Halista shucaaca nukliyeerka ku yeesho caafimaadka

Halista shucaaca nukliyeerka ku yeesho caafimaadka jidhka 21 marsh 2011

Halista shucaaca nukliyeerka ku yeesho caafimaadka

Waxa aynu dhammaanteenba la wada soconaa masiibada ku habsatay dalka Jaban (Japan) 11 Maarsh, 2011. Dhul gariirkii, waxa uu khasaare weyn u geystay wershadda dabka laga dhaliyo ee Fukushima oo lahayd 6 qaybood oo dab dhaliyayaal. (reactors). Haddaba wax yeelo weyn ayaa ka soo gaadhay dab dhalilayaashaas. Taasina waxay keentay, in ay sii daayaan shucaac badan oo xadigii loogu talo galay dhaafsiisan. Inkasta oo xukumadda dalka Japan ay qarinayso cabirka shucaaca dhabta ahi inta uu gaadhsiisan yahay. Khuburo xaga cabirka shucaaca ayaa walaac weyn ka muujiyey heerka cabirka ee uu maraayo shucaacu.
Maqaalkeenan maanta waxa aan ku soo qaadan doonaa inshaanlaa khatarta/halista shucaacu uu ku keeni karo caafimaadka. Dadyawga ku dhaqan dalka Japan iyo nawaaxigiisa waxaa soo food saartay xaallad murugo leh, dhul gariirka waxaa kaga daran shucaacan sunta ah oo halis u ah caafimaadkooda.
Cabirka shucaaca waxaa la yidhaahdaa Sievert (sv) marka la cabirayo inta shucaaca ee jidkha bilaadamka gasha waxaa la isticmaalaa (mSv). Haddaba Inta caadiga ah ee la yidhaahdo qofka bilaadamkii sannadkii gasha jidhkiisa waa 0,0022 Sievert . tiradan 0.0022 maha mid khatar ku keeni karta caafimaadka. Wadanka Japan ee arrintani ka dhacday ayaa cabirkii ay xukumadda Japan samasay 15 Maarsh 2011 uu marayey 0,0082 Sievert.

Maxaa ku dhacaaya jidhka haddii cabirka shucaacu intaa ka badto? Maxaase calaamad ama astaan ee lagu garan karaa in shucaaca nukliyuurku jidhka la fal galay? Eeg cabirkan hoos ku xusan!
Cabirka Sievert: (Sv)
0,05: unugyada dhiiga jidhka oo isbedel ku yimaado
0,5: qofka oo dareema xanuun xaga caloosha, muddo saacado gudahood
0,70 matag badanoo yimaada muddo, saacado gudahood
0,75 Timaha oo daata muddo 2 wiig gudahood
0.90 Shuban yimaada , saacado gudahood
1,0 Dhiig furan yimaada muddo wiigag gudahood.
4,0 Dhimasho timaada muddo laba bilood gudahood.
10,0 Dheecaanada mindhicirada oo dhaawacma, dhiig furan gudaha jidhka ka dhaca iyo dhimasho wiig ila laba wiig gudahood.
20,0 Caqliga iyo garashada oo hoos u dhacda, qabasho (cramp) iyo dhimasho saacado gudahood.

Marka uu shucaacu nukliyeerku ku dhaco qofka waxa uu dareemaa marka ugu horeysa caalamadaha ah, dareen xanuun ah, daal iyo awood yari.
Bal haddaba aynu eegno xubnaha jidhka ee uu shucaacu saamaynta ku yeesho.

1- Qanjidhada cunaha
-Marka u horaysa waxa uu dhibaato u keena qanjidhada cunaha
Eeg Sawirka!

2- Hab dhiska dhiigu u shaqeeyo:

Haddii dhiiga cad dhamaado waxa dhacaysa in qofku u nugulaado infection –ka ama xanuunada.

3- Sambabada

Haddii shucaacu soo gaadho sambabada waxa uu keenaa cansarka sambabada iyo naasaha.

4- Maqaarka.

Haddii maadada shucaacu ay gasho timaha/xaada hoosteeda waxay halisteedu tahay in uu qofka ku dhaco cansarka maqaarka.

5- Caloosha:
Mindhicirada oo dhaawac ka soo gaadho shucaaca, dhaawacaasina wuxuu keenaa xanuun, matag dhiig wata iyo shuban.

6- Xubnaha taranka .
Shucaacu waxa uu dhaawac u keena qaybaha taranka ,
Haddaba haddii uu qofku isku arko calaamadahaas ama astaamahaas ee udhaw goobahaas shucaaca nukliyeerku wax yeelay waxa habboon inuu dhakhar deg deg ugu tago ee aanu dhayalsan.

Warbixino xaga caafiimadka ku saabsan ayaa sheegaya in shucaaca nukliyeerka laga helay caanaha wadanka Japan. Haddii cuntada laga helo oo ay dadkuna cunaan cuntadaas shucaacu ku jiro waxay leedahay khatarteeda.
Waxaa dadka Japan ku nool imminka la siiyaa kiniin la yidhaahdo Iodine tablets, si uga yareeyo shucaaca nukliyeerka, inuu wax yeelo u geysto qanjidhada cunaha.

Waxaa soo diyaariyey: Nuux Ismaaciil Maxamed
21 Marsh 2011
Bahda mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com
Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com

mars 21, 2011 · admin · 5 Comments
Posted in: Maqaalo

5 Responses

  1. Bare - mars 24, 2011

    Waad ku mahadsantahay sida wanaagsan ee aad wax noogu sharaxday,laakin waxaan fahmin sida xisaabta aad u qortay.

    Ma waxaad kala jedaa calaamadan ”,” Decimal? Mase waxaad kala jedaa waxa looyaqaano ”Comma”?

    Aniga waxaa ila sax ah sida tan; 0.05!

    Mahadsanid

  2. Bare - mars 24, 2011

    Waad ku mahadsantahay sida wanaagsan ee aad wax noogu sharaxday,laakin waxaan fahmin sida xisaabta aad u qortay.

    Ma waxaad kala jedaa calaamadan ”,” Decimal? Mase waxaad kala jedaa waxa loo yaqaano ”Comma”?

    Aniga waxaa ila sax ah sida tan; 0.05!

    Mahadsanid

  3. OSMAN - mars 26, 2011

    Walaalayaal aad ayaad u mahadsantihiin maaulayaasha boga caafimaadka waanda ku mahadsantihiin sida aad u soo diyaariseen maqaalkaan

  4. admin - mars 26, 2011

    Osmaan/cusmaan!

    Adigaa aad iyo aad u mudan.

    bahda mareegta caafimaadka
    http://Www.caafimaadka.com
    Editor@caafimaadka.com
    caafimaadka@gmail.com

  5. admin - mars 28, 2011

    Asw
    Bare!
    Adigaa mudan, waanad ku mahadsan tahay faalladaa aad ka soo bixisay maqaalkan, ”Halista shucaaca nukliyeerka ku yeesho caafimaadk”. Habkan comma, ama Decimal . dunnida qoloba si bay u isticmaalaan, wadamada Yurub qaarbaa isticmaala . decimalka, halka qaarna , comma ay ka isticmaalaan. Dalka Maraykanka iyo Ingiriiskuna waxay isticmaalaan dhibicda . Markaa ujeedadu waa isku mid ee qoloba teeda ayaa la saxsan. Xeerka caalamigii waa ka dhibicda.

    Aad iyo aad baad u mahadsan tahay mar-labaad.

    Bahda mareegta caafimaaka
    http://www.Caafimaadka.com
    Editor@caafimaadka.com
    caafimaadka@gmail.com

Leave a Reply