Dhiig karka (High blood pressure) qaybtii 1 aad

Maanta maqaalkeenani wuxuu ku saabsan san yahay dhiig karka. Waxaynu maqaalkii hore kaga soo hadalnay Wadne-istaaga. Maqaalkana haddii Ilaahay yidhaahdo waxaynu ku eegoi doonaa cudurka Dhiig karka. Sida aynu wada ogsoonahay waa cudur ku dhaca dad badan oo dunida ku nool, khaasatan dadka somaalida oo uu waliba ku soo badanyo xaqiiqdii. Waxaynu inshaanlaa ku soo qaadan doonaa, waxa uu yahay dhiig karku, sababta loo qaado, daawayntiisa iyo sida looga hor tago.
Waa maxay Dhiig karku?
Cadaadiska dhiigga wuxuu ku xidhan yahay hadba awooda uu ku shaqaynayo wadnuhu. Haddii si kale aynu u dhigno dhiig karku waa marka dhiiggii wadnaha ka imanayey /tuurayey ee waraabinayey xubnaha kale ee jidhka uu cadaadis (pressure) sare oo aan caadi ahayn ku soo tuurayo
Haddaba cadaadiska dhiigga waxaa loo qaybiyaa marka la cabirayo laba qaybood.

• Cadaadiska sare (Systolic blood pressure)

• Cadaadiska hoose (diastolic blood pressure)

Cadaadiska sare: waa marka wadnuhu isku soo jiidmo ee uu ka-dibinna dhigaa soo tuuro
Cadaadiska hoose: Waa marka uu wadnuhu soo karaar qaadanayo ama nasanayo oo wuxuu buuxsanayaa/qaadanyaa dhiig cusub oo ka dibna uu sii daayo, pamb-gareeyo (pumpkin)

Sidee dhiiga karka loo cabiraa?

Dhiiga karka waxaa lagu cabiraa cabirka ( millimeters of mercury (mm) sida aad sawirka sare ku arkaysid Dhakhtar ka oo cabirka qofkii xanuusanayey dhiigiisa.
Tusaale 120/80.
Nambarka sare ku qoran ee 120, wuxuu inoo sheegayaa cabirka cadaadiska sare inta uu yahay.
Nambarka hoos ku qoran ee 80, wuxuu inoo sheegaya cabirka cadaadiska hoose inta uu yahay.

Haddii cabirka cadaadiska dhiiggu uu ka sareeyo 140/90 waa arrin halisa ah.

la soco. …………………………….qaybta 2 aad……………………………………

Waxa soo diyaariyey: Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)

maj 30, 2011 · admin · 2 Comments
Posted in: Maqaalo

2 Responses

  1. DAAUUD CADULAAHI MAXAMUUD - augusti 15, 2011

    SIDEE AAN KU GARAN KARAA INAAN QABO DHIIG KAR TAA NAGA JAAHIL BIXI DIG TOOR ADOO RAALI AH

  2. admin - november 30, 2011

    ASW Daaud Cabdulaahi Maxamuud !
    Marka hore aad iyo aad ayaanu ug xunahay in suáashii aad na soo waydiisay aanan markiiba kaaga soo jawaabin. Suáashadii waxa ay ku dhacday meel kale.

    Dhiig karka waxaa jira calaamado uu qofku ku dareemo sida

    Madax xanuun
    Wareer/dhawakhaad
    Daal
    Dareenka oo ka taga gacmaha iyo lugaha
    Dhiig sanka ka yimaada
    Qufac dhiig wata
    neef adag oo qofka qabata

    Cudurka dhiig karka isagoo faahfaahsan ka akhriso maqaalka Dhiig karka (high blood pressure) qaybta 1 aad iyo qaybta labaad waxa aad ka helaysaa maqaalkan bogga caafimaadka. http://www.caafimaadka.com

    © Copyright 2012 | mareegta caafimaadka
    All Rights Reserved

    Bahda mareegta Caafimaadka
    http://www.caafimaadka.com
    E-mail: editor@caafimaadka.com
    E-mayl: caafimaadka2011@gmail.com

Leave a Reply