Biyaha iyo faa’iidooyinkooda
Biyaha iyo faa’iidooyinkooda
Biyiuhu waa nolosha waxaanay yihiin waxa ugu muhiimsan ee naftu u baahan tahay taas oo keentay in biyah laga maarmi karo maalmo tirsan halka nafaqooyinka iyo waxa kale ee uu jidhku u baahn yahay laga maarmi karo todobaadyo, bilo ama sanado.
Biyuhu waxay ka yihiin jidhkeena 60% qofka qaangaadhka halka caruurtana ka yihiin 80%.
Shaqooyinka biyuhu u qabtaan jidhka:
• Gaadhsiinta nafaqada iyo ka soo qaadida qashinka unugyada jidhka oo dhan.
• Laabatooyinka jidhka oo ay u fududeeyaan shaqadooda.
• Waxay ka qayb qaataan milanka fiitamiinada, macdanaha iyo borotiinada.
• Hurmaynta heerkulka jidhka.
• Ka qayb qaadashada falgalka ka dhaca jidhka guduhiisa.
• Ku sugida heer caadiya xadiga dhiigga ee jidhka ku jira.
Siday uga baxaan biyuhu jidhka?
• Kaadi ahaan
• Dhidid ahaan
• Neefta kaa soo baxaysa oo ay la socdaan waxoogaa biyo ah
• Saxarada oo ay la socdaan waxoogaa biyo ah
Maadaama qofka biyo ay mar kasta ka baxayaan waxa iyana muhiim ah in qofku cabo mar kasta biyo. Qofku waxa uu u baahn yahay ugu yaraan 1-2 litir oo biyah ah maalintii waa hadii aanu jimicsan ama aanu joogin meel aad u kulul markaa arintu way ka badanaysaa 2 litir.
Dhibaatada ay keento hadii Biyuhu jidhka ku dhamaadaan
Waxa marka hore la dareemaa haraad aad ah, kaadida oo yaraata oo madoobaata. Waxa markaas kugu dhacaya waxyaabahan:
• Madax xanuun
• Maqaarka iyo dabnaha oo ku qalala
• Afka oo ku qalala
• Dhididka oo kugu yaraada
• Heerkulka jidhka o osare u kaca
• Garaaca wadnaha oo degdeg isku garaaca
• Daal iyo tamar daro
• Matag iyo yalaalugo
Hadii biyo yaraantaa jidhka ku dhacay si degdega wax looga qaban waayo waxaad khatar ugu jirtaa in aad ku dhimato.
Waxa soo diyaariyey
C/raxmaan Xaashi Cabdi
Bahda mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com
Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
juni 19, 2011
·
admin ·
No Comments
Posted in: Maqaalo
Leave a Reply