Ururka caafimaadka Addunka ee WHO ayaa dalbatay in la joojiyo qaadida dhiigga cudurka TBD-a

Ururka caafimaadka Addunka ee WHO ayaa dalbatay in la joojiyo qaadida cudurka TBD-a

WHO, ayaa dalbatay in la joojiyo dhiigga laga qaado qofka TBD- laga baadhayo, si loo ogaado in uu qabo iyo inkale. Waxa jira habab kal duwan oo lagu ogaado TBD-a. Markaa WHO ayaa soo jeedisay in aanu habkan dhiiggu ahayn hab saxa oo lagu ogaan karo qofka in uu qabo TB iyo in kale. Habkan oo inta badan laga isticmaal dalalka soo koraya ama duinda saddexaad.

Dhiigagii laga qaaday dad qiyaastoodu gaadhayso 2 miljanoo qof oo ku nool dalalka soo koraya, aya intoodii badnayd ay soo saartay jawaab khaldan. WHO, ururka caafimaadka aduunku waxay sheegeen in aan la aamini karinamala la isku halayn karin habkan dhiigga qaadida TBD-a. Waxa ay keeni kartaa sida ay WHo sheegayso in daawo khalada qaofka la siiyo, taasoo halis gelinaysa qofka caafimaadkiisa. Daawoooyinka TB-da oo inta badan lagu sameeyo dalalka hore u maray, balse daawooyinkaas loo dhoofiyo oo laga iibiyo dunida saddexaad. Dalalka soo koraya oo sharciyada/qaynuunka la xidhiidhia arrimha caafimaadka ay aad u hooseeyaan.

Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)
Bahda: Caafimaadka.com

juli 20, 2011 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Leave a Reply