Mahad celin ”mawduuciii riixda afka qadhmuun”
Nagiib walaal waan ku salaamay marka hore , salaanta muslimka (ASCWRB)Intaa ka bacbi walaal waxaan kaaga mahad celinayaa sida aad isugu taxalujisay inaad i caawiso aniga iyo inta ila midka ah ee dhibkan ka cabanaya , walaal ilaahay ha kaa abaal mariyo adiga iyo bahda caafimaadka oo iyakuna intaa ku howlan si ay uga haqab tiraan umada somaliyed dhibka caafimaad ee haysta iyo wixii kolba talo ah ,walaal waxaad ii sheegtay oo dhan waan sameeya oo waan raacaa talo kasta ood ii soo gudbisay oo walibana waan ku dadaala ilahay ha inagau caafiyee dhamaanteen , walaal inkastoon wali dadaalkii wado hadana wali wax is badal ah maan dareemin balse ma joojinayo insha allah,
waxaan ka codsanayaa bahda caafimadka iyo adiguba wixii kale ee talo iyo tusaale ah inaad ii soo gudbisan idinkoo mahadsan ,ilahayna ha idinka abaal mariyo , wasalaamu calaykum
From: Rooda
augusti 16, 2011
·
admin ·
3 Comments
Posted in: Maqaalo
3 Responses
rooda ma iska baadhay xanuunka la yidhaahdo GERD (Gastroesophageal reflux disease) sidoo kale makugu dhacay ama ma iska baadhay xanuunka isna la yidhaahdo H.pylori ee keena gastriga somalida aadka ugu dhaca, labuda way keenaan riixda qarmuun weliba aadbay u badanyihiin dadka labadaa midkood qaba ee hadana badbreathka leh, hadii ilkahaaga iyo cirikaagu caafimaad qabaan siday adiga kula tahay waxa laga yaabaa in cudurada ay labadan cudur kow ka yihiin ku hayaan,
isku day inaad laban cudur wax badan ka ogaatid adoo raadinaya mawduucyo badan oo ka hadlaya labadan cudur.
nagiib badbreath sufferer
Nagiib!
Waad mahadsan tahay
Bahda mareegta caafimaaka
http://www.Caafimaadka.com
Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
Nagiib walaal waan ku salaamay(S/C) walaal aad ban kuugu mahad naqayaa sida aad isugu hawshay inaad i caawiso ilahayna ha kaa abaal mariyo -walaal gaastariigu wuu i hayay intii mudo ah oo waliba laabdilaaca baa aad iigu badnaan jiray oo waxaan qaadan jiray (gaviscon) marka laabdilaaca igu kaco ,markii danbe een dhakhtarkayga u sheegay(GB)oon dhowr jeer cabasho ula tegay waxaa la ii diray a special bloodtest to see if I had bacteria in my stomach , ka bacdina waxaa la iga helay bacteria waana la iga daweeyay ,waxan qatay dowadii ku haboonayd,ka bacdi waan ka raystay calool ololkii mudo badan ,bas waxaan laab dilaaci jiray markan bas-bas cuno oo kaliya,hadana bari dhowayd baan isku arkay waana ku noqday waxaa la ii diray in tuubo loo dhaadhiciyo calooshayda taas oo soo sawirtay dheecaana ka soo qaaday bal hadaan wali haysto bacteria ,waxana la ii sheegay in bacteria la iga waayay laakiin la arkay caloosha gidarkeda meel casaan ah waxaana la ii sheegay inay wax iska fudud tahay oo si sahlan loo dawayn karo waxaana la i siiyay dawo la yidhahdo omezorapole oo capsule ah ,iyagoo ii sheegay inay bogsiinayso nabarka yar ay arkeen balse waxa la yaab leh dawada hadaan is idhahdo iska daa waxaan dareemayaa laab dilaac oo waliba hadaanan qaadan dawadaa hurdadayda ba meeshaba ka baxda calool olol dartii, hadaan qaatana waan ku ladnaada, waxaan waydiiyay GB maxaan dawadan ugubogsan waayay haday tahay tii xanuunkan loogu tala galay oo markasta ugu baahanahay inaan qaato ,wuxuu iigu jawaabay iska wad iyadaa loogu tala galaye,waxan is waydiiyaa dawada waxaa la arki jiray inay xanuunka loogu tala galay dawayso oo mudo cayiman ka bacdina la iska daayo,lakin iska wad ayuu igu leeyahay,walaal nagiib waxan u malaynayaa inaan ku dheeraday hadaan soo af jaro anoo si wayn kuugu mahad celinaya ilaahayna gar-gaar waydiisanayna dhamaanteen bal wixii talo ah waan kaa sugi walaal,arintii riixdana waxaad mooda inay sidii dhaanto markaan taladaada raacay waxan kaloo soo iibsaday dawo lagu luq-luqdo oo la yidhaahdo corsodyl ,waxan u malaynayaa inay afka ka disho bacteria ,waxase ku qoran bil wax ka badan ha isticmaalin hadii kale u sheeg doctorkaaga ,waxanse dareema markan isticmaalo is badal wayn ,markan iska daayona wixii baa igu soo noqda waxan gaadha heer aan anigu afkayga ka diiqadoodo culayska saaran oon caday waxba ka tarayn ,walaal intaas baan ku soo gaba-gabaynayaa insha allah,adaan talo kaa sugi iyo bahda caafimaadka ilahay khayr ha idin siiyo
Leave a Reply