Brotiinka
Brotiinka
Waa maxay borotiin?
Erayga ”Protein” waxa uu ka soo jeedaa erayga griiga ee ah ”protos” oo macnahiisu yahay ka ugu muhiimsan ama ka ugu horeeya.
Brotiinku waxa uu ka kooban yahay qeyb yar yar oo loo yaqaano aminoaysiidhyo (amino acids) in badan oo ka mid ah qaybahaas jidhku wuu samaystaa , laakiin 8 ka mid ah waa in jidhku ka helaa cuntada oo hadii qofku cuno cunto isku dheeli tiran oo iskugu jirta hilib iyo khudaar wuu ka helayaa borotiinkii uu u baahnaa.
Shaqada borotiinka
• Dhismaha jidhka sida muruqyda, timaha, maqaarka iyo cidiyaha.
• Samayska difaaca jidhka
• Borotiinku waxuu ku jiraa hormoono badan sida insulin ta
• Homoglobiinta dhiigga waxa ku jira borotiin
• Ansiimada ka qeyb qaata falgalka unugyada jidhka waxa ku jira borotiin
Cuntooyinka laga helo borotiinka
Hilibka, kaluunka, digaaga, beedka, misirka ama cadaska, fuulka iyo caanaha.
Dhibaatda yaraanta borotiinka?
Hadii kugu yaraado borotiinku waxa la dareemaa daal, muruqyo xanuun, cudurada faafa oo kugu soo noqnoqda, timah oo kaa daata iyo cidiyaha oo ku dildilaaca.
Waxa soo diyaariyey
C/raxmaan Xaashi Cabdi
Bahda mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com
Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
mars 4, 2011
·
admin ·
2 Comments
Posted in: Maqaalo
2 Responses
SCWW, aad ayaad u mahadsantihiin sida aad noogu faa iidayseen Ilaahay xasanaad ha idinka siiyo dadaalkiina.
M Husssien!
Aad iyo aad baad u mahadsan tahay M. Xuseenow,
Bahda mareegta caafimaaka
http://www.Caafimaadka.com
Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com
Leave a Reply