juhdi iyo dadaal ubaahan se faa’iido leh…

Salaamu Caleekum Marka Hore
Marlabaad dhamaan cidii ka qabqaadatay sameenta ama hirgilinta website-kan aad ayey u mahad san yihiin.
Runtii waa arimaha loo bahan yahay in lagu soo kor dhiyo bulshadeena, isla markaana calaamad u ah horu marka ubadi leedahay…
Waxaan Leeyahay hore usii wada ha kadaalina, waana arin juhdi iyo dadaal ubaahan se faa’iido leh…
guun80@hotmail.com
Mahamed Aden Guun (MOHAMED IT)
0

Ka TImid Cumar Bile Adan
Salaan diirran ka-dib, Allaa i leh cadkeedaley! Waa fekred fiican. Hadda ayaa
la helayaa erey-bixintii caafimaadka inta ka dhiman.

Hambalyo
Waa Cumar

physiotherapist jobs
physiotherapistsite.com
cageattaisy@gmail.com
188.143.232.39 2011/01/11 kl 1:49 f m
I’ve recently started a blog, the information you provide on this site has helped me tremendously. Thank you for all of your time & work.

I’ve recently started a blog, the information you provide on this site has helped me tremendously. Thank you for all of your time & work.
cageattaisy@gmail.com
physiotherapist jobs

http://www.physiotherapistsite.com

Paula Latimer
skidkisale.wordpress.com/
Levell@gmail.com
90.182.221.118
2010/10/21 kl 1:17 f m

Hi, It’s excellent to see sites with bing and thanks for the share that you’ve given. Commonly, I’m really amazed, but etc.

23 Responses

  1. Nima Adem - januari 3, 2011

    waxa aan u hambalyeynayaa dhalinta ay ka soo burqatay maskaxdooda in ay sameeyaan mareegtan wax loo baahan yahay ay tahay.

    ka sii wada halkaa waa fikir runtii aad u naajixa.

  2. Mahamed Aden Guun (MOHAMED IT) - januari 8, 2011

    Salaamu Caleekum Marka Hore
    Marlabaad dhamaan cidii ka qabqaadatay sameenta ama hirgilinta website-kan aad ayey u mahad san yihiin.
    Runtii waa arimaha loo bahan yahay in lagu soo kor dhiyo bulshadeena, isla markaana calaamad u ah horu marka ubadi leedahay…
    Waxaan Leeyahay hore usii wada ha kadaalina, waana arin juhdi iyo dadaal ubaahan se faa’iido leh…

  3. admin - januari 14, 2011

    Salaamu calaykum

    Aad ayaad u mahadsan tahay faalada aad ka soo bixisay mareegta iyo dhiiri galinta aad na siisayba.

    kuna soo dhawaw ka qayb qaadashadeeda.

    Abdirahman

  4. shaakir - maj 21, 2011

    waan kus alamay walaal asc
    walaalw axan joga wadan ka itoobiya \
    islaan ayaayday aha yaa xanuun sanaysa waxaanamarkii hore dhabarka ka qaniinay daanyer
    mudo kooban kabacdii ayaayday waxaa wada bararay qanjidhada oo wada bararay meelkasto qanjidh yahay kuwa kil kilada iyo kuwo lugaha iyo cunaha dhamaaan
    dhakhtaro badana waan u tagnay waxay dhahen garan mayno xanuunkan dhaceen ayaay ka qaaden nabarka iyo dhiig waxba waa laga waayay
    hadana waa karaysa nabaraduna mana waa waynayaan mana yaranayan
    markaa bal walaal ila soo tali waxanu samayno daawada laga qaato ama baadhitanka dhakhtarada itoobiya waxay dhahen waanu qalayna mid kamida qanjdahda ka dib dibada ayaan udirayna anagu waanu diidnay asc

  5. xirsi cali - juli 9, 2011

    waxaad ii ga soo jawaabtaan su aal han
    1– malagaran kara raa calaamadaha qof ka madhaleys ah
    gabadh iyo nin kuu doono ha ahhto in taan loo ti gin dhakhatar
    2–wamaxay cudurka isfiilatadu mawaalidadaa
    3–majiraan calaamado lagu gartaa isfiilatada in taan dhakhtar loo tagin

  6. admin - juli 11, 2011

    ASC Xirsi Cali!

    Aad iyo aad baad u mahadsan tahay Xirsiyow. 3 Suáalood ee aad na soo waydiisay haddii aan ka jawaabo. Waxaa jira calaamado laakiin, calaamadahan haddii uu qofku isku arko macnaheedu maaha waa madhalays qofkaasi.

    Waxaa jira calaamado ragga iyo dumarka lagu ogaado, calaamadahan waa in labada qof ee iska qaba ee aan wax ubada kala helin laga helaa.

    Tusaale ninka oo kale Ninka haddii miisaankiisu aad u kordho ama hoos u dhaco ayaa la yidhaahdaa waa calaamadaha lagu garan karo.
    Fiiro Gaara!
    Waxaa muhiima in la ogaado, raga iyo dumarkaba qaarna calaamadaha way dareemaan qaarna ma dareemaan. Waxaa markaa aad iyo aad u muhiima in dhakhtarka aad la kulmayso aad si fiican ugu balbalaadhisid sida aad wax u dareemayso, si markaa loo ogaado cilada saxda waxa ay tahay (correct diagnosis)
    Gabadha calaamadaha lagu garan karo, waxaa k mida haddii isbedel ku yimaado jidhkeeda, tusaale, haddi xaydkii dhiigga iska waydo, dareento xanuun boga. finan aan baa-bayn oo marwalba soo baxa iyo miisaanka oo kordha. Weli waxa aan aad iyo aad aan uga afeefanayaa haddii uu qofku calamaadahan isku arko kuu doono ha noqdee rag/dumar macnaheedu maaha waa madhalays. Madhalaysnimada waxaa la ogaan karaa marka labada qof ay ubad isku dheli waayaan ee baadhitaan badan la sameeyo ayuunbaa la ogaa karaa.

    Xisri suáashaas jawaabteeda waxaan filayaa in aad ku qanacday. Labada suáalood ee kale jawaabtooda waxa aad ka heli kartaa link-kan hoos ku qoran
    http://www.ladaneey.com/?p=3111 suaashi istifaalda

    Suáalo u soo qoray/waydiiyey Xirsi Cali.

    waxaad ii ga soo jawaabtaan su aal han
    1– malagaran kara raa calaamadaha qof ka madhaleys ah
    gabadh iyo nin kuu doono ha ahhto in taan loo ti gin dhakhatar
    2–wamaxay cudurka isfiilatadu mawaalidadaa
    3–majiraan calaamado lagu gartaa isfiilatada in taan dhakhtar loo tagin

    Aad iyo aad baad u mahadsan tahay suáalahaa aad na soo waydiisay.

    waxaan filayaa in aad ku qanacday suáashaas jawaabteedii

    Bahda mareegta caafimaaka
    http://www.Caafimaadka.com
    Editor@caafimaadka.com
    caafimaadka@gmail.com

  7. luqman cabdi - januari 6, 2012

    asc wr

    su’aal ban idin waydinaya bahda caafimad

    1: waxaan iskaga shakiyay xanuunka hiv/aids shakigii ilaa sanad camal markuu ihayay ayaan waxaan tagay baaritaan europe wadan ka mid ah waxaa layiri ma qabtid xanun kaas hadana mudo kabacdi baan ku noqday waxaa la’iyiri hadana maqabtid laakin xanuun baa ihaya ilaa hadana xanuun ka ihaya waan garan la’ahay caalamadaha aan isku arkay kuli waxay shabahan dadka qaba xanuunka aids ka marka maxaan samayn kara talo iyo jawab baan idin kasugaya thnks.

  8. gabar somaliyeed - januari 21, 2012

    salaam calaykum bahda caafimaadka hambalyo ayaan idin lee yahay marka hore marka xigto sualo ayaan qabaa wana rajaynaa in aad iga soo jwabtiin idinka oo mahadsan.

    marka hore aniga xaas ayaan ahay waxana iijoogto 3dax caruur gabadhayda ugu yar marka aan dhalay ayaan ninkeyga weydiistay in aan isxiro maadama aan dhabar xanuun iyo jiro ka bixi wayay
    wuuna iga ogolaaday waxan qabsaday 2sano cml si aan usoo kabto waxaana isku dhuftay cirbada 3dax 3dax bilood ah oo 3mar aan qaday kadibna caadadayda qalad galay wana iska joojiyay hada gabdhayda ugu yar4sano ey jirtaa sanad kahor ayey ilmo iga soo dilmeen markii aan iska joojiyay cirbadii ilmo xireenka aheed.gaalada aan la daganahay marka aan utago dhaqtarka aan dhaho ilmo ayaan rabaa ee maxaa iga qalmaday maxaanu dhali la ahay waxay i yaahdaan wali hormonkaada sooma kabsan hadana ninkeyga illahay kheyr ha siiyo lkiin nafta uu ii keenay ilmo ilmo uu kuhaayaa anina meel aan wax ka bilaabo ma aqaan ee fadlan i caawiya tan kale wajigayga nabro anan iga baa bi’in aan ku arkay dhabar xanuun iyo mindhiciro xanuun ayaan ka bixi la ahay. waxaan ka cabsanaa in aan ilmo danbe dib u dhali waayo ee maxaan samayn karaa talo illaahy ayey u taal lkn intee wax ka bilaaba. wadna kumahadsan tihiin kun jer shaqada aad somaliweynta u heysiin

  9. admin - januari 22, 2012

    ASWW Hibaaq!

    Hibaaq, waanu kaa qaadnay salaantaa qiimaha leh iyo hambalyadaa aad noo soo dirtay. Aad iyo aadna waad ugu mahadsan tahay suáashaa aad na soo waydiisay. Si fiican ayaan u fahmay su´aashaada.
    Suáasha ku saabsan irbada ilmo iska joojinta. Marka hore waxa aan aad iyo aad kuugu amaanaya sida aad arrintan ninkaaga ugala tashatay. waa arrin aad iyo aad u wanaagsan, badanaa waxaa dhacda in ruuxa dumarkii ay is xidho, iyada oo aan ninkeeeda kala tashan , ka dibna ay dhibaato halkaa ka timaado. Markaa si fiican baad yeeshay in aad ninkaaga arrinkaa kala tashato, waayo dadku marka ay is qabaan ee reer wada leeyihiin ee nololna ay wadaagaan waxaa aad u wanaagsan wixii noloshooda saamaynaya in si wanaagsan uga wada hadlaan.

    Markaa arrintaa waan kugu amaanayaa runtii Hibaaqeey. Aan u soo noqdo suáasha jawaabteeda. Waxaba walba waa qaadar Ilaahay ilmaha waxaa haya Ilaahay. Ilaahay uunbaa qofka ubad siiya ma dhalaysna ka dhiga. Markaa Ilaahay ugu mahad celiya in uu 3 carruura idinka dhex abuuray. Malaayyin dad ah oo dunnida ku nool ayaa maanta aan carruurna xataa midn dhahoo aan haysan oo bilaa caruurra (Goblan) ayey soomaali tidhaahdaa.) Markaa haddii ilmo kaa soo dhaceen waa qadar Alleh. Waan dareemayaa in culays ku haysto oo ninkaagu doonayo in aad carruur u dhasho. Si yar oo deggen ula hadal oo ka dhaadhici sida ay tahay, mid kalena waad samayn kartaa si ninkaagu u ogaado oo u qanco dhibaatada ku haysata isku raaca dhakhtarka, dhakhtarkuna isagoo maqlaya ha u faafaahiyo dhibaatada ay keentay irbadan ilmo joojintu. Intaasi waa faallo yar. bal imminka aan u soo dego suáasha jawaabteeda.

    Irbadan Contraceptive injection, waa mid sidaad sheegtay 3 goor oo kala duwan la isticmaalayo. Irbadan ilmo joojinta waxaa ku jira hormuuno ama dheecaano, hormuunada ku jira tan irbada waxa ay isku hormuuno yihiin hormuunada ku jira dawooyinka kale ee ilmo joojinta ee mini pill and p-rod. oo kale. Taasoo saamayn ku yeelanaysa , ilmo galeenka iyo afka hore ee ilmo galeenka, si markaa dawadani uga horrtagto in aanay ruuxa dumari uur qaadin. (shaqada weyn ee ay qabanayaan dawoodyinkani waa sidii ay uga hortagi lahaayeen uur qaadista).

    Haddaba irbadan ilmo joojinta waxaa ku jirta hormuuno ka awood badan dawooyinka kale ee ilmo joojinta, maadaamoo loogu talo galay in ruuxii dumari ay qaadadto 3 bilood mar. Maadaamooy hormuunadu ku bdan yihiin irbada ilamo joojinta, waxay keentaa laba dhibaato oo kal ah

    1- In ruuxii dumari iska waydo oo aanay helin ug-xaan
    2- In xaydkii (caadada) joogsato oo ruuxii dumari iska waydo.

    dhakhaatiirtu ku-lama taliyaan in hablaha dumarka yar yar ay isticmaalaam Irbdadan ilmo iska joojinta,, maadaamoo hormuunada ku jiraa ay sareeyaan. Waxa la yidhaahdaa waxa ay wax yeelaysaa gabadha yar lafaheeda jidhka, haddii markaa ay gabadhu tahay ruux yar, khatarteeduna tahay in gabadhu haddii ay isticmaasho irbadan ay lafaheeda jidhku khafiifaan noqon doonaan mustaqblka marka ay waynaato.

    Bal haddaba aynu eegno irbadan ilmo joojinta waxa ay ku fiican tahay iyo waxa ay ku xun tahay. Positiv/Negativ

    Positiv
    - Waa hubaal in aanay ruuxii dumari uur qaadayn

    - 3 bilood mar ayuun baad isticmaalaysaa

    - Xaydkii/caadadii dhiigga oo joogsanaya ( Faallo yar ma positiv baa in uu joogsado xaydku mise waa negativ)

    - Waxa ay ka hortagtaa kansarka ku dhaca afka hoe ee ilmo galeenka

    - Haddii qofku dumari uu ku dhici jiray Migren (Dhanjaf) marka ay caadadu u timaado waa uu ka tagaa migrenku (dhanjafku)

    - Waxa ay ka hortagaa mataga iyo shubanka

    Intaasi waa positiv ka ay leedahay irbadan ilmo joojintu.
    Haddaba bal aynu eegno waxa ay ku xun tahay isticmaalkeeda (negativkeeda)

    1- Kama hortagto cudurada la isku gudbiyo galmada
    2- Hormuunda oo saamayn ku yeesha dumarka, tusaale qofka oo madax-xanuun ku dhaco, wejiga oo finan ka soo baxaan, abteedka cuntada oo kor u kaca ama uu qofku dareemo diiqad (depration)
    3- Waxa leedahay khatarteeda oo ah in Lafaha jidhka oo khafiifa noqda marka uu qofku waynaado
    4- Waxa ay keentaa dhiig badan bilaha ugu horreeya ila muddo 6 bilood gaadhaysa
    5- Xaydka dhiigga oo joogsada, taasoo qofka ku abuurta shaki ah ma uur baan leeyahay mise ma lihi
    6- Muddo dheer ilaa 6 bilood ama in ka badan in ay qaadato in ay ug-xaantii dib u soo noqdaan ama ay shaqeeyaan, ka dib markii uu ruuxa duamri ay isticmaashay irbada ilmo iska joojinta.
    Sidaa darteed ayaanay ahayn dawo wanaagsan haddii ay ruuxii dumari doonayso in ay dib u qaado uur.

    Intaasi waa suáashii aad na soo waydiisay jawaabteedii. Dhinacan dhabarka iyo mindhicirada. waxa aan talo ahaan kuu soo jeedin lahaa in aad is baadhao oo aadla xidhiidhi dhakhtarkla degmadaada ama magaalda aad degen tahay.
    Socodka badi
    Qolooyinka ku takhasusay dhabar xanuunka waa kuwan hoosta ku qoran ee marka hore la xidhiidh dhakhtar caadiya, waxaa laga yaaba in uu kuwan hoosta ku qoran kuu gudbiyo
    A physiotherapist,
    chiropractor
    naprapath
    Mahadsanid Hibaaq

    waxaan filayaa in jawaabtaa aad ku qanacday
    © Copyright 2012 | mareegta caafimaadka
    All Rights Reserved

    Bahda mareegta Caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    E-mail: editor@caafimaadka.com
    E-mayl: caafimaadka2011@gmail.com

  10. gabar somaliyeed - januari 24, 2012

    salaam calaykum marka hore marka xigto waad ku mahadsan tihiin jwabta aad isii seyn wana ku farxay illahayna dad la an nama dhigoaamiin maanta meel aan wax ka bilabo aad iisheegteen talada aad isii seena waan qatay walal shalay waa shey xaraan ah lkn irbadan waan ka shalayay yaraan iyo aqoon la aan ana ii geysay
    qof islam ama gaal ahna kuma taliyeen. insha allahna wax kaste kheyr ayey ku dhamaan doonaan dhaqtarkana waanba balan saday wana u socdaa insha allah dhaqtiirta aad magacyadooda isiiseena waan raadsan doonaa. illahay ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo kun jeer iyo ka badana wad ku mahadsan tihiin bahda caafimaadka illahay shaqadiina ha idin fududeeyo aamiin

  11. admin - januari 25, 2012

    Asww Hibaaq!

    Waa Alxamdulilaah mar haddii ay ku soo gaadhay jawaabtii aanu ku soo dirnay. adigaa mudan. Waxa walba waa qadar Alleh, waxba ha shalaynin ee Ilaahay talo saaro. Ballantaa aad la ballansan tahay dhakhtarkana way fiican tahay waxaanu kuu rajeynaynaa in uu noqdo mid natiijto fiican oo aad ku qanacdo aad ka hesho Inshaanlaa.

    Salamu Calaykum

    Bahda mareegta Caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    E-mail: editor@caafimaadka.com
    E-mayl: caafimaadka2011@gmail.com

  12. nasro - mars 17, 2012

    Asc waxan sigarasalan hawada uguarinaya admin iyo dhaman dhaqadiirta kale wana inkaga.mahad celinaya sida.wanagsan ee ad noga jwbaysin sualehena aniga waxan qaba calool xanuun markasto oo an cunto cuno calosha ayaa I majirmesa asbuucna caloshayda way. Socota asbuucna waa caadi cuntadana kor ayay igu solabane waliba.markii an wax sugale an cuno ama wixii dufan lodhaweyayba waxa moda in an gaas qabo oo kale dhowr marna kamirad ayaa calosha layga fiiriyay wana lega wayay. Gaas marka waxana darema caloshayda way iska kacsantahay markasta wayna qaylinesa hawa badan aan darema oo calosha way I olosha afkena wuu uraya oo neeftayda ayaa uresa saaid afkena dhanaan waaye macnaha qaraar aan darema dhadhanka candhuufteda waxana darema mudo halsano ah. Marka dhaqtarkana walow aan yurubta joogo oo anan luqada sifacan u garanayn dhowr mar aan laxariiray. Marka gaasta calosha in ay rayan u qatay markan webkina. Aqriyay. Marka maleyehay. Wax dawo ah oo caloshayda normal ku so celinaya Maxan samenkara bal tala isiya cunto nucesa cuni kara baltalo isiiya ajar alaha idinka siiyee wana mahadsantin dhamantiin

  13. Daud - mars 18, 2012

    asc wr wb dhamaan walaalha muslimiinta ah ee waxa ka yaqaana cfmka ama ka talo bixi waxa aan idinka codsanyaa talooyinkiina wanaagsan in aad igu caawisaan waxa aan ahay wiil dhalin yaro waan xanuursanayaa waxa i bararan halka feerihu ku dhamaadaan ee migta mana ahan gudaha ee waa dibada sidoo kale waxa iga bararan kilida bidix dusheeda baaritaan cfmd waan sameeyo 3 jeer ayaan computer isi saaray 3 daqtar oo kala duwan oo aan is lahaa waa kuwa igu wanaagsan lkn weli kuma bogsoon midna daawadiis xanuunkeygu waa soo kordhaa waan cuni karaa waana cabi waana hurdaa lkn hadana waxaa ihaa xanuun aan deersanahay waxaana isaaran barar aan isha ku dareemaayo boqa iyo kilida dusheeda labada fadlan icaawiya maxaan sameeyaa mahadsanadiin

  14. Daud mohamed - mars 31, 2012

    asc dhamaan walaalaha

    salaan qaali ah ka dib hadii aan iku dayo in aan ka jaqaabo su’aalihii teamka caafimaadku isoo wadiiyeen ee ku saabsanaa xaaladayda caafimaad horta cuntadaydu waa wanaagsan tahay sida dadka caafimaadka haysto ayaan kala mid ahay hurdaduna waa ok barar cagaha saaran ma jiro wadnaha garaaciisu mar mar waa saaid dhiigaygu waa caadi miisaankaygu waa caadi kaadidu waa igu badan tahay
    gaar ahaan habiinkii ilaa sedex jeer ayaa laga yaabaa in aan tooso habiinkii kaadi darteed dhanka kale dadaalada aan sameeyay waxa aaan u tegay dhakhaatiirti aan islahaa xaaladaada waa ay fahmi karaan muqdishu hargeisa iyo boosaaso sededaba waan tagey dibada mooyee gudaha somalia iiguma dhina marka walaalayaal waad mahadsan tihiin sida wanaagsan ee emailka aad iigu soo dirteen waana idiin mahad celinayaaa ilaaheyna caafimaad ayaan ka rajaynayaaa
    waad mahadsan tihiin
    Daud mohamed
    Mogadishu somalia

  15. admin - mars 31, 2012

    ASW Daud Mohamed!

    Waad salaaman tahay, waanu helnay fariintadii Ilaahayna waxaa aanu kaaga baryeynaa adiga iyo inta maanta xanuusanaysaba caafimaad qab inshaanlaa

    Salamu calaykum

    Mareegta caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    Emayl: Editor@caafimaadka.com

  16. Khadra - april 2, 2012

    Ascww, Salaan kadib walaal waxaan jecelahay inaad iiga jawaabto xanuunka subaga sideen ku ogaan karaa inuu i hayo waa dhkhtar ayaa igu sheegay inuu mana ahi qof buuran waxaan ahay qof normal ah laakiin madaxa ayaa aad ii xanuunaya keliya, waxaan idiinka codsanayaa inaad ii sheegtaan sidaan ku ogaan karo,plz jawaab celin ayaan kaa sugayaa

  17. admin - april 2, 2012

    Ascww Khadra!

    Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay suáashaa aad na soo waydiisay. Xanuunka subaga ama dufanka dhiigga ee loo yaqaano (cholesterol) waxa aad ku ogaan kartaa marka dhiiggaaga laga baadho dufanka ama subaga. Dufanku xanuun ma keeno ama xanuun ma laha, hase yeeshee waxaa jirta xanuuno sababi kara ama uu sabab u yahay dufanka dhiiggu. Kuwaas ayaa haddaba la dareemi karaa. Waxaad sheegtay in aanad ahayn qof buuran. Dufanka dhiigga wxuu ku dhici karaa qofka buuran iyo ka dhuuban ba. Dadka badidoodu waxa ay aaminsan yihiin in dadka buurbuuran uu ku badan yahay dufanka dhiiggu. Waxaa jira dad aan baruur badan lahayn oo haddana uu dufan badani ku jiro dhiigoodaa. Markaa Khadraay waxaa aan ku odhan lahaa si fiican isku baadh.

    Halkan hoose waxa aad ka arki kartaa cabirka dufanka dhiigga.

    cholesterol
    Desirable level and goals for treatment:

    Total cholesterol: <5.0 mmol / l (at high risk of <4.5 mmol / L)
    LDL cholesterol: <3.0 mmol / l (at the very high risk <2.5 mmol / L)

    Indicators of increased risk of cardiovascular disease:

    Triglycerides:> 1.7 mmol / l
    HDL cholesterol: <1.0 mmol / for men and <1.3 mmol / for women.

    Waxa aan filayaa in aad ku qanacday jawaabtaas.

    mareegta caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    E-mayl: Editor@caafimaadka.com
    E-amyl:Caafimaadka.com

  18. yuusuf - april 12, 2012

    walaal waan ku salamay waxan donaya in aad ishagtit waxyaba koriiya lafaha jidhka

  19. Muslima - maj 4, 2012

    Assalama caleikum waraxmatullahi wabarakaatuhu:
    Walaal waxaan idinku salamayaa salaanta kore ee muslimka bacda salaan, walaal aad ayaad ugu mahadsantihiin sida aad dadka u caawineysaan. Jazaa kallahu kheyr kheyral jazaa.
    Walaal Hooyadeey gacalo ayaa in mudo ah dhabarku xanuunayey hadan waxa ay gaadhay in dhaq dhaqaaqii ku jarado yacni xanuunka hadii ay fadhiso waa wanaagsanahay ayey tiri, laakiin laba talaabo isma daba dhigo karto.Dawooyin fara badan oo xanuunka ah waa is ticmaashaa , markaa idinkoo mahadsan maxaad nagula talin laheydeen, iiguna soo duceeya ilaah subxaanahu wa tacaalaa ii bogsiiyo hooyadeey.

  20. admin - maj 17, 2012

    ASW Yuusuf!

    Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay suáashaa aad na soo waydiisay. Waxyaalo badan ayaa lafaha jidhka koriya.
    kalcium och vitamin D
    Protein

    Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay su´aashaa aad na soo waydiisay. Lafaha jidhku waa muhiim in la koriyo oo la nafaqeeyo. Haddii aan si fiican loo nafaqayn
    lafaha jidhka, waxaa ay mustaqbalka keentaa in lafaha jidhka ay la soo gudboonaato jab jab. Haddaba si looga hortago dhaawacaas jab-jabka ah waa in si
    fiican loo nafaqaeeyaa.

    saddex shay ayaa aad u muhiima in ay lafaha jidhku helaan.

    1- Calcium

    2- Vitamin D

    3- Protien

    digirta madmadow, ama noocyada kala duwan ee digirta cas cas, faasuuliye, waa digirta cad cad.
    kaabajka caadiga ah
    Kaabajka nooca loo yaqaan afka ingiriisida

    Waxa aan filayaa in aad ku qanacday suáashaa aad na soo aydiisay jawaabteeda.

    mareegta caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    E-mayl: Editor@caafimaadka.com
    E-amyl:Caafimaadka.com

  21. admin - maj 17, 2012

    Asww Muslima!

    Aad iyo aad ayaad u salaaman tahay. Waanad ku mahadsan tahay suáashaa aad na soo waydiisay Hooyona, Ilaahay ha caafiyo . Xanuunka Ilaahay baa keena, caafimaadkana Ilaahay baa keena. dhabar xanuunku uu badan yahay oo waa dhar nooc, oo si kala duwan ayuu xanuunka dhabarku u qabtaa dadka. Markaa hooyo waxa ay u baahan yahay baadhitaan fiican si loo ogaado xanuunka dhabarka nooca uu yahay. Halkan waxa aan si yar oo kooba u dul mari doonaa xanuunka dhabarka ee inta badan dadka ku dhaca ama dadku inta badan ka cawdaan ee loo yaqaano, (Herniated Disc)

    Xanuunka dhabar waa xanuun inta badan dadka dunida ku nooli ay aad uga cawdaan, khaasatan soomaalida rag iyo dumar ba. Xanuunkana inata badan la garan karo waxa keena dhabr xanuunka, hase yeeshee waxaa lagu tilmaama in uu ka yimid dhaxal xaga faamiliga. Marka aad aragto sawirka lafdabarta, waxa uu ka kooban yahay dhawr qaybood. Carjawda afka qalaad lagu yidhaahdo (cartilage) oo muhiim u ah dhaqdhaqaaqa laf-dhabarta, haddii haddaba carjawda ku dhex jirta ee loo loo yaqaano Disks of cartilage, dibada u soo baxdo, oo ay yara xanxantayso neerfaha laf-dhabarta ayaa waxa ay keentaa xanuun, waana xanuunka loo yaqaan (Herniated Disc)

    Calaamadah lagu garto (Herniated Disc) Symtom

    Dhabar xanuun

    * Xanuun damqasho ah ilaa xaga hoose ee lugta
    * garaac
    * Dareen culays ah oo xaga lugta
    * Xanuun qoorta
    * Inay adkaadto konrotoolka dhaqdhaqaaqa lugta
    * Dareenka lugta oo hoos u dhaca ilaa lugta hoose
    * Xanuun gacmaha iyo faraha
    * In ay qofka ku adkaato in uu kontoroolo kaadida iyo saxarada

    Daawayn

    laba mid uu bay noqodtaa in lagu daaweeyo

    1- Dawo xanuunka yaraysa
    2 In qalitaan lagu sameeyo.

    Jimicsiga iyo lug-lugaytuna way fiican tahay oo xanuunka ayey yaraysaa.

    Markaa Hooyo u gee dhakhtar si fiican u baadha oo hubsada xanuunka ka haya dhbarka nooca uu yahay.
    Ilaahay hooo hakuu caafiyo aamiin

  22. admin - maj 17, 2012

    Asww Muslima!

    Aad iyo aad ayaad u salaaman tahay. Waanad ku mahadsan tahay suáashaa aad na soo waydiisay Hooyona, Ilaahay ha caafiyo . Xanuunka Ilaahay baa keena, caafimaadkana Ilaahay baa keena. dhabar xanuunku uu badan yahay oo waa dhar nooc, oo si kala duwan ayuu xanuunka dhabarku u qabtaa dadka. Markaa hooyo waxa ay u baahan yahay baadhitaan fiican si loo ogaado xanuunka dhabarka nooca uu yahay. Halkan waxa aan si yar oo kooba u dul mari doonaa xanuunka dhabarka ee inta badan dadka ku dhaca ama dadku inta badan ka cawdaan ee loo yaqaano, (Herniated Disc)

    Xanuunka dhabar waa xanuun inta badan dadka dunida ku nooli ay aad uga cawdaan, khaasatan soomaalida rag iyo dumar ba. Xanuunkana inata badan la garan karo waxa keena dhabr xanuunka, hase yeeshee waxaa lagu tilmaama in uu ka yimid dhaxal xaga faamiliga. Marka aad aragto sawirka lafdabarta, waxa uu ka kooban yahay dhawr qaybood. Carjawda afka qalaad lagu yidhaahdo (cartilage) oo muhiim u ah dhaqdhaqaaqa laf-dhabarta, haddii haddaba carjawda ku dhex jirta ee loo loo yaqaano Disks of cartilage, dibada u soo baxdo, oo ay yara xanxantayso neerfaha laf-dhabarta ayaa waxa ay keentaa xanuun, waana xanuunka loo yaqaan (Herniated Disc)

    Calaamadah lagu garto (Herniated Disc) Symtom

    Dhabar xanuun

    * Xanuun damqasho ah ilaa xaga hoose ee lugta
    * garaac
    * Dareen culays ah oo xaga lugta
    * Xanuun qoorta
    * Inay adkaadto konrotoolka dhaqdhaqaaqa lugta
    * Dareenka lugta oo hoos u dhaca ilaa lugta hoose
    * Xanuun gacmaha iyo faraha
    * In ay qofka ku adkaato in uu kontoroolo kaadida iyo saxarada

    Daawayn

    laba mid uu bay noqodtaa in lagu daaweeyo

    1- Dawo xanuunka yaraysa
    2 In qalitaan lagu sameeyo.

    Jimicsiga iyo lug-lugaytuna way fiican tahay oo xanuunka ayey yaraysaa.

    Markaa Hooyo u gee dhakhtar si fiican u baadha oo hubsada xanuunka ka haya dhbarka nooca uu yahay.
    Ilaahay hooo hakuu caafiyo aamiin

  23. admin - maj 17, 2012

    Asww Muslima!

    Aad iyo aad ayaad u salaaman tahay. Waanad ku mahadsan tahay suáashaa aad na soo waydiisay Hooyona, Ilaahay ha caafiyo . Xanuunka Ilaahay baa keena, caafimaadkana Ilaahay baa keena. dhabar xanuunku uu badan yahay oo waa dhar nooc, oo si kala duwan ayuu xanuunka dhabarku u qabtaa dadka. Markaa hooyo waxa ay u baahan yahay baadhitaan fiican si loo ogaado xanuunka dhabarka nooca uu yahay. Halkan waxa aan si yar oo kooba u dul mari doonaa xanuunka dhabarka ee inta badan dadka ku dhaca ama dadku inta badan ka cawdaan ee loo yaqaano, (Herniated Disc)

    Xanuunka dhabar waa xanuun inta badan dadka dunida ku nooli ay aad uga cawdaan, khaasatan soomaalida rag iyo dumar ba. Xanuunkana inata badan la garan karo waxa keena dhabr xanuunka, hase yeeshee waxaa lagu tilmaama in uu ka yimid dhaxal xaga faamiliga. Marka aad aragto sawirka lafdabarta, waxa uu ka kooban yahay dhawr qaybood. Carjawda afka qalaad lagu yidhaahdo (cartilage) oo muhiim u ah dhaqdhaqaaqa laf-dhabarta, haddii haddaba carjawda ku dhex jirta ee loo loo yaqaano Disks of cartilage, dibada u soo baxdo, oo ay yara xanxantayso neerfaha laf-dhabarta ayaa waxa ay keentaa xanuun, waana xanuunka loo yaqaan (Herniated Disc)

    Calaamadah lagu garto (Herniated Disc) Symtom

    Dhabar xanuun

    * Xanuun damqasho ah ilaa xaga hoose ee lugta
    * garaac
    * Dareen culays ah oo xaga lugta
    * Xanuun qoorta
    * Inay adkaadto konrotoolka dhaqdhaqaaqa lugta
    * Dareenka lugta oo hoos u dhaca ilaa lugta hoose
    * Xanuun gacmaha iyo faraha
    * In ay qofka ku adkaato in uu kontoroolo kaadida iyo saxarada

    Daawayn

    laba mid uu bay noqodtaa in lagu daaweeyo

    1- Dawo xanuunka yaraysa
    2 In qalitaan lagu sameeyo.

    Jimicsiga iyo lug-lugaytuna way fiican tahay oo xanuunka ayey yaraysaa.

    Markaa Hooyo u gee dhakhtar si fiican u baadha oo hubsada xanuunka ka haya dhbarka nooca uu yahay.
    Ilaahay hooo hakuu caafiyo aamiin

    Waxa aan filayaa in aad ku qanacday suáashaa aad na soo aydiisay jawaabteeda.

    mareegta caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    E-mayl: Editor@caafimaadka.com
    E-amyl:Caafimaadka.com

Leave a Reply