Babaasiir

Babaasiir

Babaasiirtu waa buro ama cad yar o oka soo baxa daloolka futada, kaas oo keena cuncun iyo hafeef ama xanuun. Qiyaastii in ku dhaw kala badh (50%) dadka qaangaadhka ah way ku dhacdaa, laakiin waxay ku badan tahay Dumarka uurka leh, dadka ka weyn 50 jir iyo dadka buur buuran. Babaasiiru waxay ku samaysantaa jidhka gudihiisa iyo dabadiisaba.

Waa maxay babaasiir?
Gidaarka daloolka futada waxa mara xidido dhiig kuwaas oo ay shaqdoodu tahay in ay daboolaan daloolka futada si aad ah oo aanay waxba u sii deyn, hadii ay xididadaasi u shaqayn waayaan sidii loogu talo galay way bararaan waxaana ka buuxsama dhiig fara badan markaa waxa timaada Babaasiirta.
Astaamaha lagu garto
• Dhiig saafi ah oo aan ku darsameyn saxarada
• Cuncun iyo olol daloolka futada
• Xanuun la dareemo marka la saxaroonayo
• Neef ama saxaro yar oo aan la joojin karin oo kaa soo baxda
• Burada Babaasiirta oo aad ku dareemto farahaaga

Sababaha keena
• Calool istaag joogta ah
• Uurka
• Dhaxal
• Fadhi badan

Maxaa keena calool istaaga?
Calool istaagu waa sababta ugu wayn ee keenta Babaasiirta waxaana keena rimahan:
• Cunto aan dheeli tirnay oo la cuno
• Cabitaanka oo kugu yar biyo iyo wax la mid ah
• Jimicsi ama dhaqdhaqaaqa oo kugu yar
• Wer wer ama istrays ku haya
• Dawooyinka qaarkood oo mudo aad isticmaasho

Sidee loo baadhaa?
Dhakhtarka oo eega daloolka futada dabadeedna taabta oo ku dareema burooyinkaas farihiisa waa hadaad qabto babaasiirta dibada, laakiin ta gudaha waxa uu dhakhtarku galinayaa daloolka futada qalab tuumbada oo kale ah laydhna wata (endoscope) oo uu ku arko Babaasiirtaas.
Ka hor tagga
• Iska ilaali calool istaaga
• Samee dhaqdhaqaaq iyo jimicsi
• Biyo badan cab
• Cun cunto leh buushe badan
• Cun khudaar iyo cagaar badan oo daray ah

Maxaa lagu daaweeyaa?
Babaasiirtu iskeed ayey u tagtaa iyadoon wax dawo ah la qaadan, babaasiirta ku timaada uurka caadi ahaan way iska tagtaa ka dib marka ilmuhu dhasho. Hadiise ay tagi waydo waxa lagu daaweeyaa dawooyin la iska iibsan karo adoon u baahan warqad dhakhtar kuu qoray, waxaan ka mid ah dawo kaa yaraynaysa xanuunka, kaa yaraynaysa dhiigga kaa soo baxaya, kaana biinaysa cuncunka iyo bararka. Dawadan waxa la helaa iyadoo dhiiqo ama dabo galis ah.
Marka ay Baabsiirtu aad u daran tahay waxa lagu daaweeyaa habab kale ama qaliin, waxaan ka mid ah in lagu xidho Babaasiirta rabadh si loo joojiyo dhiigga soo gaadhaya halkaas ka dibna ay soo dhacdo 7-10 cisho ka dib habkanina wax xanuuna oo weyn kuma keenayo bukaanka, habka kale waa iyadoo lagu mudo qofka dawo taas oo keenta in ay Babaasiirtu soo ururto oo qaadho.
Marka intaas oo dhan lagu daaweyn kari waayo waxa kaliya ee hadhay waa qalitaan taas oo qofka lagaga jaro Babaasiirta waxaan suurto gal ah in qofku ku sii jiro dhakhtarka dhawr cisho. Natiijada qalitaanku inta badan waxay ku dhamataa guul.

Goormaan u tagaa dhakhtar?
• Hadii dhiig badani kaa yimaado futada
• Xanuun badan oo aad dareento
• Cuncun wakhti badan ku haya
• Saxaro kaa soo baxda adoon ogeyn
• Haday kaaga tagi waydo Babaasiirtu 2-3 todobaad oo aad adigu isku daawynaysay dawooyin la isticmaali karo dhakhtarka oo aan waraaq kuu qorin

Waxa soo diyaariyey: C/raxmaan Xaashi

Bahda mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com
Editor@caafimaadka.com
caafimaadka@gmail.com

januari 9, 2011 · admin · 2 Comments
Posted in: Maqaalo

2 Responses

  1. mohamed hassan - februari 26, 2011

    As,c www walaal waxaa loo baahan yahay in aad ku qorto luqadda soomaali midda la qoro !! kalmadaha aad istecmaasho waa kalmaddo u babahan in qofkale la weydiiyo anigoo soomaali ah aan garan waayo marka walaal waxaa laga yaabaa in dad kale oo ila mid ah ay jiraan laakiin ay iska daayaan im ayku yiraahdaan eraygaasi waa maxaay iwm!!
    sida (Cun cunto leh buushe badan)

    ulama jeedo xumaan iwm!!
    wa bilaahi towfiiQ

  2. admin - mars 24, 2011

    Asalaamu Calaykum

    Maxamed Xasan, waad ku mahadsan tahay tallodaas aad na soo siisay. Waxaanu aad iskugu taxaluujinaa in luqada lagu soo qorayo ama ay ku soo baxayaan maqaaladu noqdaan af la fahmi karo. Waan dedaalaynaa inshaanlaa.

    waad mahadsan tahay.

    bahda bogga caafimaadka

Leave a Reply