Cilmi baadhayaal Ingiriisa oo ku guulaystay in ay ey curyaana dhaqdhaqaaqii u soo noqdo

Halkan ka daawo eyga curyaanka ahaa ee dhaqdhaqaaqii u soo noqday!!!

http://www.youtube.com/watch?v=aFyTmuaeDRg&feature=player_embedded

Khuburo xaga arrimaha caafimaadka ee jaamacadda Cambrigde,The Cambridge University, ayaa ku guulaystay, markii ugu horreysay in ey curyaana oo qaarka danbe ka dhaqaaqi karin loo soo celiyey dhaqdhaqaaqii qaarka danbe. khubaradan ayaa waxa ay sameeyeen in ay eyga sankiisa ka soo qaadaan unugyo ka dibna waxa ay ku mudeen, neerfayaasha lafta dhabarta ee eyga. Najiitajadiina waxa ay noqodtay mid cajab gelisa xeel-dheerayaashii cilmi baadhistan waday. Eygii waxa uu bilaabay in qaarkiidanbe ee fadhiyey uu dhaqdhaqaaqo.
Waxaa tijaabadan lagu sameeyey oo ka qayb qaatay daraasada cilmi baadhista ah 34 ey, 23 ka mid ah eydaas ayaa laf-dhabarta wax ka noqday, Waxaana dhacday in ay qaarka/xaga danbe ka socon kari waayaan. Borofoorka, Robin Franklin., ayaa sheegay in natiijadani tahay mid wax weyn ka bedeli doonta mustaqbalka dhaw, in dadka iyagu curyaamiinta ah ama laf-dhabarta wax ka noqday ay suurto gal noqon karto in dib loo soo celiyo dhaqdhaqaaqoogii lugaha. Tiiyo la adeegsanayo habkan casriga ah.

Waxaa daraasadan lagu soo daabacay wargeyska, In the study, funded by the Medical Research Council and published in the neurology journal Brain.

Waxaa soo diyaariyey maqaalkan: Nuux Ismaaciil Maxamed, Ina Ismaaciil Somali Airlines
Bahda mareegta caafimaadka
wixii suáal ama rayi ah noogu soo dir e-maylka hoos ku qoran

www.caafimaadka.com
E-amyl: editor@caafimaadka.com
E-amyl: Caafimaadka2011@gmail.com

november 19, 2012 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Leave a Reply