U dul qaadasho la’aan sonkorta caanaha (Lactose intolerance)

U dul qaadasho la’aan sonkorta caanaha (Lactose intolerance)

Caanaha waxa ku jira sonkor (lactose) taas oo hadii jidhku aanu burburin keeni karta xanuun caloosha ah. Sonkortani wax xidhiidha lama leh cudurka sonkorta ama kaadi macaanka.
Lactose intolerance waa qofka oo aan lahayn ama uu ku yar yahay ansiimka laktas (lactase) ansiimkaas oo burburiya sonkorta caanaha ku jirta ee soo gaadhay mindhicirka yar. Hadii aan la burburin sonkortaas waxa ay u sii gudbaysaa mindhicirka weyn halkaas oo ay bakteeriyo ku khamiiriso sonkortaas taas oo keenta calool xanuun.

Sadex nooc ee u dulqaadasho la’aanta sonkorta caanaha:

• Ku dhalasho la’aanta ansiimka burburiya sonkorta caanaha waan wax dhif u dhaca.
• Bilawga yaraanta ansiimka waana nooca ugu badan waxaanu sii yaraadaa wax Qabadka ansiimka marba marka ay qofka da’diisu sii waynaato.
• Waxa dhaawac gaadhaa gidaarka mindhicirka yar ka dibna keenta wax qabadka ansiimka oo yaraada taas oo keenta u dulqaadasho la’aanta sonkorta caanaha.

Astaamaha lagu garto

• Neef ama naqas gala caloosha
• Shuban
• Casiraad caloosha
• Dibiraad caloosha

Sidee loo baadhaa?

• Adigoo iska daaya caanaha iyo waxyaabaha kale ee caanuhu ku jiraan dhawr maalmood ka dibna caba 2-3 koob oo caanaha ah caloosha oo madhan hadii ay kugu dhacdo casiraad caloosha ama shuban 30 daqiiqo ka bacdi waxa aad qabtaa cudurkan u dulqaadasho la’aanta sonkorta caanaha.
• Qiyaasida sonkorta dhiigga ka hor iyo dib markii aad cabtay koob biyo lagu milay laktos sonkorta caanaha.
• Baadhitaan cad yar oo laga soo gooyey mindhicirka yar.
• Dhiig yar oo lagaa qaado ayaa lagu ogaan karaa.

Daweynta

Waa in aad iska dayso waxa kasta oo sonkorta caanuhu ay ku jirto oo inta badan ah caanaha iyo waxyaabaha lag sameeyo, hadana waxay ku xidhan tahay hadba sida uu qof walba u dareemo oo tusaale ahaan dadka qaar baa ku dareema dhibaatdan wax yar oo sonkortan ah oo ku jirta shaygaas uu cunayo tusaale ahaan jiiska halka dadka qaarkii ay dareemaan dhibaatdan marka ay cunaan ama cabaan wax badan oo ay sonkortani ku jirto. Cuntooyinka ay ka mid yihiin jiiska iyo badharka way ku yar tahay sonkortani inta badan.

Waxa kale lagu daweyn karaa kiniin lala qaadanayo mar kasta oo cunto aad cunto, kiniin kaasi waxa uu burburinayaa sonkortaas caanaha ku jirta.

Waxa soo diyaariyey
C/raxmaan Xaashi Cabdi

Bahda mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com
Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com

mars 9, 2011 · admin · 2 Comments
Posted in: Maqaalo

2 Responses

  1. ahmed - mars 18, 2011

    walaalo dhakhtarka waan ku salamayaa walaalo suaal ayaan ku waydiin lahaa insha allaahu ilaahay ayaa kuu fududayndoonee

    walaalo muddo ayaan ka bukaa caloosha markaas shaybaadhkii ugu dambeeyay waxaan tegay dubai waxaa laygeliyay indiscopy ama tuubada caloosha sawirkii soo baxay waxaa uu noqday baago madmadaw caloosha oo yeelatay waxaa lay qoray daawo waa dhamaatay hadda waxaan qaataa nexium.cuntada ka hor habeen kasta waxaan joogaa hargeisa ila tali walaalo welina xanuunkii waa i hayaa .waad mahadsan tahay walaalo

  2. admin - mars 24, 2011

    Asw
    Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay Bardaalee. Jawaabtaa waxaad ka heli kartaa e-maylkaaga.

    salamy calaykum
    bahda bogga caafimaadka

Leave a Reply