Tuulada yar ee Agabar oo 20 ruux udhinteen cudurka Kansarka

Gudoomiyaha Degmada Agabar oo Ka Deyriyay Xanuunka Kansar ah oo Fara Baas Ku Haya Dadka Deegaankaas
(Hadhwanaagnews) Saturday, October 13, 2012
Agabar(HWN)-Gudoomiyaha Degmada Agabar Axmed Yuusuf Jaamac (Axmed-Adeero), ayaa ka deyriyay Guud ahaanba xaalada Caafimaad daro

Agabar(HWN)-Gudoomiyaha Degmada Agabar Axmed Yuusuf Jaamac (Axmed-Adeero), ayaa ka deyriyay Guud ahaanba xaalada Caafimaad daro oo mudooyinkan dambe kusoo korodhey Deegaanka Degmada Agabar ee katirsan Gobolka Gabiley kadib markii ay mudooyinkii u dambeeyay dadkam deegaankaasi u geeriyoonayeen Xanuunka kansarka oo sadexdii bilood ee u dambeeyay ay u geeriyoodeen labaatan qof halka kuwa kale oo badanina u jiifaan.

Halkan Hoose ka sii akhris!!!!!!

Gudoomiyaha Degmada Agabar oo qeylo dhaan xoog leh uga diraya dhibaatada Xanuunkan saameynta ba,an ku yeeshay Degmada Beeraleyda ah ee Agabar ayaa baaqiisa ugu gudbinaya Guud ahaanba Maamulka heer Gobol ilaa Heer Wasiir ilaa heer Madexweyne kadib markii ay la anfariireen sida uu hadalkiisa u dhigey dhibaatada uu ku hayo dadka Deegaankaasi Xanuunka Kansarka taas, oo ay ilaa hada garan laayihiin sababta iyaga ku koobtey Degaan ahaan in ay ka imaneyso Geedka sida xooga ah uga baxey Agabar ee Garanwaaga, Sunta Beeraha lagu buufiyo iyo masiibo kale oo kaga timid dhinaca Cimilada iyo Deegaanka oo ku kooban Degmada Agabar Axmed Yuusuf Jaamac (Axmed-Adeero),oo uga waramay xaalada Caafimaad daro ee soo waajahdey Deegaanka Degmada Agabar Shabakada Wararka Hadhwanaagnews waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan.

?Baahida hada noogu daran ee Degmada Agabar waa xaalad Caafimaad daro oo nasoo waajahdey iyadoo Sadexdii bilood ee u dambeeyay ay u geeriyoodeen Xanuunka halista ah ee Kansarka ugu yaraan labaatan qof islamarkaana, ay hada u jiifaan Beeraley aad u tira badan oo kamid ah Bulshada Deegaankan kaas oo aanu garan laanahay dadka Reer Agabar oo dhamina ay la fajacsan yihiin oo aanu ukala garan laanahay in Xanuunkani ka imanayo Geedka Garan-Waaga ee saameynta kuyeeshay Deegaankaasi beeraleyda Agabar in uu ka imanayo Sunta Beeraha laga buufiyo iyo inuu ka imanayo XZaalasd kale oo Cimilada Deegaanka ah waa yaab dadka ujiifa oo tira badan, iyo kuwa u geeriyooday Sadexdii bilood ee u dambeeyay waxzaanu baaqan u direynaa inaanu waragalino Maamulka Xukuumada heer Gobol ilaa heer Wasiir si ay baaq Caalami ah ugu diraan Hay,adaha Caalamiga ah Who iyo kuwa kaleba Gurmad degdeg ahna naloogu sameeyo, iyadoo aanay habayaraatee Degmadan kajirin imkaaniyaadkii iyo Adeegyadii Caafimaadka iyo waliba dhinacyada Maamulka Degmada oo aan heyn wax ay ku gurmadaan habyaraate waxaanu mar klabaad iyo mar sadexaad ciodasneynaa in nalooga soo Gurmado dhibaatooyinkaa xaalada Caafimaad daro ee kajirta Degamada Agabar?Ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada Agabar Axmed Yuusuf Jaamac (Axmed-Adeero).

Waxaanu intaa ku darey xogawarankiisan in dhibaatooyinka kale ee haysta Degmada Agabar ay kamid yihiin dhibaatada uu ku hayo Geedka Garan-waaga oo ay beeraleydu mar walkba ka qadaana Xanuunada Maqaarka ku dhaca , isagoo Xusey in wakhtigana la cadeeyay in Beeraleydu ay u geeriyoodeen sadexdii bilood ee u dambeeyay labaatan qof Xanuunka Kansarka kuwa kalena ay hada jiifaan taas oo ah dhibaato Caafimaad daro oo soo waajahdey Degmada Agabar.

Gabagabadiina Waxa uu Gudoomiyaha Degmada Agabar ka codasdey Xukuumada in Gurmad degdeg ah loo soo diro oo dhinaca Caafimaadka ah Degamada Agabar.

Degmada Agabar oo katirsan Gobolka Gabiley, islamarkaana ku taala Waqooyiga Gobolka Gabiley, ayaa ah meesha kaliya ee anay inta badan ka war doonin Maamulada Gobolka Gabiley , oo inta badan ka howl yaretsta dhinaca fogaanshaha iyo buuraleyda ay kutaalo.

Hadhwanaagnews Gabiley Office
Xigasho: Hadhwanaagnews

oktober 13, 2012 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Leave a Reply