Warbixino/wararka caafimaadka

Khubaro U Dhalatay Dalka Iran Oo Markii Horaysay Taariikhda Dunida Soo Saaray Talaal Afka Laga Qaato Oo Lagaga Hor Tagayo Cudurka Macaanka.

(Hadhwanaagnews) Friday, March 25, 2011
Iran-(HWN)- Khubaro xeel dheerayaal caafimaad ah oo u dhashay dalka Iran, ayaa si rasmi ah ugu guulaystay markii u horaysay taariikhda dunida in ay soo saaran Talaal cusub oo afka laga qaato

Iran-(HWN)- Khubaro xeel dheerayaal caafimaad ah oo u dhashay dalka Iran, ayaa si rasmi ah ugu guulaystay markii u horaysay taariikhda dunida in ay soo saaran Talaal cusub oo afka laga qaato oo lagaga hortagayo cudurka Macaanka iyo kor u kaca heerka sonkorta dhiigga.

Madaxa kooxda cilmi baadhistan samaysay oo lagu magacaabo Masoud Shabani Domola, ayaa ka dhawaajiyay in baadhitaankan laga bilaabay magaalada Tehran University and Medical Science muddo 15 sano ka hor ah, waxaanu xusay in markii u horaysay talaalkan cusub lagu tijaabiyay qof ay isaga qaraabo dhaw yihiin oo si joogta ah maalin walba u qaadan jiray Insulin,
Khubaradu waxa kale oo ay cadeeyeen in wareega Borotinka ee laga helo (urtica dioica), uu horumarinaayo furfuritaanka sonkorta ku jirta unugyada dhiigga, habkan oo ay xeel dheerayaashu si weyn u rumaysan yihiin in uu naafaynayo in cudurkani uu ku dhaco qofka aan hore u qabim xanuunkan.
Khabiirku waxa kale oo uu intaa ku daray, in dawadan talaalka ah si caaqiibo leh loogu guulaysatay dhamaystirkeeda, waxaanu tibaaxay in iibka talaalkani uu sanadka danbe geli doono suuqyadda dunida.
Khabiirku waxa uu carabka ku adkeeyay talaalkan cusub ee afka laga qaadanayo in loo door biday in uu noqdo Isulin Irbada ahaan la isugu mudo, taas oo isticmaalkeedu uu yahay mid aan xanun lahayn.
Dhinaca kale, horjoogaha kooxda baadhitaankan samaysay waxa sheegay in maadadda laga sameeyay talaalkan in hore loogu aqoonsanaa in ay leedahay astaamo daweed.

Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)
Himilo_10@yahoo.com
Hadhwanaagnews/Office
Kampala/Uganda.
Submitted By: Editor

Khabiir Somaliland u Dhashay oo Sharraxaad ka Bixiyey Sida uu ugu Guulaystay Daawada Babaasiirta iyo Waxyaabaha Keena Xannuunka
Last Modified: Sat 26th Mar,2011
Hargeysa (Jam)- Prof. Maxamed Jaamac Rooble oo ah aqoonyahan hindisay daawada xannuunka Babaasiirta ee loo bixiyay Tikaf oo waqtigan si weyn looga isticmaalo deegaannada Somaliland, Soomaaliya iyo meelo kale, ayaa sharraxaad ka bixiyey sababaha ku dhaliyay inuu hindiso dawada iyo marxaladihii uu la soo maray qorshaha curinta daawadda TIKAF.

Prof. Rooble oo ka mid ah khuburrada wasaaradda waxbarashada Somaliland ee manaahijta waxa kaloo uu tafaasiil ka bixiyey waxtarka iyo faa’iidada dawadu leedahay iyo dhibaatada cudurka Babaasiirtu ku yeesho nafsada qofka bani’aadamka ah ee dhinacyada caafimaadkiisa guud iyo dareenka hammada.

“Waxaan ka soo baxay Jaamacaddii Gaheyr ee Muqdisho, Kulliyaddii waxbarashada Lafoole, takhasuskaygu waa xisaab iyo kemisteri. Kormeeraha waxbarashada Gobolka Togdheer ayaan ahaa kolkii aan u tallaabay een ku biiray ururkii SNM ee soo guda-galay dalka Gobolka Togdheer, Burco Jimcihii 27 May,1988 ee dibna ka qabsaday Somaliland 18 May 1991, kadib kolkii taladii dalka aannu ku wareejiney dadweynaha waxaan ka qaybgalay dib-u-dhiskii dalka ee dhinaca waxbarashada. Dabadeed waxaan goostay go’aan ah in aan aqoontii wax ka muujiyo oo aniga iyo bulshaduba ka faa’iideysanno, tusiyo in haddii la fikiro adduunka wax lala qaybsan karayo, taasina waxay igu dhalisay inaan hindiso daawadan Tikaf oo khaas u ah cudurka bawaasiirta, maadaama cudurkani dadka aad ugu badan yahay ama mid xun oon inta badan sidaa loo dareemin, waanaan ku guuleystey oo muddo habeenno ah ayay ku guurisaa Bawaasirta,” ayuu yidhi Prof. Maxamed Jaamac Rooble oo u warrayeye shabakadda wararka internerka ee Araweelonews.

Waraysigaas oo dhammaystiran waxa uu u dhacay sidan:

Su’aal: Prof. Waxaad sheegtay in aad ku guuleysatay daawadan Tikaf ee bawaasiirta, bal wax ma nooga sheegi kartaa waxa kugu kellifey ama kugu dhaliyey hindisaha samaynta daawadan?

Jawaab: Waa su’aal fiican oo meesha ku jirta. Waxa jirey in cudurkani aniga laftayda igu dhacay oo dabadeed muddo dheer ku jirey baadhis ku saabsan Bawaasiirta: maxay tahay, maxaa sababa, sideese loo daaweyn karayaa? Waxaan baadhis ku hayoba, sannadkii 1996 ayaan ku guuleystey diyaarintii daawadan Tikaf inay guuriso cudurka Bawaasiirta. Tijaabooyin badan baan ku sameeyey, naftayda aan ka bilabay ka iyo dad kaloo badan oo cudurkaa ka cabanaayey, wayna ka wada guurisey, taasoo ay igu hambalyeeyeen iguna dhiiriyeey shaacinteeda.

S. Goorma ayaad markii u horraysay u soo bandhigtay bulshada ka cabata cudurka Bawaasiirta?

J. Kolkii aan xaqiijiyey tayadeeda, kalsoonina ka helay dadkii isticmaalay, isla markaana caddaatay inay kaga takhalustay Bawaasiirta muddada saddexda habeen ah ayaan sannadkii 2000 u soo bandhigay bulshada ciddii ka cabanaysa Bawaasiir oo aan uga baaqay idaacadda iyo jaraa’idkaba.

S. Ma jiraan hey’ado aad kala xidhiidhay ama kula eegay si ay kuula arkaa daawadan iyo tayada aad sheegtay iyo cillado haddii ay leedahay?

J. Haa … waxaan kala xidhiidhay wasaaradda caafimaadka oo markaa wasiir uu ka ahaa Dr. Xasan Ismail Yussuf sannadkii 2002 oo la tashi kala sameeyey agaasimaha guud iyo dhakhatiir kale, una gudbiyey hy’adda WHO baadhis ahaan. Kadib mar labaad ayaan talo ahaan kula noqday Wasaaraddii caafimaadka oo aan saamballo u gudbiyey daawada ah tijaabo ahaan, maadaama aanay jirin laab lagu baadhaa wasaaradda. Dabadeed kolkay taydeedii ila xaqiijiyeen ee dadkii isticmaalay soo gudbiyeen, wasaaraddu way ila qireen waxtarkeeda iyo tayada fican oo ay caddaynteedii ii qoreen, ina siiyeen ruqsad oggolaansho in dalka gudihiisa lagu isticmali karo.

S. Prof. Waxaad sheegtay in ruqsad aad u haysato daaweynteeda oo dalka gudihiisa ah, markaa ma noo sheegi kartaa dadka aad ilaa hadda ku daweysey daawada Tikaf intay le’eg yihiin ee tayadeeda ku bogsaday?

J. Runtii dad badan baannu ku daaweyney oo inta badan iyagu isgaadhsiiyey daawada iyo tayadeedaba oo gaadhaya ilaa 4500 qof oo nooc walba bulshada leh ilaa ilmo dhabta lagu sido. Waa daawo garantii ah 98% inay muddadaa ku guuriso cudurka, lagu bogsaday oo lagaga raystay qalitaan iyo wixii la mid ahaa ee dhibaato iyo dhaawac u geysanayey gobolka duburta.

Waxa kaloo jira meelo badan oo lagu iibiyo daawada sida Hargeysa, Burco, Boorama, Wajaale, Buuhoodle iyo Muqdisho oo ah dad iyagu isticmaalay daawada, tayadeeda ogaaday oo dabadeed iskood u codsaday inay dadka u buka bawaasiirta u sii gudbiyaan.

S. Wax ma nooga sheegi kartaa waxaad ka samaysay; ma dhir baa mise waa waxyaabaha dawooyinka laga sameeyo, maxaase ku jira oo ka mid ah?

J. Waa su’al inta badan lay weydiiyo “maxaad ka samaysay? Laakiin waxa dadka qaar raaciyaan “sideed u samaysay? Taas oo ku tusaysa inay dadkeenna ka maqan tahay in aqoonta aynu la wadaagno dadyowga dunida, balse ku-dhaqankeedii iyo fikirkiiba innaga maqan tahay.

Haddaba, daawadan Tikaf waa daawo iskudhis kemiko oo ka kooban curiyeyaal kemiko caadiya ee daawooyinkaba laga sameeyo; waa daawo maris cajiin ah oon cillado iyo dhibaato lahayn iyo wax dhiba bukaha iyo duburtaba.

Waa daawo aan ogahay inay baajisay qalitaan, dabid la dabo ama ciijin iyo duridda dheecaannada dhirta ee nabarro iyo dhaawac u geysta duburta; waa daawo kaga takhalusta cudurka Bawaasiirta saddex habeen gudahood idamka Eebbe (swt); waa daawo isticmaalkeedu ku qoran yahay Afsoomaali iyo Af-Ingiriisi labadaba; waa daawo tayadeedu sarrayso oo aan ogahay inay ka wada tayo fiican tahay daawooyinka loo isticmaalo cudurka Bawaasiirta ee maanta jira.

S. Prof. Waxaad sheegtay in daawadu muddo habeenno ah ku guuriso cudurka, markaa daawada ma idinkaa dadka ku farsameeya mise dadkaa qaata oo iskood u isticmaala daawada? Halkeese la mariyaa?

J. Daawada waxa lagu isticmalaa oo la mariyaa duburta ilaa malawedka gudihiisa iyo dibeddaba, bukahaana isagu guriga ku isticmaala oo ismariya isaga oo ka raacaya warqadda isticmaalka bukaha (patient information leaflet), talooyinna la siiyo la xidhiidha isticmaalka kadib.

S. Waxaad sheegtay in tayada daawada sarreyso. Maxaad ku ogaataan ama ku ogaan kartaan in tayadeedii qofkii ku bogsaday iyo in kale?

J. Daawadan Tikaf cidkastoo qaadata waxa shardi ah habeenka kowaad duhurkiisa ilaa casarka inay warka soo celiso inuu bogsaday, taasoo tayo ahaan aannu hubinno iyo inuu raacay jidkii iyo qoraalkii isticmaalka ee saxda ahaa iyo in kale. Labada habeen ee dambe waa xaal-xaal oo waxay kaabaan hadduu isticmaalkii iska xumeeyey ama sahashaday oo shuruuddii qaar ka baydhay.

Isticmaalka xumaadaa wuxuu keeni karaa in daawadu demto kadib hoor kor uga soo degey oo daawada dhexgalay, kolka calooshu jilicsantay oo kale ama iyada oo daawadii aanay wada gaadhin cilladihii jirey.

S. Prof. Maxaad nooga sheegi kartaa waxyaabaha sababa ama dhaliya cudurka Babaasiirta?

J. Ugu horreyn, cudurka Babaasiirtu waa cudur ku dhaca gobolka duburta iyo gudaha malawedka oo dhibaato badan, warkaa wuxuu ka dhashaa ama sababa:

• Calool-istaagga dheer ama joogtooba.

• Mililikh engegga malawadka ku dhacay (sida dhukaygii dhegaha).

• Bukhuurka kemiko ee musqulaha joogga u qodan ee aan lahayn dhuumaha qaada.

• Dib-u-dhiggidda xilliga xaajo-qabadka, taasoo saxaradu sii muud engegto marba marka ka dambaysa.

• Waxyaabo xajiin iyo xagasho leh oo jeexid ku keenna gudaha malawedka ama lingaxa duburta.

• Isku celinta naqaska oo dib u celisa oo hakisa foolkii saxarada iyo cadaadiskaba.

• Fadhiga la barriinsado ee meelaha adag sida midka jaadka, kaabadaha, kuraasta iwm.

• Shubanka daran ee ducashada leh.

S. Astaamaha cudurka babaasiirta maxaa ka mid ah oo aad nooga sheegi kartaaa?

J. Astaamaha cudurka waxa ka mid ah:

 Xididdo weynaadey oo ah kolmo dhiig guntamay oo lingax duburta ah iyo gudaha malawedka.

 Agdhaadh bararay (swollen tissue) oo gudaha malawedka oronsada oo saxarada ciijiya oo ducasho iyo dhib lagala kulmo.

 Dhiig ay marar yeelato kolka la xaajoonayo ee godka lagu jiro, ka dibna joogsada.

 Dareenka hammada oo ay wax yeesho ama ku raagidda la’aad noqota, oo badi ragguun dareemi karo.

 Xannuuno kala ah:

o Wareeegga miskaha ama qaarka dambe

o Lugaha oo daala iyo baabaco olol, gaar ahaan kuwa hoose.

o Wahsi iyo tamar-darro

o Xididka ay haysato oo meeshii uu maraba xannuun laga dareemo

o Fadhiga oo laga duuro oo la fadhiisan kari waayo nooc ka mid ah

o Marar ay socodka ku damqato oo sibraha dhiig ka dareero balse naadir ah.

Afar qof baa (4 buke) iga soo maray noocaa oo mid ka mida fadhigii surwaalkii casaadey, intaan ka waraysanayey.

S. Cudurka babaasiirta ma laga hortegi karaaa, haddiise laga hortegi karo sidee baa looga hortegayaa, maxaaad uga kordhin kartaa bulshada arrintaa?

J. Cudurkan bawaasiirta waxa lagaga hortegi karaa adiga oo sameeya waxyaabahan oo dadaal muujiya:

1. Caloosha oo la jilciyo oo dadaal la saaro in la isticmaalo cunto-dhan (balanced dief) khudaarta cagaaran iyo cunto miskiinka, waxaan caadi ahayn oo laysku darsado amase jacbur ah.

2. Biyo badan oo cabbiddooda la caadeysto ilaa 10 galaas maalintiiba oo saxarada jilciya, jidhkana nafaxaad geliya.

3. Naqaska dhuusada oon laysku xejin, dhibteeda la eego oo aan ceebuu loo arag.

4. Fadhiga badan ee meelaha adag oo layska daayo ama wax laysaga dhigo sida buush qaro iyo dalloolo leh.

5. in laga dheeraado wax allaala wixii jeexid ku keenaya gudaha malawedka iyo lingaxa duburtaba sida qoryaha xanafta leh (dhinaca miyiga).

6. Musqulaha joogga u qodan oo looga guuro kuwa casriga ah ama dhuumo bukhuurka kor u dallaca loo sameeyo.

S. Prof. Waxa dhaca in dadka qaar babaasiirta iska qalaan ama dhir lagaga mudo oo qaarkood la sheego inay dhib kala kulmeen. Haddaba maadaama aad leedahay daawada Tikaf way baajisay farsamooyinkaa, maxaad dadweynaha u sheegi lahayd talo iyo tusaaleba oo arrimahan ku saabsan?

J. Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa ama ku maahmaahdaa “nin bukaa boqol u tali” waa sarbeed tilmaamaysa in qof bukaa aanu meelna ka waaban loo tilmaamo ee cudurkiisa khusaysa oo dhibtaa haysa ka reebta.

Waxaan dadweynaha u sheegi lahaa kuna baraarujin lahaa.

• In Babaasiirtu tahay cudur aan tegin oo soo noqnoqda oo aan kaaga tegeen haddii la qalo la dab, la gubo ama dheecaan dir lagu duro xididadii soo rida, sidaa darteed looma baahna in dhib iyo dhaawac toona loo geysto duburta waayo waa meel xasaasiya oo aanay ahayn in waxyeello la gaadhsiiyo oo Mardambe dhibteeda leh. Markaa haddii duburta loo geysto dhib iyo dhaawac waxa ka iman kara

 Dhaawac dhibtiisa leh iyo bush ka fida, dhiig-bax laga yaabo inuu joogsan waayo iyo khataro kale sida cudurro horleh oo ka dhasha.

 Lingaxa duburta oo madha ama tuuro yeesho celin-waayo cadaadiskii, saxarada fuudka ah iyo naqaska dhuusada oo ay xejin weydo oo dabeed hawlyari ku dhaafa.

 Hammada oo sii yaraata oo markay la’aadba noqota ninka guurso loogu tag-waayo ama dumarka ooy caadada ka joojiso.

 Nuglaansho ay soo taranto oo badato.

Waxaan talo ugu gudbin lahaa dadka bawaasiirta ka cabanaaya in aanay marnaba ku samayn qalitaan iyo wax kaloo dhibaato u geysanaaya duburta, liciifinaya habka taranka, taasoo ay ka fiican tahay iyadoo lala saaxiibo oo jilcinta caloosha laga shaqeeyo oon dhibaato laysu geysan sii tarmisa cudurka ama nuglaansho keenta.

S. Prof: Maxaad ka odhan lahayd meelaha dhirta lagaga duro kolmaha babaasiirta iyo

Xataa dhiraha kale dadka la siiyo goobaha cilaajyada?

J. Marka hore waxa fiican ama ay tahay in dhirta aqoon loo lahaado oo cilmigeeda la barto, ciddii aan aqoon u lahayn oo aanay noqon ganacsi iyo fara-qabsi laga dayo oo ay tahay in dadnimada la xeeriyo.

• Daaweynta dhirtu aqoon bay u baahan tahay iyo takhasus oo markaas baa wax lagu daawayn karaa.

• Dhirtu waxa ay isugu jirtaa afar nooc oo kala ah Aysiidh, Beys, Milix, Oksaydhyo, taasoo laga yaabo in geed keliyi isugu jiro afartaa nooc, midna yahay aysidh keliya, ku kalena saddexda noocba ama laba noocba.

• Markaa aqoon la’aanta dhirta waa ta keentay in dheecaan aysidh ah lagu duro xididada weynaadey ee kolmoobey ee bawaasiirta loo yaqaan, taasoo sababta in xididadii soo go’aan, soo dhacaan kolkay disho aysidhu oo dhaawac abuurta dib looga dhayo ama bushba (infection) abuurta.

• Sidoo kale cilaajyada waxa aan odhan lahaa aqoon ha loo yeesho dhirta iyo daaweynteeda oo yay bowsi noqonin lagu dayday mid aqoonta u leh, dadkana ha loo tudho.

S. Maxaad odhan lahayd dadka isticmaala ganacsiga dhirta iyo bulshadaba iyo ciddii ay khuseysoba?

J. Dadka adeegsada ganacsiga dhirta ee geedaha isugu dara dadka buka ama aysidh ku dilaaya xididadii dareenka ee bawaasiirta waxa aan u sheegi lahaa in ay ka waantoobaan oo dadka u tudhaan, dhibta ka illaaliyaan dadkaa buka iyo ta nafahoodaba ku soo noqon karta kolkay dhib u geystaan.

• Bulsho-weyntana, waxa aan odhan lahaa daaweynta caqli iyo garasho ha lagu darsado oo yay dhicin dhib ka carar oo dhibaato horle iyo halis uga sii gudub.

• Xukuumadda waxaan leeyahay aad ha loo derso goobaha cilaajyada iyo meelaha kalee daaweynta ama caafimaadka ku lug leh, si loo xaqiijiyo aqoonta mulkiiluhu u leeyahay xirfadaha daaweynta, dabeedna ruqsad ha la siiyo haddii loo bogo ama in laga xidho hadduu u qalmi-waayo, taasoo ah badbaadada dadweynaha la waleecaadaya ee la weedaadaya xanuunnada kala duduwan.

• Bulshada Somaliland ama Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in aqoon ahaan aan la mid nahay dadyowga yurub iyo aduun-weynaha kala jooga, laakiin ay innaga maqan tahay fikradaha waxqabsiga, hindisaha iyo aqoontii oo aan dhaqan-gashanno oo laysla kaashado, tartan la geliyo iyo sidii looga midho-dhalin lahaa, taasoo faa’iido iyo horumarba lagu gaadhi karo.

• Midna ha la ogaado dal waxa uu horumar ku gaadhaa waa heerka aqoonta bulshadiisa oo dardar-gelin lagu shaqeeyo ama laga shaqeysiiyo, taas waxa aan odhan lahaa intii isku aqoon lehba haysu tageen hayska kaashadeen oo ha muujiyeen aqoontooda hindise iyo wax soo-saarba. Sidoo kale waxaan odhan lahaa aqoonta ha loo dhug yeesho iyo heerarkeeda horumar ee maanta adduunyadu marayso oo aan ka gudubno weedhii ahayd “dayaxii baa la koroon weli awrkii doohda hayaa.

Ka soo xigtay: Jamhuuriya