Dhakhaatiir ka Socda Ustareeliya oo Booqasho Shaqo ku Yimi Somaliland

Dhakhaatiir ka Socda Ustareeliya oo Booqasho Shaqo ku Yimi Somaliland iyo Qorshayaasha ay Wataan
Last Modified: Sat 09th Apr,2011
Hargeysa (Jam)- Dhakhaatiir ka socota waddanka Australia, ayaa shalay safar ku yimi Somaliland, kuwaas oo doonaya inay hawlo qalliin samafal ah ah ka fuliyaan cusbitaalka guud ee Hargeysa, isla markaana duruus caafimaad ka bixin doona Jaamacadda Hargeysa iyo kulliyadda caafimaadka ee cusbitaalka Edna Aadan.

Dhakhaatiirtan oo tiradoodu dhan tahay 5 dhakhtar oo kala socda kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda UWA ee Austareliya iyo ururka dhakhaatiirka dalkaas ee Afrika (Australian Doctors for Africa), waxa madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey hormuudka kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa Dr. Diiriye Ismaaciil Ereg iyo guddoomiyaha hay’adda Taakulo Somaliland Community Mr. Cumar Jaamac, iyaga oo waddanka joogi doona ilaa 20-ka bishan April.

Dr. Diiriye Ismaaciil Ereg oo faahfaahin ka bixiyey ujeedada dhakhaatiirtani Somaliland u yimaadeen, ayaa yidhi “Dhakhaatiirtani waxa ka yimaadeen waddanka Australia, waxaanay Somaliland u yimaadeen inay hawlo qalliin ah, gaar ahaan qalliin ay ku samaynayaan kelyaha iyo kaadi-mareenka inay ka fulin doonaan cusbitaalka ee Hargeysa. Waxa kaloo ay duruus caafimaadka ka bixin doonaan kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa.”

“Dhakhaatiirtani waxa ay ka kooban yihiin shan dhakhtar, waxa ka hadhay oo soo raaci kari waayay hal dhakhtar oo kale, waxaana hoggaaminaya dhakhtar la yidhaahdo Dr. Forward Graham,” ayuu yidhi Dr. Ereg.

Waxa kaloo uu sheegay inay dhakhaatiirtu duruus caafimaad ka bixin doonaa Jaamacadda barashada culuumta caafimaadka ee Edna Aadan, isagoo xusay inay waddanka joogi doonaa ilaa 20-ka bishan April.

Sidoo kale guddoomiyaha hay’adda Taakulo Somaliland Community Mr. Cumar Jaamac oo isna ka hadlay safarka dhakhaatiirtan, ayaa sheegay in dhakhaatiirtani hore u yimaaddeen Somaliland oo wada-shaqayn ka dhexayso, waxaannu xusay inay hore hawlo caafimaad uga fuliyeen dhakhtarka guud ee Hargeysa.

Mr. Cumar waxa uu tilmaamay in dhakhaatiirtani hore qalab caafimaad u soo gaadhsiiyeen cusbitaalka guud ee Hargeysa, isla markaana dib u hagaajin iyo dayactir ku sameeyeen qolalka lagu maydho dharka cusbitaalka, sidoo kalena hore cusbitaalka u keeneen mishiin 22kg ah oo dharka

Ka soo xigtay : Jamhuuriya

april 9, 2011 · admin · 2 Comments
Posted in: Maqaalo

2 Responses

  1. cabdale - april 19, 2011

    BISMILAAHI RAMAANI RAXIIM
    WALAALO MARKA HORE WAXAAN
    IDN KU SALAAMAYAA
    SALAANTA ISLAAMKA
    SALAAMACALAYKUM WARAX MATULAAI
    WABARAKAATAHU
    SALAAN KADIB WAXAAN DOONAYAA
    IN ANWAYDIIYO DHAKHTARKA
    ASDAAMAHA XANUUNKA LAYIDH
    HIVGA SIDA AAD U OGAATO INTAANAD
    DHAKHTAR UTAGIN

  2. admin - april 19, 2011

    Salamu Calaykum Cabdale!
    Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay suáashaas aad na soo waydiisay. Haddii aan si saxa aan u fahmay suáashaada waxaad u jeedaa HIV. Haddii ay suáashu tahay HIV, astaanta lagu garto HIV.

    Kelmada HIV, waxaa loo soo gaabiyey (human immunodeficiency virus). Haddaba waa xanuun dila difaaca jidhka. Waxaa jira laba siyaabood oo caana oo lagu qaado HIV-ka
    1. Galmo
    2. Dhiig Shubid (blood transfusion)
    Haddaba calaamadaha lagu garto HIV waxaa ka mid qodobadan hoos ku xusan

    * Daal badan

    * Xanuun xagga cunaha

    * Miisaanka jidhka oo hoos u dhaca bilaa sabab

    * Infektion soo noq-noqda oo marinka hawada ku dhaca, iyo maqaarka oo haddii ay wax soo gaadhaan aanla daawayn karin, haddii nabar maqaarka ku dhacana inta uu bogsanayo ay wakhti dheer qaadato

    * Xumada

    * Qanjidhada oo barara

    * Calool shuban

    * Nabaro afka ka soo baxa

    * Dhidid habeenkii ka yimaada qofka

    * Infektion raagay oo jidhka muddo dheer ku soo jiray ama jiifay
    Iyo calaamado kale.

    * Xanuun xagga sambabada

    Haddii aad calaamadahan ama astaamahan aynu kor ku soo xusnay qofku isku arko waxaa wanaagsan in uu is baadho oo dhakhtar u tago

    Waxa aan filayaa in suáashaa jawaabteeda aad ku qanacday.

    Calaykum Wasalaam

    Bahda mareegta caafimaaka
    http://www.Caafimaadka.com
    Editor@caafimaadka.com
    caafimaadka@gmail.com

Leave a Reply