Joonis/Cagaarshow B (Hepatitis B)

Joonis/Cagaarshow B (Hepatitis B)

Qeexid:

Jooniskan waxa dhaliya fayras la yidhaahdo Hepatit B. waxaana jira noocyo badan oo joonisa oo kala ah A, B, C, D iyo E kuwaas oo dhamaantood xanuun ku rida Beerka.

Beerku waxa uu safeeyaa dhiigga, kaydiyaa dufanka iyo sonkorta. Beerku wuxuu baa’biiyaa khamriga iyo dawooyinka la isticmaalo, sidaas darteed marka beerka uu ku dhaco xanuunkani waxa uu gabaa dhamaan shaqooyinka aan dusha ku soo sheegnay oo uu jidhka u qaban jiray.
Cudurkani waxa uu keenaa in qofka uu ku noqdo mid wakhti kooban haya (acute) ama mid joogta ha (chronic). Qiyaastii waxa cudurkan qaba laba bilyan oo qof aduunka oo dhan, waxaanu cudurkan ku noqday mid joogto ah (chronic) 350 milyan oo qof, waxaana u dhinta 600 000 oo qof sanadkii.

Hadii aanu cudurkani ku noqon qofka mid joogta ah (chronic) oo uu noqdo mid wakhti kooban haya (acute) waa laga bogsadaa inta badan mudo 4-6 todobaad ah. Khatarta in uu joogto noqdo (chronic) iyo in kalena waxay ku xidhan tahay hadba da’da qofku ku qaado cudurkan oo hadii ilmaha sabiga ah ee qaada cudurkan waxa uu ku noqdaa 90% mid joogta ah, sanad jir 50%, 2-4 jir 20%, dadka ka weyn 7 jir wax ka yar 5%. Cudurkan maalinta qofku qaado ilaa uu soo ifbaxo waxay qaadataa 2-6 bilood. Kan joogtada ah (chronic) waxa uu noqdaa ama isku bedalaa cansarka beerka.

Sidee lagu qaadaa?

1. dhiigga qofka qaba oo jidhkaaga gala ama lagu shubo
2. galmada uu la galmoodo qofka qaba cudurkan qof caafimaad qaba
3. ilmaha hooyadii qabto oo qaada marka uu dhalanayo
4. irbadaha la isku mudo oo lala wadaago qofka cudurkan qaba

Astaamaha lagu garto

1. madax xanuun, xumad, daal, astaamahana waxay qofka lagu arkaa dhawr maalmood ilaa todobaad.
2. cunto ka go’id, yalaalugo iyo mararka qaarkood in la matgaba.
3. maqaarka ayaa huruud noqda waxaana si fiican looga arkaa midabkan huruuda ah indhaha qeybta cad ee wiilka ku wareegsan oo huruud noqota. Kaadida oo midabkeedu madoobaado iyo saxarada oo midabkeedu cadaaan noqdo. Ka dib waxa uu qofku ka dareemaa xanuun dhinaca midig ee caloosha meel wax yar feedhaha hoostooda ah sababtoo ah waxa bararay qofka beerka sidoo kale waxa uu qofku xanuun ka dareemaa kalagoysyada jidhka iyo waliba cuncun maqaarka uu ka dareemo qofku.

Dadka inta badan ee uu ku dhacay cudurkani waxay dareemaan todobaadyo iyo ilaa bilo daal iyo cunto xumo. Dadka oo dhan ma yeeshaan midabka huruuda ee lagu yaqaano astaamaha cudurka oo waxa xitaa dhacda in qofku aanu yeelanba wax astaamo ah inkastoo uu cudurka qabo, bukaanka bilaa astaanta lagu arko waxa u badan caruurta ka yar shan sanadood iyo qiyaastii kala badh dadka qaangaadhka ah ee cudurkan qaada. Laakiin qofkaas bilaa astaanta ah wuu sii gudbin karaa cudurka.

Sidee loo baadhaa?

Waxa laga baadhaa dhiigga qofka qaba cudurka qeybo aad u yar yar oo ah fireyska cudurka keena ama difaaca jidhka ee lidka ku ah cudurkan oo laga helo dhiigaas qofka buka. Qofka uu imika (acute) cudurku ku dhacay iyo mid uu joogto u hayo ama ku riiqay (chronic) waxa laga helaa qayb yar oo ka mid ah oogada fireyska ee loo yaqaan HBsAg (Hepatitis B surface antigen), hadii laga helo sidoo kale qaybta yar ee fayraska ee loo yaqaan HBeAg (Hepatitis B e antigen) waxay tahay in qofkaasi uu cudurka qaadsiin karo dad kale waxaan ku jira jidhkiisa fayras badan. Hadii laga helo dhiigaas difaaca jidhka (antibody) ee lidka ku ah cudurkan sida anti-HBc (Hepatitis B core antibody) iyo anti-HBs (Hepatitis B surface antibody) waxay tahay in qofkaasi cudurkii ka bogsaday dadkana aanu qaadsiin karin, yeeshayna difaac cudurka ah.

Maxaa lagu daweeyaa?

Ma jirto dawo u gaara cudurkan marka uu bilawga yahay (acute) laakiin marka uu noqdo mid joogta ah ama riiqa (chronic) waxa lagu daweeyaa dawada la yidhaahdo interferon mudo sanad ah waana irbad lagu mudo qofka todobaadkiiba mar, hadii interferon ku ay waxba tari waydo waxa lagu daweeyaa ama tijaabiyaa dawooyin kale. Hadii cudurku noqdo kansarka beerka malaha xaln aan ahayn in qofka laga badelo beerka oo loo galiyo beer kale oo caafimaad qaba.

Waxa isna jira talaal aad u fiican oo lagaga hor tago cudurkan waana talaal qofka la kala siinayo sadex goor oo kala danbeeya labada hore waxa u dhaxeysa mudo min bil ah halka ka sadexaad la siinayo qofka lix bilood ka dib waana talaal qofka cudurka ka ilaalinaya ugu

yaraan shan sanadood ama nolashiisa oo dhan. Talaalkani waxa uu cudurka kaa ilaalinayaa qiyaastii ilaa 90%.

Waxaana fiican in dadka awoodaya in ay iska talaalaan is talaalaan iyaga iyo caruurtoodaba gaar ahaan soomalida oo uu ku badan yahay cudurkan.

Waxa soo diyaariyey: C/raxmaan xaashi Cabdi

Bahda mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com
Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com

januari 30, 2011 · admin · 8 Comments
Posted in: Maqaalo

8 Responses

  1. khadar - september 26, 2011

    asc walaala yaal aad baan idiinku mahadcelinaynaa sida wanaagsan ee aad uga hadasheen cudurka cagaarshowga oo khatar badan kuhaya umada somaliyeed

    run ahaantiina wax badan baan kafaa iidaystay

  2. admin - september 26, 2011

    Khadar!

    Aad iyo aad ayaad umahasan tahay faaladaa aad noo soo dirtay. Waxa aanu isku deyeynaa in dadk af soomaaliga ku hadla ay mareegtan ka korodhsadaan arrimaha xaga caafimaadka.
    waad u sheegi kartaa asxaabtaada iyo ehelkaaga in mareegta caafimaadka ay ka heli karaan warbixino bdan oo ku saabsan xaga caafimaadka.
    mar labaad waad mahadsan tahay

    Bahda mareegta caafimaadka
    E-mayl: editor@caafimaadka.com
    E-mayl: Caafimaadka@gmail.com

  3. NADIFA - oktober 21, 2011

    walal aniga waxaan ini waydinaya waxaan aad isu rabnaa nin qaba qudurkaan wuuna ii sheegay marka intaan lays guursan ka hortag ma leeyahay wuxuuna qabaa ,B,DR WUXUU KU YIRI HASAMEEN GALMO,Maleeyahay hadan isguursano wax an iskaga ilaalino,mise malahan si hadeysan jirin aaan iskaga dhaafo ninkan,
    mahadsanidiin

  4. admin - november 13, 2011

    Salaamu calykum
    marka hore waad ku mahadsan tahay su’aashaada marka xigga anagu waxaan ku siin karnaa oo kaliya mar walba waa talo sidaas darteed waxa kuu haboon mar walba in aad la xidhiidho dhakhtar arimahaas ku takhasusay oo ku baadha ama qofka kale ee nolosha kula wadaagaya baadha. Hadaan su’aashaada dib ugu soo noqdo Hepatit B waa cudurada la isku qaadsiiyo galmada inta badana dhakhaatiirtu way ka digaan in la sameeyo galmo aan la isticmaalin rabadhka ka hortaga (kondom). waxaad dib u akhridaa maqaalkii aan hore halkan ugaga hadalnay Hepatit B. hadaan qoraalkaa wax yar ka soo qaato waa sidan:

    Sidee loo baadhaa?

    Waxa laga baadhaa dhiigga qofka qaba cudurka qeybo aad u yar yar oo ah fireyska cudurka keena ama difaaca jidhka ee lidka ku ah cudurkan oo laga helo dhiigaas qofka buka. Qofka uu imika (acute) cudurku ku dhacay iyo mid uu joogto u hayo ama ku riiqay (chronic) waxa laga helaa qayb yar oo ka mid ah oogada fireyska ee loo yaqaan HBsAg (Hepatitis B surface antigen), hadii laga helo sidoo kale qaybta yar ee fayraska ee loo yaqaan HBeAg (Hepatitis B e antigen) waxay tahay in qofkaasi uu cudurka qaadsiin karo dad kale waxaan ku jira jidhkiisa fayras badan. Hadii laga helo dhiigaas difaaca jidhka (antibody) ee lidka ku ah cudurkan sida anti-HBc (Hepatitis B core antibody) iyo anti-HBs (Hepatitis B surface antibody) waxay tahay in qofkaasi cudurkii ka bogsaday dadkana aanu qaadsiin karin, yeeshayna difaac cudurka ah.
    sida aad kor ku aragtid waa in marka hore qofka dhiigiisa la baadhaa hadii laga helo qayb yar oo ka mid ah oogada fayriska ee loo yaqaan HBsAg (Hepatits B surface antigen) iyo hadii laga helo iyan qaybta yar ee fayraska ee loo yaqaan HBeAg (Hepatits b e antigen). waxay tahay in qofkaasi uu cudurka qaadsiin karo dad kale waxaan ku jira jidhkiisa fayras badan.

    waxaan filayaa in aan kaaga jawaabnay su’aashaadii

    Maamulka
    Caafimaadka.com

  5. admin - november 18, 2011

    abdirahman72@hotmail.com
    83.253.253.63
    Postat den 2011/11/13 kl. 6:45 e m | Som svar till NADIFA.

    Maamulka mareegta caafimaadka
    Bahda mareegta caafimaadka.
    http://www.caafimaadka.com
    E-mayl: editor.caafimaadka.com
    E-mayl: Caafimaadka2011@gmail.com

  6. admin - november 18, 2011

    Khadar!

    Aad iyo aad ayad u mahadsan tahay. Soo dhawoow ayaanu mar walba ku leenahay.

    Maamulka mareegta caafimaadka
    Bahda mareegta caafimaadka.
    http://www.caafimaadka.com
    E-mayl: editor.caafimaadka.com
    E-mayl: Caafimaadka2011@gmail.com

  7. hibaaq - mars 9, 2012

    a slamu calaykum walaalayaal waad ku mahadsanthin warbixintawalaalayaal waxaan qabaa cagaarshowga nooca b hb ga wxaana laga helay dhiigayga Hep be ab iyo hep a ab hebatitis be antibody bositive marka waxaan rabaa walal dr inaad ii sharaxdid bleas mika uu yahay antibodyga waad mahasantahay jsakalahu qayr s calaykum

  8. ahmed - maj 10, 2012

    asc waad idin mahad cilinayaah sidaa aad nagu fa.idaysay e cudurkan sojireenka ah e somalidu far uleedahay wlal su.aalsha aan qobo waxay tahy xaskayga ayaa qabta xanuunkan anah waan qabaa waxayna i haysaa labo caruur ah inkasto markay dhasheen laga talaalay waxaan kaliyah o iga jahilbixisa waxa ka ciyah ama kugu uu ku kaco cudurkaan mida kale ilmaha maku dhicikaraa markadi laga talaalay markay dhasheen wayna ogyihinn dhakhatirta wadankaan aan joogno

Leave a Reply