DHIIG YARAAN (ANEMIA)
DHIIG YARAAN (ANEMIA)
Waa marka unugyada cas cas ee dhiigu kaa yaraadaan ama xadiga homoglabiinta ku jirta unugyada cas cas kaa yaraato. Homoglabiintu waa maado ay ku jirto macdanta birtu (Iron) oo dhiigga u yeesha midabka cas waxaanay qabataa Ogsajiinta oo ay ka soo qaado sambabada gaadhsiisana unugyada jidhka. Dhiig yaraantu waxay keentaa in aanu jidhku helin Ogsajiin ku filan.
Maxaa keena
• Macdanta birta oo kugu yar oo ay sabab u tahay dhiig bax kugu dhaca ama adigoon cunin cunto dheeli tiran oo nafaqo leh.
• Fiitamiin yaraan sida fiitamiinka B12.
• Yaraan hormoomka cariya samayska unugyada dhiigga taas oo ay sababto cudur ku dhaca kalyaha ama cudurka kansarka.
• Unugyada cas cas oo sidooda u burbura (Hemolytic).
• Ku dhalasho cudur waxyeela unugyada cas cas.
• Cuduro faafa oo kugu dhaca kaas oo sababa dhiig yaraan.
• Cudur ku dhaca dhuuxa dhiigga sameeya cudurkaas oo noqon kara kansarka dhiigga ku dhaca.
• Dhiig badan oo xilliga caadada ka baxa ruuxa dumarka ah.
Astaamaha lagu garto
• Daal iyo bilaa awood
• Wareer
• Naqaska oo ku qabta am neefta oo ku qabata
• Wadno garaac
• Madax xanuun
Baadhitaan
Hadii uu qiyaasta dhiiga qofka dumarka ah ka yaraado 120 gram raggana 130 gram litirkiiba dhiigu wuu kaa yar yahay.
Waxa kale oo baadhitaanka ku jira dhakhtarka oo ku waydiinaya su’aalo ku saabsan cuntada aad cunto nooceeda, dawooyin in aad qaadato, hadii qoyskiina lahaan jiray cudur dhiig yaraana. Waxa kale oo dhakhtarku waydiiyaa dhadiga sida ay dhiiga caadada u hesho iyo xadiga dhiigaas iyo in dhiig dheeraad uu ka yimaado.
Baadhitaanka dhakhtarka waxa ka mid ah in uu qofku ka cabanayo caloosha, mindhicirka iyo marinka kaadi mareenka.
Daaweynta
Daaweyntu waxay ku xidhan tahay hadba waxa sababay dhiig yaraantaas tusaale ahaan hadii uu sababtay bir la’aan (Iron) waa in aad qaadataa kiniinka kordhiya birta, hadii ay kugu yartahay fiitamiin B12 waa in aad qaadataa fiitamiin B12 ama Folic Acid, hadii uu kuu keenay cudur waa in cudurkaas lagaa daweeyo. Hadii dhiiggu aad kaaga yar yahay waa in dhiig lagugu shubaa.
Waxa soo diyaariyey
C/raxmaan Xaashi Cabdi
Bahda mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com
Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
april 4, 2011
·
admin ·
8 Comments
Posted in: Maqaalo
8 Responses
walaalayaal waxaan donaya in aan su’aalo idinka weydiyo caafimaadka waliba moducan sidee niigula soo xariirikaraa
ASW
Waad na soo waydiin kartaa wixii suáalo ee ku saabsan mawduucan ” Dhiig Yaraan” (anemia)
Waxa aad nagala soo xidhiidhi kartaa e-maylada hoos ku qoran.
Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
Waad mahadsan tahay
Bahda mareegta caafimaaka
http://www.Caafimaadka.com
Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
ASC WR WBR KHEYR IYO XASANAAD ALAH INKA SIIYA WALAALAYAL WAAD MAHADSANTIHIIN HOWSHA CULUS EED ISKUGU XILQAAMTEEN UMAAda SOMALIYEED WANA IDIIN OGSONAHAY DADALKA IYO WANAGA AD UMADDIINA UHORSEEDEYSAN IDANKOO KALE ALAH HA INOOKIN BADIYA IDINKANA ALAH HA IDIN XIFDIYA SUNADEY KAMIDTAHAY IN CILMIGA LAFAAFIYO FAA IIDADALEH WAXAN KA MID AAY HABLAHA SoMALIYEED EE AN KUDADALIN ftamiN ka oganShahiisa WADNA IDHIIRIGALISEN JAZAKULAHKHEYRAN MARKALE ASC WR WBR
Calaykum wasalaam Bushra.
Aad iyo aad baad u mahadsan tahay dhiirigelintaa qiimaha leh ee aad noo soo dirtay. Waanu kaa gudoonatay Ilaahay hakaa abaal mariyo.
Bahda mareegta caafimaaka
http://www.Caafimaadka.com
Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
asc wr wrk walaala yaal aad baan uga helay sida wanaagsan aad wax isku weydiiseen iyo sida aad iskugu jawaabteen dhamantiin waxaan dhamaan umada somaliyeedna ilaah sidaas ha isku fahan siiyo waad mahad san tihiin qeerka aad u wadaan ama aad la jeceshihiin dhamaanteed one day somaliya nabad beey noqoneesaa insha allah,
Asalaau Calaykum Jibriil Mumin!
Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay Jibriilow, sida wanaagsan ee aad uga heshay isweydiintaa aad soo sheegtay iyo jawaabteeda. Ad baad ugu mahadsan tahay faaladaa aad ka soo bixisay maqaalkaas.
Bahda mareegta caafimaaka
http://www.Caafimaadka.com
Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
ac bahda caafimaadka waa wax aad iyo aad logu baahanyahay waxaadna gaarsiinkartaan ummada soomaaliyeed heer uu qofwalbaa asagu isdaawaynkaro laakiin waxaan kudari lahaa waxaadisku daydaan inaad meel loogu noqdo oo laga daalacdo aadsooraacisaan waxaad qoraysaan mahadsanidiin
ASWW Siyaad!
Waad mahadsantahay Siyaad, faalladaa iyo talladaa aad noo soo jeedisay..
© Copyright 2012 | mareegta caafimaadka
All Rights Reserved
Bahda mareegta Caafimaadka
http://www.caafimaadka.com
E-mail: editor@caafimaadka.com
E-mayl: caafimaadka2011@gmail.com
Leave a Reply