Madax badan oo dunnida ugu caansan oo xanuuno kala duwani la soo darseen qaarna u dhinteen qaarna la il daran yihiin

Madax badan oo dunnida ugu caansan oo xanuuno kala duwani la soo darseen qaarna u dhinteen qaarna la il daran yihiin
31 December, 2012 — somaliland1991
Madax badan oo dunnida ugu caansan oo xanuuno kala duwani la soo darseen

Sannadkan 2012, ee maanta sii dhamaanaya 31 Dec 2012, Ayaa ahaa runtii sannadkii ay madax badan oo dunnida ka mid ihi ay xanuuno halis ihi la soo derseen. Kuwaasoo inta badan markii ay xanuunadu qabteen loola cararay dhakhtarada qeybta degdeg (Emergency).

Waxaa ilaa immika la og yahay madaxdan magacyadoodu hoos ku qoran yihiin ayaa ka mid ah madaxda hoos xanuuunadu la soo derseen.

1- Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka, Georg W Bush, oo da´diisu immika tahay 88 jir. ayaa dhakhtarka la dhigay oo ilaa immika lagu daaweynayaa. sida uu sheegay afhayeenkiisu, Jim McGrath. Waxa uu xanuunku ka qabtay Bronkit-ka-

2- Madaxweynaha dalka Venezuela, Hugo Chavez oo isna xanuu nooca Kansarka ah la il daran, isagoo haatan markii 4 aad lagu qalay , caasimda dalka Cuba, ee Havana.

3- Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, South Africa, Nelson Mandela oo isna, qalitaanka xaga xamiitda lagu sameeyey, in ku dhaw bilna lagu daawaynayey dakhtarka dalkaas.

4- Boqorka dalka Saudi Arabia, King Abdulah, ayaa isna qaliin xaga dhabarka lagu sameeyey.

5- Wasiirka arrimah dibedda ee dalka Maraykanka, Hillary Clinton har varit USA:s utrikesminister sedan 2008. Tidigare i år meddelade hon att hon inte sitter kvar under president Barack Obamas andra mandatperiod, utan i stället vill ”sova, träna och resa för att det är kul”. Hillary Clinton oo iyana xanuun u jiifta, ka dib markii dhiig guntay xaga maskaxda. Waxaa u socodta daawayn.

6- Raysal wasaarihii dalka Ethiopia, Meles Zenawi Melez Zenawi, 57 jir ahaa ayaa isagu bishii Ogos u geeriyooday xanuun, “Sudden infection”

7- Madaxweynihiihore ee dalka Cuba, Fidel Castro, ayaa isagu xanuun u jiifa, xilkii madaxweynenimona ku wareejiyey walaalkii, Raul Castro

8- Madaxweynhiihore ee dalka Ghana, John Atta Mills John Atta Mills, oo da´diisu ahayd, 68 jir, ayaa oo isna u geeriyoodayay xanuun xaga, Throat cancer, bishii Juli ee sannadka 2012

9- Bingu wa MutharikaMadaxweynihii hore ee dalka Malawi oo isna xanuun u gerriyooday. Bingu Wa Muktarika oo da´diisu ahayd 78, ayaa u dhintay Cardiac, arrest, bishii April ee sannadka 2012

10- Madaxweynihiii gore ee xukunka laga tuuray ee dalka Masar, Husni Mubaarak, oo xanuun xaga kansarka ah la jiifa dhakhtar militari oo dalkaas ku yaala.

11- Madaxweynihiihore ee dalka Guiniea Bissau (Giniya Bisaw) Malam Bacai Sanha M B Sanha, oo xanuun muddo dheer hayey u geeriyooday markii danbe.

Laga soo bilaabo sannadku markuu ahaa 2008, waxaa xanuun kala duwani la soo darseen 10 madaxweyne oo qaarada Afrika oo kaliya marka tiro ahaan loo bar bardhigo qaaradaha kale ee adduunka madaxdooda. Xanuunadaa la soo dersay 10 kaa madaxda ahi oo ay markii danbe u geeriyoodeen xanuunadaas dartood.

Waxaana inta badan la is waydiiyaa waa maxay sababtu?

Waxaa soo diyaariyey maqaalkan: Nuux Ismaaciil Maxamed, (Ina Ismaaciil Somali Airlines)
Bahda mareegta caafimaadka
Nagala soo xidhiidh emaylada hoos ku qoran
E-Mayl: Editor@caafimaadka.com
Emayl: Caafimaadka2011@gmail.com

januari 3, 2013 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Leave a Reply