Xogo Caafimaad oo Jamhuuriya ka soo Ururiyey Halista Cudurka Jadeecada oo ka Dillaacay Somaliland

Xogo Caafimaad oo Jamhuuriya ka soo Ururiyey Halista Cudurka Jadeecada oo ka Dillaacay Somaliland
Last Modified: Wed 16th Jan,2013

Raalligelin iyo cudurdaar khalad xooggan oo ku yimi warka cinwaankiisu sare ku xusan yahay oo cadadkii shalay ee wargeyska ku soo baxay in cudurka kaneecadu ka dillaacay Somaliland

Hargeysa (Jam)- Tifatiraha Jamhuuriya, waxa uu akhristayaasha, Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka iyo guud ahaanba dadweynaha reer Somaliland ka raalligelinayaa war si khaldan ugu soo baxay cadadkii shalay ee wargeyska, iyadoo ujeeddadu ahayd in akhristayaasha loo soo gudbiyo xogo la xidhiidha cudurka jadeecada, balse waxa si aan ku talogal ahayn loo baahiyey war ku saabsan xannuunka Kanneecada.

Sidaa awgeed, cid kastoo arrintaas dhibsatay si buuxda ayaannu uga raalligelinaynaa warka wargeyska sida qaldan ugu soo baxay, waxaannu sax ku yahay cudurka jadeecada oo ka dillaacay degaannada Gobolka Maroodi-jeex, waxaanuna akhristeyaasha markale dib ugu soo gudbinaynaa warkaas oo sax ah:

“Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inuu degaannada Gobolka Maroodi-jeex ka dillaacay xannuunka jadeecada, isla markaana la bilaabay hawlgallo caafimaad oo lagaga hortagayo.


Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland marwo Nimco Xuseen Qowdhan oo shir-jraa’id ku qabatay shalay (maalintii Axadda) xafiiskeeda magaalada Hargeysa, ayaa iyadoo ka hadlaysay cudurka jadeecada ee waqtigan dalka ka dillaacay waxay tidhi; “Wasaaradda Caafimaadku waxay shacabka Gobolka Maroodi-jeex ugu baaqaysaa inuu gobolka ka dillaacay cudurka jadeecada, iyadoo Wasaaradda Caafimaadku fulinayso hawlgallo ay kaga hortagayso inaannu xannuunkaasi dalka ku wada fidin, waayo waa xilli jiilaal ah oo aynu filayno inay bilaabmaan roobabkii gu’gu, markaa waxaannu ugu baaqaynaa hooyo kasta oo dareenta inay adeegyada jadeecada ka helayso gobolka, tagtana goobta caafimaad ee ugu dhow, halkaasna waxay ka helaysaa tallaalkii carruurta ee cudurka jadeecada oo shaqayn doona 7:00 subaxnimo ilaa 12:00 duhurnimo maalin kasta.”

Marwo Nimco Xuseen Qawdhan waxay intaa ku dartay inay kooxo caafimaad u kala direen degaannada miyiga ee Gobolka Hargeysa si ay carruurta yaryar uga tallaalaan cudurkaas.

“Degaannada kale ee aan caasimadda Hargeysa waxa u baxay kooxaha caafimaadka oo sida tallaalkii loogu talogalay bulshada, tallaalkaasna waxa la siin doonaan dadka da’doodu u dhexayso 6 bilood ilaa 15 sanno,” ayey tidhi Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland.

Dhinaca kale, waxa uu Jamhuuriya akhristeyaashiisa iyo guud ahaan bulshada Somaliland halkan ku soo bandhigayaa xogo caafimaad oo wargeysku ka soo ururiyey xannuunka jadeecada ee ka dillaacay degaannada Gobolka Hargeysa.

Sida ay iftiimisay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, xannuunka jadeecadu waxa uu ka mid yahay cudurada hormuudka ka ah dhimasha carruurta yaryar, iyadoo la ogaaday in ugu yaraan 380 qof maalin walba adduunka ugu dhintaan xannuunka jadeecada, isla markaana ay saacadiiba dhacaan 15 dhimasho oo xannuunka jadeecadu sababo. Waxaana la xaqiijiyey in 95% dhimashada xannuunka jadeecadu ka dhaco dalalka dhaqaalahooda iyo adeegyada caafimaadkooduba liitaan.

Xannuunka jadeecada oo ka dhasha fayras aan daawo lahayn, waxa uu ka mid yahay cuddurada sida degdega ah u faafa ee la isqabadsiiyo, iyadoo jadeecadu hormuud u tahay cuddurada dillaaga ah ee asiiba carruurta caalamka, gaar ahaan ubadka da’doodu shan sanno jir ka yartahay ayaa halis ugu jira cudurkan.

Calaamadaha lagu garto xannuunka jadeecada, qaabka uu u faafo iyo sida lagaga hortago:

Xannuunka jadeecada waxa calaamadaha lagu garto ka mid ah; xumad aad u saraysa oo bilaabanta 10 ilaa 12 maalmood kadib marka fayraska jadeecadu jidhka galo, muddo kadibna waxa qofka xannuunkan qaba lagu arki karaa biyo iyo dareeri sanka ka yimaad, qufac, indho cascas oo biyo biyo ah, finan yaryar oo cadcad oo dhabannada qofka ka soo baxa, kuwaasoo marka dambena isu beddela finan jidhka meelo ka mid ah ku faafa, gaar ahaan wejiga iyo xagga sare ee qoorta, lugaha ilaa gacmaha ayeyna finankaasi u sii gudbaan, iyadoo jadeecada la isku qaadsiiyo ama ku faafto qufaca iyo hindhisada. Sidoo kale, waxa la isku qaadsiiyaa taabashada qofka xannuunku hayo, gaar ahaan sanka iyo meelaha cudurku saamaynta ku yeeshay.

Xannuunka jadeecada waxa lagaga hortegi karaa tallaal joogto ah oo carruurta yaryar la siiyo, iyadoo la ogaaday in tallaalku 74% hoos u dhigo dhimashada jadeecada sannadkii 2010 oo qudha, waxana xannuunka jadeecada ee degaanno ka mid ah Gobolka Maroodijeex ka dillaacay khatar ugu jira carruurta yaryar ee aan tallaalka la siin, ilmo kasta oo aan tallaalka qaadana waxa uu halis ugu jiraa inuu qaado xannuunkaas.

Xigasho Jamhuuriya

januari 17, 2013 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Leave a Reply