Mayorka Magaaladda Bebera Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Dawladda Turkigu Ay Ka Fulisay Cusbitaalka Berbera

(Hadhwanaagnews) Thursday, January 31, 2013
Dawladda Turkiga Gacanta laxaadka leh ee ay ka geysatay Cusbitaalka Magaaladda Berbera,

Berbera (HWN) Mayorka Magaaladda Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cabdi Shakuur Cidin) ayaa maanta xadhiga ka jaray Mashaariic Kala Duwan oo ay dawladda Turkigu ka fulisay Cusbitaalka Weyn ee Magaaladda Berbera.

Cabdishakuur Cidin waxa uu uga mahad celiyay Dawladda Turkiga Gacanta laxaadka leh ee ay ka geysatay Cusbitaalka Magaaladda Berbera, waxaanu xusay in ay yimaadeen hawlgalka xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo).

Waxaanu yidhi ?Dawladd cusub ayaa timid, intii uu isbedel uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa dalka laga hirgeliyay mashaariic badan, waxa hadda Cusbitaalka Magaaladda Berbera la keenay oo ay dawladda Turkigu uu ku maal geliyay lab cusub iyo waliba mishiino kale, waxaanan leeyahay ha la ilaaliyo qalabkaas oo ha la dayac tiro? ayuu yidhi.

Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Najaxcunaaye52@gmail.com

Xigasho: Hadhwanaagnews

januari 31, 2013 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Leave a Reply