Raysal Wasaare Males Zanawi oo Gudoosiyey Arday reer Somalilandna Bilad Dahab ah iyo Ardayda reer somaliland oo xalfad u qabtay dhakhaatiirtii qalin jabisay.

Raysal Wasaare Males Zanawi oo Gudoosiyey Arday reer Somalilandna Bilad Dahab ah iyo Ardayda reer somaliland oo xalfad u qabtay dhakhaatiirtii qalin jabisay.
(Hadhwanaagnews) Monday, June 13, 2011
Adis Ababa-(HWN)-Raysal wasaaraha dalka ethopia males sanawi ayaa gudoonsiyey markii ugu horeysay wiil reer somaliland bilad dahab ah, wiilkaas oo magaciisa la yidhado


Adis Ababa-(HWN)-Raysal wasaaraha dalka ethopia males sanawi ayaa gudoonsiyey markii ugu horeysay wiil reer somaliland bilad dahab ah, wiilkaas oo magaciisa la yidhado ahmed shaadi abdillahi, kadib markii uu ku gulaystay darajooyinka ugu sareeya ee jamacadooda axmed shaadi cabilahi wax uu kamid ahaa 10 dhakhtar oo dawlada somaliland ay soo dirsatay kuwaas oo ka qalin jabiyey jamacada militeriga ee ku taala dhebrisayt,

xalafda qalin jabinta ardaydan oo bartay cilimiga caafimaadka ayaa wax ay ka dhacday xafiiska raysal wasaaraha ethopia waxayna ahayd run ahaantii mid aad loo maamuusay,

dhinaca kale kadib xalafdii xalinjabinta ee dawlada ethopia ay u qabtay ardaydaasi, waxa iyaguna xalafad gaar ah oo si heersare ah loo soo agaasimay u qabtay ardayda reer somaliland ee wax ka barata casimada addis abba waxaana soo qaban qaabiyey gudida ardayda soomaliland sida uu noo xaqiijiyey mustafe cabdilaahi xasan(riyale) oo kamid ah gudida ardayda somaliland, si kastaba ha ahaate xafladan waxaa kasoo qayb galay safaarada somaliland, sarkaal ay soo wiilatay somaliland, ardayda wax kabarata addis abba ee reer soamliland iyo dad weyne kale, isku wada duuboo waxaa munasabadaa hadalo ka jeediyey safiir ku xigeenka safaarada jamhuuriyadda soomaliland ay kuleedahay addis ababa mudane ayaanle salad diriye isgoo hambalyo kadib talo iyo waano u soo jediyey ardayda, sidoo kale waxaa halkaasi kahadlay COL .C/RAXMAAN oo ka socday dawlada somaliland, waxaanu tilmaamay dadaalkii ay dawladu usoo martay wax barista ardaydan qalin jabisay,dhanka kale waxaa isna madasha ka hadalay xubin kuhadlaysay afka gudiga ardayda, mr.cwahab dahir. ugu danbaytii gabagabdii xalfadaasi waxaa shaaado sharafyo lagu dudoonsiyey safaarada j. somaliland, wiilkii bilada helay iyo waliba xubno ka qayb qaatay qabsoomida xalfadaasi oo ay kamid ahaayeen, Muha daahir faarax, iyo sayid cali xasan jaamac, waxaaynay ku soo gabagabowday munaasibadaasi jawi aad u qurux badan

Mustafe C/laahi Xasan

Submitted By: Editor

Ka soo xigtay : Hadhwanaagnews

juni 13, 2011 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Leave a Reply