Wadne-istaaga / Heart attack

Wadne-Istaaga (Heart attack)
Wadne istaag

Waxaa beryahan danbe ku soo badanaya dadka dunnida ku nool, wadne istaaga, gaarahan dadka soomaalida. Haddaba waxa aynu isku dayi doonaa haddii Eebe idmo in aynu wax ka taataabano cudurka wadne-istaaga.
Wadnaha.
Wadne-istaaga 16 maj 2011
wadnuhu waxa uu ku yaallaa bartama laabta oo xigta dhinaca bidix in yar xigta. Dhumucda wadnuhu waa 6.25 Sm , in le´eeg, waa tantoomo. Wadnaha dhererkiis waa 1.25 Sm, balladhkiisuna waa 8.75 Sm.

Waa maxay shaqada uu qabto wadnuhu?

Shaqada ugu weyn ee qabto wadnuhu waa in soo tuuro dhiigga saafiga ah, dhiigaas oo ka kooban oksojiin iyo maado nafaqo u leh jidhka (oxygen and nutrients). Waxaanu wadnuhu dhiigaas u gudbiyaa oo uu waraabiya xubnaha kale ama oorgannada jidhka iyo muruqyada , si ay tamar (energy) u helaan. Wadnuhu wuxuu ka kooban yahay laba qaybood, qayb midiga iyo qayb bidixa, qaybta bidixda waa qaybta soo tuurta (Pumps) dhiigga saafiga ah ee haddana waraabisa xubnaha kale jidhka iyo muruqyadaba.
Qaybta midigta waxay soo tuurtaa dhiiggii ka soo noqday xubnaha jidhka iyo muruqyada ee qaybta bidixi waraabinaysay, dhiigaas oo soo mara sambabada. Haddii aynu si kale u dhigno waa dhiigg aan saafi ahayn. Intaasi waa warbixin yar oo kooban oo ku saabsan hab dhiska wadnaha iyo shaqadiisa.
Haddaba bal aynu u gu- dubno dulucda maqaalkeena maanta .
Waxaa ilaa imminka la aamisan oo culimada ama khuburada cilmi baadhistu ay aaminsan yihiin, in laamaha xididada dhiiga oo ama dhuumaaha dhiiggu soo marayo oo awdmaa/xidhmaa/xanibnaadaa ay sabab u tahay wadne-istaaga. Amuurtaasina ay halis ku keento caafimaadka jidhka qofka. Halista ugu weynina waa dhimasho ay qofka u keento, haddii aan si deg deg ah wax looga qaban.

Maxaa keena/sababa wadne-istaaga?

Waxa jira arrimo badan oo keena ama sababa wadne-istaaga. Cimriguna qayb ayuu ku leeyahay, marka kasta oo da´da qofku iinsaanka ahi sii korodhoba khatar ama halisteeda ayey leedahay in wadne-istaag qofka ku dhaco. Waxa kaloo jira dhaxal la kala dhaxlo dhiigg karka iyo subaga dhiigga haddii uu ku jiro qaybta hido-sidaha. Arrimaha kale ee sababa ama keena waxaa ka mida.

• Sigaar cabida
• Dhiig karka
• Subaga dhiiga ama duxda dhiiga oo aad u sareeya
• Sonkorta/kaadi macaanka
• Stress-ka
• Buurnida

Calaamadaha /astaamaha wadne-istaaga

Astaamaha lagu garto cudurka wadne-istaaga waxaa ka mida qodobadan hoos ku xusan.

• Xanuun deg deg ah/ ku soo booda oo qofka/ruuxa si aad u adag looga qabto laabta dhexdeeda, naaska bidix oo xanuun kululi qabto.
• Xanuunkaas (pain) waa xanuun aad u adag oo qofka ku dhega, waxaanu xanuunkaasi ku sii fidaa gacanta bidix, cunaha, qoorta, daamanka, caloosha iyo dhabarka.
• Xanuunkaas wuxuu qofka hayaa 15 min.
• Dhidid
• Neef ku dhegid
• Wareer/dawakhaad
• lablabo
• Miyir beel
Qofba si baa loo qabtaa oo dumarka iyo raggu way kal duwan yihiin. Qofna qofka kale la mid aha oo way kala astaamo duwan yihiin..

Sidee loo daaweeyaa wadne-istaaga.

Marka ay qofka la soo deristo marxaladan oo kale, waxaa markaaba lagu sameeyaa baadhitaan degdeg ah si loo ogaado in uu yahay wadne-istaag iyo in kale. Waxaana inta badan la sameeya qalitaan deg deg ah, haddii kalena waxaa qofka wadne istaaga la siiya dawo dhiiggan guntamay ee xanibay marinka dhaqaajisa, marka la samaynayo qalitaanka, balloon angioplasty waxaa la baneeyaa xididkii dhiiggu maraayey ee dhiigga xidhay, si markaa dhiiggu caadi u maro. Bypass operation ayaa la sameeyaa. (balloon angioplasty)
Waxaa kale oo jira daawooyin la siiyo qofka wadne- istaagu ku dhacay oo ay ka mid yihiin
Aspirin
Nitroglycerin
Beta-blockers
Calcium channel inhibitors
Statins
ACE inhibitors
Clopidogrel
Prasugrel

Sidee looga hor tegi karaa wadne-istaaga?

Waxaa jira siyaabo badan oo qofku kaga hortegi karo. Waxaa ka mida.

• Sigaar cabida oo qofku iska daayo
• Duxda/subaga oo la iska yareeyo cunidooda
• Sonkorta/kaadi macaanka oo qofku iska baadho
• Dhiid karka oo oo qofku iska baadho

Muxuu qofku samaynayaa haddii ay marxaladan oo kale la soo gudboonaato?

Waxaa habboon haddii aad joogto dal dhisan oo leh dhakhtaro casriya waxaa muhiima in aad meel ku qorotid lambarka gargaarka degdeg ah ama emergency number. Mobiladan danbe ee casiriga ah waa lagu xidhay lambarka gargaarka degdeg ah. Waxaa laga yaaba aadigoo meel kaligaa socda,jooga, lugaynaya, gaadhi wada, bas la socda in lagagu soo boodo. Reerkaaga qofka mid lagu soo booda ama ubadkaaga aad dhashay lagu soo boodo, sidaa darteed ayey muhiim u tahay in lambarkaasi meel kuu yaalo.

Inta badan amarka Ilaahay waxaa uu qofka ku dhacaa wadne-istaagu qofka isaga oo kaligii meel jooga., lugaynaya, guri jooga, xafiis jooga, gaadhi wada ama si kale hawl u haya. Waxaa muhiima inaad mobilaaga kuugu jiro dadka qaraabada lambaradooda, tusaale xaaskaaga/ninkaaga, carruurtaada waaweyn. Oo marka aad u sheegto xaaladaa kugu dhacday si ay kuugu dalbaan Gaadhiga Gargaarka Degdeg (Ambulance)

Gaadhiga Gargaarka Degdega (Ambulance)

• Iska yaree Stresska. Waxa jira xidhiidhka ka dhexeeya stress-ka iyo wadnaha.
• Jimci samee
• Nolosha (Social life) qayb weyn ay ka qaadataa, waxaa la ogaaday haddii qofka stress kaga furnayn gurigiisa ama noloshiisa private ahaan, ama shaqadiisa, way yar tahay sida uu ugu dhaco wadne-istaagu. Haddii se stress badani qofka kaga furan yahay noloshiisa xaga guriga iyo shaqadaba ay dhaawac u keeni karto noloshiisa caafimaad ahaaneed. Gaar ahaan wadnaha. Stress= hawsha nolosha oo kugu badan, cunto xumo/yari iyo hurdo la´aan. Wuxuu keenaa cuduro badan.
Waxaan maqaalkan ku soo afjarayaa. Maadaamooy aynu nahay bulsho aad u cunta xoolaha nool ee dufanku aad ugu badan yahay. In aynu iska yareeyno cunistaa hilibkaa dufanka leh. Isku dey bal in aad u bedesho kaluun. Sida aynu ku soo xusnay maqaalkeen xaga sare. Dufanka waxa uu keenaa in uu dhuunta uu dhiiggu marayo ay awdanto/xanibnaato. Dhuunta dhiigga uu maraayo gidaarkeeda ayaa waxaa ku dhega xaydhii ama dufankii , marka ay xaydhaas gidaarka fadhiisatay ay badato waxay keenaysaa in marinkaasi uu awdmo, taasina waa ta keenaysa wadne-istaag. Waayo dhiiggii dhuuntaa marayey ee dhiigga siinayey waaxyada kale markuu istaago reaktion-ka ka imanaya waxay noqonaysaa in ay xubnaha badhkiisii kale joogsadan oo aanay shaqayn.

Fiiro Gaara: Intii aan ku gudo jiray qoraalka maqaalkan ayaa waxaan galay oo war ka akhrinayey wargeys ka mid wargeysada ugu caansan ee dalka Sweden ka soo baxa ee magaciisa la yidhaahdo Expressen. Wargeyskan, Expressen oo cadadkiisi maanta 16 Maj 2011, ku soo qoray arrin naxdin leh oo sababi gaadhay masiibo halisa/khatara. Waa arrin la xidhiidha maqaalkan aan maanta ugu magac daray, Wadne-istaaga. Darawal bas waday oo ay rakaab dadi saarnaayeen oo wadnihii istaagay higway-ga ka yimaada madaarka Arlanda, Stockholm, ee xarunta dalka Sweden. Darawalkii baska waday markii uu meeshii (madaarka) ka soo dhaqaajiyey baskii, ayaa ninkii darawalkaa ahaa uu wadnuhu istaagay, ka dibbna shookaanta ku dul dhacay. Dadkii rakaabka ahaa ee saarna, oo ka koobnaa 32 ruux oo ka yimid dalka Canada, ayaa yaabay, ka dibb markii ay arkeen baskii ay la socdeen oo wadada ka leex leexanaya laynkii cadaa ee wadada bartankeeda. Isla markiiba nin ka mida rakaabkii saarna baska ay markiiba u soo cararay dhinacii darawalka. Wuxuu arkay darawalkii oo ku dhacay shookaanta dusheeda , gacmihiina ay laalaadaan. Goáan qaadasho deg deg ah ayuu sameeyey ninkii, Wuxuu markiiba qabtay bireega baska. Kaddibna wuxuu garaacay lambarkii gargaarka degdeg ah (112). Intii ay gaadhigii deg degu imanayey ayey, sii caawiyeen qaar ka mida rakaabkii, ninkii dirawalka ahaa oo ay wadnaha u duugayeen. Dirawalkii baska oo dhakhtarka loola cararay ayaa xaaladiisu lagu soo waramayaa in ay liidato oo xaalad aad u adag ku jiro (Critical) waxa uu ku jiraa koma. Darawalka baska oo da´diisu tahay 62 jir.
Ammurtan dhacda naxdinta leh link.kan hoose taabo! Waxa uu ku qoran yahay luqada afka iswedhiska.

http://www.expressen.se/nyheter/1.2438430/busschufforen-fick-hjartattack-korledare-grep-in

Maaha markii u horaysay ee qof dirawal ah oo gaadhi, bas ama pilot diyaarad wada ay ku dhacdo masiibadani . Waxaa bil ka hor dhacday in Pilot waday diyaarad uu wadnuhu istaagay. Intani waa inta yar ee lagu soo qoray wargeysayada. Waxaa ka badan tiradaa wadnuhu istaago ee aan la sheegin

Waxaa soo diyaariyey maqaalkan Wadne-istaaga. Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)
16 maj 2011

maj 16, 2011 · admin · 2 Comments
Posted in: Maqaalo

2 Responses

  1. mohamed osman - maj 21, 2011

    Walaal nuux aad ayaad ugu mahadsantahay macluumaadkaan aad akhristayaasha u soo gudbisay aad iyo aad ayeyna u faaido badan yihiin ilaah ha kaa amaal mariyo..haddii aad noogu dari lahayd dhibaatada milixa asana uu u leeyahay jirka guud ahaan wadnaha gaar ahaan qofka qaba dhiig karka. tankale xaga xunada dufanka iyo sokorta leh oo la yareesto khudaarta cagaaran oo dalkeenii alle ku manaystay la bsado iyo waliba biyo badan oo lacabo ugu yaraan 2Litre maalintii
    iyo dabcan socod intii qofku awoodo oo jirkoo dhan u wanaagsan gaar ahaana wadnaha iyo dheefshiidka..markale mahadsanid..nabaday

  2. admin - maj 29, 2011

    Mohamed Osmaan!
    Walaal aad iyo aad baad u mahdsan tahay faaladaas aad ka soo bixisay maqaalka Wadne-istaaga/heart attack iyo talladii aad soo jeedisay waanu kaa gudoonay, waanad ku mahadsan tahay. Casharka/maqalka danbe ee soo socda inshaanlaa waxa aan kaga hadli doonaa Dhiig karka, waxaa maqaalkaa Dhiig karka soo hoos galaya dhibaatada ay milixdu u leedahay caafimaadka ee halkaa kala soco inshaanlaa.

    Mar labaad waad mahadsan tahay
    Bahda mareegta caafimaaka
    http://www.Caafimaadka.com
    Editor@caafimaadka.com
    caafimaadka@gmail.com

Leave a Reply