Cilmi-baadhid ku Saabsan Cudurka Xiiqda Oo Ah Cudurkii Sababay Geeridii Al-fanaan Mohamed Ahmed Kuluc

Cilmi-baadhid ku Saabsan Cudurka Xiiqda Oo Ah Cudurkii Sababay Geeridii Al-fanaan Mohamed Ahmed Kuluc…. Naxariistii Jano Alle Ha Ka Waraabiyo.

Hordhac…Wax Qor oo wax khayr leh qor, wax qor oo wax dadkaagu ka faa’iido qor, hana ku mashquulin oo wakhti ha ku luminin wax adna aan khayr kuu soo jiidayn Bulshadana aan anfacayn. Waxaan hore u sheegay oo idhi, haddii Dadweynuhu la socdo wax yaalaha laga qoro Caafimaadka, waxa ay ogaan la haayeen sababo faro badan oo keena xanuunada dadku maanta la ildaran yahay.
Waa maxay Xiiqdu? Xiiqdu waa xanuun caan ah oo ku dhaca sambabada. Dalka Maraykanka waxa uu hayaa dad lagu qiyaasay 15 million oo qof. Dadka qaba xanuunka xiiqda intooda badan waxa ay yeeshaan hiinfaadh, qufax, xab ama xaako badan iyo neefsashada oo ku adkaata. Astaamahan aynu kor ku xusnay waxa keena carqalado ku yimaadda jidadka ay hawadu marto ee ka baxa sanka iyo afka geeyana sambabada.
Astaamaha Xiiqda aad ayey u badan yihiin, hase ahaatee kuwan hoos ku qoran ayaa ah kuwa inta badan laga heli karo dadka xiiqda qaba: – Qufac qalalan, gaar ahaan habeenkii iyo marka uu qofku la kulmo waxyaabo uu xasaasi ku yahay….Culays iyo cadaadis ka fuula laabta- Neefsashada oo ku adkaata- Neeftuur, sanqadh badan oo meel fog laga maqli karo. Neefsashada oo ku adkaata haddii uu qofku jimicsi sameeyo

Sidee ayaa loo xaqiijin karaa qabitaanka Xiiqda? (Diagnosis)
Marar badan ayaa astaamaha xiiqda lagu qaldi karaa astaamaha xanuuno kale, gaar ahaan dadka waaweyn. Xanuunada lagu qaldo waxa ka mid ah: Hiatal hernia oo ah cillad caloosha la xidhiidha, juucjuuc calooleed-ka (Stomach problems), Roomatiisamka (rheumatoid arthritis). Waxa kale oo jira xanuuno la isku-yidhaahdo ” Chronic obstructive pulmonary disease(COPD)” oo ah xanuuno la xidhiidha sambabada, ayna ka mid yihiin, ”Emohysema iyo Chronic bronchitis” oo inta badan lagu qaldo astaamaha xiiqda. Xanuunadaas loo yaqaano COPD waa kuwo aad looga helo dadka waaweyn gaar ahaan kuwa sigaarka qiijiya ama qiijin jiray wakhti noloshooda ka mid ah. Inta badan si loo xaqiijiyo qabitaanka cudurka xiiqda waxa la maraa saddexdan baadhitaan.
(1) Su’aalo badan oo la weydiiyo qofka looga cabsi qabo in uu xanuunkan qabo oo la xidhiidha astaamaha uu isku arkay
(2) Imtixaan duleed (physical exam)
(3) baadhitaan sambabeed (lung function tests). Waxa kale oo iyadna suurto gal ah in laga baadho in ay jiraan waxyaabo uu ”Allergy” ama xasaasi ku yahay qofku.

Sidee ayaa loo maamuli karaa Xiiqda
Waxa jira saddex qodob oo lagu maamulo xiiqda. Saddexdaas qodob oo haddii uu qofku u raaco sida loo dhigay ay hubaal tahay in ay wax badan u tari doonaan:
1-In qofku fahmo, bartana waxa ay tahay xiiqdu, waxa keena iyo maalin walba la socodka cilmiyada khuseeya xiiqda ee ku soo biirta dunida aynu maanta joogno.
2-Qofka oo maalin kasta ku eega sambabadiisa ( isaga oo jooga gurigiisa) qalabka loo yaqaano ” peak flow meter”, oo si caadi ah looga helo Farmasiiyada.
3- Qofka oo si joogto ah u qaata daawooyinka uu dhakhtarku u qoray, si joogto ahna ula socodsiiyo dhakhtarkiisa kolba wixii isbedel ah ee uu la kulmo. Waxa kale oo muhiim ah in qofku la dagaalamo waxyaabaha ku keena in ay xiiqdu ama astaamaheedu ku soo kacaan, sida siigada (dust), baranbarada (cockroaches), caleenta dhirta,iwm. Yareeyo dibad u bixitaankiisa wakhtiyada uu Ozone-ku aadka u sareeyo. Iska ilaaliyo cuntooyinka qofkaas ku keeni kara Allergy-ga. Waxa uu qofku u baahan yahay in uu mar kasta diyaar la ahaado daawooyinkiisa, xataa haddii aanu in muddo ah isku arag astaamihii xiiqda. Talaalada laga qaato durayga, oofta iyo xanuuno badan oo u dhawdhaw waa qaar waxtar aad u badan u leh dadka qaba xanuunka xiiqda, sidaas daraadeed waxa muhiim ah in xusuus gaar ah loo yeesho.
Waxa jira daawooyin dhawr ah oo loo qaato xiiqda oo aan u baahnayn in uu dhakhtar kuu qoro, waxase muhiim ah in aanu qofku isagu iska dooran daawada uu u malaynayo in ay caawindoonto ama uu saaxiibkii u sheegay in uu beri isticmaalay oo ay wax u tartay. Daawo kastaaba waxa ay leedahay dhibaatooyin daba socda (side-effects), mararka qaarkoodna keeni kara halis ilaa heer dhimasho gaadhsiisan. Tusaale ahaan ”antihistamines”-ka oo ku keena ragga in ay bararto kaadihaystu iyo/ama kaadida oo ku dhagta. Oral steroids-ka qaarkoodna waxa ay heer khatar ah gaadhsiin kartaa dadka qaba xauunada loo yaqaano ”glaucoma” oo ah xanuun ku dhaca indhaha, ”cataracts” oo ah xanuun ku dhaca wiilka (bu’da madoow) indhaha, osteoporosis” oo ah xanuun la xidhiidha lafaha, sidaas daraadeed waxa haboon in shaqsiga qaba xiiqdu uu isticmaalo oo keli ah daawooyinka uu isaga sida gaarka ah ugu qoray dhakhtarkiisu.

Waxa Soo Tarjumay soona Diyaariyey: Osman Abdillahi Sool…Freelance Journalist. Copenhagen.
E-mail: sooldhuub@hotmail.com

Mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com

februari 10, 2015 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Shaqada Habeenimo Waxay kordhisa Khatarta Wadno-xannuunka iyo Kansarka

Shaqada Habeenimo Waxxay kordhisa Khatarta Wadno-xannuunka iyo Kansarka
(Hadhwanaagnews) Sunday, January 11, 2015 08:11:10
Dadka shaqeeya muddo 15 sanno ka badan goor habeenimo ah waxa iyaga laftar ahaantooda la ogaaday in cudurka kansarka qaadistiisa ay halis ugu sugan yihiin.

Haweenka inta badan habeenimada shaqeeya, ayaa la ogaaday in ay khatar badan ugu jiraan qaadista xannuunada wadno-xannuunka iyo kasarka, gaar ahaan kuwa shaqeea 9 habeennimo ilaa 5 subaxnimo sida cilmi-baadhis cusub lagu soo tebiyey.

Daraasadan oo ah tii ugu ballaadhnayd nooceeda ee la sameeyo, ayaa dhakhaatiirta hirgelisay ku ogaatay in dadka shaqeeya xilliyada habeenkii muddo ka badan shan sanno ay khatar badan ugu sugan yihiin in wadno-xannuun kku dhaco amma dhuumahooda dhiigga qaada khatar soo gaadho.

Dadka shaqeeya muddo 15 sanno ka badan goor habeenimo ah waxa iyaga laftar ahaantooda la ogaaday in cudurka kansarka qaadistiisa ay halis ugu sugan yihiin.

Sannadkii 2007 Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO, ayaa

ka digtay habeenkii in la shaqeeyo waqtiyo badan, sababtoo ah waxay xustay warbixinteedu in laga qaadi karo cudurka kansarka, maadaama jidhka qofka bani’aadamka waqtigaas uu nasto, taasina ay keeni karto dhiiggu sababo dhaawacyo dhuumaha qaado ah.

Daraasadan oo khubaro Maraykan ah soo saareen waxay isticmaaleen cilmi-baadhiso caafimaad oo la sameeyey laga soo bilaabo sannadkii1976 ilaa hadda, kuwaasoo laga qaaday 121,700 haween ah oo kalkaalisooyin caafimaad ah oo u dhashay dalka Maraykanka, da’dooduna u dhaxayso 30 ilaa 55 jir, kuwaasoo muddo 2 sanno ah xog-ururin laga qaadaayey.

Xaaladan waxay khatar badan leedahay marka qofku toddobaadkii saddex habeen ka shaqeeyo, kuna darsado maalmo subaxa uu shaqeeyo amma fiidkii bil gudaheed, iyadoo daraasado ogaatay in dadka cuduradan u dhinta 11% ay yihiin haween habeenkii inta badan shaqeeya muddo shan sanno ka badan.

Kansarka sababada ku dhaca inta badan wuxuu 25% asiiba dadka inta badan shaqeeya habeenkii muddo 15 sanno ka badan sida cilmi-baadhistu xustay.

“Natiijadan waxay caddaymo u noqonaysa daraasado hore oo laga sameeyey in shaqaynta habeenkii ay saamayn xun ku leedahay caafimaadka qofka,” ayey tidhi Prof. Eve Schernhammer oo ka tirsan Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Harvard iyo cusbitaalka haweenka ee Brigham Women’s Hospital oo ku yaala magaalada Boston ee dalka Maraykanka.

Ibraahim Khadar Siciid

Hadhwanaagnews

ibraahimkhs@hotmail.com

Xigasho: Hadhwanaagnews

januari 11, 2015 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Dhakhtarka guud ee magaaladda Hargeysa, Hargeisa Hospital Group

Bahda Mareegta Caafimaadka
7 Jen 2015

januari 7, 2015 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Umuliso Edna Aden Ismaaciil oo laga waraystay dhakhtarka umulisada ee Edna Maternity Hospital in Hargeisa, Somaliland

Waa waraysi aad u qiimo badan oo ay kaga hadlayso, Umuliso, Edna Aden Ismaaiil, maraaxilaadii kala duwanaa ee uu soo maray dhakhtarka umulisadda ee Hargeysa ku yaala iyo marxaladaha naxdinta badan ee la soo dersa dumarka umulaya.

Waraysiga oo ka dhcay Xarunta SouthBank Center
Sidaa iyo daawasho wacan!!!

Bahda mareegta caafimaadka
Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)

november 22, 2014 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

زنجبيل (Ginger) Sinjibiil

Sinjibiil

Waa maxay Sinjibiishu?

Sinjibiishu waa geed baxa oo midabkiisa sare yahay buni yara khafiifa, gudaheeduna ay tahay midabka beejka, ama huruud xiga. Xididka sanjabiisha ayaa waxa loo yaqaanaa rhyzome. Sinjibiisha waxaa loo isticmaalaa waxyaalooyin badan oo kala duwan. Sida karinta cuntada, dubista , shaaha ama xaga caafimaadka.

Sinjibiisha waxaa la isticmaalayey muddo ka badan 2000 sanno. Waxaana ay ku caan tahay ka hortaga ama hoos u dhigida xanuunada kala duwan.
Sinjibiishu waxa ay ka baxdaa dhulalka cimiladoodu kulul-shahay.
Waxa la yidhaahdaa Sinjibiishu waa saaxiibka wanaagsan ee jidhka (body’s best friend!)
Waxa kale oo la yidhaahdaa haddii aad cuntid Sinjibiisha maalinwalba, waxaa ku jeclaanaya, Wadnahaaga, maskaxdaada, calooshaada iyo lafahaaga.
Bal ay aynu eegno sababtu waxa ay tahay.

Sinjibiishu waxa ay u fiican tahay wadnaha, sababtoo ay tahay waxa ay furtaa xididada dhiiga raaca ee taga wadnaha iyo jidhka intiisa kale, waxaana ay hoos u dhigtaa oo ay yaraysaa heerarka xaydha (triglyceride levels) iyo dufanka dhiigga kolesterol. Waxa kale oo ay ka hortagtaa in qofku ku dhaco stroke. (madaxa oo dhiig kaga furmo qofka). Dhiig karka
Wax kasta way u fiican tahay Sinjibiishu.

Cancer

Waxaa kale oo la ogaaday in Sinjibiishu ay ku jiraan maado anti-cancer ah, oo ka hortaga ama weerara unugyada kansarka ee (cancer cells)ka dibna halkaa ku baabiya (attack cancer cells and destroy them)

Caloosha

Sababta ay caloosha ugu wanaagsan tahay.
Calooshu way jeceshahay Sinjibiisha. Sababtuna waxa weeyi waxa ay yareysaa oo hoos u dhigtaa in gaasta caloosha gasha (caloosha oo buurnaata qofka oo neef badan ka buuxdo) Waxa kale oo Sinjibiishu u wanaagsan tahay, shubanka oo ay waxtar u leedahay.

Haddii aad xanuusanayso ama hargab ama duray ku soo hayo, waxaa wanaagsan in qofku cuno Sinjibiihsa iyada oo feresh ah (fresh) Sinjibiisha waxaa ku jira antioxidanter. Oo safeeya ka saara waxyaalaha qashinka ah ee jidhka ku kaydsama, khaasatan dhinaca maskaxda. Taasoo keeni karta cudurada Parkinsons och Alzheimers.
Waxa kale ooay u wanaagsan tahay dareemayaasha iyo xusuuta.
Waxa kale oo ay u
Waxaa kale oo ay ka hortagtaa xanuunka lafaha oo waxa Sinjibiihsa ku jirta maado (anti-inflammatory) ah oo bararka iyo damqashada (Pain) yareysaa
Sinjibiishu waxa kale oo ay aad ugu wanaagsan tahay dheefshiidka cuntada.

Xiiqda (astma)

Sinjibiishu waxa ay u wanaagsan tahay Xiiqda (Astma) waxa ay safaysa dhuumaha neeftu marto si, uu qofku neefsashadiisu u fududaato

Macaanka (Diabetes)

Waxa ay hoos u dhigtaa sonkorta waxa kale oo ay ka hortagtaa in ay kalyuhu dhaawacmaan

Sinjibiil

Sinjibiisha iyada oo feresh ah iyo iyada oo budo ah

Sinjibiisha oo dareere laga sameeyey iyo liin dhanaan
Difaaca jidhka

Sinjibiishu waxa ay kor u qaadaa oo xoojisaa difaaca jidhka, waxa kale oo ay jidhka ka saartaa wixii sun ah.
Sinjibiishu waxa ay ka hortagtaa oo ay yaraysaa Migrenka, madax xanuun adag (dhanjaf) waxay ay yaraysaa xanuunka xidididda dhiiga geeya maskaxda.
Haddii qofku is dareemo in uu migren, madax xanuun adagi (dhanjaf) soo hayo, waxaa wanaagsan in uu cabo koob sinjibiil ah ama iyad oo feresh ah. Si uu xanuunka migrenku uga hortago.

© 2014 Caafimaadka
Waxaa soo diyaariyey oo qoray maqaalkan; Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)
Bahda mareegta caafimaadka.

november 9, 2014 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Gabadhii ugu horreysay dunnida ee ilmo galeen aanay lahayn loo galiyey (Mucjiso)

Arrintan mucjisada ku noqodtay dunnida arrimaha caafimaadka ku jira, ayaa aad ula yaabeen arintan cajiibka ee dunnida caafimaadka ku soo korodhay.
Haweenaydan oo ilmo galeenkeedii rasmiga ahaa wax kaga dhaceen. Gabadhan oo in badan sugaysay in ay mar uun ilmo dhasho, ayaa ilmo galeen aanay lahayn loo geliyey ilmo galeen kale oo ruux dumari ugu deeqday.

Ciladda ilma galeenku waxa ay dhacdaa ama timaada, marka ruuxii dumar ahayd uu ilmo galeenku cudur kaga dhaco, sida ilma galeenka kansarka oo kale ama aanay kuba dhalanba ilmo galeenba.

Waxaa jira, dumar badan oo dunnida ku nool, oo aan lahayn ilmo galeen ama aan kuba dhalan, xag Rabaaniya, ama uu cudur kaga dhacay, sidaa darteedna aan ilmo qaadin karin ama heli karin.
Waxaa haddaba dalka Sweden, gaarahaan, caasimaddiisa labaad ee Gothenborg, ka dhacaday in, Dhakhtarka Jaamacadda ee Sahlgrenska akademin, ay ku guulaystaan in gabadh da´deedu tahay, 36 jir, ilmo galeen lagu sameeyo, oo aan ahayn keedii. Ilmo galeenka oo laga soo saaray gabadh ay saaxiib yihiin oo da´ deedu tahay 60 jir.

Ilmihii ku abuurmay ilmo galeenkaa la geliyey haweenaydda 36 jir ah, ayaa dhashay bishii hore ee Septembee 20 keedii. Arrintan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay ee ilmo galeen laga saaro qof nool oo, dibna la geliyo qof kale oo dumar ah. Dhacdadan oo aan hore caalamka uga dhicin, ayaa waxa ay soo jiidatay indhaha warbaahinta caalamka iyo khubarada ku takhasustay arrimaha caafimaadka. Waxaa arrintan gacanta ku hayey, professor Mats Brännström, oo ah cilmi baadhe sare, ahna, dhakhtar sare (specellist) ee Jaamacadda Gothenborg University, waxaanu sheegay, in xaaladda Hooyadii ilmo galeenka la galiyey iyo ilmihii ay dhashay ay fiican yihiin, gurigoodiin ay joogaan.

Breaking News English (War deg deg ah)

woman in Sweden has achieved a medical first after giving birth to a health baby boy following a womb transplant.

The 36-year-old mother received a uterus from a close family friend last year.
First womb-transplant baby born in Sweden : A woman in Sweden has given birth to a baby boy using a transplanted womb, in a medical first, doctors report. The 36-year-old mother, who was born without a uterus, received a donated womb from a friend in her 60s. The British medical journal The Lancet says the baby was born prematurely in September weighing 1.8kg (3.9lb). The father said his son was ”amazing”.

Qore: Nuux Ismaaciil Maxamed(Ina Ismaaciil Somali Airlines)
Bahda mareegta Caafimaadka
www.caafimaadka.com

oktober 10, 2014 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Haweenka Uurka Leh ee Isticmaala Kiniinka Paracetomol oo la Ogaaday in ay Dhali Karaan Ubad Maskaxda ka Buka

Haweenka Uurka Leh ee Isticmaala Kiniinka Paracetomol oo la Ogaaday in ay Dhali Karaan Ubad Maskaxda ka Buka
(Hadhwanaagnews) Thursday, October 02, 2014 05:14:06
Dhakhaatiirtan oo baadhitaan ku sameeyey ubadka hooyooyinkood kiniinadan cuni jireen waqtigay caloosha ku jireen ayaa sheegay in markay 11 jir gadhaan lagu arko in aan maskaxdoodu dhammays ahayn

Dhakhaatiir u dhalatay dalka New Zealand, ayaa sheegay in ay cilmi-baadhis ku sameeyeen haweenka uurka leh ee isticmaala kiniinka xannuun baabiiya ah ee Paracetomol-ka in ay dhali karaan ubad maskaxda ka buka.

Cilmi-badhayaashan waxay sheegeen in haweenkan markay ubadka caloosha ku sidaan cuna kiniinkan xannuun baabiiya ah ay ubadkoodu ku soo dhashaan xaalada la yidhaa ADHD (Attention deficit hyperactivity disorder), taasoo ah xannuun ku dhaca maskaxda, keenana in ubadku garaad ahaan aanu dhammays noqon.

Khubaradan oo ka tirsan Jaamacadda Aukland University, ayaa sheegay in kiniinada xannuun baabiiyayaasha ah ay sababaan cudurro maskaxda ku dhaca, gaar ahaan kiniinada ay ka midka yihiin Paracetamol, Aspirin, Antacid iyo Antibiotics.

Dhakhaatiirtan oo baadhitaan ku

sameeyey ubadka hooyooyinkood kiniinadan cuni jireen waqtigay caloosha ku jireen ayaa sheegay in markay 11 jir gadhaan lagu arko in aan maskaxdoodu dhammays ahayn, dabeecad xumo, ilawshiyo iyo fahan yaraan.

“Daraasadan waxay sheegtay in xataa haddii qofku qaato daawo yar ay saamayn karto 7 sanno ka idb ubadkiisa, sababtoo ah kiniinadan ma fiicna in la cuno xilliga uurka. Balse waxa loo baahan yahay in cilmi-baadhiso dheeraad ah la sii sameeyo si loo sii baadhi khatarta daawooyinkan ku lammaan,” ayuu yidhi Dr. John Thomson oo khubaradan ka mid ah.

Ibraahim Khadar

Xigasho: Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

www,caafimaadka.com

oktober 2, 2014 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Gaadiid Ambulance Oo Lagu Wareejiyay Wasaarada Caafimaadka Somaliland

Caafimaadka.com

juli 20, 2014 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Wasiirka Caafimaadka Oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hir Geliyey Cusbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa

(Hadhwanaagnews) Saturday, July 19, 2014 12:39:38
Hargeysa(HWN):-wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciisme Axmed ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic laga fuliyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Hargeysa(HWN):-wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciisme Axmed ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic laga fuliyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Munaasibada xadhiga lagaga jarayey mashaariicdan laga hir geliyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo ka dhacday xarunta cusbitaalka ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta wasaarada caafimaadka, guddida caafimaadka cusbitaalka guud, hay’ada fulisay mashaariicdan marti sharaf kale.

Wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Axmed ka hadlay mashaariicdan laga fuliyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay “munaasibadan muhiimka ah ee aynu ku furayno qaybaha kala duwan ee cusbitaalkan ku soo biiray oo ay ka mid tahay dhismaha maamulka oo wasaaradu ay ku samaysay dib u habayn, qaybta caruurta ee u baahan xanaanada gaarka ah, qolalka

lagu kordhiyey meelaha maydka lagu maydho, waxaanan aad ugu mahad celinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay hir gelinta qaybaha kala duwan ee lagu soo kordhiyey cusbitaalkan.” Ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Xaglatoosiye

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame ayaa sheegay in qaybaha lagu kordhiyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ay u dhamaystiran yihiin qalabkii ay u baahnaayeen iyo shaqaalihiiba, waxaanu tilmaamay inay dhawaan dhamaystireen qorshaha lagu dhisayo cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Axmed Xaaji Cumar ayaa waxa uu sheegay in qaybaha cusub ee lagu soo kordhiyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ay wax weyn ka tari doonaan hawlaha guu qabto cusbitaalkani, waxaanu si gaar ah farta ugu fiiqay qaybta caruurta oo uu sheegay inay wax badan dabooli doonto, isaga oo tilmaamay in maanta lagu wareejin doono ambalaasyo cusbitaalka u shaqayn doona.

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com

Xigasho: Hadhwanaagnews
Caafimaadka.com

juli 19, 2014 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Xanuunka Macaanka Type 2 Oo Loo Helay Geed Loo Yaqaano Xabxab Qadhaadh (Bitter Gourd) Qofka Isticmaalana Uu Xanuunkaasi Si Rasmi Ah Uga Tagayo

Khubaro Baadha Xanuunka Macaanka Type 2 Oo Ogaaday In Geedka Loo Yaqaano Xabxab Qadhaadhku (Bitter Gourd) Uu Si Rasmi Ah U Daweeyo Macaanka Qofka Isticmaalana Uu Xanuunkaasi Si Rasmi Ah Uga Tagayo. Khubarada baadhaya in dawo rasmi ah loo hello xanuunka macaanka noociisa loo yaqaano (TYPE 2), oo ah macaanka qofka ku dhaca ee aan ahayn ka aanu ku dhallan ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in geedka loo yaqaano xabxab qadhaadhka afka ingiriisigana lagu yidhaahdo (Bitter Gourd) in haddii muddo lix bilood ku dhaw uu qofka xanuunka macaanka TYP-2 uu haya isticmaalo, inay %80 u dhawdahay inuu xanuunkaasi gebi ahaanba ka baxo jidhkiisa.
xab xab- Bitter Gourd

Geedkani xabxab qadhaadhka oo badanka laga hello ama ka baxa dhulka kulaylaha ah ee dalalka Pakistan, India iyo Bangaladesh, iyo China ayaa khubaradu waxay sheegeen in ay ku jirto maado loo yaqaano monosaccharides oo beera ama bilqiya dheecaanka Insulin-ka loo yaqaano ee ka soo baxa beerka dheecaankaasi oo ka caawiya qofka bini’aadmiga ah inuu sonkorta jidhkiisa gallaysa burburiyo, haddii uu dheecaankaasi yaraadana keenaya inay sonkortu dhiiga raacdo.

Dr. NK Davidson oo ka tirsan xarunta cilmi baadhista xanuunka macaanka (The Diabetes Research Foundation), ayaa sheegay in geedka Bitter gourd ay ku tijaabiyeen dad tiradoodu gaadhayso ilaa 200 oo qof oo ka soo kala jeeda dhammaanba jinsiyada ay dadku ka koobanyahiin sida cadaanka, madawga iyo dadka midabkoodu u dhexeeyo madawga iyo cadaanka, isla markaana 200 ee qof ee ka mid ah 50 qof oo ka mid ah oo isticmaalay geedkani xabxab qadhaadhku (Bitter Gourd) uu dheecaanka Insulinku uu si rasmi ah ugu soo noqday, isla markaana dadkaasi ay si rasmi ah uga maarmeen dawooyinkii ay u qaadanayeen xanuunka macaanka noociisa Tpe 2 loo yaqaano.

Siduu Geedkani Xabxab Qadhaadhku (Bitter Gourd) Loo Isticmaalaya

Geedkani xabxab qadhaadhka ayaa u eg muuqaal ahaan sida khudrada muuska oo qaro ahaan iyo dherer ahaanba ka weyn, waxaana uu leeyahay dhadhan aad iyo aad u qadhaadh oo qofka ku cusub ay ku adagtahay inuu marka hore la qabsado.

Xab xab Bitter Gourd

Khubaradu waxay leeyahiin, geedkani waxaa loo isticmaali kara fuuq ahaan ama cabitaan iyo weliba in cuntada lagu karsado, marka la kala jaro ama la kala gooyo waxaa dhexdiisa ku jira ubuc ama qayb cad, qaybtaasi cad ayaa waxaa laga dhigan kara cabitaan iyadoo lagu shiidaayo mishiinka lagu ridqo ama lagu shiido khudradda.

Goorma La Isticmaalaya

Khubaradu waxay leeyahiin geedkani waxaa uu wanaagsanyahay in la isticmaalo xilliga aroortii ka hor intaanad quraacan ama calooshaadu madhantahay, haddii aad cabto koob laga miiray ubucda geedkani, wuxuu ka faa’iido badanyahay isla markaana ka wax tar badanyahay marka la isku daro kiniinadda macaanka loo cuno noocyadooda loo yaqaano Metformin iyo Gliclazide.

Qolofta ama dulka sare ee Geedka Oo Cuntada Lagu Karsan Karo

Qolofta sare ama dulka sare ee geedkani Bitter Gourd ayaa sidoo kale lagu darsan kara cuntada sida suugadda ama maraqa, iyadoo loo karinayo sida khudradda oo kale.

Caafimaadka.com
E-mayl. Editor@caafimaadka.com

maj 16, 2014 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo