Wasaarada caafimaadka oo Cusbitaal Guud Ee Magaalada Caynaba Gaadhsiiyay Daawooyin Iyo Gaadiid Hore Leh (GabileyNews)

Wasaarada caafimaadka oo Cusbitaal Guud Ee Magaalada Caynaba Gaadhsiiyay Daawooyin Iyo Gaadiid Hore Leh

Munaasibad Balaadhan oo lagu qabtay isla cisbitaalkaasi ayaa waxaa kasoo qeyb alay maamulada heer gobol iyo kan degmada Masuuliyiin

Caynaba(CYNB):-Cisbitaalka guud ee Magaalada Caynaba ee xarunta gobolka saraar ayaa maanta boodhka laga tuma tumay ka dib markii ay wasaaradda Caafimaadka Somaliland gaadhsiisay Daawooyin Hor leh iyo Waliba Gaadiid nooca Anbalaaska loo yaqaan.
Munaasibad Balaadhan oo lagu qabtay isla cisbitaalkaasi ayaa waxaa kasoo qeyb alay maamulada heer gobol iyo kan degmada Masuuliyiin ka socota Wasaarrada Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland Cuwaal Salaadiin Waxgarada Culima owdiin,Aqoonyahano iyo marti sharafkaloo badan

Wasaarada Caafimaadka ayaa ayaa Maanta si Toosa u gaadhisiay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Caynaba Daawooyin iyo gadhi nooca gurmadka caafimaadka deg dega ah oo ay soo dhiibtay Shirkada Ganacsiga ee IINDHADEERO GROUP waxaana shirkadaasi ugu deeqday Cusbitaalka Guud ee Caynaba.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Maayirka Magaalada Caynaba Khafiif Ismaaciil Saleebaan Waxaana uu halkaasi uga mahad celiyay Dhamaan Dadkii Kasoo qeyb galay munaasibaasi waxaana uuu si gaara ugu mahad celiyay Shirkada Ganacsiga ee INDHADEERO GRUOP ee Gaadhiga ugu deeqday Cusbitaalka Caynaba.

Saleebaan Cabdi Dirir oo isaguna ka mida gudiga cisbitaalka caynaba ayaa sheegay inay u dhabar adeygeen Sidii Cisbitaalkan loogu samayn lahaa isbedel iyo dib u habayn imika ay ilaahay igu mahad celinayaan,Maxamuud Xayir Ducaale oo isagu ah Xoghayaha Horumarinta Gobolka Saraar ayaa isaguna dhankiisa soo dhaweeeyey isbedelka lagu sameeyey Cisbitaalka waxaana uu ugu baaqay qurba jooga gobolka saraar inay qeybtooda ka qaataan taakullada Cisbitaalka.

Dr. Cabdi Yaasiin oo ah isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolaka Togdheer ayaa sheegay in Daawoyinka ay maanta soo gadhiiyeen cisbitalka caynaba ay ka howl gashay Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Gaadhigan ay ugu deeqday Shirkada INDHADEERO.

Badhasaab ku xigeenka Bobolka Saraar Ibraahin Jaamac Maxamed iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaran Jamhuuriyada Somaliland Marwo: Hinda Jaamac Xirsi ayaa Waxaa ay ku Dheeraadeen isla markaana ay hoosta ka xariiqeen Ahmiyada ay leedahay Dib u hagaajinta Cisbitaalkani.

Gudoomiyaha Gobolka Saraar Ibraahin Xaaji Xassan Cali Ayaa isaguna Madashaasi ka hadlay ayaa ugu horaynba u mahad celiyay Wasaarrada Cafimaadka Somaliland iyo Shirkada Indhadeero sidoo kale waxaa uu mahad usoo jediyay Gudiga Caafimaadka Gobolka Togdheer iyo Dr,ka Loosoo Magacaabay Cisbitaalka Caynaba oo lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Cali (Ardo) kaasoo sida lasheegay kasoo qalin jabiyay Jaamacad ku Taalla Wadanka Suudaan .

Isku soo wada duuduuboo dadweynaha ku dhaqan Magaalada Caynaba ayaa soo dhaweeyey Isbedelka lagu sameeyey Cisbitaalka waxaana Daawooyinka iyo Gaadiidka La Keenay Cisbitaalka Ay Dabooli Doonaan Baahiyo Badan oo uu Qabay Cisbitaalku.

maxamed aadan dirir
Magaalada Caynaba Published: 2011-06-26

Ka soo xigtay. GabileyNews

juni 26, 2011 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Leave a Reply