Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Caafimaadka Oo Soo Xidhay Kulan Soconayey Muddo Afar Maalmood Ah Oo Ku Saabsan Xakamaynta TBda.

(Hadhwanaagnews) Tuesday, November 27, 2012
Hargeysa(HWN):- Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka JSL Md Cabdi Axmed Nuur (C Gurey) ayaa maanta Magaalada Hargaysa ku soo Gebo gebeeyay kulan soconayay muddo afar maalmood ah oo ku saabsan sidii loo xakamayn lahaa Cudurka TP-da

Hargeysa(HWN):- Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka JSL Md Cabdi Axmed Nuur (C Gurey) ayaa maanta Magaalada Hargaysa ku soo Gebo gebeeyay kulan soconayay doona muddo afar maalmood ah oo ku saabsan sidii loo xakamayn lahaa Cudurka TP-da.

Kulankan oo ay ka qayb qaadanayeen xubno gaadhaya 34 ruux oo ka kala socday Guud ahaan Hay?adaha caafimaad ee Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland .

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka ayaa sheegay in la doonayo in isku xidh loo sameeyo adeegyada caafimaad si loo helo xog rasmi ah oo ku aaddan cudurka Qaaxada.

Agaasimaha guud waxa uu xusay in qaybta caafimaadka gaarka loo leeyahay ay saaran tahay mas?uuliyad,loona baahan yahay ayuu yidhi inay ka fikiraan Khatarta ay leeyihiin daawooyinka ay dadka bukaanka ah ka iibinayaan.

Madaxa TP_da ee Somaliland Dr ismaaciil Maxamed oo ku booriyay Xubnihii ka qayb qaatay tababarkan in duruustii ay qaateen ay ku dabaqaan hawlaha ay Umada uga Mas?uulka Yihiin.

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland
abdiaziiz@hadhwanaag.org

Xigasho: Hadhwanaagnews

november 27, 2012 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Leave a Reply