Dhawr nooc oo bariiska aynu cuno ka mida oo ay ku badan tahay maado kiimiko ah oo taranka wax u dhimaysa

Dadka dunnida ku nool ayaa badanaa bariisku u yahay cuntada muhiimka ah ee ay cunaan maalin walba, dadkaas waxaa ka mid dadka soomaalida oo maalin walba cuna bariiska. Haddaba waxaa jirta marka la beerayo bariiska in lagu shubo maadooyin kiimiko ah oo loo isticmaalo siyaabooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin in si degdeg ah u soo saaraan bariiska ama degdeg ugu soo baxo, ama ka ilaalisa cayayaanka. Laba maado oo kiimikada ahi waxay qabtaan in ay midi ka ilaaliso in uu wixii la beerayey ee bariiska ahaa uu qaayiso (xumaado) midna waa mid ka ilaaliska cayayaanka.


Haddaba maadooyinkaas kiimikada haddii xadigii ama qiyaastii loogu talo agalay in ka badan lagu shubo waxa ay keentaa halis caafimaad darro ah. Taas oo keenta in ay taranka qofka wax u dhinto, waxa kale oo ay keentaa in ilmaha uurka ku jira ay dhibaato caafimaad daro u keento. Bal haddaba sayt-ka (Home-page) iswidhisha oo tijaabiya ama test gareeya cuntooyinka oo magaciista la yidhaahdo Testfakta.se ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in dhawr nooc oo bariiska ka mid ahi ay aad ugu badan tahay maadooyin kiimiko ah, oo aan caafimaadka u wanaagsanayn. Waxaan lagu soo baadhay dhawr-ka nooc ee bariiska ah shaybaadhka cuntada lagu baadho.

Bal haddaba aynu eegno noocyada ay kala yihiin bariiskaasi.
Sida aad sawirka ka arkaysaan waa toboda nooc oo kala ah:

1- Daavat
2- Eldorado
3- Euroshoshopper
4- Habib
5- Katos
6- Mahmood Sella
7- Shiva Sela

Haddaba bal mid mid aynu u gudo galno.

1- Daavat: maadadada kiimikada ee ku jirta waxa ay 3 goor ka badan tahay inta caadiga ah ee loogo talo galay.

2- Eldorado: Waxa yara saraysa maadada kiimikada ku jirta qaayiska la dagaalanta, kuma jirto maadada kiimika ah ee la dagaalanta cayayaanka

3- Euroshopper: qiyaasta/xadiga maadada kiimikada la dagaalanta cayayaanka ayaa ka saraysa inta loogu talo galay.

4- Habib: Waxaa aad ugu yara badan maadada la dagaalanka qaayiska (xumaado) kuma jirto maadada kiimikada ee la dagaalanka cayayaanka.

5- Katos: Waxaa aad ugu badan oo ku jirta maadada kiimikada ah ee ka hortaga qaayiska.

6- Mahmood Sella: Waxa aad iyo aad ugu badan maadada kiimika ah ee la dagaalanka cayayaanka.

7- Shiva Sela: Waxaa ku jira maadooyinka la dagaalanka/ka hortaga cayayaanka, waxaanay maadoouinkaas kiimikada ahi 4 goor ka sareeyaan inta caadiga ah ee loogu talo galay.

Waxa loo kala qaybiyey laba nooc

1- Kiimikada loo isticmaalo la dagaalanka/ka hortaga cayayaanka oo magacyadooda la yidhaahdo

Carbendazim (MBC) and benomyl
imidacloprid
Isoprotiolan
Pirimiphos-methyl
Propiconazol
Tricyclazol
* Measurement uncertainty is + / – 0.01 mg

2- Kiimmikada sunta ah ee la dagaalanta ama ka hortagta qaayiska oo magacooda la yidhaahdo

aflatoxin B1

Toboda nooc ee bariiska ah saddex ka mida waxaa saaran calaamada x oo midab casaana leh iyo kuwa ay saaran tahay calaamada / oo akhtara.

Halkan ka akhriso natiijada.
Waxaa ugu darnaa bariiska Shiva Sela, waxaa ku jirta maadada kiimikada ah, 4 goor in ka badan inta caadiga ah ee loogu tallo galay.

Halkan ka akhriso natiijada oo dhan!

http://www.testfakta.se/incoming/article52665.ece/BINARY/basmatiris2.pdf

Waxa soo diyaariyey: Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)
Bahda Mareegta caafimaadka:
WWW.Caafimaadka.com
Editor@caafimaadka.com
E-mayl:Caafimaadka2011

november 13, 2011 · admin · 4 Comments
Posted in: Maqaalo

4 Responses

  1. ayaan - november 14, 2011

    asalam calaykum walal waxa ku way dinaya afka aya ika gadudan sida ina bisha qaba laba bar gadudan marka waxa sigar ina is ka jo jiya raba hadu ilahay yirahdomarka afka maxa ku sameya maishegi gartajisa gumalah

  2. admin - november 18, 2011

    Aad baad u mahadsan tahay suáashaa aad na soo waydiisay:

    Su´aasha badh waanu fahamnay badhna maanu fahmin ee bal adigoo raaliya suáashaa aad rabto in lagaaga jawaabo soo faahfaahi sida ay tahay

    mahadsanid

    Mareegta Caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    E-mail: Editor@caafimaadka.com
    E-mail: Caafimaadka2011@gmail.com

  3. warfaa - november 26, 2011

    ASC WALAAL ADOO MAHADSAN BARIISKA AAD CILADA KU SHEEGTAY MA KURAA NOOC LA DHAHO YASMIIN

  4. admin - november 27, 2011

    Asw Warfaa!!

    Aad iyo aad bad u mahadsan tahay suáahaa aad na soo waydiisay. Suaashaa aad na soo waydiisay haddaan isku dayo in aan ka jawaabo. Cilmi baadhista lagu sameeyey dhawr nooc oo bariiska kamid ah, kumuu jirin bariiska nooca loo yaqaan Yasmin.

    Waad mahadsantahay.

    © Copyright 2012 | mareegta caafimaadka
    All Rights Reserved

    Bahda mareegta Caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    E-mail: editor@caafimaadka.com
    E-mayl: caafimaadka2011@gmail.com

Leave a Reply