Bogga su’aalaha & jawaabaha

Dhammaan akhristayaashayada qiimaha iyo qaayaha leh waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa suáalaha aad na soo waydiisaan iyo jawaabahooda. Waxa aanu aad iyo aad u mahad celinaynaa dhammaan akhristayaashii su´aalaha nooga soo kala diray ama naga soo waydiiyey cidhifyada adduunka. Waa hubaal in Dad badani ay ka faa´ideysan doonaan suáalahan iyo jawaabahooda.

Xasuusin!

Su´aalaha iyo jawaabaha kuwii ugu danbeeyey ee ay dadku naga soo waydiiyeen meelo badan oo dunnida ka mida waxa aad ha helaysaan boggan xagiisa ugu danbaysa sidaa iyo akhris wacan

Suáal ka timid Warfaa
Postat den 2011/11/26 kl. 11:45 e m
ASC WALAAL ADOO MAHADSAN BARIISKA AAD CILADA KU SHEEGTAY MA KURAA NOOC LA DHAHO YASMIIN
Postat | Som svar till warfaa.

Jawaab Warfaa!
2011/11/27 kl. 10:52 e m
Asw Warfaa!!
Aad iyo aad bad u mahadsan tahay suáahaa aad na soo waydiisay. Suaashaa aad na soo waydiisay haddaan isku dayo in aan ka jawaabo. Cilmi baadhista lagu sameeyey dhawr nooc oo bariiska kamid ah, kumuu jirin bariiska nooca loo yaqaan Yasmin.
Waad mahadsantahay.
Bahda mareegta Caafimaadka

http://www.caafimaadka.com

E-mail: editor@caafimaadka.com
E-mayl: caafimaadka2011@gmail.com

Suáal?
Ka: Nadiifa
walal aniga waxaan ini waydinaya waxaan aad isu rabnaa nin qaba qudurkaan wuuna ii sheegay marka intaan lays guursan ka hortag ma leeyahay wuxuuna qabaa ,B,DR WUXUU KU YIRI HASAMEEN GALMO,Maleeyahay hadan isguursano wax an iskaga ilaalino,mise malahan si hadeysan jirin aaan iskaga dhaafo ninkan,
mahadsanidiin

Jawaab! Nadiifa!
Postat den 2011/11/13 kl. 6:45 e m | NADIFA.

Salaamu calykum
marka hore waad ku mahadsan tahay su’aashaada marka xigga anagu waxaan ku siin karnaa oo kaliya mar walba waa talo sidaas darteed waxa kuu haboon mar walba in aad la xidhiidho dhakhtar arimahaas ku takhasusay oo ku baadha ama qofka kale ee nolosha kula wadaagaya baadha. Hadaan su’aashaada dib ugu soo noqdo Hepatit B waa cudurada la isku qaadsiiyo galmada inta badana dhakhaatiirtu way ka digaan in la sameeyo galmo aan la isticmaalin rabadhka ka hortaga (kondom). waxaad dib u akhridaa maqaalkii aan hore halkan ugaga hadalnay Hepatit B. hadaan qoraalkaa wax yar ka soo qaato waa sidan:

Sidee loo baadhaa?

Waxa laga baadhaa dhiigga qofka qaba cudurka qeybo aad u yar yar oo ah fireyska cudurka keena ama difaaca jidhka ee lidka ku ah cudurkan oo laga helo dhiigaas qofka buka. Qofka uu imika (acute) cudurku ku dhacay iyo mid uu joogto u hayo ama ku riiqay (chronic) waxa laga helaa qayb yar oo ka mid ah oogada fireyska ee loo yaqaan HBsAg (Hepatitis B surface antigen), hadii laga helo sidoo kale qaybta yar ee fayraska ee loo yaqaan HBeAg (Hepatitis B e antigen) waxay tahay in qofkaasi uu cudurka qaadsiin karo dad kale waxaan ku jira jidhkiisa fayras badan. Hadii laga helo dhiigaas difaaca jidhka (antibody) ee lidka ku ah cudurkan sida anti-HBc (Hepatitis B core antibody) iyo anti-HBs (Hepatitis B surface antibody) waxay tahay in qofkaasi cudurkii ka bogsaday dadkana aanu qaadsiin karin, yeeshayna difaac cudurka ah.
sida aad kor ku aragtid waa in marka hore qofka dhiigiisa la baadhaa hadii laga helo qayb yar oo ka mid ah oogada fayriska ee loo yaqaan HBsAg (Hepatits B surface antigen) iyo hadii laga helo iyan qaybta yar ee fayraska ee loo yaqaan HBeAg (Hepatits b e antigen). waxay tahay in qofkaasi uu cudurka qaadsiin karo dad kale waxaan ku jira jidhkiisa fayras badan.

waxaan filayaa in aan kaaga jawaabnay su’aashaadii

Maamulka mareegta caafimaadka
Bahda mareegta caafimaadka.

http://www.caafimaadka.com

E-mayl: editor.caafimaadka.com
E-mayl: Caafimaadka2011@gmail.com

Su´aal ka timid drs naina
Postat den 2011/11/17 kl. 6:49 f m
waxan aahay ardayad waxan jeclahay inan waxbadan ka ogado cafimadka iguwaawiya walaalayaal
Jawaab! Drs naina!
2011/11/18 kl. 11:56 e m
Aad iyo aad ayad umahadsan tahay: Maxaad doonaysaa in aad caafimaadka ka ogaatid: Caafimaadka waa cilmi weyn oo aad u balaadhan. Qaybtee ayaad doonaysaa ina aad wax ka ogaatid.
Waad mahadsan tahay
Bahda mareegta caafimaadka.

http://www.caafimaadka.com

E-mayl: editor.caafimaadka.com
E-mayl: Caafimaadka2011@gmail.com

Su ´aal ka timid Jaamac
2011/11/15 kl. 4:56 e m
asc dhamaantiin magacaygu waa jaamac waxaan joogaa hergeisa hada 2 weeks ayaan waxaan la soo darsay xaaladan afqadhmuunimada aniga oo markii hore ahaa dadka aadka afkoodu u udgoonyahay waxaan ahaa qof caadiya kumana dhalan waxan markii aan yaabay ayaan dhakhtar u tagay waxa layga helay in ay caloosha cayayaan igaga noolyihiin ku waas oo la ii sheegay in ay ku dhimanayaan mudo 7 days ah markii dawooyin lay soo qoray ilaahada waxaan wadaa dawadii 7 days kiina may dhamaan bal waxaan eegi doonaa in ciladaas caloosha ee cayayaanku keentay urtan oo ay iga baaba’do hase ahaatee waxaan idin waydiiyay daawadan SB12 hargaysa miyaan ka heli karaa se ma daawaynaysaa afqadhmuunka hadaanuu qofku ku dhalan
Jawaab Jaamac!
2011/11/18 kl. 11:45 e m |
Jaamac!
Aad iyo aad baad u mahadsan tahay: dawadan SB12 waxaa laga yabaa in ay hayaan farmasiiydan cusub ee daawooyinka ilkaha iibiya. Mid wuxuu ku ag yaalaa fooqa Bis dhinaca basasku ka baxaan, waxa kaloo farmasigan ay isku dhaw yihiin, sawirlaha caanka ah ee Victoria ….. ee halkaa waydii in ay hayaan iyo in kale. Fooqa Jirde Xuseen, meeshii baaniyaladii hore waxaa ku yaala sida aan ku arkay farmasi iyo dhakhtarka xaga ilkaha ee bal kuwaana waydii. Waxaa jirta oo iyana biisa urta afka kamsarada ee bal tijaabi.
salamu calaykum
Bahda mareegta caafimaadka.

http://www.caafimaadka.com

E-mayl: editor.caafimaadka.com
E-mayl: Caafimaadka2011@gmail.com
Su ´aal ka timid Caadil?
Postat den 2011/11/12 kl. 4:43 e m
asc waa caadil oo jooga nairobi waxan qabaa af qormoon aad iyo aad udaran waxane utagay dakhtar badan ilaa hadane wax caafimaad ah ma helin marka walal waano ama talo maxaad isiin dhibaato xoogbadan ayaane iga haysato arinkaas jwb

Faallo Khadar!
khadar
2011/09/26 kl. 8:53 f m
asc walaala yaal aad baan idiinku mahadcelinaynaa sida wanaagsan ee aad uga hadasheen cudurka cagaarshowga oo khatar badan kuhaya umada somaliyeed
run ahaantiina wax badan baan kafaa iidaystay
Jawaab celin!
Postat den 2011/09/26 kl. 10:41 e m | Som svar till khadar.
Khadar!
Aad iyo aad ayaad u mahadsantahay faalladaa aad noo soo dirtay. Waxa aanu isku dayeynaa in dadka af soomaaliga ku hadla ay mareegtan ka korodhsadaan cilmiga arrimaha xaga caafimaadka.
waad u sheegi kartaa asxaabtaada iyo ehelkaaga in mareegta caafimaadka ay ka heli karaan warbixino badan oo ku saabsan xaga caafimaadka.
mar labaad waad mahadsan tahay
Bahda mareegta caafimaadka
E-mayl: editor@caafimaadka.com
E-mayl: Caafimaadka2011@gmail.com

Suáal ka timid cabdale?
2011/04/19 kl. 5:17 e m
BISMILAAHI RAMAANI RAXIIM
WALAALO MARKA HORE WAXAAN
IDN KU SALAAMAYAA
SALAANTA ISLAAMKA
SALAAMACALAYKUM WARAX MATULAAI
WABARAKAATAHU
SALAAN KADIB WAXAAN DOONAYAA
IN ANWAYDIIYO DHAKHTARKA
ASDAAMAHA XANUUNKA LAYIDH
HIVGA SIDA AAD U OGAATO INTAANAD
DHAKHTAR UTAGIN
Jawaab Cabdal!
2011/04/19 kl. 7:32 e m | Som svar till cabdale.
Salamu Calaykum Cabdale!
Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay suáashaas aad na soo waydiisay. Haddii aan si saxa aan u fahmay suáashaada waxaad u jeedaa HIV. Haddii ay suáashu tahay HIV, astaanta lagu garto HIV.
Kelmada HIV, waxaa loo soo gaabiyey (human immunodeficiency virus). Haddaba waa xanuun dila difaaca jidhka. Waxaa jira laba siyaabood oo caana oo lagu qaado HIV-ka
1. Galmo
2. Dhiig Shubid (blood transfusion)
Haddaba calaamadaha lagu garto HIV waxaa ka mid qodobadan hoos ku xusan
* Daal badan
* Xanuun xagga cunaha
* Miisaanka jidhka oo hoos u dhaca bilaa sabab
* Infektion soo noq-noqda oo marinka hawada ku dhaca, iyo maqaarka oo haddii ay wax soo gaadhaan aanla daawayn karin, haddii nabar maqaarka ku dhacana inta uu bogsanayo ay wakhti dheer qaadato
* Xumada
* Qanjidhada oo barara
* Calool shuban
* Nabaro afka ka soo baxa
* Dhidid habeenkii ka yimaada qofka
* Infektion raagay oo jidhka muddo dheer ku soo jiray ama jiifay
Iyo calaamado kale.
* Xanuun xagga sambabada
Haddii aad calaamadahan ama astaamahan aynu kor ku soo xusnay qofku isku arko waxaa wanaagsan in uu is baadho oo dhakhtar u tago
Waxa aan filayaa in suáashaa jawaabteeda aad ku qanacday.
Calaykum Wasalaam
Bahda mareegta caafimaaka

http://www.Caafimaadka.com

Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com

Faallo ka timid mohamed osman!
mosman1985@yahoo.com
213.230.19.21
Postat den 2011/05/21 kl. 6:22 f m
Walaal Nuux, aad ayaad ugu mahadsantahay macluumaadkaan aad akhristayaasha u soo gudbisay aad iyo aad ayeyna u faaido badan yihiin ilaah ha kaa amaal mariyo..haddii aad noogu dari lahayd dhibaatada milixa asana uu u leeyahay jirka guud ahaan wadnaha gaar ahaan qofka qaba dhiig karka. tankale xaga xunada dufanka iyo sokorta leh oo la yareesto khudaarta cagaaran oo dalkeenii alle ku manaystay la bsado iyo waliba biyo badan oo lacabo ugu yaraan 2Litre maalintii
iyo dabcan socod intii qofku awoodo oo jirkoo dhan u wanaagsan gaar ahaana wadnaha iyo dheefshiidka..markale mahadsanid..nabaday
Jawaab celin!
2011/05/29 kl. 12:33 f m |
Mohamed Osmaan!
Walaal aad iyo aad baad u mahdsan tahay faaladaas aad ka soo bixisay maqaalka Wadne-istaaga/heart attack iyo talladii aad soo jeedisay waanu kaa gudoonay, waanad ku mahadsan tahay. Casharka/maqalka danbe ee soo socda inshaanlaa waxa aan kaga hadli doonaa Dhiig karka, waxaa maqaalkaa Dhiig karka soo hoos galaya dhibaatada ay milixdu u leedahay caafimaadka ee halkaa kala soco inshaanlaa.
Mar labaad waad mahadsan tahay
Bahda mareegta caafimaaka

http://www.Caafimaadka.com

Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com

Faallo ka timid
M.. husssien (Sool)

2011/05/27 kl. 10:30 f m
SCWW, aad ayaad u mahadsantihiin sida aad noogu faa iidayseen Ilaahay xasanaad ha idinka siiyo dadaalkiina.

Jawaab celin!
2011/05/29 kl. 12:23 f m | Som svar till M.. husssien.
M Husssien!
Aad iyo aad baad u mahadsan tahay M. Xuseenow,
Bahda mareegta caafimaaka

http://www.Caafimaadka.com

Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com

Su´aal ka timid?
warsame nur
Postat den 2011/05/31 kl. 8:09 f m
walaalayaal sc waxaan joogaa boosaaso marka hore waxaan leeyahay af qadhmuun aad iyo aad u badan si kasta oo aan u cadaydo hadana waxaad moodaaa in neef qarmuuni ka imanayso gudaha hunguriga caloosha iyo meelahaa walaal garan maayo waxaan sameeyo dhakhtaro badan baan u tagay hadana ilaa imika wuu sii socdaa af qarmuunku waxaa ila soo gudboonaatay xaalad niyad jab ah fadlan talo tusaale iyo daawin wixii igu habooon ii soo sheega takale waxaan websitekan ku arkay hanqalaalka lafta oo qofku ku dhashay maxay tahay hanqalaalku se ma tahay mida aniga igu keenaysa xaaladan sidee se loo baaraa hanqalaalka lafta qofku dhasho hadiiba ay tahay

Jawaab celin!
2011/05/31 kl. 7:35 e m | Som svar till warsame nur.
Asalaamu Calaykum Warsame Nuur!
Marka hore aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay suáashaas aad na soo waydiisay. Suáashan mid la mida ah ayaa waxaa na soo waydiiyey akhriste soo booqday boggan Caafimaadka.com. Sidaa aad u qeexday ayuu u qeexay. Jawaabtii aanu suáashaa ka bixinay ayaan halkan kuugu soo lifaaqayaa. Maadaamood tidhi waxaan joogaa boosaaso waxaa laga yaabbaa dawadan B12 ee ururta biinaysa ama yaraynaysa in aan laga helin. Sida aad maqaalka ”Cilmi-baadhid Ku Saabsan Riixada Qadhmuun Ee Afka Dadka Ka Soo Baxada *Af Qadhmuun-ka” aad ka aragtay waxaa jira cuduro qofka ku dhaca oo keeni kara urta/qadhmuunka afka. Waxaad aad isticmaali kartaa dawada ilkaha lagu cadaydo, carabakana aad u safee oo si fiican u caday. Warasame waan dareemayaa in ay dhibaato kugu hayso urtu, balse ha niyad jabin. Halkani hoose ka akhrsio jawaabtii aanu siinay akhristihii suáashaadaas oo kale na soo waydiiyey.
Waad mahadsan tahay.
Waatan jawaabtii
Waanad ku mahadsan tahay suáashaas aad na soo waydiisay.
Runtii adigoo kaliya maaha dadka ay dhibtaasu ay hayso, hase yeeshee waxaa jira dad aad u tiro badan oo ka cabanaya urtaas. Haddaba urta ka soo baxda afka waxaa loo qaybiyaa laba qaybood, mid ka timaada huurada/wasakhda ilkaha iyo mid ka timaada xaga caloosha oo afka soo marta. Haddaba waxaa jirta dhagaxaan ilkaha gala oo afka qalaad loo yaqaano english (tartar) , marka uu dhagaxani ilkaha ku dhasho wuxuu keena ur, waxaa kaloo urta keenta, haddii ciridka iligu uu daloolo ama god ka samayso ciridka waxay keentaa ur. urta ugu waynina waxay ka timaadaa carabka, sababtuna waxay tahay, carabka oo aan la safayn/cadayin muddo maalmo ah. Waxaan talo ahaan kuu soo jeedin lahaa inaad isticmaasho daawada SB12, waa free, waaxaan ka heli kartaa farmasiga. Inta aad isticmaali kartidna waa muddo 14 cisho, laba wiig.
Waxaan filayaa inaad ku qanacday suáashii aad na soo waydiisay.
Bahda mareegta caafimaaka

http://www.Caafimaadka.com

Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
Faallo ka timid Jabril Mumin!
2011/07/04 kl. 1:00 f m
asc wr wrk walaala yaal aad baan uga helay sida wanaagsan aad wax isku weydiiseen iyo sida aad iskugu jawaabteen dhamantiin waxaan dhamaan umada somaliyeedna ilaah sidaas ha isku fahan siiyo waad mahad san tihiin qeerka aad u wadaan ama aad la jeceshihiin dhamaanteed one day somaliya nabad beey noqoneesaa insha allah
Jawaab celin!
2011/07/08 kl. 1:15 f m | Som svar till jabril mumin.
Asalaau Calaykum Jibriil Mumin!
Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay Jibriilow, sida wanaagsan ee aad uga heshay isweydiintaa aad soo sheegtay iyo jawaabteeda. Ad baad ugu mahadsan tahay faaladaa aad ka soo bixisay maqaalkaas.
Bahda mareegta caafimaaka

http://www.Caafimaadka.com

Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com

Su´aal ka timdi??
nimco
2011/06/27 kl. 9:15 e m
maxaa lagudawayn karaa
maxase lag hortagikara
hadawalaalo ii soo jawab hadad hesho cinwaanka
Jawaab celin
2011/06/28 kl. 9:04 e m | Som svar till nimco.
Asw NImco!
Suáashaa aad na soo waydiisay jawaabteedii oo faahfaahsan waxa ay ku jirtaa qaytbtii 2 aad ee maqaalka Dhagaxaanta xamaytida oo aanu maanta soo gelinay. Laakiin haddana waxaanu jecelnahay in jawaabta laftigeeda aan halkan kuu soo dhigno.
Waanu kaa gudoonay suáashaadii qiimaha lahayd. Haddii aan isku dayo in aan ka jawaabo suáashaa aad na soo waydiisay.
Dhagaxaanta xamaytida waxaa lagu daawayn karaa laba siyaaboodba
1- Qaliin
2- Burburin
mid kalena way jirtaa daawayn.
Qaliinka waa marka xanuunku qayral caadiya yahay, ayaa waxaa la sameeya in qaliin lagu sameeyo xamaytida ka dibna kiishka xamaytida sidaa lagu soo saaro
ta labaadna waxay tahay in aan la qalin ee dhagaxaanta meeshooda lagu burburiyo.
maxaa lagudawayn karaa?
Haddii ay dhagaxaantu yar yar yihiin oo aanay qofka xanuun ku haynin looma baahna in la daweeyo, balse haddii xanuun yari jiro waa la daawayn karaa. Kolba waxay ku xidhan tahay sida uu qofku u dareemayo xanuunka iyo dhagaxaanta sayskodoa inta uu yahay. Haddii ay yar yar yihiin waa la daawayn karaa.
Maxaa lagag hor tegi karaa?
Waa su´aash 2aad ee aad na soo waydiisay
Waxaa lagaga hortegi karaa qofka oo iska yareeya
Waxaa wanagsan oo lagaga hortegi karaa xamaytida ama qofka qaba ee ay hayso xanuunkan xamaytida waxaa wanaagsan in uu aad uga taxadaro cunida khudrada ee ay ka mid yihiin
• Tufaaxa
• Basasha
• Barbarooniga
• Khijaarka
• Kaluun la dubay
• Cuntada habeenkii goor danbe la cuno
Si kalena waa loo daawayn karaa xanuunka xamaytida in kiishka xamaytida gebigiisaba la saaro oo qalintaan lagu sameeyo meesha uu ku jiro ama in dhaxanaata meeshooda lagu burburiyo.
Aad baad u mahadsan tahay suáalahaa aad na soo waydiisay.
waxaan filayaa in aad ku qanacday suáashaas jawaabteedii
Bahda mareegta caafimaaka

http://www.Caafimaadka.com

Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
Su´aal?
Ka timid
shaakir
caafimadka.com
darmaanyare_95@hotmail.com
213.55.72.14
Postat den 2011/05/21 kl. 10:46 f m
waan kus alamay walaal asc
walaalw axan joga wadan ka itoobiya \
islaan ayaayday aha yaa xanuun sanaysa waxaanamarkii hore dhabarka ka qaniinay daanyer
mudo kooban kabacdii ayaayday waxaa wada bararay qanjidhada oo wada bararay meelkasto qanjidh yahay kuwa kil kilada iyo kuwo lugaha iyo cunaha dhamaaan
dhakhtaro badana waan u tagnay waxay dhahen garan mayno xanuunkan dhaceen ayaay ka qaaden nabarka iyo dhiig waxba waa laga waayay
hadana waa karaysa nabaraduna mana waa waynayaan mana yaranayan
markaa bal walaal ila soo tali waxanu samayno daawada laga qaato ama baadhitanka dhakhtarada itoobiya waxay dhahen waanu qalayna mid kamida qanjdahda ka dib dibada ayaan udirayna anagu waanu diidnay asc
Su´aal ka timid jaamac??
2011/04/18 kl. 4:27 f m
walaa marka hore waad salaaman tihii dhaman dhaqatiir ta
hadaan u gudbo so aal aan rabo in layga jaahil bixiyo walaal caafimaad ahaan maxay udhimay saa ninka galmad
malintii duhur ka bacdal qado ka dib

Jawaab celin
2011/04/22 kl. 8:25 e m | Som svar till jaamac.
Asalaamu Calaykum Jaamac!
Waanu kaa qaadnay salaantaa qiimaha leh ee aad noo soo dirtay, aad iyo aadna waa ugu mahadsan tahay. Intaa ka dib, haddii aan isku dayo suáashaas jawaabteeda. Jaamacow, waxaa jirta sheekooyin caalamiya (international) oo soomaalidu kala siman tahay dalal badan oo dunida ka mida. Waxaa jira sheekooyin dibedda inooga yimid, hase yeeshee ay dadka soomaalidu aaminsan yihiin in sheekooyinka khurafaadka ahi ay soomaalida ka soo jeedaan ama ka yimaadeen. Haddaba aan u soo noqdo jawaabta suáashaas
”walaal caafimaad ahaan maxay udhimay saa ninka galmad malintii duhur ka bacdal qado ka dib” ”Jaamac”
Waxaa jira dalal badan oo dunnida ka mida, oo aaminsan sheekadan khurafaadka ah, in haddii uu ninku u galmo sameeyo maalinta cad , bacda duhur ama qadada ka dib in caafimaadka jidhkiisa ay wax iska bedelayaan ama ay wax u dhimayso. Haddaba arrintas wax si cilmiyan u sheegaya ma jirto ee waa sheeko dadku ay aamineen. Haddii ay dhici lahayd waxa hubaala in arrintaa mar hore la shaacin lahaa oo lagu soo qori lahaa warbaahinta dunida, dhakhaatiirtuna ay ka waanin lahaayeen dadka in ay taa sameeyaan. Markaa halkaa waxaa innooga cad in aanay sheekadani aynu kor ku soo xusnay aanay jirin.
Waxaan filayaa in aad ku qanacday jawaabtaas
Bahda mareegta caafimaaka

http://www.Caafimaadka.com

Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com

Su´aal ka timid
DAAUUD CADULAAHI MAXAMUUD
2011/08/15 kl. 9:55 e m
SIDEE AAN KU GARAN KARAA INAAN QABO DHIIG KAR TAA NAGA JAAHIL BIXI DIG TOOR ADOO RAALI AH
Jawaab celin!
2011/11/30 kl. 10:55 em
DAAUUD CADULAAHI MAXAMUUD.
ASW Daaud Cabdulaahi Maxamuud !
Marka hore aad iyo aad ayaanu ug xunahay in suáashii aad na soo waydiisay aanan markiiba kaaga soo jawaabin. Suáashadii waxa ay ku dhacday meel kale.
Dhiig karka waxaa jira calaamado uu qofku ku dareemo sida
Madax xanuun
Wareer/dhawakhaad
Daal
Dareenka oo ka taga gacmaha iyo lugaha
Dhiig sanka ka yimaada
Qufac dhiig wata
neef adag oo qofka qabata
Cudurka dhiig karka isagoo faahfaahsan ka akhriso maqaalka Dhiig karka (high blood pressure) qaybta 1 aad iyo qaybta labaad waxa aad ka helaysaa maqaalkan bogga caafimaadka. http://www.caafimaadka.com

Su´aal ka timid xirsi cali
2011/07/09 kl. 11:51 f m
waxaad ii ga soo jawaabtaan su aal han
1– malagaran kara raa calaamadaha qof ka madhaleys ah
gabadh iyo nin kuu doono ha ahhto in taan loo ti gin dhakhatar
2–wamaxay cudurka isfiilatadu mawaalidadaa
3–majiraan calaamado lagu gartaa isfiilatada in taan dhakhtar loo tagin

Jawaab Xirsi Cali
2011/07/11 kl. 9:06 e m
ASC Xirsi Cali!
Aad iyo aad baad u mahadsan tahay Xirsiyow. 3 Suáalood ee aad na soo waydiisay haddii aan ka jawaabo. Waxaa jira calaamado laakiin, calaamadahan haddii uu qofku isku arko macnaheedu maaha waa madhalays qofkaasi.
Waxaa jira calaamado ragga iyo dumarka lagu ogaado, calaamadahan waa in labada qof ee iska qaba ee aan wax ubada kala helin laga helaa.
Tusaale ninka oo kale Ninka haddii miisaankiisu aad u kordho ama hoos u dhaco ayaa la yidhaahdaa waa calaamadaha lagu garan karo.
Fiiro Gaara!
Waxaa muhiima in la ogaado, raga iyo dumarkaba qaarna calaamadaha way dareemaan qaarna ma dareemaan. Waxaa markaa aad iyo aad u muhiima in dhakhtarka aad la kulmayso aad si fiican ugu balbalaadhisid sida aad wax u dareemayso, si markaa loo ogaado cilada saxda waxa ay tahay (correct diagnosis)
Gabadha calaamadaha lagu garan karo, waxaa k mida haddii isbedel ku yimaado jidhkeeda, tusaale, haddi xaydkii dhiigga iska waydo, dareento xanuun boga. finan aan baa-bayn oo marwalba soo baxa iyo miisaanka oo kordha. Weli waxa aan aad iyo aad aan uga afeefanayaa haddii uu qofku calamaadahan isku arko kuu doono ha noqdee rag/dumar macnaheedu maaha waa madhalays. Madhalaysnimada waxaa la ogaan karaa marka labada qof ay ubad isku dheli waayaan ee baadhitaan badan la sameeyo ayuunbaa la ogaa karaa.
Xisri suáashaas jawaabteeda waxaan filayaa in aad ku qanacday. Labada suáalood ee kale jawaabtooda waxa aad ka heli kartaa link-kan hoos ku qoran
http://www.ladaneey.com/?p=3111 suaashi istifaalda
Aad iyo aad baad u mahadsan tahay suáalahaa aad na soo waydiisay.
waxaan filayaa in aad ku qanacday suáashaas jawaabteedii
Bahda mareegta caafimaaka

http://www.Caafimaadka.com

Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
Faallo ka timid Osman!

Walaalayaal aad ayaad u mahadsantihiin maaulayaasha boga caafimaadka waanda ku mahadsantihiin sida aad u soo diyaariseen maqaalkaan
Maqaalku wuxuu ku saabsanaa ” Halista shucaaca nukliyeerka ku yeesho caafimaadka”
Jawaab celin

2011/03/26 kl. 6:34 e m |
Osmaan/cusmaan!
Adigaa aad iyo aad u mudan.
bahda mareegta caafimaadka

http://Www.caafimaadka.com

Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com

Faallo ka timid Bushra!
bushra
2011/04/12 kl. 12:35 f m
ASC WR WBR KHEYR IYO XASANAAD ALAH INKA SIIYA WALAALAYAL WAAD MAHADSANTIHIIN HOWSHA CULUS EED ISKUGU XILQAAMTEEN UMAAda SOMALIYEED WANA IDIIN OGSONAHAY DADALKA IYO WANAGA AD UMADDIINA UHORSEEDEYSAN IDANKOO KALE ALAH HA INOOKIN BADIYA IDINKANA ALAH HA IDIN XIFDIYA SUNADEY KAMIDTAHAY IN CILMIGA LAFAAFIYO FAA IIDADALEH WAXAN KA MID AAY HABLAHA SoMALIYEED EE AN KUDADALIN ftamiN ka oganShahiisa WADNA IDHIIRIGALISEN JAZAKULAHKHEYRAN MARKALE ASC WR WBR
Jawaab celin! Bushra
2011/04/13 kl. 9:43 e m |
Calaykum wasalaam Bushra.
Aad iyo aad baad u mahadsan tahay dhiirigelintaa qiimaha leh ee aad noo soo dirtay. Waanu kaa gudoonatay Ilaahay hakaa abaal mariyo.
Bahda mareegta caafimaaka

http://www.Caafimaadka.com

Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
Faalo ka timid
YUSUF IBRAAHIM
2011/02/05 kl. 11:22 e m
ASC WR WB,
WAAD SALAAMAN TIHIIN DHAMAAN TIIN, WAXAAN U BAAHNAA INAAN HELO MAQAALO KA HADLAAYO CAAFIMAADKA RAGGA GAAR AHAAN KAADI HEYSTA SIDA PROSTATADA ,WAXA KEENA IYO SIDA LOODAAWEEYO IYO WAX YEELADA EEY KEENI KARTO INTA EEY KU HEEYSO , WALOOW AAN QABO SU AALO BADAN , MARKA HORE AAN JAWAAB ISIN KA HELO.
WAADMAHADSAN TIHIIN.
YUSUF
Jawaab celin Yuusuf Ibraahim!
2011/03/24 kl. 10:11 e m |
Yusuf! Waanu kaa qaadnay salaantaas. Maqaalo badan ayaanu soo diyaarinaa, kan Prostatada, ee na soo waydiisayna qorshaha ayuu noogu jiraa in aanu soo daabcano inshaanlaa wakhti dhaw ee la soco inshaanlaa
Mahamed Aden Guun (MOHAMED IT)

2011/01/08 kl. 2:46 e m
Salaamu Caleekum Marka Hore
Marlabaad dhamaan cidii ka qabqaadatay sameenta ama hirgilinta website-kan aad ayey u mahad san yihiin.
Runtii waa arimaha loo bahan yahay in lagu soo kor dhiyo bulshadeena, isla markaana calaamad u ah horu marka ubadi leedahay…
Waxaan Leeyahay hore usii wada ha kadaalina, waana arin juhdi iyo dadaal ubaahan se faa’iido leh…

Faallo/Comments
6 #
Nima Adem

2011/01/03 kl. 6:52 e m
waxa aan u hambalyeynayaa dhalinta ay ka soo burqatay maskaxdooda in ay sameeyaan mareegtan wax loo baahan yahay ay tahay.
ka sii wada halkaa waa fikir runtii aad u naajixa.

24 Responses

  1. suhuur - december 24, 2011

    walaalyaal waan idin salamayaa.
    waxaan rabaa in leyga caawiyo cudurka afqalooca maxaa keena sideena lagu daweeyaa.

  2. adna adan - december 30, 2011

    Asc waan idin salamay walaal waxaan rabaa inaad iga jahil saartaan maba hadaad iga cawin kartaanba inaan idin waydiiyo gabadh yar oo walaashaya aya waxa ay ahayd mid dagaal badan markaa wajiga ayaa xagtimo ama garaafooyin kaga yaalaan markaa ma la heli karaa dawooyin ka bi iya xagtimahaas. waxanaan joognaa norway

  3. ayan abdi - januari 1, 2012

    Walaal thank you answer all question walaal waxaan rabaa in aad ku weydiiyo question if know waxaan ahay qof dumar oo hooyo at at same time i have problem xaga caadada ah sometime dhiiga wuu igu dhacaa two week or sometime two month waxaan deganahay magaalada MPLS also i see different doctor mar kastana waxay igu dhahaan take the pill la dhaha 21 markaan sameey, goormaasa hawaanku dhiiga ka istaaga.

  4. maxa keena mataga badan - januari 2, 2012

    waxa raba ina waxa ka ogada qofka oo ku soo noqoda mar walba matag marka is dhaha waxa cuna oo matagaya maxa keena?
    aad aa uu mahadsantihin

  5. admin - januari 3, 2012

    ASW F-alas!

    Waad salaaman tahay. Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay suáashaa aad na soo waydiisay. Mataga badan waxaa keena waxyaalo badan. tusaale hadaynu u soo qaadano.

    1- Cuntada uu qofku cunayo oo uu ku xanuusado sababtoo ah bakteria ku jirtay cuntadaas ama virus. ama loo yaqaano Food Poisoning
    2- Nabar caloosha ku dhashay
    3- Calool xanuun
    4- Kulayl ama jidhka oo qalala
    5- Infektion xaga caloosha ama mindhicirada
    6- Infektion och inflammation
    7- Walaca dumarka
    8- Migrenka ( Madax xanuun)
    9- Werwer badan
    10- Isticmaalka sigaarka iyo khamriga
    11- Dawakhaad
    12- Maskax oo dhaawac soo gaadhay

    Runtii aad iyo aad bay u badan waxyalaaha badan ee keena mataga faraha badan oo halkan kuma soo wada koobi karno
    Tallo ahaan waxaan ku odhan lahaa la xidhiidh dhakhtarka kuugu dhaw ee meesha aad deggen tahay

    Waad mahadsantahay.

    © Copyright 2012 | mareegta caafimaadka
    All Rights Reserved

    Bahda mareegta Caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    E-mail: editor@caafimaadka.com
    E-mayl: caafimaadka2011@gmail.com

    Mahadsanid

  6. admin - januari 3, 2012

    Asw Ayan Abdi!

    Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay suáashaa aad na soo waydiisay. goormaasa hawaanku dhiiga ka istaaga.???

    Xaydka ama caadada dumarku waxa ay ka joogsataa inta u dhaxaysa 3-7 cisho. Dumarku isku wada mid maaha midba si gaara ayuu uga joogsada xaydku.
    Adigana waxaanu kugula talinaynaa haddii wuu 2 wiig iyo in ka badan ku hayo in aad la xidhiidho dhakhtarkaaga degmada ama magaalada aad deggen tahay.

    Waad mahadsantahay.

    © Copyright 2012 | mareegta caafimaadka
    All Rights Reserved

    Bahda mareegta Caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    E-mail: editor@caafimaadka.com
    E-mayl: caafimaadka2011@gmail.com

  7. admin - januari 6, 2012

    ASW Adna Adan!

    Scars on Face (xagtinta wajiga)

    Marka hore aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay Adna Adan su´aashaa aad na soo waydiisay. Xagtinta waxaa loo qaybiyaa inta badan laba nooc, midi waa ta godan (deep) qofka ku samaysa ama in yar hoos u yara godan, midina waa mid yara khafiifa. Haddaba sababo badan ayaa keena xagtinta, dagaalka oo kaliya maaha, nabarada soo gaadha wajiga ama wajiga ka soo baxa way badan yihiin, oo waxaa ka mida hablo baasta, finanka, shil oo qofku galo. Ta hore ee yara godan, inta badan way adag tahay in dawooyin loo isticmaalo, waxaa kaliya lagu daawayn karaa waa qaliin yar ama laser (shucaac). Xagtinta khafiifka waxaa la marin karaa dawooyin ka yara biisa midabka madawga xaginta ah. ama meesha haraar u yara yeeshay. Daawayntaa xagtinta waxa ay ku xidhan kolba sida ay tahay, sida ay u godan xagtintu tahay, nooca ay tahay iyo dhaawacu inta uu le´eg yahay. Daawaynteedu waxa ay qaadataa muddo dhawr bilood si najiijo wanaagsan loo helo. Ta ugu horaysa waxa weeyi isagoo qofka ay xagtintu soo gaadho uu maalin walba nadiifiyo safeeyo/maydho meeshaa ay xagtintu soo gaadhay. Waxaa jirta dawooyin ay ka mid tahay sida

    Inta badan dawooyinka la isticmaala waxa ay keenaan waxyeelo. Hase yeeshee waxa wanaagsan in uu qofku isticmaalo dawooyinka dabiiciga ah sida
    huruuda oo afka qalaad lagu yidhaahdo (turmeric) afka norwayjigan ah gurkmeja. Daawadan huruuda, dumarak soomaalidu inta badan u isticmaalaan isku qurxinta wajiga. Wadamada Aaasiya sida Hindiya iyo China, oo aad looga isticmaalo huruuda sidii loogu daawayn lahaa cuduro badan. Haddaba waxa ay leedahay faa´idooyin badan oo xaga caafimaadka ah. waxaa la yidhaahdaa oo ay cilmibaadhayaasha caafimaadku ogaadeenin ay waxtar u leedahay cudurka kansarka, waxa ay u wanaagsan tahay, beerka, cudurka xuska, sonkorta, cudurada maqaarka, dheefshiidka caloosha.

    Halkan waxa aanu tusaale u soo qaadanaynaa dhawr nooc oo daabici ah waxna ka tara xagtinta.
    1- Huruuda
    2- qaybta cad ee beedka, waxa la sameeyaa in marka la jabiyo beedka qaybta cad cudbi yar lagaga soo qaado ka dibna la mariyo meesha xagtinta oo lagu daayo 2 saacadood ama habeenka oo dhan lagu daayo, aroortiina laga maydho. Qaybta cad ee beedka waxa uu leeyahay calaamad ah in uu isku soo jiido meeshii xagtintu ay gaadhay, waxaaanu sameeyaa in meeshii xagtintu ay gaadhay ay baabado, una soo celiyo wajiga dheehiisii hore.

    3- Vitamin E

    4- Aloe Vera (dacarta) geedka dacarta

    5- Saliida nooc Oliv Oil oo 2-3 goor maalintii la mariyo meesha xagtinta ama lagu yara xoqo

    4- Toonta oo la mariyo meesha xagtintu soo gaadhay dhawr goor maalintii

    5- Malabka oo isna daawo u ah meesha xagtintu soo gaadhay, waxaa la mariyaa goobta xagtinta ka dibna waa lagu daayaa habeenka oo dhan.

    6- Qofka oo caba liin dhanaan la qasay oo bilaa sonkor ah 2-3 goor maalintii muddo 15 cisho ah

    7- Jajabyo dhawr ah oo ka samaysan baraf oo lagu xoqo goobtaas xagtintu soo gaadhay.

    Runtii halkan kuma soo wada koobi karo hababka dabiiciga ee loo daaweeyo xagtinta. Haddaba 7 qodob ee aan kor ku soo xusay ay inantaa walaalaha tihiin ay isku daydo in ay isticmaasho
    kolba kii ay il iskaga garato.

    Adna Aadan , waxa aan filayaa in aad ku qanacday suáashaa jawaabteeda.

    Mahadsanid

    © Copyright 2012 | mareegta caafimaadka
    All Rights Reserved

    Bahda mareegta Caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    E-mail: editor@caafimaadka.com
    E-mayl: caafimaadka2011@gmail.com

  8. admin - januari 7, 2012

    ASW Suhuur!

    Suáal afqalooc ((Bells pares)

    Suhuur, aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay, suáashaa aad na soo waydiisay. ee ku saabsan maxaa keena afqalooca sideena lagu daweeyaa? Haddii aan bal isku dayo in aan ka jawaabo suáashaas afqalooca. Ilaa hadda lama garanyo waxa dhabta ah ee keena afqalooca, waxaa jira dhawr ruwaayadood ama (teori) ama sababo badan oo kala duwan. Qofka uu ku dhaco afqalooca,waxa uu aroortii la soo toosaa isago afku qaloocsan yahay ama afku dhinac u jeedo. Taa waxaa ka horaysa calaamado gaara, sida matalan in labada indhood ay ilmo aancaadi ahayn ka timaado, sidii qof alerji (xasaasiyad) indhaha kaga dhacay oo kale, xxag wajaiga ka sarayssa indhaha oo aanu qofku isku soo uruurin karin.
    Tusaale aynu u soo qaadano.

    1- Stress ama werwer, hadii uu qofku ku jiro wakhti aama uu hayo stress badan noloshiisa ha noqodto xaga shaqada ama noloshiisa private-ka ah
    2- Borrellia, waa magac la isku geeyey noocyo ka mida bakteriyada oo u samaysan sida gariirato qaloocsan. waxaana ay sababtaa Borellia infection. Borrellia way noocyo badan tahay.
    3- Fastan (gogane ama shillin) waa xayawaanka yaryar ee duulduula kuna nool meelaha kaynta ama meelaha uu cawsku ka baxo.
    4- Virus magaciisa la yidhaahdo, (virus herpes simplex)

    Waxa ay kor ku soo xusnay waxa keena ama sababa afqalooca.

    Maxaa lagu daaweeyaa?
    waxaa lagu daawayn karaa dawada cortisone or anti-viral medicine,

    Haddii markaa afqalooca in muddo ka badan 6 bilood ama sannad baabi waayo waxaa lagamaarmaan ah in qaliin lagu sameeyo. Haddii markaa muruqyada wajigu sidoodii ku soo noqon waayo sannad gudahood waxa naaqusmayaa shaqadii muruqyadu hayeen, waxaana halis ah in qofkii uu afqaloocu ku dhacay aanu ka bixin afqaloocaasi.
    Suhuur , waxa aan filayaa in aad ku qanacday suáashaa jawaabteeda.

    Mahadsanid

    © Copyright 2012 | mareegta caafimaadka
    All Rights Reserved

    Bahda mareegta Caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    E-mail: editor@caafimaadka.com
    E-mayl: caafimaadka2011@gmail.com

  9. mohamed - januari 19, 2012

    ugu horayn waxan salamaya walaladayda muslimiinta ah ee isku hawlay arintan intaas kadib walal waxa aan jecelahay in aan idin soo gudbiyo su,aal aan jecelahay in aan jawaabteeda idinka idinka helaayo walalyaal runtii waxan u tagay dhakhtar aniga oo jecelaa in aan is badho si aan u ogaado caafimadkayga waxa dhakhtarkii iisheegay badhis ka dib in kaadidayda ay ku jiraan dhiig soo racaya mudaba hada waxa la igu sheegay afar jeer oo aad u kala fog balse kuwii hore waxa ay ishegeen in shaandheeyaha kadida anu si fiican ushaandhaynin oo ay halkaas tahay dhibatadu balse dhakhtarkii danbe ayaa aad iga nixiyey iguna taliyay in aan dhakhso u aado DR ku takhasusay kalyaha ana dunuufo jira awgeed ban ii samaxaynin in aan u tago dhakhtar walalayaal waxan idinka sugayaa jawaab caafimad qabta in aad isoo gudbisan idinkoo rali ah oo waliba mahadsan wa bilaahi towfiiq

  10. admin - januari 22, 2012

    ASWW Mohamed!

    Maxamed aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay suáashaa aad na soo waydiisay. Suáashaa kaadida dhiigga. Horta si fiican baad yeeshay in aad si baadho. Sababtoo ah dadka soomaalida waxaa lagu tilmaama dad aad u dhayalsada arrimaha caafimaadka, waa shayga qofka bili-aadamka ugu qaalisan. Somaaliduna dhaqan u malaha haddii meel xanuunto bal isa soo baadh oo dhakhtar u tag. Haddaba Maxamedow waxa aan kugu amaanayaa in aad ku dhiirantay in aad booqato goob caafimaad oo aad ka dibna isa soo baadho. Bal haddaba aan u soo noqdo jawaabta suáashaa kaadida dhiiga.
    (U-Erythrocytes, ama haematuria) oo afka qalaad lagu yidhaahdo marka kaadida dhiigga laga baadhayo si kaadida looga baadho in dhiig ku jiro iyo in kale. Dhiigga casna waxaa loo eraybixiyaa U-Erythrocytes.

    Waxaa jira siyaaba/sababo kala duwan oo dhiiggu kaadida u soo raaco.
    Haddaba maxaa keena kaadida dhiigga. Haddii uu qofku isku arko in kaadida dhiig soo raacay ama la socdo, waxa aad iyo aad u muhiima in dhakhtar degdeg ugu tago oo isa soo baadho. Waxaa laga yaaba in marinka
    kaadida uu infection ku dhacay. Gidaarka marinka kaadida xididadiisa haddii uu dhaawacmo waxaa ka soo baxa ama ka soo dareera dhiigg, dhiigaasina wuxuu marka danbe soo raacaa kaadida.
    Dumarka oo kale haddii ay ruuxa dumarkii isku aragto kaadida oo dhiig la socdo, waxa ay u badan tahay in xaydkii dhiiggu uu kaadida soo raaco.

    Dhawr siyaaboodb oo loo tirin karo sababaha keena in dhiig soo raaco kaadida waxaana ka mida

    1- Infection
    2- Xaga kalyaha
    3. Kaadi haysta
    4- Tuumbada kaadida
    5- Prostate (kansar)

    haddii marka uu qofku kaajayo dareemo in xanuun la socdo waxay sababtu tahay ama noqonaysaa in , infection ku dhacay marinka kaadida ama kalyaha oo ay dhagaxaan ku jiraan

    Haddii xanuunku yahay infection, waa in kaadi qofka laga qqado, si loo soo baadho. Haddii xanuunku yahay xaga kalyaha waa in iyana la baadhaa oo X-ray ama cystoscopy lagu baadhaa. Si markaa loo baadho dhinaca kaadi-haysta iyo kalyahaba.

    Haddii sida aynu kor ku soo sheegnay xanuunka dhiigga kaadidu yahay infection, waxaa lagu daawayn karaa antibotica, hadii ay xaga kalyaha tahay oo dhagaxaanta ku jirtaa aad u yar yar yihiin waxa ay iska soo raacaan kaadida, haddii se ay yara waaweyn yihiin oo aanay soo mari karin marinka waa in la qalaa oo qalniin lagu sameeyaa

    Tallo ahaan waxaan kuu soo jeedin lahaa in aad dhakhtar si deg deg ah aad ugu tagto hana dhayalsan, waxaad u baahan tahhay baadhitaan fiican, dhakhtarka 2 aad ee aad kulantay ee kugula taliyey in aad dhakhso u tag dhakhtar waxa uu ku siiyey tallo wanaagsan. Taladaa raac ayaan ku odhan lahaa.

    Mahadsanid
    waxa aan filayaa in suáashaa aad na soo waydiisay jawaabteedii aad ku qanacday.

    © Copyright 2012 | mareegta caafimaadka
    All Rights Reserved

    Bahda mareegta Caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    E-mail: editor@caafimaadka.com
    E-mayl: caafimaadka2011@gmail.com

  11. ABDI - februari 9, 2012

    WSC WAXA RABA INA WAXA KA OGAADA CUDURKA KU DHACA BEERKA SIDA CANCERKA CAMAL SIDA LUGU OGADA IYO WAXA KEENA IYO DAAWA MAA LEYAHAY ,
    MHDS dr

  12. Ahmed hassan - februari 17, 2012

    Asc dhamantiin, waxan idinsoo gudbinaya su.aal ah, hooyaday oo da,dedu tahay 50jir, ayaa marka ay inyar dhaqaqdo xiiqaysa ama neefturaysa, iyada oo dhakhtar bari horena kusheegay (blood pressure) mida kale waa qof miisan badan micnaha buuran,, neeftuurkasna dhawan ayay isu aragtay ilaa 6month igasoo cawiya wixi talo ama aqoon aad uleedihiin,,, aad&aad ayaad umahad santihiin

  13. MUUDEEY - februari 18, 2012

    dhaqaatiireey waan idin salaamay.
    nin isku kaadinaya habeenkii markuu seexdo illaa caruurnimadiisii afartan jir da’diisa marayso oo eey sabab tahay hurdo badan iyo riyo. maxaa lagu dabiibaa?

  14. admin - februari 18, 2012

    Muudeey!

    Aad iyo aad ayaad u salaaman tahay. Waanad ku mahadsan tahay suáashaa aad na soow aydiisay. . Haddii ay kaadidu kaa timaado habeenkii marka aad seexato oo ilaa carrunimadii ku haysay. Waxa aan kugula talin lahaa ina ad la xidhiidho dhakhtar baadha waxa ay ciladu tahay. Waxaana habeenkii iska yaraysaa ka hor inta aanad seexan in aad cabto dareere badan, sida shaax ama kaffe ma biyo badan. Dhakhtar u tag si aad si fiican isku baadho.

    © Copyright 2012 | mareegta caafimaadka
    All Rights Reserved

    Bahda mareegta Caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    E-mail: editor@caafimaadka.com
    E-mayl: caafimaadka2011@gmail.com

  15. Ahmed hassan - februari 19, 2012

    Asc waad salamatahay dr,adiyo dhaman,,,waxan kasugaya jwbta su,ashi ankusoo waydiyay ee ahayd hooyaday oo horena loogushegay(blood pressure) aya dhawan isu aragtay markay socoto xiiqbadan(neeftuur) miisankeduna uu badanyahay(buuran) marka mala orankaraa dhiigkarka keenay neeftuurkas, MAHAD-SANID

  16. admin - februari 20, 2012

    Ahmed Hassan!

    Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay. Suáashaa aad na soo waydiisay. Ahmed Hassanow, Ilaahay hooyo ha caafiyo. Waa suáal fiican oo jawaabteedu aanay fududayn, Dhiigg-karku qayb ayuu ka qaadan karaa. Laakiin waxaa jirta in arrintu la xidhiidho cadaadiska wadnaha, waxa aan bal isku dayi doonaa in aan waxyar yara sharaxo, sababta keenaysa, daalkan iyo neeftuurkan. Wadnaha cadaadiskiisa waxaa loo qaybiyaa laba qaybood. Shaqada uu wadnuhu qabto waa in uu bam gareeyo dhiigga ama uu tuuro dhiigga, dhiiggaas oo uu ku jiro oxygen, iyo maaddooyin muhiima, oo jidhku u baahan yahay. Dhiiggas wadnuhu soo tuurayo waxa u waraabiyaa xubnaha kale ee jidhka. Haddaba marka aanu wadnuhu si awooda leh aanu u bam garayn karin dhiiggii, waxa uu keenaa Heart failure, in wadnihii awoodiisii daciifto. Waxaa dhacda in wadnaha dhiniica bidix shaqadiisu hoos u dhacdo, waxaa imanaysa in dhiiggu ku soo uruuro sambabada, marka danbena ay noqodto in biyo galaan sambabada. Marka ay biyahu galaan sambabadan waxa ay keentaa in qofka ay neeftu ku dhegto, socodkii qofkuna aanu ahayn sidii hore.

    Maxaa keena oo sabab inuu wadnuhu awoodiisii daciifto?

    Waxaa keena ama sababa dhawr wadnaha oo awoodiisii daciifto dhawr arrimood oo ay kala yihiin.

    1- Dhiig kar
    2- Kaadi macaanka (Cudurka sonkorta)
    3- Dhiig yari
    4- Infektion
    5- Wadne xanuun qofku ku dhasho
    6- Khalkhal ku imaada wadnaha
    7- Cudurka sambabada iwm

    Maxaa uu qofku samayn karaa oo xal ah?

    1- In uu qofku buurnida iska ilaaliyo
    2- Iska ilaalio cabitaanka sigaarka
    3- Jimicsi la sameeyo
    4- Cunto wanaagsan oo dufan badani ku jirin oo la cuno
    5- Milixda oo la iska yareeyo
    6- In qofku is miisaamo, si uu miisaankiisu noqdo mid dheelitiran oo aanu noqon mid kor u kaca
    7- Khudrada oo la cuno

    Ahmed Xassan waxa aan kuu soo jeedin lahaa ama talo ahaan ku siin lahaa in aad hooyo u geysaa dhakhtar si fiican u baadha.

    Waad mahadsan tahay

    © Copyright 2012 | mareegta caafimaadka
    All Rights Reserved

    Bahda mareegta Caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    E-mail: editor@caafimaadka.com
    E-mayl: caafimaadka2011@gmail.com

  17. Abdi - februari 21, 2012

    WSC WAXA RABA INA WAXA KA OGAADA CUDURKA KU DHACA BEERKA SIDA CANCERKA CAMAL SIDA LUGU OGADA IYO WAXA KEENA IYO DAAWA MAA LEYAHAY ,maa leyahay madaga badan , qabka ugu fiicanee loo ogaan kara waa sidee ina qofka qaba cudurkaas iyo in kale
    MHDS dr

  18. admin - mars 2, 2012

    Asw Abdi!

    Soryy! Haddii ay jawaabtu kaa raagtay. Suáalihii ay dadku na soo waydiinayeen ayaa aad noogu batay, oo sidii ay usoo kala horeeyeen ayuunu ugu kala jawaabaynay dadka su´laaha naga soo waydiinayey meelo badan oo dunnida ka mida.
    Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay suáashaa wanaagsan ee aad na soo waydiisay. Cudurka ku dhaca beerka sida cansarka, lagu ogaado, waxa keena iyo daawo ma leeyahay.
    Bal marka hore aynu ku bilawno calaamadaha lagu ogaan karo cudurka cansarka ee ku dhaca beerka.

    Inta badan waxa u ku dhacaa da´da 65 wixii ka wayn, waxaanu inta badan ku dhacaa raga marka loo eego dumarka.

    Maxaa keena cudurka beerka cansarka
    Waxa keena waxa la odhan karaa waa virus-infection ama xubnaha kale ee jidhka oo haddii uu cansarku ku dhaco sida mindhicrka oo kale, ayaa ku faafi kara ilaa beerka. labadan siyaaboodba ayuu ugu dhacaa kansarku beerka.

    1- Waxa uu qofku xanuun ka dareemaa dhinaca boga, dareen yara si ah, dareenkaas xanuunka oo muddo dheer qofka haya.
    2- Xumad
    3- Amateedkii cuntaada oo hoos u dhaca
    4-Miisaanka qofka oo hoos u dhaca tiiyo aan la garanayn sababta
    5- Xanuun xaga dhabarka oo la simana dhinaca kalxamaha
    6- Astaan kale oo lagu garto ayaa ah in maqaarka iyo qaybta cad ee indhuhu isku bedelaan midab huruuda
    7- Cun cun xaga jidhka

    Daawayn

    Waxaa lagu daaweeyaa cudurka cansarka beerka qaliin. In la qalo, haddii aanu ku fidin wixii ka baxsan beerka.

    Waxaan filayaa in aad suáashii aad na soo waydiisay jawaabteedii aad ku qanacday

    waad mahadsan tahay Abdi

    © Copyright 2012 | mareegta caafimaadka
    All Rights Reserved

    Bahda mareegta Caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    E-mail: editor@caafimaadka.com
    E-mayl: caafimaadka2011@gmail.com

  19. Abdi - mars 3, 2012

    waa mahad santihiin sida iga soo jawaabteen su,aashayda D

  20. admin - mars 3, 2012

    Abdi Adigaa mudan!
    © Copyright 2012 | mareegta caafimaadka
    All Rights Reserved

    Bahda mareegta Caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    E-mail: editor@caafimaadka.com
    E-mayl: caafimaadka2011@gmail.com

  21. sahro - mars 5, 2012

    asc
    waxaan rabaaa walaalayaal qeer allaha idinsiyee inaan su,aal idin weydiiyo ,su,ashas waxa waye walaashay ayaa waxa laga hayaa korka ayaa xanuunayo garbaha weey dhaxamonee habeenkii markuu gabalka dhaco dhaxan gudaha uga jiro,waxay qabtaa tyhroid kan tartiibka u shaqeyo kaniini 50mg ayay qaadataa weeyna sii cayilee ayadoon cunto lagu cayilin cunin waa la baaray waxay leyahiin korkaaga ayaa infection ku jiraa weeyna soo saari la,yahiin .maxay idinla tahay idinka ka dhaqatir ahaan.
    waa mahadsantahiin

  22. Abdi - april 13, 2012

    Hurdo la’aan ayaan isku hayaa waxaan ahay truckle team ayaana kushaqeeyaa Marka gaariga Oosocda majiifsankaro markuu taagan yahayna waa yartahay waana kucusbahay Iowa 5bilood ayaanwadaa Marka dr maxaa tala ah oo iga caawinkara huda Hadey ahaan lahey cunto AMA cabid AMA daawo.

  23. admin - april 27, 2012

    ASW Abdi!

    Waad salaaman tahay, waanad ku mahadsan tahay suáashaa aad na soo waydiisay. Hurdadu waa shay aad iyo aad u muhiima noolaha oo dhan, ha ahaadaan dad ama xayawaan.
    Hurdada waxay leedahay qaybo kala duwan. Ma jecli in aan sii gudo galo qaybaheeda kala duwan, waayo waa tobig balaadhan. Hurdo laáantu waxay keentaa cuduro kala duwan. Waxaana cilmi baadhis lagu sameeyey dadka shaqqeeya shift ee habeenk gala wakhtiyo kal duwan in ay halis u yihiin in ay ku dhacaan cuduro kala duwan oo ay sonkortu ka mid tahay, waxa kaloo ay sheegaan cilmi baadhayaashu in xataa halis qofku u yahay in cudurka kansarku ku dhaco. Waxa ay hurd laáantu keentaa buurnida, dhiig karka, sonkorta, wadne xanuunka. stress.
    Shaqo waxaa ugu wanaagsan shaqada aroortii la galo ee uu qofku gelinka danbe ku soo hoyanayo gurigiisa.

    Tallo.

    1- Iska ilaali in aad cabto kafee, ama shaax, ama cola ka hor in aand seexa. waayo waxa ay ka mid yihiin waxyaalaha hurdada ka horjoogsada qofka. Waxaa saddexdan aynu soo sheegnay ku jirta maadada coffein-ta, taasoo jidhka ku sii jiri karta muddo 24 saacadood ka dib marka la cabo kafee, shaax ama coca cola

    2- Seexo meel yar oo yara qabow, yara madow, oo deggen. inkastoo aad trucle team aad tahay, intii aad isku dayi karto isku day

    3- Marka aad seexanayso waxba maskaxdaada ha gelinin mashquul, werwer aduunyo iyo qorshe kale. waayo waxa ay kaa horjoogsanayaan arrimahani hurdaada.

    4- Sigaarka cabidiisa iska yaree ka hor inta aanad seexan waa hadii aad sigaarka cabtid

    5- Dhaqdhaqaaq jimicsiya ama lugayn (socod) yar oo kooban waxa ay u wanaagsan tahay hurdada

    6- Waxaad isticmaali kartaa oo aad dhagaha gashan kartaa caagaga yar yar ee dhagaha ka celiya dhawaaqa marka aad seexanayso ee aad gaadhiga ku dul seexanayso.

    Way jiraan dawooyin loo isticmaalo hurdo láanta, laakiin waxyeelooyinka ay leeyihiin ayaa ka badan faaídadooda. Dawadii marka ay la fal gasho jidhka, jidhkii uu la qabsanayaa. Markaa qofka waa ay uga sii dartaa. Waxa aan kuu rajeynaa hurdo caafimaad leh.

    Waxa aan filayaa in aad ku qanacday jawaabtaas.

    mareegta caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    E-mayl: Editor@caafimaadka.com
    E-amyl:Caafimaadka.com

  24. Ahmed hassan - maj 23, 2012

    Asc Dr,waad salamantahay kadib hal su,aal ayan rajaynaya inad iiga soo jawabtan insha,allah
    waxan ahay wiil dhalinyar ah da,dayduna 30 kalyaha ayaa ixanun kadareema siiba kalida midig xanuun saas iguma badna lkn waxan dareema garaac markaan dhiyo ama dhinac isu qaloociyo
    ALLA MAHAD LEH

Leave a Reply