Calool xanuun jiilaal (Winter Vomiting Disease)

Calool xanuun jiilaal (Winter Vomiting Disease)

Cudurkan waxa keena feyras leh hido sidaha RNA bahda loo yaqaano Calici jilibka la yidhaahdo Norovirus ilaa imika inta la ogyahay waxa uu ku dhacaa oo kaliya dadka.
Waa cudur aad la isku qaadsiiyo, dhibicdii kaliya ee ah mataq ama saxaro qof cudurkan qaba ka soo baxda waxa ku jira malaayiin feyraskan ah qofkuna waxa uu ku qaadi karaa cudurkan xadi u dhaxeeya 10-100 feyras taasna waxay cadaynaysaa in cudurkani si aada la isku qaadsiiyo. Qof kaliya ayaana qaadsin kara shaqaale dhan oo meel kawada shaqeeya ama arday dhan oo dhigata Iskuul. Maadaama loo bixiyey cudurkan calool xanuunka jiilaal waxa uu inta badan ku dhacaa dadka wakhtiga u dhaxeeya Noofanbar-Abriil waxaanu u daran yahay Jeenawari-Maaris. Laakiin taa macnaheedu maaha in aanu dadka ku dhicin sanadka intiisa kale wuu ku dhacaa dadka sanadka intiisa kale.

Waxkhtiga uu kugu soo if baxo waa 12-48 saacadood ka dib markii aad qaaday cudurka.

Astaamha cudurka lagu garto

• Xanuunka oo si degdeg ah kuugu yimaada
• Yalaalugo
• Matag
• Shuban
• Calool xanuun
• Muruqyo xanuun
• Madax xanuun
• Xumad

Mataga iyo shubanku waxay qofka hayaan qiyaastii 1-3 maalmood.

Sidee la isku qaadsiiyaa

• Qofka qaba cudurka oo si taas ah ama si dadban aad uga qaado tusaale ahaan iyadoo ay ku soo gaadhaan saxaradiisa ama matagiisa ama shay uu qofkaasi gaadhsiiyey cudurka oo aad ka qaado sida masqulaha ama handaraabyada albaabada.

• Cunid cunto uu kariyey qof cudurka qaba oo aan nadaafadeeda si fiican uga shaqayn.

• Cabid ama cunid biyo ama cunto uu soo gaadhay feyraskan.

Ka hortaga

• Aad u maydh gacmahaaga mar walba gaar ahaan ka hor cuntada marka aad cunaysid ama ka dib marka aad musqusha ka soo xaajo gudatid.

• Iska ilaali cunida cunto dad badani faraha la wada galeen.

• Ka fogow in aad booqato dadka cudurkan qaba.

• Hagaaji nadaafada cuntada iyo cabida iyo walba goobta lagu diyaarinayo.

• Cudurkani ma laha talaal la qaato oo lagaga hortago.

Maxaa ila gudboon hadaan qaado

• Mark kasta gacmaha maydh.
• Ha u sameyn cunto dad kale.
• Cab xadi yar oo cabitaan oo isku xig xiga si aad uga hortagto fuuq bax.
• Nadaafadaada hagaaji.
• Ha tagin meel aad dad kale ku qaadsiin karto cudurkan.
• Ka joog shaqada ama iskuulka ugu yaraan laba maalmod ka dib marka aad cudurka ka bogsato.

Sidee loo baadhaa

Qofka oo laga helo feyraskan saxaradiisa ama matagiisa.

Waana in la hubiyaa in aanay keenin calool xanaankaas oo qofku ka cabanay bakteeriyo ee uu keenay fayraskan dhaliya cudurkan.

Dhakhtar u tag

Cudurkan ma aha cudur khatar ah oo iskiis ayuu kaaga tagayaa dhawr cisho ka dib sidaas darteed uma baahna in aad dhakhtar u tagtid. Laakiin waxa dhici karta in uu kuu keeno fuuq bax taas oo aad ku garan karto kaadi aad iska waydo ama jidhka oo ku qalala, marka arintaasi kugu dhacdo la xidhiidh dhakhtar, laakiin marka hore isku day in aad biyaha kaa baxay aad soo ceshan karto.
Cunto waad cuni kartaa marka saxaradaadu adkaato adigoo ku bilaabaya cuntada jilicsan sida maraqa ama fuudka ka dibna cuntooyinkii caadiga ahaa sida bariis, kaluun beed iwm.

Daaweynta

Ma jirto daweyn u gaara cudurkan, laakiin hadii aad fuuq baxdo waa in aad soo ceshataa biyihii kaa baxay waxaanad sameyn kartaa in aad isku darto hal litir oo biyo ah oo lagu daray 3 malqaacadood oo ah malqaacada cuntada oo sonkor ah iyo malqaacda shaaha badhkeed oo milix ah.

Waxa soo diyaariyey
C/raxmaan Xaashi Cabdi

Bahda mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com
Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com

januari 23, 2011 · admin · 2 Comments
Posted in: Maqaalo

2 Responses

  1. nasro - mars 11, 2012

    Asc walal mudo sanad ah wan isku arkay in. Ay caloshayda ay majiirmayso. Oo calosha layga qabanayo saxaradaydana ay aad u jilicsantahay oo musqul
    Aadkayga aad u batay oo afkiina uu qarar xitaa uu aad ii urayo afka oo neeftayda ay u reso i noqonayo cuntadana ay igu soo labanayso hasa ahaatee mar badan ayaa layga baaray waxayna i dheheen maqabtid gas oo xita camirad ay iga galiyen afka ila calosha tageysa hasa ahate waxan darema markasto an wax cuno in ay i majiirmeso calosha waxana darema halsano baš caloshayda aad iyo aad ayay u qaylisa waxan ka maqla shanqar badan way iska kacsantahay markasta marka waxan u maleya in uu infection jiro marka talo isiiya idinko mahasan tedakale majira dawo qalajiye oo calosha infectionka kanadifinesa ama dajinesa oo normal iga dhigesa didaydi hore jwb wacan mahasanidiin dhantin wabilahi towfiiq

  2. nasro - mars 12, 2012

    Asc xalayna qoral waan idin soqoray waxan ku dari laha waxan mataga subaxdi markan so kaco qaras jaale ah oo aad u qarar markan matagayona xudunta ayaa aad ii xanuunta. muxu noqonkara broblemkas qoralka intisa kalana wakan xalay qoray wana inkaga mahad. Celina howsha aad u hesan shacabka mahadsanid dhamaantiin dhaqatirta sharaftale

Leave a Reply