anigu waxan haysta caruur yar-yar aabohoodna waxa uu iga tegay riixda qadhmuun ee afkayga ka soo baxaysa

Asw

Waxa aanu aad iyo aad uga mahad celinaynaa dhammman akhristayaasha soo booqda mareegta ama bogga Caafimaadka.com. ama faallooyinka ka bixiya maqaalada lagu soo daabaco mareegta caafimaadka.com

Haddaba waxa aanu maanta jecelnahay qiso dhab ah oo ku dhacday gabadh soomaaliyad ah, oo ka sheekaynaysa dareenkeeda ku saabsan arin xaga caafimaadka ah oo la soo deristay nolosheeda sidaa iyo akhris wacan. Amuurtani waxa ay dabo socodtaa maqaal aanu mar hore ku soo daabacnay mareegta caafimaadka.com oo ka hadlaysay (Cilmi-baadhid Ku Saabsan Riixada Qadhmuun ee afka dadka Ka soo baxda *Af Qadhmuun-ka*)

Sidaa iyo akhris wacan
Bahda mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com
Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com

ROODA

2011/07/17 kl. 9:04 e m

walaal marka hore waan idin salaamay, salaan ka dib walaal waxaan qabaa cudurkaa af qadhmuunka in badana wuu i haystay dhibaato badana waan ka soo maray dhakhtarkana waan la xidhiidhay wuxuu ii diray dhakhtarka ilkaha isna waxa uu ii qoray dawo lagu luqluqdo oo waxa uu ii sheegay inay ciridka tahay ciladu masa aha oo xataa hadaan dawadii dhamaystay oo ciridkiina fiicnaaday wali way jirtaa neeftayda baa uraysa , waliba waxad mooda inay sii badanayso, walaal ma garanayo waxan sameeyo waxani mudo badan bay i haysay ,waxa dhacday xataa inaan cuqdad qaaday oon ka go’ay inaan dadka la sheekaysto ama ag fadhiisto anoo ka baqaya inay sanka iga qabsadan, waxan ahay gabadh wax baratay ,hasa ahaatee ma shaqaysto oo dadkii xataa lama shaqayn karo waxa dhacday in xataa dhow shaqo la iga eryay sababtuna tahay dadka aan la shaqeeyo oo ka cawday in aanay ila shaqayn karayn, lakiin la iigu mar-marsiiyooday wax yaabo kale aniguse aan ogahay cilada, iminka waxay noloshaydii ku soo ururtay inaan guriga isku qariyo oon qof walba ka fogaado, dhibaatada haysata dadka qaba cudurka urta afka waxa haysta dhib aan cidi qiyasi karin, wax kale iska daayoo xataa qofka aad nolosha la wadaagto kuma dul qadan karo iska daa cid kalena ,

anigu waxan haysta caruur yar-yar aabohoodna waxa uu iga tegay riixda qadhmuun ee afkayga ka soo baxaysa, isagoo waliba markuu ila joogayna igu hayay aflagaado aad u xun oo naftayda dhaawac wayn ku reebtay ,sidas ay tahay hadana wali ilaahay kamaan rajo dhigin ,waxaan ilahay ka sugayaa inaan maalin uun ilahay ka heli doono naxariis aniga iyo inta ila mid ahba , waxaana u sheegayaa dhamaan dhibanayaasha inaan noqono (strong) waa inaan adkaysi u yeelana wax kasta oo naga soo gaadha dadka kale ee iyagu noola dhaqmaya inaan anagu cudurka soo iibsanay, iga raali ahaada hadaan hadalka badiyay, waxaan uga jeeda inaan si daacad ah ula wadaago murugada ay qaban dadka ila midka ah,

adna walaal waxaan kaa codsanayaa inaad ii soo gud biso wixii talo ah ama waxad is leedahay waan kaga bogsan karaa xanuunkan .

aadna walaal waad u mahadsan tahay

juli 21, 2011 · admin · 4 Comments
Posted in: Maqaalo

4 Responses

  1. nagiib - juli 23, 2011

    Rooda keligaa maaha anba waan qabaa xanuunkaas halitosiska waxan hada ahay nin dhalinyaro ah xunuunku wuxu igu dhacay anoo yar markii aan dalka joogay, qurbaha markii aan imi wax dhakhtara iyo dentistetoona uma tegin laakiin waxan raadiyey bal inay jiraan dad ila mida oo aan khibrad iyo talo ka koradhsado, waxan helay dhowr website oo luuqada englishka ku qoran oo aan runtii waxyaabo badan oo dabiiciya oo lagula dagaalamo xanuunkan aan ka bartay, waxan ogaaday in xanuunku uu noocyo badanyahay waxyaabha keenaana ay tiro badanyihiin.

    inkastoo ay igu adagtahay inaan afsomali ku wada micneeyo hadana hadii aan isku dayo, xanuunka halitosisku wuxu ka dhalan karaa waxyaabhan hoss aan ku xusayo>

    1- bakteeriya carabka xagiisa danbe ku dhuumata oo aaan cadayga caadiga ah lagu nadiifin karin taasoo keenta in carabkaagu yeesho midab caanood oo kale ama cadaan ilaa la isticmaalo caday loogu talo galay oo la yidhaa (tongue scraper)ama malqacada cuntada oo kale.

    2- dhagxaan yar yar oo cad cad oo aad u qadhmuun oo marmarka qaar kasoo daata dalqada (tonsil stones)

    3- jidhkeena waxa ku nool bakteeriya fiican oo caafimadkeena u roon iyo mid xun, hadii ay ta xun(Anaerobic bacteria) ka badantahay ta wanaagsan( aerobic bacteria)waxa iman karta in qashinka iyo wasakhda ay soo dayso bakteeriyada xuni inay keento afqadhmuun.
    4- ciridka oo bukooda, ilkaha oo daldalooshama, ilkaha dhexdooda oo bakteriyo ku dhuumato taaso u baahan fandhicil (floss)

    5- cilad xaga caloosha ah sida gasteriga, dheefshiidka oo xumaada, kelyo xanun beer xanuun laabdilaac iyo wixii la mida.

    hadaba sidee ula dagaalami kartaa xanuunkan? maxaase kaa caawin kara in aad yarayso urta illeen si sahlan kuma tegayso oo waa chronic xanuunku u baahan in aad ogaato meesha ciladu ka timi oki

    1- uguyraan laba jeer cadayo waan ogahay inaad hadaba laba iyo ka badanba kolay cadayatid laakiin way ku caawinaysaa ee ku wad isticmaalna cadayga carabka loogu talo galay in lagu nadiifiyo oo aad dukaanka kuu dhaw ka iibsan kartid waxa la yidhaa (tongue scraper) hadii aanad hayna malqacadba isticmaal ilaa aad carabkaaga cadaanta ka tirtirto oo uu isu bedli nadiif pink ah ama basali, carabku waa roog oo kale bakteeriyada wuu nuugaa ee ku dadaal inaad nadiifiso mar kasta.

    2- ku fandhicilo xadhig yar oo ilakaha dhexdooda la geliyo oo isna la yidhaahdo (floss) ama sidii caadiga inoo ahaydba fandhicilo si aad u nadiifiso cuntada ilkahaaga dhex gasha oo ay bekeeriyadu aad u jeceshahay inay cunto keenaysana af qadhmuunka.

    3- biyo badan cab maalintii, xanjo nooca bilaa sonkorta ahna calaasho (sugarless chewing gum) xanjadu waa waxa ugu fiican uguna sahlan ee aad ku dabooli karto afqadhmuunka, cuntooyinka kulul ee busbaasku ku badanyahay basasha iyo toonta iska ilaali inaad cunto waa muhiim basha iyo toontu laakiin habeenkii ka dhigo,

    4- iska ilaali mouthwashka khamriga le waxay ka dartaa urta markaad iibsanayso mouth wash akhri oo iibso mid ay (alcohol free) ku taal.

    fiiro gaara

    inta aan kor kusoo xusay oo keliay maaha waxyaabaha afqadhmukna keenaa ee way badanyihiin waxyaabaha keena afqadhmuunku, dadka qaba xanuunkan badankoodu 100 jeer way ka nadaafad xaga afka badnyihiin dadka caadiga ah, laakiin jaahilnimo dadka ka haysa xanuunkan ayey u maleeyaan inay tahay nadaafad xumo iyo in aanu qofku cadayan, xanuunkan lama kala qaado nadaafad darona maaha ee soomaliyey hadii aad aragtaan qof qaba iska hubiya intaydaan la yaabin oo takoorin, xanuunada ilaahay keenaa way badanyihiin wayna ku dhici karaan cid kasta xili kasta.
    maadaama oo aanan ugu talo gelin inaan meesha maqaal soo dhigo way igu badantahay inaan soo wada bandhigo waxyaabo badan oo aan rabay inaan soo bandhigo oo faahfaahiyo qofkii ii baahdaase wuxu igala soo xidhiidhi karan emailkayga oo ah

    nagiib1@hotmail.com

  2. admin - juli 23, 2011

    ASW Nagiib!

    Nagiib aad iyo aad baad u mahadsan tahay sida fiican ee aad u soo faahfaahisay Afqadhmuunka. Waxaanu jeclaan-lahayn in aad maqaal dheer ka soo samayso inshaanlaa
    waxaa jiraa dad badan oo xanuunkan hayo oo suáalooyin badan oo amuurtaas ku saabsan nagala soo xidhiidhay. Haddaba imika intan waxa aanu soo gelin doonaa headlinka webka mareegta caafimaadka inshaanlaa ee waxa aad u wanaagsanayd iyadoo maqaal dhan ah.
    Waxaan kaloo kuugu dari lahaa ha ilaawin magacaaga oo sadexan in aad maqaalka ku soo qorto iyo dalka aad degen tahay. Waad mahadsan tahay.

    Nagiib!
    Aad iyo aad baad u mahadsan tahay mar labaad!

    Bahda mareegta caafimaaka
    http://www.Caafimaadka.com
    Editor@caafimaadka.com
    caafimaadka@gmail.com

  3. Karin wax | Jbarjranch - december 6, 2011

    [...] MAREEGTA ARIMAHA CAAFIMAADKA » anigu waxan haysta …… ka baqaya inay sanka iga qabsadan, waxan ahay gabadh wax baratay ,hasa … qaba cudurka urta afka waxa haysta dhib aan cidi qiyasi karin, wax kale iska … [...]

  4. maxamed jamca - december 16, 2011

    asc dhamaan dadka mareegta caafimaadka gaar ahaan dadka ka cabanaya xanuunkan halatosis ka waxa aan anigu ahay nin lakul may cudurkan hase ahaate insha allah waxaan isleeyahay waxaad u heshay daawo ku filan markaa cidii u baahan in laga daaweeyo xanuunkan fadlan igala soo xidhiidha email kayga waaberi@hotmail.com

Leave a Reply