Kaalinta caafimaad ee fitamiin D-ga (vitamin D) iyo Cudurka Ootisam (Autism)
Maqaalkan waxaa soo diyaariyey: Dr Axmed Cumar Cabdi (Axmedbaashi)
Dr Axmed Cumar Cabdi (Axmedbaashi)
Caafimaad-darada dhulalka qaboobaha
Qaybta 1aad: Kaalinta caafimaad ee fitamiin D-ga iyo Cudurka Ootisam (Autism)
HORDHAC
Qoraalkan kooban kuma wada falaqaynka karno dhammaan dhibaatooyinka caafimaad ee ka jira dhulalka qabow, sidaas darteed waxaan xushay arrimaha iigula muhiimsan dhibaatooyinkaas, ahna kuwa ka dhasha fitamiin D yarida iyo cudurka Autism.
Inkastoo taariidhyahanadu sheegaan in cudurka Riketis-ka (Rickets, oo ka dhasha faatimiin D yarida) uu soo jiray, inta la xasuusto, illaa qarnigii labaad CD (AD); waxaa cudurkan loo aqoonsaday mid khatar ku ah bulshada waqooyiga Yurub xilligii warshadaha. Qarnigii 17aad, nimanka la kala yiraahdo Whistler, DeBoot iyo Glissen waxay si kala gooni ah u ogaadeen in caruur farabadan oo ku noolayd magaalooyinka dadku ku badan yahay ee ciriiriga ah ee waqooyiga Yurub uu saameeyay cudur si aada lafaha u qalqaloociya, oo lagu garto dhammaadka lafaha dhaadheer oo balaarta, lugaha iyo laf-dhabarta oo qaloocda, tabar-darro iyo jilicsanaan murqaha ah. Haddaba jiritaan cudurkan lafaha curyaamiyaa wuxuu ku sii siyaaday waqooyiga Yurub iyo waqooyiga Ameerica xilligii kacaankii warshadaha, markaasoo magaalooyin ciriiriya, hawo wasaqaysanna leh aadka loo dagay,tusaale ahaan 90% caruurta wadamada Ingiriiska iyo Netherland waxay waxaa haleelay cudurkan.
Cudurkan wuxuu kaloo si gaar ah u saameeyay dumarka xilliga uur-qaad-ka ku jiray, wuxuuna sababay in lafaha miskuhu ay maroorsamaan, taasoo keentay inuu saro u kaco rafaadka iyo dhimashada hooyada iyo ilamaha labadaba waqtiga dhalmada. Dabadeedna waxaa soo ifbaxay qaliinka-dhalidda (caesarean section), oo si aada looga isticmaalay wadanka Ingiriiska.
Sanadkii 1822-kii, Sniadecki wuxuu arkay in caruurta ku nool magaalada Waarso (Warsaw) uu hayo xanuun badan oo Riketis ah, meesha caruurta ku nool baadiyaha magaaladaas uusan hayn xanuunku. Asagoo arigtadaa ka duulaya wuxuu ku dooday in iftiinka qoraxdu yahay wax lagu dawayn karo cudurkan. 1889kii, Ururka Caafimaadka ee Ingiriiska (British Medical Society) waxay sahmiyeen qaabka uu cudurkan u dhaco (hab-dhaca) (epidemioligal survey), waxayna xaqiijeen in arigtidii hore ay sax ahayd. Laakiin nasiibdarro, kumayan guulaysan inay xaqiijiyaan in xanuunku la xiriiro la’aanta iftiinka qoraxda. Hal sano kabacdi, Palm wuxuu ku sameeyay baaritaan aad u baahsan dhammaan dhulkii hoos imaan jiray Boqortooyadii Ingiriiska iyo waliba dhulalka bariga (sida China iyo Japan), kaasoo ku saabsan hab-dhaca cudurka rickets, wuxuuna ku ogaaday muhimadda ay leedahay isudhigga qoraxdu. Wuxuuna ku booriyay in si wada-jir ah, oo aan lookala harin, qoraxda la isugu dhigo, talaabadaasoo ka hortag iyo daawaba u ah cudurka riketis iyo cuduro kale. Nasiibdarrose, si wanaagsan looguma baraarugin arigtiyadaas xeesha-dheer ee Sniadecki iyo Palm, waxaana ka soo wareegay 30 sano, markaasoo Huldschinski uu sharaxay in marka caruurta qabta riketis-ka loo dhigo shucaaca ka soo baxa nal ka samaysan meerkuri (mercury vapor arc lamp) ay si wanaagsan uga bogsoodaan cudurkan lafaha ku dhaca.
Horaantii waxaa caado ahaan loogu dawayn jiray cudurkan saliida kaluunka (cod liver oil), illaa laga soo gaaray 1920 markaasoo McCollum iyo saaxibadii ay ka dhexheleen vitamin D. Waxaa xigtay, in la ogaaday haddii shucaac loo dhigo cuntooyin kala duwan, in si wanaagsan loogu daawayn karo, loogana hortagi karo cudurkan, taasoo casriyaysay, dardarna galisay ka hortaga iyo dabargoyta cudurkan. 1930-nadii, waxaa lagu guulaystay xaqiijinta in vitamin D3 uu ku dhexsameeysmo jirka (maqaarka) dadka marka ay ku dhacaan shucaaca ka yimaada qoraxda (UVB).
Haddaba waxaa iska cad inay qaadatay qarniyo in la fahmo jiritaanka fitamiin D, waayahanna waxaa soo ifbaxay xaqiiqooyin badan oo la xiriira fitamiinkan, kuwaasoo soo guuxayay qarni kale ka hor intaan la qabalin. Qayb ka mid ah khubarada nafaqada (nuitritionists) waxay ugu yeeraan sanadka 2008 sanadka fitamiin D, marka la eego tirada xaqiiqooyinka iyo cilmibaarista lagu guulaystay.
Dhinaca kale haddaan ka eegno dhulka soomaliyeed waxa uu dhacaa dhulbaraha oo hela qorax joogto ah, waxaana dadkiisa loo tixgaliyaa inay ka mid yihiin dadyowga ugu firfircoon, uguna caqliga badan qaaradda Africa; ayna u sii dheertay caafimaad badni, marka laga reebo cudurada ka dhasha nafaqo-darada iyo nadaafad xumada. Laakiin muuqaalkaas waxaa ku yimid isbadal marka la eego soomaalidii faraha badnayd ee u soo hijrootay dhulalka qabow ee Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Waxaa soo foodsaaray, ayaga iyo bulshooyinka madowba, caafimaad daro saamaysay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, min ilmo dhashay illaa waayeel. Cuduro oo ay ka midyihiin jir xanuun, daal, xanuunada maskaxda (sida depression, Schizophrenia), iyo kuwo si gaar ah u saameeyey caruurta sida Ootiisam (Autism), fahmo daro iyo karti la`aan. Waxayna ka sare mareen dadkay u yimaadeen xanuunaday caanka ku ahaayeen sida Macaanka, Dhiigkarka, Shalalka, wadna-xanuunka, Kansarka iwm. Shaki kuma jiro in bay’addu lug ku leedahay xanuunadaas faraha badan ee dhulka qaboobuhu caanka ku yahay, lakiin xaqiiqda dhabta ah ee keenta wali la iskuma raacin, waxaa sanadihii ugu danbeeyay soo ifbaxay muhimadda fitamiin D-ga, oo loo yaqaan Fitamiinka cadceeda (Sunshine Vitamin).
Markaan dib u eegay qayb ka mid ah cilmibaarisyadii u danbeeyay ee la xiriira xanuunadaan soo sheegnay iyo sababta ay dadka madow si gaar ah ugu saameeyeen, waxaan ii soo baxday in xaqiiqda wax laga ogaaday, laakiin dadyowgan dhibani ay la`yihiin cid wax u sheegta. Sidaas darteed baan go`aansaday inaan maqaalkaan qoro oo aan ugu talagaly baraarujin iyo aqoon iswaydaarsi.
Xaqiiqooyinka aan soo bandhigi doono waa kuwo intooda badan ka dahsoon dadwaynaha, oo laga yaabo inay ku cusboonaadaan xataa dhakhaatiirta qaarkeed, maadaama ay soo ifbaxeen dhawrkii sano ee u danbeeysay.
Fitamiin D
Fitamiinkan wuxuu u jiraa qaabab kala duwan waxaana ugu muhiimsan fitamiin D2 (Ergocalciferol) iyo D3 ( Cholecalciferol), oo laga kala helo dhirta iyo xayawaanka. Fitamiin waxaa la yiraahdaa nafaqooyin (organic nuitrients) inta badan uusan jirku samaysan karin, lagmamaarmaanna u ah falgalo badan oo jirka gudihiisa ka dhaca, sidaa darteed in qofku uu quuto loo baahanyahay; laakiin fitamiin D-ga intiisa badan jirkaa lagu dhexsameeya, waxaana la isku raacay inuu yahay hoormoon (hormone), laakiin dadka aan qorax heli karin wuxuu u noqonayaa fitamiin. Fitamiinkani wuxuu muhiim u yahay sidii uu jirku uga faa’iidaysan lahaa macdanka kaalshiyamka iyo fosfooraska, iyo koritaanka lafaha, muruqyada, maskaxda (neerfayaasha) iyo difaaca jirka.
Ilaha laga helo:
Waxaa lagu sameeyaa jirka kore (maqaarka) ee qofka marka shucaaca qoraxdu ku dhacdo, ayadoo maadada kolesteroolka (cholesterol) loo badalo fitamiin D3. Wax ka yar boqolkiiba toban (10%) baa laga heli karaa cuntada. Sidaa darteed si qofku u helo fitamiin ku filan waa inuu qorax kulul u dhigaa jirkiisa (sida wajiga iyo gacmaha) ayadoon wax shucaaceeda celinkaraa uusan ku dahaarnayn sida kareemada; dadka cad waxaa ku filan sodon daqiiqo labo ilaa sadder jeer isbuucii, laakiin dadka madow waxay u baahan yihiin muddo intaa ka badan shanlaab, maadaama maadada jirkooda ku jirta ee loo yaqaan Melanin ay shucaaca qoraxda celiso. Tusaale ahaan marka qofka cadi qoraxda isu dhigo muddo 20 daqiiqo ah wuxuu jirkiisu samayn karaa 20,000 units (0.5 mg) oo fitamiin-D ah.
Isha kale ee laga helaa waa cuntooyinka ay mid yihiin kaluunka (sida sardines iyo salmon), ukunta, caanaha iyo haruurka. Balse waxaa muhiim ah in cuntooyinkaasi ay ka yimaadeed meel qorax leh ama ay warshaduhu ku daraan.
Sababaha Fitamiin-D yaridda
Saddexda qaybood ee keena fatamiin D yaridda waxay kala yihiin qaadasho la’aan, dheefshiid xumo iyo jirkoo isticmaali waaya.
1) Qaadasho la’aan: tani waxay ka dhalan kartaa qorax la’aan, isticmaalka walxaha shucaaca qoraxda celiya iyo af-ka-qaadasho la’aan (cunto ahaan ama daawo ahaan). Waayadan danbe waxaa siyaaday talooyin ay dhakhaatiirtu bixinayeen oo ah in qoraxda laga fogaado iyo isticmaalka kareemada shucaaca celiya, baqdin laga qabo kansarka maqaarka darteed, taasina waxay keentay in lagu tiirsanaado fitamiin D-ga laga helo cuntada, tanoon dabooli karin baahida. Arintani waxay si siyaado ah u saamaysay wadamadii markiiba horaba qoraxdu ku yarayd sida Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Caruurta iyo waayeelka oo inta badan guryaha ku jira iyo dumarka xijaaban ayaa dhibku ku sii badan yahay.
2) Dheefshiidid xumo: tanina waxay dhacdaa marka ay mindhiciradu kala bixi waayaan cuntada fitamiinka ku jira, taasoo ka dhalankarta ayagoo jiran ama deriskunoole (parasites) ka horistaaga shaqadooda. Mindhicirada iyo haragu (maqaarku) markay duqoobaana shaqadoodu aad bay hoos ugu dhacdaa, sidaa darted dadka waayeelka ahi si gaar ah ayay ugu nugul yihiin fitamiin D-yaridda.
3) Isticmaal-karid la’aan: haddii jirku ku guulaysto inuu fitamiin D helo (qaababkaan kor ku soo sheegnay), waxaa dhicikarta in qofku ka faa’iidaysan waayo haddii uu ka jiranyahay beerka ama kalyaha, oo ah labada meelood ee lagamamaarmaan u ah qaabaynta fitamiinka D-ga si uu shaqadiisii u qabsado. Sidoo kale waxaa jira daawooyin haddi qofku qaadanayo sahlaya in fitamiinku si dhaqso ah u burburo intaan laga faa’iidaysan.
Arimaha Muhiimka ah ee Saameeya Heerka Fitamiin D-ga
• Heerka midabka jirka (maqaarka) (kor ka eeg)
• U banbixidda shucaaca qoraxda
• Qaybta raashinku ku biirin karo (<10%)
• Goobta qofku dhulka ka joogo (dhigaha)(latitude)(maxaa yeelay meelaha qaarkood si kasta oo qoraxdu u soo baxdo dhucaadeedu ma dhalinkaro fitamiin ku filan)
• Xilli-sanadeedka lagu jiro iyo xagasha qoraxdu marayso
• Isticmaalka shucaac-celiyaayaasha (kareemooyinka, dharka, iwm)
• Banaan u bixidda
• Xajmiga jirka (qofka cayilan fitamiin D-ga dhiigiisa ku wareegaya waa uu ka yaryahay dadka kale, maadama aa fitamiinku uu ku milmo baruurta)
Raadka Fitamiin D-yarida
Marka heerka fitamiinka D-ga ee dhiiigu hoos u dhaco waxay keeni kartaa ama sahli kartaa in qofku la kulmo cuduro dabadheerada (chronic) sida lafa-qalqalooc (Rickets), lafa-xombobosho (osteoporosis), murqo xanuun, daal, kansar, macaan (sonkor), timo-daadasho, cayil, dhiigkar, cudurada kalagoysyada (Rheumatoid arthritis), hargab-xiliyeedka (seasonal influenza) iyo kuwo kale.
Sidoo kale xogaha caafimaadku waxay muujinayaan in fitamiin D yarida ay weheliyaan cudurada ku dhaca habdhiska dhimirka (central nerve system) sida kuwa nafsaaniga ah (depression, schizophrenia, seasonal effective disorder) iyo kuwa kale afka qalaad lagu yiraahdo Multiple Sclerosi, Alzheimer’s and Parkinson’s diseases. Haddaba tijaabooyin lagu sameeyay xayawaanka waxay muujiyeen in fitamiin D yaridu ay keeni karto inuu xumaado koriinka iyo shaqada habdhiska dhimirka ee ilmaha dhasha. Isku soo duuboo, isu dheelitir la’aanta heerarka fitamiin D-ga ee jirka waxay keeni kartaa shaqo-xumo iyo cimri-degdeg ku yimaada habdhiska dhimirka. Baaritaan lagu sameeyay caruurta qabta cudurka Oostisam-ka, oo ku dhaca maskaxda (dhimirka), waxaa la xiqiijiyay in dhammaantood ay hayso fitamiin D yari, taasoo taageeraysa aragtida ku doodaysa in cudurkani ka dhasho fitamiin D yaridda.
Calaamadaha guud ee lagu garto fitamiin D yarida waxaa ka mid ah qaloocsan ku dhaca lafaha dhaadheer ee caruurta, jir- iyo lafo-xanuun, tabardaro murqaha ah, sahal u jabid, timo-daadasho iyo habiso (low mood).
La soco qaybta 2 aad inshaanlaa…………………………………………………………………………………………………………………..
april 14, 2011
·
admin ·
4 Comments
Posted in: Maqaalo
4 Responses
walaa marka hore waad salaaman tihii dhaman dhaqatiir ta
hadaan u gudbo so aal aan rabo in layga jaahil bixiyo walaal caafimaad ahaan maxay udhimay saa ninka galmad
malintii duhur ka bacdal qado ka dib
Asalaamu Calaykum Jaamac!
Waanu kaa qaadnay salaantaa qiimaha leh ee aad noo soo dirtay, aad iyo aadna waa ugu mahadsan tahay. Intaa ka dib, haddii aan isku dayo suáashaas jawaabteeda. Jaamacow, waxaa jirta sheekooyin caalamiya (international) oo soomaalidu kala siman tahay dalal badan oo dunida ka mida. Waxaa jira sheekooyin dibedda inooga yimid, hase yeeshee ay dadka soomaalidu aaminsan yihiin in sheekooyinka khurafaadka ahi ay soomaalida ka soo jeedaan ama ka yimaadeen. Haddaba aan u soo noqdo jawaabta suáashaas
”walaal caafimaad ahaan maxay udhimay saa ninka galmad malintii duhur ka bacdal qado ka dib” ”Jaamac”
Waxaa jira dalal badan oo dunnida ka mida, oo aaminsan sheekadan khurafaadka ah, in haddii uu ninku u galmo sameeyo maalinta cad , bacda duhur ama qadada ka dib in caafimaadka jidhkiisa ay wax iska bedelayaan ama ay wax u dhimayso. Haddaba arrintas wax si cilmiyan u sheegaya ma jirto ee waa sheeko dadku ay aamineen. Haddii ay dhici lahayd waxa hubaala in arrintaa mar hore la shaacin lahaa oo lagu soo qori lahaa warbaahinta dunida, dhakhaatiirtuna ay ka waanin lahaayeen dadka in ay taa sameeyaan. Markaa halkaa waxaa innooga cad in aanay sheekadani aynu kor ku soo xusnay aanay jirin.
Waxaan filayaa in aad ku qanacday jawaabtaas
Bahda mareegta caafimaaka
http://www.Caafimaadka.com
Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi wabarakaatuhu
aad iyo aad baad mahadsan tihiin sida aad noogu faahfaahiseen cudurkan balse waaan idin weydiinayaa ilmaha ma marka uu uurka hooyada ku jiro ayuu autism ka ku dhacaa mise marka uu dhasho oo uu gaaro ilaa laba sano ayuu ku dhacaa cudurku waa intaas su asheydu
nabad galyo
ASW Abdinasir!
Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay suáashaa (Autism) ku saabsan ee aad na soo waydiisay. Su´aashaa jawaabteeda waxa weeyi, sida cilmi baadhisyo badani sheegeen, in la ogaado ilmuhu marka uu jiro qiyaastii 2-3 jir.
Tallo ahaan!
Haddii ay jiraan carruur uu ku dhacay cudurkan Autism-ku oo da´doodu tahay 2-3 sanno oo aan hadlayn. Waxaa dhacday in carruur badan oo la geeyey dalkii iyagoo aamusan (Autism) hayo, kadibbna ay soo noqdeen iyagoo hadlaya. Ma jirto daraasaada amuurtaas la xidhiidha oo lagu sameeyey carruurtaas markii hore aan hadli jirin, kadib markii wadankii la geeyey uu afkii u furmay (hadalkii). Waa carruurta aamusan ee aan waxa kaloo cuduro ah oo xaga neerfayaasha aanay ku dhicin.
waxaan filayaa in aad ku qanacday suáashaas jawaabteedii
Bahda mareegta caafimaaka
http://www.Caafimaadka.com
Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
Leave a Reply