MAREEGTA ARRIMAHA CAAFIMAADKA

Cunista Kalluunka Oo ka Hortagta Xanuunka Xiiqda (Asmada)
Cunista Kalluunka Oo ka Hortagta Xanuunka Xiiqda (Asmada)

Copenhagen…..Ka hortago waxa uu ka fiican yahay Is-daweynta, waa murti ama weedh uu Isticmaalkeedu ku baahay dhinaca Caafimaadka. Waxa Dunidan aan ku noolahay ku soo batay Xanuunada jiitama ee loo caalwaayey, Sida Canser-ka Macaan-ka, xanuunada sigaarku sanbabada ku reebo, wadno xanuun-ka, Tuf-ta, Dhiig-karka iyo xanuuno kale. Haweenka Uurka lihi waa in ay ka feejignaadaan wax yaalaha ay cunayaan. Waxa la Ogaaday in cuntada ay cunto Qofka Dumarka ah ee Uurka lihi ay saamayn weyn ku yeelanayso caafimaadka ilmaheeda inta uu nool yahay oo dhan.

Cilmibaadhis cusub oo Khubaro Danish ahi ay sameeyeen ayaa muujinaysa, in cunista Dumarka uurka leh ee kalluunku ay ahmiyad weyn u leedahay halista ilmuhu ku qaadi karo cudurrada Xiiqda iyo Xasaasiyadda. Haddii hooyadu cunto kalluun badan, iyadoo raacaysa halbeegyada Khubaradaa Danish-ka ah, waxay xaaladdu u badan tahay, inay boqolkiiba 30 ku koobnaato halista ilmuhu ku qaadi karo cudurka Xiiqda, markuu 7 jir yahay, marka la barbardhigo hooyada uurka leh ee aan cunin kalluunka, ayuu yidhi Professor Sjurdur Frodi Olsen oo ka tirsan Machadka dawladda ee Serum.

Cilmibaadhis ballaadhan oo Khubaro Danish ahi Samaysay.

Tiro aan ka yarayn 70.000 oo dumar uur leh ayaa ka qaybqaatay cilmibaadhista, iyagoo buuxbuuxiyay shax-su’aaleed la xidhiidha cuntooyinka ay cunaan, taasoo socotay sannadihii u dhexeeyay 1996-2003.Tan iyo waagaas cilmibaadhayaasha ayaa la socday carruurta dhalatay, iyagoo hooyooyinka ka buuxinaya shax-su’aaleed la xidhiidha tusaale ahaan cudurrada diiwaangashan.

Arrintaasi waxay horseeday go’aan si fiican u qodobaysan oo la xidhiidha xidhiidha ka dhexeeya halista ilmuhu ugu jiro cudurrada Xiiqda iyo xasaasiyadda iyo cunitaanka hooyada ee kalluunka, intii ay uurka leedahay.

Kalluunka Shilis iyo ka Wayda ah labada

Cilmibaadhayaashu toos u garan maayaan, sababta cunista kalluunku uga hortegayso cudurka Xiiqda. Laakiin waxa jira aragtiyo la xidhiidha, in asidha duxda omega-3 ay saamayso qaar ka mid ah maadaddaha jidhka ee la dagaallama xanuunada, Badi asidha duxda omega-3 ayaa laga helaa kalluunka shilis, waana ay fiican tahay in la cuno. Laakiin maaha in la cuno xaddi badan, sidaas awgeed waxa ka sii fiican cunista kalluunka wayda ah ee aan shishlayn oo faaido badan laga helo.

Dumarka uurka leh qaarkood ayaa ka baqda cunista kalluunka oo maqlay, in kalluunka uu ku jiro curiyaha khatarta ah ee la yidhaahdo Merkuri. Laakiin arrintaasi waxay ku kooban tahay kalluunka wayn ee soodhka leh ama waranka dheer Afka ku leh (Swordfish).

Source: Danish Radio (DR)

By: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com

Afhayeenka Xisbiga Wadani Laantiisa Denmark.

Bahda mareegta caafimaadka

www.caafimaadka.com

E-mayl: Editor@caafimaadka.com

E-mayl: caafimaadka2011@gmail.com

Waddankan Ingriiska (U.K) waxa lagu qiyaasay in uu sedexdii qoba hal qof uu hayo cudurka loo yaqaanno DHIIG-KARKA. Ururka U.K Blood Pressure
Waddankan Ingriiska (U.K) waxa lagu qiyaasay in uu sedexdii qoba hal qof uu hayo cudurka loo yaqaanno DHIIG-KARKA. Ururka U.K Blood Pressure

MAXAAD KA TAQAANNAA CUDURKA DILAAGA AAMUSAN { KILLER SILIENT}

Sharaxa Dhiig-Karka:

Waddankan Ingriiska (U.K) waxa lagu qiyaasay in uu sedexdii qoba hal qof uu hayo cudurka loo yaqaanno DHIIG-KARKA. Ururka U.K Blood Pressure Association (BPA) waxa uu ku qiyaasay in uu cudurkani ku dhaco dad ku dhow ilaa 16 Mallyuun oo ah daka da?doodu ay ka weyntahay 30 jir, oo weliba intooda badan aysan ogeyn.

Cudurka DHIIG-KARKA waxa hadda loo yaqaannaa ?The Silent Killer?. Waayoo waxaa inta badan uu dadka ugu soo boodaa si kadis ah, wax astaamo ah oo lagu gartana  malaha, ilaa qofku gaaro xaalad xun mooyee. In kastoo dhimashada la xiriira DHIIG-KARKA lagu qiyaaso ilaa

SADDAX KUN sanadkii. Haddana waxa kaloo uu sababaa cudurada la xiriira wadne xanuunka oo ay dhimashadooda dhakhtarradu ku qiyaaseen ilaa boqolkun oo qof sanadkii.

Waa maxay DHIIG-KARKA?

DHIIG-KARKU (Blood Pressure) asalkiisu waa quwadda (amaba pressure ka) ka dhexdhacda xididada dhiigga qaada, marka uu Wadnuhu dhiigga ku tuuro jirka intiisa kale.  Waa Bereesharka ama quwadda uu Wadnuhu xiddidada ugu cadaadiyo dhiigga si uu u gaarsiiyo jirka oo dhan.

Waa maxay astaamaha Dhiig-Karku ?

Sidii aynu horeba u soo sheegnay cudurka DHIIG-KARKA waxa loo yaqaannaa ?The Silent Killer? (DILAAGA AAMUSAN!) tani waxa ay ka dhigan tahay in uu yahay xanuun aan astaan lahayn. Haddaba arriinta ugu muhiimsan ee ay Dhakhtarradu ina farayaan waa muhiimadda ay leedahay DHIIG CABBIRKU. Waayo sida badanaaba dhacda waxa laga yaabaa in aanu qofku ogaan in uu DHIIG-KARKA qabo ilaa xanuunku soo rito oo uu dhib weynna uu geysto mooyee. Sidaa daraaddeed waxa aad u mihiima ah in qofkii ka weyn 30 jir amaba ka mid ah dadka halista u ah in uu DHIIG-KARKA ku dhaco ay had iyo jeer Dhiiggooda cabbiraan.

Halkan hoose ka akhriso!!!!!!!!!!

DHIIG-KARKA aadka u daran calaamadaha uu keeno waxa ka mida:

? Madax xanuun badan

? Hurdo badan

? Dawakhaad

? Iyo Kooma

QAYBAHA DHIIG-KARKA EE DADKA KA WEYN 18 SANO

Qaybaha

DHIIG-KARKA Numberka hore,

ee loo yaqaan

(Systolic) Numberka hoose ee

Loo yaqaan (Diastolic)

Normal (Caadi) Wixii ka hooseeya 120 Wixii ka hooseeya 80

DHIIG-KARKA yar 120-139 80-89

DHIIG-KARKA

Xaalada 1 140-159 90-99

Xaalada 2 160 ama ka badan 100 ama ka badan

Cadaadiska Dhiigga waxa lagu qiyaasaa labo tiro. Cadaadiska Dhiiggu ee loo baahan yahay waa 120/80mmHg.

 Tirada hore ee (120) waa heerka ugu sarreeya ee cadaadiska Halbowleyaasha marka Wadnuhu soo ururo ee uu garaacayo si uu dibadda ugu saaro Dhiigga oo jirka u gaarsiiyo. (Systolic blood pressure)

 Tirada labaad ee (80) waa heerka ugu hooseeya ee cadaadiska Halbowleyaasha marka Wadnuhu is debciyo, si Dhiiggu u soo galo Wadnaha. (Diastolic blood pressure)

Heerka caadiga ah ee cadaadiska Dhiigga marka la cabbiro halbeeggu akhriyaa

waa 120/80mmHg.

Haddaba waxa la dhihi karaa qofku waxa uu DHIIG-KARKA qabaa marka uu qiyaasta ?Qquwadda? Dhiiggiisu ay ka badan tahay 120/80mmHg (millimeters of mercury).

Haddii aad ka weyn tahay da´da 30 jir ama aadan xusuusan karin markii u dambaysay ee aad iska baarto DHIIG-KARKA, waxaad ka mid noqon kartaa16 Malyuun ee DHIIG-KARKA qaba. Dhakhtarradu waxay caadiyan isctimaalaan kalmadda ”hypertension” oo ay ku fasireen xaalad sababi karta in qofku muddo sanado badan wax xanuun ah dareemin laakin keeni karta jah wereer qawaacid ah oo ay kamid yihiin Wadna xanuun iyo Daal fara badan.

Yaa halis u ah Dhiig Karka?

Dhakhaatiirtu waxa ay badanaa yiraahdaan mar kasta oo ay qofka da´diisu sii korayso waxayu horseedi karta inuu ku dhaco DHIIG-KARKA. Laakiin waxa ay u badan tahay in aad DHIIG-KARKA  yeelato haddii:

 Hiddo aad u leedahay (Waa haddii Waalidkaa, Waalidkii, iyo Walaaladaa qabaan ama qabeen DHIIG-KARKA)

 Jinsiyaddaadu hadday ka soo jeeddo (Afrikaan)

 Aad Cudurka Macaanka ama Sokorowga  qabtid

 Uu miisaan kaagu aad u culus yahay

 Aanad caadiyan samayn jimicsi ama aanad firfircoonayn

 Aad Sigaar cabtid

Sidee loo baaraa DHIIG-KARKA?

Haddii aad rabto caawimo, warbixinno wacan ayaa jira. DHIIG-KARKA si fudud ayaa loo baari karaa. Dhakhtarka ama meel xarun caafimaad ayaa cabbiri kara Dhiigga si dhakhso ah oon xanuun lahayn. Haddii cabbirku ka sarreeyo intii caadiga ahayd waxaa cabbirka lagu celin doonaa mar kale ilaa saddex ama afar jeer, si loo hubiyo in cabbirkii u horreeyay wax is bedel ah lagu arkay iyo in kale.

Sidee Loo daweeyaa DHIIG-KARKA?

Haddii lagaa helo DHIIG-KARKA waxaa laga yaabaa inaad ka mid noqotid dad aad u badan oo aan u baahnayn wax daaweyn ah in muddo ah. Waxa DHIIG-KARKA lagu maalmuli karaa is bedel dhinaca noloshaaada ah.

Sida in aad cunto fiican cunto, jimicsi samaysid amaba aad firfircoonaatid, culayska iska ridid ama yaraysid lana socotid caafimaadkaaga. Haddii loo baahdo daaweyn, waxaa jira daawooyin badan oo waxtar leh oo loo qaato kiniin ahaan caadi ahaan hal xabbo maalintii.

Maxaan samayn karaa si aan iskaga ilaaliyo (amaba u maamulo khatarta) DHIIG-KARKA haddii la iga helo?

Qof kasta oo qaan gaar ha ama kor u dhaafa da?da dhexe waa in uu yaqaanna qiyaasta dhererkiisa, culayskiisa, cadaadiska Dhiigga iyo heerka dufanka Dhiiggiisa (cholesterol level).

Waxa aad iskaga ilaalin kartaa amaba u maamuli kartaa DHIIG-KARKA adigoo wax ka badela hab nololeedkaaga

 Jooji cabitaanka Sigaarka

 Hoos u dhin miisaankaaga

 Jimicsi samee si joogto ah

 Cun cunto kala duwan oo dheelli tiran

 Hoos u dhig isteraskaaga ?Buufis? adigoo iska ilaalinaya xaaladaha keenaya.

Isbedelladan haddii aad samayso waxa ay hoos u dhigayaan cadaadiska Dhiiggaaga. Waxa kale oo ay yareynayaan khatarta qaadintaanka DHIIG-KARKA.

Si guud marka loo eego, qofka uu si joogta ah uga sarreeyo Heerka tirade sare ee cadaadiska dhiigga (systolic pressure) 160 mmHg  ka hoosena (diastolic pressure) uu ka sarreeyo 100mmHg  waxa uu u baahan yahay daweyn hoos u dhigta heerka cadaadiska Dhiiga.

Dadka iyaguna in yar uu ka hooseeyo cadaadiska dhiiggoodu (140-159mmHg ka sare (systolic) ama 90-99mmHg ka hoose (diastolic) iyaguna waxa ay u baahan yihii daweyn haddii ay Khatar ugu jiraan in ay ku dhacaan xanuunnada faaliga (stroke) Laab Xanuun (angina chest pain).

Haddii DHIIG-KARKAagu u baahan yahay daweyn, waa in aad si joogto ah ula xiriirtaa Dhaqtarka, aadna qaadataa dawooyinka uu kuu qoro.

Health officer: Maxmed Cali Axmed

Khartoum, Sudan

Wixii su?aalo iyo talo weydiin ah ku soo hagaahi:

Cali_640@hotmail.com

Bhad caafimaadka

www.caafimaadka.com

E-mayl: Editor@caafimaadka.com

E-mayl:caafimaadka2011@gmail.com

Cuduradda Laga Qaado Dawooyinka La Isku Cadeeyo Iyo Magacyada Dawooyinka Sumaysan iyo Kiriimka loo yaqaano (silvana cream) Qalinkii Amina Abdilahi Mohamed
(Hadhwanaagnews) Thursday, April 25, 2013

Kampala-(HWN)-Hadaba, sidaan qabo kiriimkan loo yaqaano (silvana) ayaa ah mid midabkiisu yahay huruud taasoo lagu garto

Kampala-(HWN)- Wacan oo wanaagsan akhristayaashada sharafta mudanow meel kasta oo aad joogtaan, waa mar kale iyo Barnaamijkeenii caafimaadka oo aanu idiinku hayno qormooyinkii qiimaha badnaa ee taxanaha ahaa ee ay inoo soo diyaarisay iskuna soo duba riday Amina Cabdilaahi Maxamed, oo si gaar ah ugu takhakhustay aqoonta Beauty and Health Skin, oo ku sugan dalka Britain, waxaanay qormadan ku qaadaa dhigaysaa qodobo door ah oo aad u mihiim ah oo ay si gaar ah diirada ugu saarayso Cuduradda Laga Qaado Dawooyinka La Isku Cadeeyo Iyo Magacyada Dawooyinka Sumaysan iyo Kiriimka loo yaqaano (silvana cream), waxaanay Amina aqoontan ku barataa kuuliyad sare oo ku taala dalka Ingiriiska, waxaanay ku bilaabaysaa Barnaamijkan sidatan.

ASC, Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan hawlwadeenada madaalayaasha ah ee ka hawl gala Shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews eek u kala sugan daafaha dunida iyo dalkaba, iyagana waxaan salamayaa dadka akhristayaasha ah, waxaan si gaara u salaamayaa Hablaha Somaliyeed meel kasta oo ay joogaanba ee sida tooska ah u suga maqaaladayda.

Marka hore waxan idinka raali galinayaa anigoo balankii bisha badhtankeeda ahaa aan waxba soo qorin!……………..

Hadii aan ku soo noqdo qaaralkan maanta waxa aan jeclaysatay inaan idin la wadaago waxyaabaha lagu khiyaameeyo dumarka Soomaaliyeed ee ay u haystaan qurux inay ka heli karaan ama cadaan. Hadaba waxa aan manta idin soo qoray kiriimis badan oo ay aduunyadu calaamadisay magacooda oo aan laga ganacsan Karin se wadamada kale sida dhulka Soomalidu dagto aad looga gacansado si aan caadi ahayn, dadkaas oo daneeya uun lacagta ka soo galaysa se aan ogayn waxan ay iibinayaan iyo waxa kujira amaba aan aqoon u lahaynba!

Waxan jecelahay inaan soo hor qaato kiriim aad looga isticmaalo wadankii oo loo yaqaano (silvana cream), hadaba waa maxay kiriimkani? Maxaa ku jira se wa nooce midabkiisu?

Silvana Cream?dhibaatooyinka ay kala kulman jidhadhka kale duwan:

Silvana cream- waa noocyada jidhka lagu cadeeyo waxana ku jirta suntan jidhka disha ee loo yaqaano (mercury Liquid), kiriimkan ayaa ah mid ay isoo waydiyeen dad badan inuu dhib leyahay iyo inakale, sidan hore u sheegay waxyaabaha la isku cadeeyo oo dhan sun khatara ku jirta, taariikhdii dawooyinkan baadhis aan ku sameeyay waxan ku ogaaday dadkii marsan jiray wakhti aad u fog ka hor inay u isticmaali jireen sida: is yarayn iyo finanka da?da oo la iskaga jaro, haaraha, iyo jidhka la doonayo inuu dhilmo, hadaba dadkan ayaa ahaa kuwo aqoon u leh suntan ku jirta waxanay isticmaali jireen muddo ah 4 wiig oo qudha, marka ay ka gaadhaan danta ay ka laahyeena way joojin jireen. Dadkan oo u badnaa dad madoow ah kuna kala noola wadamo ka mida caalamka oo dhan, hadaba dumarkani iyagoo ahaa kuwo aad u da?waynaa hadana waxay ogaayeen suntan inay tahay tu raacasa dhiiga oo naftooda inbadan kumay isticmaali jirin.

Hadaba, sidaan qabo kiriimkan loo yaqaano (silvana) ayaa ah mid midabkiisu yahay huruud taasoo lagu garto noocyada sunta lagu daro, had iyo jeer kiriimada suntu ku jirto waxay caan ku yihin laba midab oo kala ah huruud iyo cadaan. Hadba, kiriimkan (silvana) ayaa ah mid xaydh oo kale ah ama aad u culus, sidaan qabo hablaha ama dumurku iyagoon aqoon badan u lahayn jidhadhkooda ayay waxyaabahan iska mariyaan tiiyoo laga raadinayo qurux ama cadaan. Hadii aan tusaale idin yar siiyo jidhka saliid leh ee loo yaqaano (oily skin) wuxuu kala kulmi karaa kiriimkan dhib aad u badan taasoo uu xidhaayo daldalooladii jidhka gabadhaas, ka bacdina suntu fadhiisanayso jidhka lakabka dhexe ee loo yaqaano (Dermis) hadhoowna ay u kala gudbayso jidhadhka kale iyo dhiigaba.

Hadaba waxa aan khibrad aad u wayn ka helay hablaha dhibtu ka haysato wajiga, anigoo aqoon aad u badan ka helay dawooyinka kale duwan ee jidhadhka dumarka somaliyeed dilaya, waxan jeclaan lahaa in aan u bayaamiyo dumarka somaliyeed dhibkan dawooyinka iyo siday u kala khatar sanyihiin. Kiriimkan ayaa ah ama aan qaba ka ugu sii khatar san sababtoo ah wa bahal aad xaydh moodo kuna dhagaya jidhka taasoo uu qodaayo, hablo badan oo ila soo xidhiidhay baa iiga waramay waxyabaha ay kala kulmeen wallow qaar kaba faaiideen oo ay wax ka goysay, hadana suntii dhiigaa way raacday.

Waxaad mooda inay dumarka somaliyeed ay u tahayba dawooyinka suntan lihi wax noloshooda ka mida ama aan laga maarmi Karin, arrintan oon aad oga warwaro side ayay bulshadeenu u ogaan kartaa dawooyinkani inay yhihin wax khatara oo jidhka dilaya!!……………….?

Hablo ayaa I soo waydiiyay gabadha uurka leh maxaa ku dhici kara markay isticmaasho dawooyinkan suntan leh? Sidaan kor ku sheegay cuduro badan ayuu qofka wayni ka qaada, gabadha uurka lehna waxyaabaha jidhka qurxiya ee ay u samaynayaan qof aqoon u lihi ayaan loo wada ogalaynba, waxyaabahaas oo ah in saacad uun la sameeyo, hadaba gabadha uurka leh ee isticmaasha dawooyinka, suntu waxay raacda dhiiga waxanay toos ugu gashaa ilmaha makaanka, ka bacdi dhibi way soo gaadhaysa ilmaha iyo gabadhaba taasoo dhibtaa si ilaa kalyaha gabadha gaadhi karto.

Walaalo waxan idinka codsan lahaa in loo fiirsado arrintani ma sahlana dawada suntu ku jirto, siday gabadh cafimad iyo jidh quruxbadanba Alle (SWT) siiyay ay u marsan kartaan wax suni ku jirto nolasheedoo dhan!??… SubhaanaAllaaah waa wax laga ducaysto kuwii ay hore ugu dhacday arrintani Allaha wayn ayaan idin baryayaa inuu jidh cafimad qaba idin siiyo, kuwo kale waxan odhan lahaa wajigiina ilaaliya waa qaali jidhka Alle (SWT) ina siiyay!……………..???

Cudurada ay qaadaan jidhadhka suntan lagu cadeeyay…..

?Xididada oo dilaaca sameeyana dhiigroor

?Finan yar yar oo aad u cas caasada kuna dhamaada dhabanka

?Jidhka oo cimri deg deg ku dhaco, gabaw dhakhso ah xaga wajiga, gacmaha, ama lugo!!!?

? Canbaar cadka

?Finan mad madoow oo afka dheecan ku leh, ama burooyin yar yar

?Jidh wax diidaya oo casaanaya

?Jidhka oo ay hoosta wax ka soo baxaan xanuuna uu qofku dareemo , cuncun, casaan

?Finanka waawayn ee dheecanka sameeya kuna dhaga jidhka

?Finanka caadiga ah ee cusub

? Haaro

?Mad madoowga dhibcaha ah ee yar yar

?Jidhkoo khafiifay

?Jidhkoo cuncun sameeya, qofkoo aad isku xoqa wax kastana diida

?Jidh hoosta ka gubtay, ama kulayl hoosta ka soo bixinaya

?Timo badan oo gabadha ka soo baxa wajiga, kuwaasoo aan loogu tala galin gadhka iyo dibinaha sare dumarka….

Hadaba, Allaah (SWT) isagaa wayn ha inaga nabad galiyo waxaasoo cudura , oo runtii ku badan dadka jidhkoogu khafiifka yahay sida dadka cadaanka ah, marka ay gabadh somaliyeed oo jidhkeedu yahay jidhka ugu fiican jidhadhka dadka ay soo iibsato waxyaabahn cudurka la qaadayo tiiyoo laga radinayo qurux aan meel gaadhsiisnayn.

Cuduradan qaarkood sida cambaarka cad waxa laga qaada (dermovate) taasoo markeedii hore ah dawo ay dhakhaatiirtu qoraan oo ay ku daweeyaan cambaar cadkaa, waxa wax lala yaabo ah in uu qof qurux u qaato wax cudur lagu dawaynayo.

Waxaan khibrad wayn ka helay hablaha dhibaatadu ka haysato wajiyada wax la mariyay oo runtii cuduradan dhamantood ku wada dhaceen wajiyadaa kala duwan, anigoo aad oga xun jidhkaa sida dhibta yar ku xumaday ee dhibtu soo gaadhay, Markale waxan AllAha wayn (SWT) oga baryayaa gabadhkasta oo somaliyeed oo dhibtani haysato in Ilahay ka dulqado oo uu gar gaaro.

Jidhku sidiisaba marka arrintani la soo gudboonato waxay dadka aqoonta u lihi ku daweeyaan fitamiino iyo cuntooyin u gaara, si jidhkaa loo soo celin karo ama loo bogsiinkaro, sidaan hore u sheegay waxan marka kale kala dardaarmaya hablaha dhibtani haysato in ay ka fogaadan wax la sii mariyo wajiyada dhibataysan wallow anay sheekadu ku eekayn wajiga oo ay ilaa jidhka hoose buko sidaan qabo.

Jidhkeena ayaa ah xubinta ugu way nee aynu haysano aadna u muhiima in la ilaaliyo caafimad ahaan, cunto ahaan, cabitaan ahaanba, se dhibka jira dumarka somaliyeed kama dhaadhicin kartid jidhkani wax marsi uma baahna ee wuxuu u bahanyahay cunto cafimad qabta inaad cunto marksaaad qurux badnaan!………….???

Dawooyinka suntu ku jirto magacyadooda…

Waxaan halkan idinku soo qoray qaar ka mida waxyabaha la isku cadeeyo ee aanay dad badan aqoon u lahayn waxa ku jira taasoo lagu khiyaamiyo sun lagu daro oo jidhka ku samaysa (skin bleaching) muddo ka bacdina disha jidhkaas, hadaba suntan oo loo yaqaano (mercury liquid ) ayaa ah mid ay qariyaan shirkadaha qaarkood sida kuwa china oo ay ku qoraan magac kale oo u dhaw magaca suntan si anay dadku qaar u fahmin waxa ku jira.

Hadaba walaalayaal waxaan idinku soo qoray kiriimadan oo aan dhamantood ku sameeyay baadhis ogaadayna inay ku jirto suntaasi, inaad ka carartaaan kana fogaatan halka yaalaan si aad u badbaadisan jidhkiina. Waana kuwan hoos ku qoran:-

FIIRO GAAR AH: waxaan idinla socodsiinayaa in qoraaladayda dumarka somaaliyeed wax tar wayn u noqotay sidaan ka arakay dadka ila soo xidhiidhay, hadaba waxa ilaa hada la isoo waydiiya qoraalo aan mar hore qoray kuwaasoo dhaafay dadka qaar, waxaa aan wadaa oo aan doorbiday inaan soo saaro buug u qaara waxyaabah quruxda dabiiciga ah laga helo ee iyo dhibka dawooyinka si ay oga faaiidaysato gabadhkasta meel kasta oo ay aduunyada ka joogto IA. Hadaba, waxa laga yaaba inaan qoralada yareeyo se wali idinkaman tagin waxaad si toosa ola soo xidhiidhan hadhwanaagnews una soo gudbiya suaalihiina si aad jawabtiina iiga maqashaan tiiyoo hadala IA. Hablaha qofkii raba inay qoral ii soo diraan waxan idinku soo dhawaynaya site facebook oo aad igula kulmi kartaan

KALA SOCO HADHWANAAGNEWS QAYBAHA KALE EE TAXANAHA AH EE QORMOOYINKAN AADKA U QIIMAHA BADAN.

Allaa Mahad Leh

Amina AbdiLahi Mohamed

Holistic therapist & Skin Specialist

Email: tipstechniquesskin@hotmail.com

Fan Page: Free skin care advice, beauty tips and Discussion

Milton Keynes, UK

Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)

Soohaad10@hotmail.com

Hadhwanaagnews.com/Office

Kampala/Uganda

Source: Hadhwanaagnews

Daawo barnaamijka caafimaadka qaybtan waxa ay ku saabsan tahay xanuunka Dhimirka
Bahda mareegta caafimaadka

www.caafimaadka.com

E-mayl: editor@caafimaadka.com

E-mayl: Caafimaadka2011@gmail.com

Qiso cajiiba!!! Dirawal wada baabuurka bukaanka deg dega ah lagu qaado (Ambulance) ayaa xanuun ku soo booday waxaana dirawalkii dhakhtarka ula soo carraray qofkii xanuusanyey ee uu dirawalku soo doonay oo Kansar hayey
Oday 60 jir ah oo bad-baadiyey dirawalkiisii baabuurka bukaanka deg-dega qaada (ambulance) Talow siday wax u dhaceen?

Sawir: Bukaan socodkii, Christian Nayet,60 jir, oo cudurka Kansarku kaga dhacay caloosha, oo dirawalkii ambulance dhakhtar ula carraray talow waa maxay sababtu???

Oday 60 jir ah oo bad-baadiyey dirawalkiisii baabuurka bukaanka deg-dega qaada (ambulance) siday wax u dhaceen?

Waxa aanu maanta idiin soo gudbinaynaa akhristayaashayada qiimaha iyo qaayaha leh ee nagala socda mareegta caafimaadka.com, qiso dhab ah oo dhawaan ka dhacday dalka Faransiiska. Qofka binidaamka inta uu ifka ku dul nool yahay waxaa jira waxyaalo

cajab- galaya iyo waxyaalo uu la yaabo oo is yidhaadho talo siday u dhaceen. Qisadan sida aad ka dhadhan-sanaysaan cinwaankeeda waxa ay ka dhacday magaalada,Berck-sur-mer oo ku taala dalka Faransiiska dhinaca waqooyi.

Waxaa magaalada Berck-sur-mer ku nool, oday, magaciisa la yidhaahdo Christian Nayet, oo da´diisuna tahay 60 jir, oo cudurka Kansarku kaga dhacay caloosha. Haddaba bukaan-yahankan, ama bukaan socodkan (cancerpatient) Christian Nayet, oo ballan la lahaa dhakhtarkiisii baadhayey, lana socday xaalladiisa caafimaadeed, ballantuna ay ahayd in la mariyo, bukaan socodkan (cancerpatient) Christian Nayet, mishiinka scan-gareeya jidhka. wiig ka hor ayey ahayd, markii ballan noocan oo kale ah uu la lahaa dhakhtarkiisa. Markaana waxaa sii qaaday oo ambulance, (baabuurka bukaanka qaada) ku qaaday dirawalkan xanuunku ku soo booday, ee magaciisa la yidhaahdo, Jean-Francois Pina.

Bukaan socodkan, Christian Nayet, 60 jir, ayaa ballan kale loo soo qabtay in uu dhakhtarka dib ugu soo noqdo si mar kale loo baadho. Amarka Ilaahay waxaa Christian Nayet, u yimid isagoo wata baaburkuu bukaanka qaada (ambulance) dirawalkii wiigiihore qaaday ee dhakhtarka geeyey, Jean-Francois Pina. Markii uu dirawalkii ambulance- baabuurka bukaanka deg deg ah qaada (ambulance) lagu soo booday oo isagii laftigiisii ayuu xanuun qabtay, waxaanu dareemay in gacanta bidix iyo faraha gacanta uu ka dareemay xanuun.

Bukaan socodkan, Christian Nayet, 60 jir, oo islahaa dirawalka Ambulance -ku , dhakhtarkii aad balanta ku lahayd ha ku geeyo, ayaa isla markiiba dareemay, in dirawalkii xanuun adagi la soo dersay, shandadii dawooyinka ku jjireen ee saarnayd Ambulance-ka ayaa waxa u ka soo saaray dawooyin, mid dhiiga khafiifisa (a blood thinning) iyo mid stable, ama dejisa garaaca wadnaha (to stabilise his heartbeat) tii buu siiyey markii danbe wuxuu ku yidhi dirawalkii

”” ii dhiib furaha, i aamin, naftaydu wax halisa ku ma jirta ee taada ayaa iga daran oo halisku jirta”””

waayeelkii bukay, ee caloosha kansarak kaga dhacay ee ballanta ku lahaa dhakhtarka si loo soo baadho, ayaa isagoo ka sheekaynaya qisadan ayaa waxa uu yidhi, ”””markii aan shookaantii ambulance-.ka gacanta la helay, kaxeeyey ayaan garan waayey meesha laga shido hoonka ambulance (siren), si baabuurtu wadada noogu baneeyaan, dirawalkii baan ku idhi gacantaada daaqada ka saar, si baabuurta wadada maraysa wadada inoogu baneeyaan.

Sidii uu u sii waday waayeel, bukaan socod, Christian Nayet, 60 jir, ayu geeyey dhakhtarkii ugu dhawaa oo ku leexiyey qaybta deg dega ee Emergency-ga. markii la arkay dirawalkii Ambulance, ayaa qaliin lagu sameeyey deg deg ah, waxaana la ogaaday in heart attack ku dhacay dirawalka. Dirawalkan oo xaalada halis ahi ay la soo deristay

bukaan socod, Christian Nayet, 60 jir, ee soo badbaadiyey dirawalkii amulance ku geyn lahaa ballantii, ayaa markii daneb lagu qaaday ambulance kale, si ballantiisi uu dhakhtarka ku lahaa loo geeyo, si scan loo mariyo.

Dirawalkii ambulance, Jean-François Pina, ayaa markii uu qaliinkii ka soo baxay ee uu ladnaaday, u tegay, bukaan.socodkan, Christian Nayet, 60 jir, una mahad-celiyey sida wanaagsan ee uu la dadaalay.

Wadne istaaga ayaa ah xanuun halis ah, oo haddii aan qofka markaaba loola cararin dhinaca dhakhtarka, ay naftiisu halis weyn geli karto, keeni kartana dhimasho.

bukaan.socodkan, Christian Nayet, 60 jir, ayaa mudan in abaal-marin la siiyo, isagoo xaaladiisa caafimaadeed ay aad u jilicsan tahay, haddana naf kale ka door biday in uu badbaadiyo waa arrin cajiiba.

Akhristoow adigu maxaad samayn lahayd haddii ay xaaladan oo kale kula soo gudboonaato????

waa qiso cajiib!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Qore: Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)

Bahda mareegta caafimaadka

www.caafimaadka.com

E-mayl: editor@caafimaadka.com

E-mayl: Caafimaadka2011@gmail.com

One in five US teenage boys’ diagnosed with ADHD
One in five US teenage boys’ diagnosed with ADHD

04-01-2013, 12h50

WASHINGTON (AFP)

Nearly one in five American teenage boys is diagnosed with attention deficit hyperactivity disorder, marking a dramatic rise in the past decade, the New York Times reported on Monday.

The condition, for which potent stimulant drugs like Adderal or Ritalin are often prescribed, has been previously estimated to affect three to seven percent of children.

The newspaper compiled the data from raw figures provided by the Center for Disease Control and Prevention, which took a phone survey of 76,000 parents from 2011 to 2012.

The report said that 15 percent of school-age boys in the United States have received an ADHD diagnosis, compared to seven percent among girls.

Among those age 14 to 17, the rate was higher: 19 percent for boys and 10 percent for girls.

An estimated 6.4 million children ages 4 through 17 have received an ADHD diagnosis at some point in their lives, a 16 percent increase since 2007 and a 53 percent rise in the past decade, the newspaper said.

Experts said the figures were surprising and raised concern about the potential for abuse of the medications used to treat ADHD, as well as risks of misuse including psychosis, anxiety and addiction.

”We need to ensure balance,” CDC director Thomas Frieden was quoted as saying.

”The right medications for ADHD, given to the right people, can make a huge difference. Unfortunately, misuse appears to be growing at an alarming rate.”

James Swanson, a professor of psychiatry at Florida International University and a leading ADHD researcher, expressed concern about the findings.

”There’s no way that one in five high-school boys has ADHD,” he was quoted as saying.

”If we start treating children who do not have the disorder with stimulants, a certain percentage are going to have problems that are predictable — some of them are going to end up with abuse and dependence.”

The newspaper also noted that sales of stimulants that treat ADHD have more than doubled in recent years. In 2007, sales amounted to four billion dollars; in 2012 they were to nine billion dollars.

AFP

Largest diabetes center of Europe to be established in Sile, Istanbul
Largest diabetes center of Europe to be established in Sile, Istanbul

As part of the second evaluation meeting of the Stop Diabetes Campaign which was held at the Cankaya Presidential Palace on Wednesday, those who exert efforts on the issue were presented plaques in a ceremony which was attended by Secretary General of the Presidency Professor Mustafa Isen, Health Minister Mehmet Muezzinoglu, Diabetes Foundation Chairman Professor Temel Yilmaz, Mayor of the Sile district of Istanbul Can Tabakoglu and other officials.

Tabakoglu made a statement on the issue, saying that foundations of the largest diabetes center of Europe to be established in Sile would be laid in upcoming days.

“Sile has a promising future with regard to health tourism. We consider the center as a very important threshold in terms of health tourism, and it will become the largest diabetes center of our country and Europe offering a great many opportunities extending from the fight against diabetes, preventive measures, a pool and a social complex,” Tabakoglu said.

The Diabetes Center will be established on an area of 50,250 square meters in Sile to consist of six blocks.

Published: 4/12/2013

Source: Turkish press

Mareegta caafimaadka

www.caafimaadka.com

E.amyl: Editor@caafimaadka.com

E-mayl: Caafimaadka2011@gmail.com

Daawo barnaamijkan ku saabsan dawooyinka

Daawo Barnaamijka Caafimaadka oo ku saabsan cudurka TB-da Ama Qaaxada.

Raysal wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Margaret Thatcher oo u geeriyootay xanuun beryahanba hayey
Waxaa maanta dalka Ingiriiska ku geeriyootay raysal-wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska, Margaret Thatcher. Oo dalkaa Ingiriiska ka talinaysay muddo 11 sanno ah iyo 209 cisho. Muddadaas oo ay ku jirtay aqalka looga arrimiyo dalka Ingiriiska ee  Downing Street nr 10, Waxayna ka arrimanaysay dalka Ingiriiska muddadii u dhaxaysay 1979-1990. waxayna Margaret Thatcher, noqodtay haweenaydii ugu horreysay  ee dalka Ingiriiska ee loo doorto jagada raysal-wasaare, waxa kaloo ay noqodtay raysal-wasaarihii ugu muddada dheeraa ee dalka Ingiriiska soo mara.

Muddo haatan laga joogo 12-13 sanno ayaa waxaa la soo dersay xanuuno kala duwan. Xanuunadan kala duwan oo maalinba maalinta ka danbysay nolosheeda caafimaad hoos usii wiiqayey. Waxaa ka luntay xasuustii oo waxaa ku dhacay cudurka dementia. Markii danbeaba waxaa dhawr goor ku dhacay stroke, oo  maskaxda dhiig kaga furmo, dhiig furankanina waxaa uu keenay in  badh ka mida jidhkeeda uu naafoobo. Horaantii sannadkii  2000 ayey dhakhaatiirteedu kula talliyeeen in ay joojiso isa soo bandhiga dibada ee ay samayso, taasoo macnaheedu  yahay in ay ka fadhiisto masraxa siyaasadda. Maadaamooy, markaaba uu ku dhacay cudurka xasuusta lumiya, Dementia, waxaa kaloo ku dhacay stroke. Bishii December ee ciida masiixiga ayaa waxaa laga qalay kaadi-haysta.

Waxa ay ku geeriyootay hudheelka  Ritz,   London. Hudheelkan oo ay ku jirtay ka dib markii qaliinka kaadi-haysta lagu sameeyey, oo ay ku nasanaysay. Waxa la yidhaahdaa hawshii badnayd ee nolosheedii siyaasadda ee ay mudddada dheer ku soo jirtay ayaa caafimaadkeedii wiiqay. Waxa loogu  jeedhi jiray The Iron lady. (Haweenaydii birta ahayd) sababta loogu bixiyey ahayd hadal iyo goáan adaygeeda. Waxaa la yidhaahdaa waxaa u bixiyey naanaystan wargeys ka soo bxi jiray dalka ruushka, oo la odhan jiray wargeyska askarta cas, ama wargeyska xidigta cas”

Raysal wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska  Margaret Thatcher, oo da´deedu gaadhay 87 jir.

Waxaa soo diyaariyey: Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)

Bahda mareegta caafimaadka

www.caafimaadka.com

E-mayl: editor@caafimaadka.com

E-mayl:caafimaadka2011@gmail.com