Dufcadii ugu horaysay ee Somaliland ku takhasusay suuxdinta (anesthesia) oo dhamaysatay tababar 9 bilood soconayay oo iska kaashadeen Wasaarada Caafimaadka iyo hay?ada WHO

Dufcadii ugu horaysay ee Somaliland ku takhasusay suuxdinta (anesthesia) oo dhamaysatay tababar 9 bilood soconayay oo iska kaashadeen Wasaarada Caafimaadka iyo hay?ada WHO
(Hadhwanaagnews) Saturday, December 22, 2012
Hargeysa-(HWN) Dufcadan oo ka koobnayd 5 wiil iyo gabadh oo maanta qalin jebiyay ayaa waxay hore uga tirsanaayeen

Hargeysa-(HWN) Dufcadan oo ka koobnayd 5 wiil iyo gabadh oo maanta qalin jebiyay ayaa waxay hore uga tirsanaayeen shaqaalaha cusbitaalka guud ee hargaysa waxaana uu tababar ay iska kaashadeen wasaarada caafimaadka iyo Hay?ada WHO muddo sagaal bilood ah uga socday cusbitaalka guud ee magaalada hargaysa,

Waxaa noo suura gashay inaan waraysi la yeelano mid ka mid ah shaqaalihii ku takhasusay suuxdinta oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Cali maygaag oo ka warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen intii uu u soconayay tababarkan iyo sida ay ugu adeegaan aqoontii ay barteen umadooda waxaana uu waraysigii u dhacay sidatan Maanta waa maalin qiimo iigu fadhida, mahad oodhami ilaahay bay u sugnaatay, waxaan kale oo u mahad naqayaa shabakada hadhwanaag , wasarada caafimaadka, WHO macalinkaygii Dr. Baher iyo dhamaan cid kastoo gacan ka geysatay inay noo suura gasho takhasuuskan Mudadii tababarku noo socday waxaa macalinka na tabaray nalooga keenay dalka masar isagoo noo tababaray habkii ugu wanaagsanaa noona joogteeyay casharadii bixinayay, waxaan baranay aqoonta iyo xirfada habka ugu casrisan ee dadka loo suuxiyo iyadoo waxyaabihii ugu muhiimsanaa aan ka xusi karo.

Pre-operative care: oo ah waxyaabaha qofka looga baahan yahay ama ay tahay in la eego ka hor intaanu qaliinka gelin oo ay ka mid yihiin in la hubiyo xaaladiisa guud ee caafimaad laguna go?aan qaato inuu geli karo qalin iyo inkale.

Intra-operative care: oo ah sida loo maamulo loona joogteeyo xaalada wadashaqaynta jidhka iyo guud ahaan marxaladiisa caafimaad iyadoo xooga la saarayo inaanay wax dhibato ahi ka soo gaadhin inta lagu guda jiro qaliinka.

Post-operative care: oo ah adeeg loo qabanayo qofka si uu uga soo kabto suuxintii iyo qaliinkii loo sameeyay si loogu soo celiyo xaaladiisii caafimaad ee caadiga ahayd iyadoo la joogtaynayo hubinta iyo ilaalinta xaaladiisa Waxaanu maalin walba la tacaalnaa oo maamulnaa kisas aad u ad adag anagoo inta badana Eebe wayne nagu guuleeyo inaan maarayno anagoo adeegsnayna aqoontii nala baray waxaana mar walba diyaar u nahay inaanu aqoonta nala baray ugu adeegno bulshadeena siiba kuwa ugu jilacsan.

Waxaanu qabanaa shaqo aad u adag anoo waqti badan shaqayna oo mararka qaarkood aanu shaqayno 12 saacadood oo isku bixis ah waxaanay ku xidhan tahay hadba heerka qaliinada ee cusbitaalku sameeyo waxaana sidoo kale la shaqyanaa dhamaan waaxaha kale ee cusbitaalka waxaana kale oo noo dheer adeegyada gar gaarka deg dega ah oo aanu si joogto ah uga qayb qaadano amaba shaqadayada qayb ka ah

S. ma waxaad ka shaqaysan cusbitaalka guud oo keliya mise cusbitaalada kale ee dalka oo dhan baad ka hawl gashaan?

Waxaan si rasmi ah uga hawl-galnaa cusbitaalka guud ee hargaysa oo aanu inta ugu badan waqtigayga ku qaadano

S. shaqaale rasmi ah ma tihiin?

Maya ma nihin shaqaale rasmi ah waxaan ku shaqaynaa si tabaruc ah waxaanan rajaynaynaa in nala shaqalaysiin doono maadama aqoontayada loo qabo baahi wayn hadii Alle yidhaahdo.

Isku soo wada duuduboo Somaliland waxaa waqtigan ka taagan xaalad caafimad darro oo inta badan soo food saartay shacabka iyadoo dadka intiisa badani ay xidhiidh joogto ah la leeyihiin goobaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay halkaasoo qof waliba uu si shaqsiyan ah ula macaamilo dawada uu doono ka iibsado iyadoo aan lagu xidhin warqad dhakhtar oo sharci ah

Arinkan ayaa waxaa uu keenay khatar caafimaad oo ku timaada muwaadiniinta iyadoo ay dhanka kale wadanka soo galaan daawooyin xadigoodu uu aad u badan yahay oo ay soo sameeyaan wadamo kala duwan oo qaarkood tayadoodu ay aad u hoosayso iyadoo aad goobaha qaarkood ku arkayso dukaamada caadiga ah oo iibinaya dawaayinka sida tuulooyinka iyo meelaha miyiga ah kuwaasoo aan xirfad iyo aqoon u lahayn dawada ay iibinayaan

Weriye Farxaan M. Xidig

Tell: 4200447

Email: erigavo.som@gmail.com

Hadhwanaagnews.com
Xigasho:Hadhwanaagnews.com

december 22, 2012 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Leave a Reply