Marwada Madaxweynaha Oo Shalay Deeq Raashin Ah Gaadhsiisay Cusbitaalka Qaybta Dhimirka Iyo Xarunta Agoomaha Ee Hargeysa

Hargeysa, June 12, 2011 (Haatuf)-Marwada 1aad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-waris Sheekh Maxamed Jirde ayaa shalay deeq raashin ah gaadhsiisay Cusbitaalka guud gaar ahaan qaybta dhimirka iyo xarunta caruurta agoomaha ee Caasimada Hargeysa.

Marwo Aamina waris oo ay wehelinayeen Maareeyaha xafiiska Samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxmauud Diiriye, Siciid Cabdi Gaboobe oo ah sarkaalka xafiiska samafalka madaxtooyada ka tirsan iyo xubno kale, ayaa deeqdan raashinka ah oo iskgu jirta Timir iyo Daqiiq waxay marwadu ku wareejisay agaasimaha guud ee Cusbitaalka Guud Dr Carabayte.


Marwo Aamina waris Sheekh Maxamed Jirde oo gudoonsiinta raashinkaasi ay ugu deeqday qaybta dhimirka ee Cusbitaalka halkaa hadal kooban ka jeedisay, waxa ka mid ahaa hadalkeeda “Horta marka hore waan u ducaynayaa dadkeena xanuunsaya ee cusbitaalkan ku jira inuu Ilaahay Caafimaad degdeg ah ha siiyo maanta waxaanu Cusbitaalka soo gaadhsiinay deeq raashinka ah qaybta dhimirka, raashinkan oo ka kooban Timir iyo Daqiiq aanu gudoonsiinayno masuuliyiinta Cusbitaalka, waxaan leeyahay waa la war hayn doonaa xaalada Cusbitaalka Insha Allaah intii kolba awoodeena ah waynu u dadaali doonaa sidii Cusbitaaladeeena loo horumarin lahaa”

Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Hargeysa Dr Carabayte oo ka gudoomay raashinkaasi Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina-waris, ayaa uga mahad celiyey deeqdaasi raashinka ee ay ku soo caawisay Cusbitaalka qaybta dhimirka, waxaanu warbixin kooban ka siiyay xaalada guud ee Cusbitaalka iyo marxalada uu xilligan marayo, isaga oo sheegay in Cusbitaalka intii xukuumadda cusubi talada dalka qabatay ay wax weyni iska badaleen.,islamarkaana hada hawlihiisu si fiican u socdaan, waxaanu xusay in Cusbitaalkani uu yahay Cusbitaalkii guud maadaama oo Caasimada ay ku nool yihiin bulsho farabadani oo culays saaran yahay, islamarkaana ay u sii dheer tahay gobolladii kale ee dalka oo iyana lagama maarmaan uu u yahay inay ka yimaadaan dadku aan kolay baahidiisu dhamaanayn, balse hada si fiican ay hawluhu uga socdaan.

Dhinaca kale waxa isla maalintii shalay waxay marwada madaxweynuhu Aamina waris Sheekh Maxamed Jirde sidoo kale deeq raashin ku caawisay xarunta caruurta agoomaha lagu daryeelo ee Hargeysa halkaas oo ay ku wareejisay raashinkaasi agaasimaha xarunta Agoomaha marwo Caasha Maxamuud Qaalib, oo ay marwadu ku tilmaantay shakhsi dadaal badan, islamarkaana London ay uga timid inay wadankeeda u shaqayso.

Agaasimaha xarunta agoomaha Caasha Maxamuud Qaalib oo warbixin ka siisay marwada Madaxweynaha xaalada xarunta agoomaha ayaa uga mahadcelisay deeqdan raashinka ah ee ay ugu deeqday xaruntan agoomaha Marwo Aamina waris.

Intaa ka dib waxay marwo Aamina waris Sheekh Maxamed Jirde soo kormeertay qaybaha kala duwan ee caruurta kuwa sii yaryar iyo kuwa kale, iyada oo u qaybisay waxyaabaha yaryar ee caruurtu ay jecel yihiin ee ay cunaan sida nacnaca iwm, islamarkaana waxay ka dhegaysatay agaasimaha xaruntaasi warbixinta ku saabsan xaalada guud ee xarunta agoomaha.

Sidoo kale waxa iyaduna goobahaasi warbixin ku saabsan Barnaamijka Samafalka Madaxtooyada ka jeedisay Maareeyaha xafiiska samafalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye oo sheegtay in barnaamijkani ka mid yahay balanqaadkii xisbiga Kulmiye ee talada haya, islamarkaana uu socon doono, una shaqaynayo dadka danyarta iyo kuwa jilicdasan.

Ka soo xigtay: Haatuf

juni 13, 2011 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Leave a Reply