Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela (Madiba) oo dhakhtar loola cararay mar 2 aad

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela, oo ku magac dheer Madiba, 94 jir ah, ayaa dhakhtarka loola cararay, kaddib markii xanuun qabtay. Horaantii bishii feberweri ee sannadkan 2012 ayey ahayd markii sidan oo kale dhakhtar loola cararay, markan oo xaga caloosha laga qabtay. Sannadkii 2010, ayey ahayd markii dhakhtarka la dhigay ka dib markii infektion laga helay
Arrintna waxaa shaaca ka qaaday oo xaqiijiyey, madaxweynaha hadda taladda dalkaas Koonfur Afrika haya ee Jakob Zuma.
Waxaanu sheegay in uu jeekin caadiya u tegay dhakhtarka ee aanay wax dhibaato ah oo sidaa u sii weyni aanay jirin, oo laga wer wero.
Bal wixii war ah ee ka soo kordha waanu idinla soo socod siin doonaa insh

Nuux Ismaaciil Maxamed, (Ina Ismaaciil Somali Airlines)
Bahda mareegta caafimaaka
www.caafimaadka.com
E-mayl: editor@caafimaadka.com
E-amayl. caafimaadka2011@gmail.com

december 8, 2012 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Leave a Reply