Carruurta Khuurisa Amma Naqasku ku Dhego Markay Hurdaan oo la Oggaaday in Dabeecaddu ka Xumaato

Carruurta Khuurisa Amma Naqasku ku Dhego Markay Hurdaan oo la Oggaaday in Dabeecaddu ka Xumaato

Carruurta yaryar ee khuuriya amma habeenkii aadka u neef tuura xilliga hurdada, ayaa la oggaaday inay khatar weyn ugu jiraan dhibaatooyinka nafsaaniga ah ee ay ka mid yihiin isku-buuqa, dabeecad xumadda iyo cadhada badan.

Cilmi-baadhayaal u dhashay dalka Ingiriiska oo daraasadan ka qaaday in ka badan 11,000 (kow iyo toban kun) oo carruur ah, da’dooduna ka weyn tahay lix jir, ayaa daboolka ka qaaday inay ubadka aadka u khuuriya la kulmaan nasasho la’aan xagga maskaxda ah, iyaga oo sidoo kalena noqda qaar cadho badan oo gardaradoodu badan tahay, dulqaadkooduna yar yahay, sidoo kale waxa ku adkaata inay saaxiibo wanaagsan samaystaan.

Drs. Karen Bonuck oo ah khabiirad caafimaadka qoyska iyo bulshada ku takhasustay, hoggaaminaysayna kooxda diyaarisay daraasaddan, ayaa sheegtay in ubadka oo neefsashadu ku adkaataa ay dhaawac u geysato in maskaxdu inay si wanaagsan u shaqayso.

Drs. Karem oo daraasad ku daabacday jariiradda Pediatric ayaa tidhi; “Tani waa caddaynta ugu xooggan in khuuradu, afka neefsashadu iyo in qofka neeftu ku xidhanto muddo dheer markuu hurdo saamayn ku yeelan karto dabeecaddiisa iyo caaddifadda carruurta. Waalidiinta iyo dhakhaatiirta carruurtu waa inay dareen dheeraad ah siiyaan dhibaatooyinka hurdada ka dhasha ee ubadka yaryar, gaar ahaan markay sannadaha u horreeya ee noloshooda ku jiraan carruurtu.”

Tobankii carruurta ahba mid ka mid ah ayaa khuuriya, halka inta u dhaxaysa 2% ilaa 4% ay la kulmaan naqaska oo ku dhega habeenkii, waxayna khubarada cilmi-baadhista samaysay oo ka socday jaamacadda Yeshiva, gaar ahaan kuliyadda caafimaadka ee Albert Einstein College of Medicine ee dalka Ingiriiska, ayaa ka codsatay waalidiinta inay buuxiyaan calaamadaha ubadkooda markay da’doodu u dhaxayso lix jir ilaa 69 bilood, waxa sidoo kale la waydiistay waalidiinta inay wax ka tilmamaan dabeecadaha ubadkooda.

Cilmi-baadhayaashu waxa heleen in carruurta khuuriya amma naqasku ku dhego markay hurdaan inay 40% ilaa 100% u dhaw yihiin in dabeecadu ka xumaato markay toddoba jirka gadhaan, marka la barbardhigo kuwa aan iyagu dhibaatooyinkaas la kulmin.

Lulada iyo Caajiska oo Dhibaato Weyn ku Haya Duuliyeyaasha Diyaaradaha iyo Wadayaasha Tareennada

Dad badan ayaa khaatiyaan ka taagan dareemidda hurdada (Lulada) iyo caajiska waqtiyada ay hawsha amma kulanada gaarka ah ku jiraan, balse dhibaatada waxay saamayn ba’an ku haystaa duuliyeyaasha diyaaradaha iyo wadayaasha tareenada rakaabka qaada.

Ku dhawaad rubuc ka mid ah bayloodada iyo 23% ka mid ah wadayaasha tareenada, ayey hay’adda hurdada adduunka ee la yidhaa National Sleep Foundation ka qaaday tijaabo, iyagoo qirtay in lulada ay saamayn weyn ku yeelato gudashada shaqadooda, waxaanay barbardhigtay hay’addani 04% ka mid ah shaqaalaha aan ka hawlgalin safarrada. Waxa kaloo 20% ka mid ah dadka khubarada ah ee duuliyeyaasha iyo wadayaasha tareennada ah ay sheegeen inay galaan khalado aad u waaweyn markay gudanayaan waajibaadkooda shaqo, iyaga oo arrintaana ku sababeeyey lulada amma dareemidda hurdada.

“Khaladaadka dadka khubarada ah aad bay u yar yihiin saraakiisha dhinaca safarku waxay u baahan yihiin inay hurdo wanaagsan helaan si ay shaqadooda si wanaagsan ugu gutaan,” ayuu yidhi Mr. David Cloud oo ah Guddoomiyaha Guddida Fulinta ee hay’adda Virginia Foundation.

Mr. Thomas Balkin oo ah cilmi-baadhe hurdada ah oo ka socday mac-hadka cilmi-baadhista ee Walter Reed Army Institute, ayaa sheegay “Shaqaalaha safaradu waa dad aynu ku aaminay inay inay ina gaadhsiiyaan goob, markay dhibaato timaado amma khaladaad galaan natiijadu waxay noqonaysaa masiibo, hurdaduna waxay rabshaysaa hawshooda.”

Dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha amma dadka kale ee shaqeeya 24 saacadood, shaqaalaha gaadiidka, waxa u wanaagsan inay lahaadaan waqtiyo la beddelo.

Dhakhaatiir soo Saaray Daawo Cusub oo Wadnaha Saca ka Samaysan, Laguna Daweeyo Suuska iyo Ilka Xannuunka

Khubaro dhakhaatiir ah oo ku takhasusay xannuunada ilkaha ku dhaca oo u dhalatay dalka Ingiriiska, ayaa helay xal joogto ah oo lagu daawayn karo dadka ka cabanaya ilko xannuunka amma suus ilkaha uu ka galay, waxaanay tilmaameen in lagu daawaynayo qayb ka mid ah wadanaha lo’da.

Dad badan oo waaweyn ayaa cabasho badan ka muujiya ilko xannuunka, gaar ahaan suuska, iyada oo xannuunka ilkuhuna dhibaato badan ku hayo dadka, isla markaana uu aad ugu fidiyo meelo badan, balse waxa dhakhaatiirtu diyaariyeen dawo wadnaha lo’da laga sameeyey oo wax lagaga qabto ilko xannuunka iyo suuska.

Dhakhaatiirtuna wax daawo ah umay hayn aan ka ahayn inay kula taliyaan dadka ilkaha ka cabanaya inay ilkahooda nadiifiyaan amma cuntooyinka macaanka iyo Acid ku badan tahay iska ilaaliyaan, balse waanadan waxay ka hortagaysaa in ilkahaaga ay soo waajahaan xannuunadu ama aad suus yeelato, iyadoo khubarada caafimaadka ilkuhu ay sannadahii la soo dhaafay ku mashquulsanaayeen helista unugyo lagu daaweeyo ilkaha ha noqoto xubin bani’aadam amma in laga saaro xubnaha xannuunaya bukaanka ee suusku galay.

Haddaba, markay dhakhaatiirku qofka ka saaraan ilkaha bukaanka xididada dhiigga qaada waxay sii daayaan boratiinka Collegen-ka la yidhaa (Waa boratiinka qaabka u sameeya, una saamaxa inay dabacsanaad nudaha jidhku), waxana intaa kadib si aan caadi ahayn u kora suuskii ilkaha ku dhacay.

Dr. Germin iyo Swiss oo ka mid ah dhakhaatiirta soo saaray in ilkaha lagu daaweeyo wadnaha saca, ayaa tilmaamay in si fudud loo heli karo wadnaha saca ama lo’daba, isla markaana ay taasi fududayn karto in wax laga qabto xannuunada ku dhaca ilkaha dadka.

Dr. Shahram Ghanaati oo ka tirsan Jaamacadda Frankfurt iyo Dr. Markus Schlee oo ah dhakhtar ilaha ku takhasusay oo labadooduba hoggaaminayeen cilmi-baadhistan, ayaa sheegay in habkan cusub ee daawayntu inay yaraynayso suuska, isla markaana xoojinayso xididada ilkaha, waxaanay habkan cusub ku daaweeyeen 14 bukaan oo ka cabanayey ilko xannuunka, iyagoo u isticmaalay boratiinka Collagen oo laga soo saaray wadnaha sac la qalay.

Bukaankan ka hor intii aan la daawayn ilkahooda waa la nadiifiyey, waxaana boratiinka Collagen-ka la dhigay halkii qalliinka lagaga sameeyey ee suusku ku jiray, laba maalmood kadibna waa laga qaaday daawadii, halkaasna way ku bogsadeen dhammaan dadkii ilkaha cabanayey.

Xigasho: Jamhuuriya

mars 10, 2012 · admin · 2 Comments
Posted in: Maqaalo

2 Responses

  1. shabaho - mars 22, 2012

    waxa iliqliqad ilkaha maxad igula talin lahayad oo aan sameeyaa? waligay dhaqatar ilkood uma tagin mana lahan bolol ama dalool.waxan daganahay dalak DANMARK.WAXAN KA SUGA WA JAWAAB

  2. admin - mars 22, 2012

    ASW Shabaho!

    Aad iyo aad ayaad umahadsan tahay suáashaa aadna soo waydiisay.
    Cudurada ilkaha ku dhaca waxaa loo ka qaada laba nooc.

    1. Suus gala ilkaha (dalool)
    2- Ilkaha oo ligliganaya

    Waxyaalaha keena suuska ama daloolka ilkaha waxaa inta badan keena macaanka badan, sida cunitaanka Nacnaca badan, xalwada badan, iskiriinka badan, shukulaadka badan.
    Iyo sharaabkba maacaank badan ku jiro sida, Coca Cola, Fanta, Spirit, Red Bull iyo sharaabka kale ee macaan. Kuwaani waa kuwa keena suuska ama ilkaha oo dalooshama.
    Waxaa kale oo keena suuska/daloolka ilkaha ku dhaca, waa caday la áanta.

    Waxyaalaha keena ilkhaha oo ligligta waa bakteeriyada iyo safayn laáan,cabitaanka sigaarka, cuduro qaar ka mida.
    dadka soomaalida ee qaarada Yurub jooga waxaa aad ugu badan ligligashada ilkaha. Bakteeriyada ayaa waxa ay dhex ka gashaa oo dhagaxaan ku samaysaa ilkaha iyo ciridka dhexdooda. waxayna bakteeriyadu iliga iyo ciridka dhexdooda ka samaysataa kiish, waxa ay marka danbe samaysaa bakteeriyadaasi in ay sii badato oo kiishkaa ciridka ay hoos usii dalooliso.
    Taasina waxa ay keentaa in iligii adkaa ee ciridku hayey uu bilaabo in uu ligligto. Haddaba waxaa la sameeyaa in la cabiro inta u dhaxaysa iliga iyo kiishka ciridka. Haddii cabirku 4 mm uu dhaafo, oo uu gaadho 6, 7, 8, 9, 10 mm waxaa dhacaysa in iligaasi ligligto, bakteeriyo badana ay kiishkaa ciridka ay ku noolaato, kadibna ay xanuun qofka u keento. Aakhirkana waxa ay noqonaysaa in iligaa la saaro.

    Talo ahaan waxa aan ku odhan lahaa ballan ka samayso oo u tag dhakhtarka ilkaha ee kuu dhaw. Waxaa aad u baahan tahay in ilkaha oo dhan baadhitaan lagu sameeyo.
    Waxaa jirta oo inta badan dhacda in aanu qofku dareemin in iligu dalool leeyahay. Taana waxaa lagu ogaan karaa qofka oo xanuun ka dareema iliga ama marka sawir laga iliga oo markaa la arko in iligu daloolo. Haddii ilkahaagu daloolaan waa in la buuxiyaa oo taa waxaa sameeya dhakhtarka ilkaha, haddii ay safayn u baahan yihiina waxaa samaynya dhakhtarka safaynta ilkaha.
    Waad mahadsan tahay Shabaho.
    Waxaan filayaa in aad ku qanacday suáashaa jawaabteeda.

    Bahda mareegta caafimaadka
    http://Www.Caafimaadka.com
    E-amyl:Editor@caafimaadka.com
    E-amyl: Caafimaadka2011@gmail.com

Leave a Reply