Xaaladaha Qalafsan ee ay ku sugan yihiin Dadka Qaba Xannuunada Dhimirka iyo Dhoy-laaanta Wasaaradda Caafimaadka

Xaaladaha Qalafsan ee ay ku sugan yihiin Dadka Qaba Xannuunada Dhimirka iyo Dhoy-la’aanta Wasaaradda Caafimaadka: Wariye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe

Haddii aan eegay ayaan waxaan arkay dhaxantii, qabowgi, dheelkiii xalay oo dhan dhacaayay…………..

Qaar ka mid ah Dadka Maskaxda ka Buka ee ka mid ah muwaadiniinta bulshada Reer Somaliland, ayaa waxa soo food saartay Xaalad adag oo daryeel’aan nololeed ah, kuwaas oo aan helin daryeelkii Caafimaad ee ay u baahnaayeen iyo Wasaaraddii Caafimaadka ee Masuuliyadeedu ahayd inay ka shaqayso daryeelka Caafimaadkooda siday u ilawday Masuuliyadii ay Qaranka u haysay ayaan akhristayaal maqalkaygan idinku soo gudbinayaa.

Shalay markii salaada subaxnimo laga soo baxay ayaan isku deyay sidii aan dabagal ugu samayn lahaa xaalada ay ku nool yihiin Dadka Maskaxda ka Buka oo Illahay Miyirkoodii ka qaaday, kuwaas oo is-kugu Jira Ragg waawayn, Dhalinyaro iyo Dumar Hooyooyin ah.

Masjidka Mastajaamaca ayaan ka bilaabay hawshaydii Xilligaas, Markii laga soo baxay Salaada Subax ayaan Masaajidka uga soo baxay dhinaca jahada hawdka ee hudheeladu kaga soo jeedaan masaajidka kadib markii aan dibada uga soo baxay ayaan dhinacyada eeg-eegay ayaa kabad igu xigta oo dhinaca Istaanka Burco ee Magaalada Hargeysa igaxigta ayaan arkay Nin Jiifa oo aan ku qiyaasay ilaa 35-36 oo jeex-yar oo qayda dusha is ka saaray oo uu intaas Madaxa is-kaga duubay wax maraana ku jiifin, aniga oo aad uga murugooday mar xalada uu ku nool yahay ayaan dhinacisii laba talaabo u dhaqaaqay ayaan haddana arkay afar Qof oo dhiniciisa shishe Jiifa. Intaan hore ugu socday ayaan is dultaagay, kuwaas oo kala ahaa Nin Maskaxda kabuka iyo saddex ka mid ah Carruurta yar-yar ee Darbijiifka ah.

Haddii aan eegay ayaan waxaan arkay dhaxantii, qabowgi, dheelkiii xalay oo dhan dhacaayay inay haysan waxay ka hawadaan iyo waxay ka gog-ladaan, waxa kale oo ku soo da’aysay dheelka Jiigada Masaajidku samaysay.

Marka aad arragto muuqaalkooda iyo Nolosha ay kujireen ayaa ahayd mid argagax leh oo qofkii bin’aadam ah u adkaysanayn,taas oo aad is odhanaysid waxa u dhaanta geerida, iyaguse way hurdaan oo halkan ayaabay nasteexo bideen. Ka dib markii aan taagnaa ilaa 10 daqiiqo ayaan u dhaqaayay xagga labada Hudheel ee Masaajidka dhinaca Jajabka ee ka soo eegaaya jahada waqooyiga.

Dabadeed markii aan tagay Hudheelka mid ka mid ah waxaana kuraasta Hudheelka shaah iyo Quraax ka cunaayey ragg aan ku qiyaasay ilaa 7 Nin markii aan sidaas u fadhiistay ayaa waxa isa-soo taagay Nin Xannuunsanaaya, kaas oo ay ka muuqatay gaajo,darxumo, rafaad iyo itaal darada ka muuqatay Oogada dhijkiisa oo xalay oo dhan waxa ku dhacaysay dhaxanta daran ee ka dhacaysa Magaalada Hargeysa, markii uu isa-soo hortaagay raggiika quraacanayey Hudheelka ayaa waxa sidaas gacanta ugu riixag Inan dhalinyaro ah oo Hudheelka ka shaqaynaayey. “Waa waxani halkee ayuu ku soo socdaa naga joog oo dib nooga noqo.” Niman makhayada shah ka cabaayey oo qaar ka mid ah markii uu ka tagiwaayey Ninkii bukay oo hoosta eegayaa islana hadlaaya. “adeer malaa wuu gajoonayaa ee ka tagimaayo ee fujaan Shaaha sii aniga ayaa ku siinaaye. Waar kursigaas fadhiiso ha laguu keene.”. Hase yeeshe waxa dhagahayga ku soo dhacaayey dadka Hudheelka iyo makhaayada is ku jira Shaaha iyo quraacda ka cunaayey ay waji naxariisa tusin oo uu ka helin wax caawimaha iyo naxariisyarna.

Markii uu koobkii Qaxwaha ahaa laacay ayuu sideg-deg ah ugu kicitimay dhinaca Jajabka ee Dooxa Magaalada Hargeysa. Inkasta oo aan dib ugu soo laabtay Masaajidka Mustajaamaca ee Magaalada Hargeysa abaare 09:43 habeenimo waxyaba u muuqatay in masaajid dhiniciisa jahada Hawdka ay noqotay goob ay is-kugu yimadaan Dadka ka jiraman Maskaxda iyo Carruurta yar-yar ee darba jiifka ah oo xilliga habeenkii amaan soo bida halkaas oo kabadana tiradii aan saaka ku arkay.

Mid walba waxa uu masaajidka hoostiisa dhiganayaa Kartoonyar, Bacyar ama marayar oo uu meelahaas ka soo qaatay. Waxay indhahaygu qabanayeen Dadka shicib ah oo laamiga marayay kuwaas oo eegaayey Dadkan uu xannuunku haleelay iyo Carruurta yar-yar ee dushooda ay ka muuqato muuqaalka naxdin leh, balse waxay sii wataan socdaalkooda oo cid u gar-gaaraysaa majirto oo dhaxantan Magaaladda Hargeysa ka dhacaysa hooy ka siisa anay helin waxayna wahel u u yihiin hooy la’aanta iyo dhaxanta daran ee dhacaysa.

Halkaygii ayaan ka sii watay hawshii waxaana tagay Dooxa Magaalada Hargeysa ee Biriishka hoostiisa iyo Jajabka dabadiisa oo uu maro Dooxa Hargeysa abaare 08:00 barqanimo Xilligaas oo aan meelahaas ku arkayay Xashiish badan oo lagu qubay, waxa dhex-fadhiyey saddex Nin oo ka buka Maskaxda halka mid uu ahaa Inan dhalinyaro ah, kuwaas oo xashiishka buux dhaafiyay Dooxa Magaalada Hargeysa ku dhex-silaacaya iyo darxumada ka muuqatay iyo nolosha adag ee ay ku nool yihiin ayaa ahayd mid argagax ah. Waxaana ku soo noq-noqonaayey muddo Afar cesha ah meelo kala duwan oo ka mid ah Dooxa. Wakhtiyadaas kala duwan ee aan tagayay waxaan maalin walba aan ku arkaa qaar cusub oo aan ahayn ku wii hore, kana tiro badan iyo Carruur yar-yar oo xabag ku cabaaysa, isaga oo Dooxa Magaalada Hargeysa isu-badelay meel ay ku dhex-nool yihiin Dadka Maskaxda ka jiraban iyo Carruurta yar-yar ee darbijiifka ah ku silcayaan gidaaraada dhaxantu ku garacayso ee ku talabaysan, balse waxay u noqotay goob ay wakhtiga isku dhaafiyaan oo ay is ku maaweeliyaan siday u xasuusan noloshan darxumada ah ee ay ku nool yihiin. Intaas aan ku sugnaa waxaan dareemaayay jidhidhoco iyo naxdin ku habsatay noloshayda. Waxaana is waydiinaayey Dadkani miyay ka mid ahayn muwaadiniinta Somaliland u dhalatay maxay Xukuumadu wax ugu qaban wayday.?

Muddo todoba cesho ahayd ayaan tagaayey maalinkasta Jidaadka iyo waddooyinka waawayn ee hal-bawlaha u ah Caasimada Hargeysa, waxay Indhahaagu ku dhacayaan Dadka tirada badan ee Maskaxda ka buka michigan hcg diet ee is-kugu jira ragg iyo Dumar Hooyooyin ah oo ku darxumsan badhtamaha Suuqa iyo dhinacyada waddooyinka Waawayn ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taas oo Haweenka Xannuunka Dhimirku haleelay waxa xannunkaas ugu siidarma dhibaatooyin kale oo loo gaysto Noloshooda, isla markaana Hooyo ka bugta Maskaxda ayaa gabalku marka uu dhaco waxay abni ahaan u timaadaa Xarunta mujaahidiinta ee Soyaal horteeda oo ah dibada halkaas oo habeenkii oo dhan dhaxantu ku garacayso. halka Hooyo kale oo Saldhiga dhexe ee Hargeysa ayaa iyaduna xilliga 08:35 waxay habeen walba timadaa hortiisa, iyada oo ka baqaysa inay waxyaabo dhiba ay soo gadhaan nafteeda, halka markii danbe Askartu ay gudaha deerka u ogoladee. Hooyooyinka la dalaadhacaaya xannuunka Maskaxda ayaa bulshada kala kulmaan dacadiyo farabadan loo gaysanaayo Xididkeeda taranka, iyaga oo aan wax daryeela ka helin bulshada ay ku dhex-nool yihiin.
Markii aan arkay xaalada adag ee ay ku nool yihiin Dadkan uu haleelay Xannuunka Dhimirka ah eek u darxumaysan jidadka Magaalada ayaan wax ka waydiiyay Agaasimaha Qaybta Dhimirka ee Cisbitaalka guud ee Magalad Hargeysa

Dr. Mustafe Xuseen Xirsi, isaga oo arrintaas ka hadlaaayana waxa uu yidhi.“Maanta waxaanu marayna 998 bukaana oo dibadda dawooyinka ku qaata. Lakiin waxa jirta xaalad adag oo anagu aan awood umahayno, dhaqaalana u hayn oo ah Dadka dayacan ee dhex-meeraysanaaya Magaalada gudaheeda. Waxa loo baahan yahay in la sameeyo Cisbitaal wayn oo lagu daweeyo ama lagu daryeelo Dadkaas Maskaxda ka buka ee tabalaysan ee suuqa daadsan in lagu uruuriyo, kadibna loo sameeyo meel xirfado lagu baro hadhawna ay ku shaqo tagaan. Cidda nacawisaa waa Haween waynaha Somaliland ee Nasteexo oo shahii maalmahan laga cadayn jiray oo madaw ka ahaa, markii aanu ka dalabnay ay nookeneen. Cisbitaalka waxa immika ku jira 4o ragga iyo 20 Dumara. Cisbitaalkeenan Dhimirka ee Hargeysa waxa uu qadaa 40 Ragga iyo 20 Dumar ah oo waxa badan bukaan socodka. Waxaana loo baahan yahay in gude iyo dibad-ba looga kaco.”

Waxa kale oo aan Qaybta Cisbitaalka Dhimirka gudihiisa ku booqday Dad uu haleelay Xannuunka Maskaxda oo halkaas ku jiray iyo qaar ka baxay immika oo Dawooyinka u soo doonta Cisbitaalka iyaga oo aan cidba waddin. Hooyo hore ugu jirtay Qaybta Cisbitaalka ee Dhimirka oo markii ay ladnaatay ka baxday Dawooyinkana ku qaadata dibadda ayaan wax ka waydiiyay Xaalada Caafimaadkeeda sida uu yahay. “Markii halkan laykeenay waxba maan-kala garanay, lakiinse markaan u tagay Carruurtaydii ee igu yidhaahdeen 2 sanno ayaad naga maqnayd. waan yaabay, waxaana garan waayey halka aan labadaas Sanno aan jiray oo sidaan ahaa magaranaayo oo waxay igu noqotay yaab. Immika aad ayaan u fiican nahay oo aniga ayaa dhakhtarka dawooyinka u soo doonta.”

Sikastaba ahaatee Qaybta Dhimirka ee Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, ayaa xaalad adag ka muuqatay iyo mid baahiyo badan ka jirtay hadday tahay Dawooyinka, Biyaha iyo Cuntadaba, iyada oo Dad aad u jilicsan oo u baahan in lala soo gaadho caawin deg-deg ah ay kujiraan Cisbitaalka qaybta dhimirka, halka qaarnka kalena ay ku silcayaan jidadka waawayn ee Magaalada hargeysa.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Masuuliyad ka saran tahay Caafimaadka Bulshada kala duwan ee guud ahaan Dalka ku nool, halka maanta ay ugu liitaan dadka jilicsan. Hase yeeshe Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Md. Xuseen Xoog iyo hawl-wadeenada Caafimaadka ayaa ka gaabiyey inay gacan buuxda ka gaystaan Dadka Xannuunsanaaya ee k u tabaalaysan Jidadka Caasimada, kuwaas oo aan helin daryeelkii Caafimaad ee ay u baahnaayeen.

Halka Ha’yaddaha Wasaaradda Caafimaadka hoos yimaadda ay boqolaal Dollar ku bixiyaan waxyaalo yar-yar oo aan wax badan soo kordhin, taas oo Siminaaro yar-yar ku qarash-gareeya lacag Xadibadan ama Xannuuno sidaas Dalkeena ugu badnayn oo dhibaato muuqata ku hayn iyo Ha’yaddihii oo ku mash-quulsan maanta wax yaabo kale, halka Qaybaha Cisbitaalka ee kala duwan uu ugu hooseeyo Qaybta Cisbitalka Dhimirka, kaas oo wax Ha’yadda oo ka shaqaysaa anay jirin ama Ha’yad Caawisa Dadka Xannuunsanaaya ee Dhimirka ee Habeenkii Dhaxanta iyo qabowga daran ku hayo Gidaarada iyo Jidadka waaweyn ee Caasimadda Hargeysa, isla markaana Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku guuldaraysatay inay Gurri u dhisto lagu xannaaneeyo Bukaanka ku darxumaysan waddooyinka. Xilliga Wasiirka Caafimaadka iyo Madaxda kale ee Caafimaadka looga yeedho labada Gole kama hadlaan oo waxay ka hadlaan baahiyaha kale, sida Cudurka Dabaysha ama Jadeecada.

Dhinaca kale Madaxweynaha Bulshada qaybaheeda kala duwan ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), iyo is ku soo wada-duuboo laamaha kala duwan ee Xukuumada Silaanyo ayaa mar kaliya ka hadlin xaalada adag ee baahida, Dayaca iyo daryeel la’aanta haysata Dadka Xannunsanaya Dhimirka oo wakhtigan isa soo taraaya iyo Dadka ku tabaalaysan Jidadka Waawayn ee Hargeysa, kuwaas oo Dawladoodii ka helin daryeel Caafimaad oo la ilaaway xaquuqdii ay xukuumada ku lahayeen. Halka Madaxweyne Silaanyo iyo Wasiiradiisu inta badan ay ka hadlaan waxyalaha ay qabtaan ama shaqo la’aanta haysata dhalinyarada.

Waxa kale oo muwaadiniintan ku tabalaysan jidadka ee ay haysato hooy la’aanta ayaa markaliya ka hadal xaalada Caafimaad ee Dadka ka buka Maskaxda ee ku darxumaysan badhtahama suuqyada waawayn ee Caasimada Mudanayaasha labada Gole, kuwaas oo aan haysan xildhibaan u hadla Xaquuqdii Bini’aadam ee Dadka jilicsan sidii guri loogu dhisilahaa lagu daryeelo Caafimaadkooda. Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa iyaguna ka hadlin xaalada dadkan xannuunsanaaya eek u darxumaysan badhtamaha suuqyada waawayn ee Caasimada, kuwaas oo xilliyada ay ololaha kujiraan neefaf Adhiya ugu keena Qaar ka mid ah Dadka xanuunsanaaya ee Xilligaas laguhayo Qaybta Cisbitaalka Dhimirka, iyaga oo Dadwaynaha cod kagadoonaaya, halka ay mar danbe dib ugu soo noqon. Sidoo kale waxay caawimo ka waayeen Ganacsatada Somaliland sidii loogu dhisilahaa goob lagu daryeelo Caafimaadkooda oo ay maanta u baahan yihiin cid hooy u dhista ay dhaxanta ka galaan.

Warbixin Wariye Cabdifataax Ismaaciil Carshe

januari 22, 2013 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Leave a Reply