Qaybtii 2 aad ee Dhagaxaanta xamaytida (gallstones)

Halkan ka gal qaybtii 1aad ee mawduuca dhagaxaanta xamaytida

http://www.caafimaadka.com/?p=449

Sidee loo dareemaa xanuunka xamaytida?

Dadka uu ku dhaco xanuunka Xamaytida inta badan ma dareemaan wax xanuuna 2/3 3 qaybood laba qayb ayaa dareema xanuunka.
• Xamaytida deg deg ah oo mar kaliya qofka lagu soo boodo, waa ta u badan ee caadiga ah ee weliba inta badan dadka ku dhacda.
• Qofku wuxuu dareemaa xanuun deg deg ah, xanuunkaas oo ka soo bilaabma dhinaca midig feedhaha hoostooda. Qofka marka sidaas oo kale loogu soo boodo, xanuunku inyar buu hayaa, saacad ka dib ayaa haddana si qayral caadiya loo qabtaa qofka, xanuunkaasina waa mid aan joogsi lahayn. Xanuunku wuxuu intaa ka dib ku fidaa kalxamaha. Xanuunku wuxuu keenaa ama la socda

• Dhidid,
• Xanuun si si siya,
• Matag

Xanuunkaasi wuxuu qofka hayaa muddo 2-3 saacadood, ka dibna wuu istaagaa
Xanuunka dhagxaaanta xamaytida qofba si baa loo qabtaa oo qofna qofka kale la mid maaha.
Qofka markay xaaladani la soo deristo waxaa adkaata in xanuunkan la kala saari waayo in uu yahay xanuun ka yimid dhagaxaanta xamaytida, mise in uu yahay, xanuun ka yimid mindhicirka buuran, laab jeex, gaastariga hunguriga, nabar caloosha, dhabar xanuun, wadne xanuun, sambabada, ama dhagaxaan ku jirta kalyaha. In uu yahay xanuun joonisa iyo ina kale

Dhagaxaanta xamaytida waxay awdaan marinkii beerka ee u baxayey mindhicirada, taasina waxay keentaa in maadadii xamaytida ee dhiigga ay kor u kacdo, waxayna keentaa in indhuhu noqdaan midabka huruud ama huruud ay noqdaan indhuhu, midabka maqaarka jidhka oo isna noqda huruud (jaale) midabka kaadida oo noqda midab madow ah. Uma jeedo madow caadiya ee midab ka yar duwan kaadida caadiga ah. Astaamahani waxa ay markaa inna tusayaan ama la ogaadaa in ay xamaytidii dilaacday

Saxarada waa cadaan, marka ay midabkan saxaradu yeelato , macnaheedu waa wax xamaytidi kumay dhicin mindhicirka.
Waxa uu qofku dareemaa markaa sidaa looga qabto xamaytida, qadhqadhayo (Qabow) iyo xumad, taa macnaheedu waa xanuun ka imanaya kiishka xamaytida.
Waxaynu xaga sare ku soo xusnay xanuunka xamaytida waxaa la socda matag, matagan imanaya waxa weeyi dheefshiidkii calooshsa oo aan shaqaynayn.
Haddii xanuunka xamaytida ee qofka hayo muddo ka badan 3-4 saacadood waa in qofkaa deg deg loola gaadhaa/cararaa dhakhtar.

Sidee loo daaweeyaa dhagaxaanta xamaytida?

Haddii ay aad u yar yar yihiin dhagaxaantu oo aanay xanuun keenayn looma baahna in la daweeyo, haddii se ay keenayaan xanuun adag waa in la daweeyaa si loo yareeyo wax soo saarka maadada (hydrochloric acid) ee caloosha, waxay yaraynaysaa xanuunkii xamaytida.
Haddii aanay xanuun keenayn dhagaxaantu laba mid waa la samayn karaa in sidoodaa loo daayo oo aan la dawayn iyo in la daaweeyo.
Waxaa wanaagsan oo lagaga hortegi karaa xamaytida ama qofka ay hayso xanuunkan dhagaxaanta xamaytida. Waxaa wanaagsan in uu aad uga taxadaro cunida khudrada ee ay ka mid yihiin

• Tufaaxa
• Basasha
• Barbarooniga
• Khijaarka
• Kaluun la dubay
• Cuntada habeenkii goor danbe la cuno

Qaliin la sameeyo ama burburid

Si kalena waa loo daawayn karaa xanuunka dhagaxaanta xamaytida in kiishka xamaytida gebigiisaba la saaro oo qalintaan lagu sameeyo meesha uu ku jiro ama in dhaxanaata meeshooda lagu burburiyo.

Haddii ay qaybtii hore ku dhaaftay halkan ka akhriso cinwaanka hoos ku qoran
Halkan ka gal qaybtii 1aad ee mawduuca dhagaxaanta xamaytida

http://www.caafimaadka.com/?p=449

waxaa soo diyaariyey: Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)

Bahda: Mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com

juni 28, 2011 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Leave a Reply