Dhagaxaanta xamaytida/xangareeriga (gallstones)
Dhagaxaanta xamaytida (gallstones)
Maqaalkeena maanta waxa uu ku saabsan yahay sida aad cinwaanka ka arkaysaan, Dhagaxaanta xamaytida. Dhaqaxaanta xamaytida, waa xanuun dad badan oo dunida ku nool ku dhaca , gaar ahaan soomaalida. Bal maqaalkan waxa aynu ku eegi doonaa xanuunkan waxa uu yahay, sababta uu dadka ugu dhaco, sida loo daaweeyo iyo sida looga hor tegi karo inshaanlaa.
Dhagaxaanta xamiitida 13 juun 2011
Waa maxay Dhagaxaanta xamaytadu?
Dhagaxaanta xamaytidu waa dhagaxaanta gala kiishka xamaytida ama xangareeriga.
Dhagaxaanta xangareeriga ama xamaytidu malaha astaan dareen uu qofku ku dareemayo in dhagaxaan ku jiraaan xamaytida iyo in kale. Dhagaxaaanta gala xamaytida inta ay leéeg yihiin waxaa la yidhaahdaa waa dhawr mm ama cm aad u yar. Waxaana ay dhagaxaantaasi galaan oo ku abuurmaan xangareeriga/kiishka xamaytida.
Haddii laakiin ay dhagaxaanta xamaytidu ay galan ama fadhiistaan marinka xamaytida, ama ay awdaan markaasuu yimaadaa xanuun qayral caadiya oo qofka aad loo qabtaa. Dhagaxaanta xamaytida waxa ay kooban yihiin badanaa isku jir ah dufanka/subaga dhiigga iyo aysidh (acid) Waxa badanaa la yidhaahdaa dhagaxaanta xamaytida waa dhaxal xaga faamaliga, iyo habka cuntada iyo nolosha oo is bedel ku yimaado. (lifestyle)
Waa maxay sababta keenta dhagaxaanta xamaytida?
Xamaytada shaqadeedu waxa weeyi in ay si fiican iskugu dheeli tirto dufanka/subaga dhiigga iyo qaybaha kale. Haddii (concentration) dufanku aad u waynaado, xamaytida way buuxsamaysaa, kadibna waxaa soo baxaya dufankii oo noqonaya quruurux yar yar oo dufana, intaa ka dib waxaa samaysmaya dhagaxaan.
Yuu ku dhacaa xanuunkan dhagaxaanta xamaytidu?
Qofka kasta uu ku dhici karaa, hase yeeshee kuma dhaco carruurta iyo dhallinyarada.
Dadka uu inta badan ku dhacaa waa qofka
• Haddii qofka ka mida faamiligaaga hore ugu soo dhacay
• Dadka aad u buur buuran
• Dumarka isticmaala kiniinka dhalmada ka hor taga
• Umusha ka dib
• Dadka uu cuduro kaga dhaco mindhicirka
• Dadka miisnaakood si qayral caadiya oo degdeg hoos u dego
La soco qaybta 2aad inshanalaa………………………………………………………………………………….
waxaa soo diyaariyey: Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)
Bahda: Mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com
E-mail: Caafimaad@gmail.com
juni 13, 2011
·
admin ·
2 Comments
Posted in: Maqaalo
2 Responses
maxaa lagudawayn karaa
maxase lag hortagikara
hadawalaalo ii soo jawab hadad hesho cinwaanka
Asw NImco!
Suáashaa aad na soo waydiisay jawaabteedii oo faahfaahsan waxa ay ku jirtaa qaytbtii 2 aad ee maqaalka Dhagaxaanta xamaytida oo aanu maanta soo gelinay. Laakiin haddana waxaanu jecelnahay in jawaabta laftigeeda aan halkan kuu soo dhigno.
Waanu kaa gudoonay suáashaadii qiimaha lahayd. Haddii aan isku dayo in aan ka jawaabo suáashaa aad na soo waydiisay.
Dhagaxaanta xamaytida waxaa lagu daawayn karaa laba siyaaboodba
1- Qaliin
2- Burburin
mid kalena way jirtaa daawayn.
Qaliinka waa marka xanuunku qayral caadiya yahay, ayaa waxaa la sameeya in qaliin lagu sameeyo xamaytida ka dibna kiishka xamaytida sidaa lagu soo saaro
ta labaadna waxay tahay in aan la qalin ee dhagaxaanta meeshooda lagu burburiyo.
maxaa lagudawayn karaa?
Haddii ay dhagaxaantu yar yar yihiin oo aanay qofka xanuun ku haynin looma baahna in la daweeyo, balse haddii xanuun yari jiro waa la daawayn karaa. Kolba waxay ku xidhan tahay sida uu qofku u dareemayo xanuunka iyo dhagaxaanta sayskodoa inta uu yahay. Haddii ay yar yar yihiin waa la daawayn karaa.
Maxaa lagag hor tegi karaa?
Waa su´aash 2aad ee aad na soo waydiisay
Waxaa lagaga hortegi karaa qofka oo iska yareeya
Waxaa wanagsan oo lagaga hortegi karaa xamaytida ama qofka qaba ee ay hayso xanuunkan xamaytida waxaa wanaagsan in uu aad uga taxadaro cunida khudrada ee ay ka mid yihiin
• Tufaaxa
• Basasha
• Barbarooniga
• Khijaarka
• Kaluun la dubay
• Cuntada habeenkii goor danbe la cuno
Si kalena waa loo daawayn karaa xanuunka xamaytida in kiishka xamaytida gebigiisaba la saaro oo qalintaan lagu sameeyo meesha uu ku jiro ama in dhaxanaata meeshooda lagu burburiyo.
Aad baad u mahadsan tahay suáalahaa aad na soo waydiisay.
waxaan filayaa in aad ku qanacday suáashaas jawaabteedii
Bahda mareegta caafimaaka
http://www.Caafimaadka.com
Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
Nimco
Leave a Reply