wasiirka caafimaadka somaliland iyo isuduwaha caafimaadka e gobolka saaxil oo saaka hay,ada teet aay ku wareejisay gadhi cusub madaxda ca

maj 6, 2012 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Wixii kaa yaabiyaaba wixii kale ka daran ma Ogtahay Akhristaw in Qisadani ay ka dhacday dalka Poland oo ayna tahay Qiso dhab ah

Wixii kaa yaabiyaaba wixii kale ka daran ma Ogtahay Akhristaw in Qisadani ay ka dhacday dalka Poland oo ayna tahay Qiso dhab ah

Written by: Xujaale
Published: 29/04/2012 @06:50

Wixii kaa yaabiyaaba wixii kale ka daran ma ogtahay akhristaw in qisadani ay ka dhacday dalka Poland oo ayna tahay qiso dhab ah. Qisadani waxay ku tusaysaa waalida uu ku keeno shayga hinaasha la yidhaa dadka ibnu aadamka.
Hadaba waxaa dhawaan dalka Poland ka dhacday qiso cajiib ah taas oo dhex martay gabadh dhakhtarka ilkaha ah iyo saaxiibkeed.

Read the rest of this post »

april 29, 2012 · admin · One Comment
Posted in: Maqaalo

Somaliland Oo Laga Hir Galiyey Markii U Horeysay Mishiin Kalyaha Sifeeya Iyo Madaxweynaha Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray.

Munaasibadii xadhiga lagaga jarayey ayaa waxa ay ka dhacday xarunta cusbitaalka guud…..

Hargeysa (GNS)- Maalinba maalinta ka dambaysa iyada oo ay Somaliland hore ugu talabsanayso talaabo horumarineed ayaa waxa maanta waxa uu Madaxweyne ku xigeenku xadhiga ka jaray mashruuc lagu hir galiyey sifeynta kalyaha.

Halkan ka daawo sawirrada

http://gabiley.net/pages/tDetails.php?source=news&ID=21483&permission=1&audioFile=

Munaasibadii xadhiga lagaga jarayey ayaa waxa ay maanta ka dhacday xarunta cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay xaflada xadhiga lagaga jarayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Xuseen Maxumed Maxamed (Xuseen Xoog), Wasiirka Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale, Guddoomiyaha Hay’adda Maamul wanaaga iyo la degaalanka musuq maasuqa Axmed Muxumed Madar iyo shir gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland.

Read the rest of this post »

april 18, 2012 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Qiso cajiiba oo ka dhacday dalka Argentina (baby yar oo la sheegay in uu dhintay ka dib markii uu dhashay, haddana la helay soo dhaqdhaqaaqaya

Qiso cajiiba oo ka dhacday dalka Argentina (baby yar oo la sheegay in uu dhintay ka dib markii uu dhashay, haddana la helay soo dhaqdhaqaaqaya. (Miracle baby)

Qisadan oo ka dhacday dalka Argentina ee qaarada koonfurat America ama loo yaqaano Latin America. Lamaane is qaba oo dalkaas u dhashay, ayaa dhakhtarka xaaskiisii oo foola loola cararay. Waxaana markii danbe la geeyey qaybta umulisada ee dhakhtarkii magaalada ku yaalay. Arrinta cajiibka ahi, waxa weeyi, markii ay umushay haweenaydii uurka lahayd, ayaa 2 saacadood ka dib loo sheegay in ilmihii yaraa ee ay dhashay uu dhintay. Ruuxii haweeynayda ahayd, oo weli suuxdintii ay jidhka ku sii jirto ayaan, warkii loo sheegay aan si fiican uga degin, markii danbe ee loo sheegay in uu dhintay ilmaheedii ay aroornimadii dhashay, ayaa waxa ay qaaday shook (naxdin) . Ilmihiii yaraa ayaa loo qaaday isagoo meyda, qaybta meydka la dhigo ee talaagadaha. Ilmihii yaraa sidii ayaa loogu riday talaagadii. 12 saacadood ka dib markii ay ka soo wareegtay markii ilmaha la geeyey talaagada ee lagu ridey, ayey hooyadii ilmaha yar dhashay iyo aabihii goáansadeen, in ilmahoodii dhintay ee talaagada la galiyey ay soo maca salaameeyaan. Markii ay talaagadii sidaa u fureen ee ay taataabteen ilmihii, waxa ay dareemeen in uu ilmuhu dhaqdhaqaaqayo oo uu ooyayo. (subxaanalaah).

waxa ay ku noqodtay naxdin labaad, amakaag, shook. u qaadan waa. Halkii ayey ku carareen qoladii shaqaalaha talaagada, una sheegeen in ilamoodii uu dhaqdhaqaayo. Ilmihii waa laga soo saaray talaagadii oo waxaa lagu xanaanaynayaa qaybta carruurta . Waxaa ilaa imminka la is weydiinayaa waxa weeyi ilmaha ku jiray talaagada ilaa 12 saacadood, tambarayjarkaa intaa le éeg sidee ayuu uga badbaaday. (Ilaahay baa waxna dila waxna nooleeya)

Waa qiso ilaa imminka dunnida oo dhan laga wada hadal hayo. Qisadan mid la mid ah ayaanu (mareegta caafimaadku) idiin soo gudbiyeen oo ka dhacday dalka koonfur Afrika. sannadkii 2011. Dhakhtarka qisadani ka dhcaday ayaa bilaabay baadhitaan amuurtan ku saabsan. Miracle baby. 5 ka mida shaqaalaha dhakhtarka ka hawl gala oo shaqadoodii laga joojiyayey ilaa inta uu baadhitaanku socdo.

Halkan ka daawo waalidkii ilmaha yar dhalay oo warbaahinta la hadlaya.

Waxaa soo diyaariyey: Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)
Bahda. Mareegta Caafimaadka
Www.Caafimaadka.com
E-mayl: Editor@caafimaadka.com
E-mayl: Caafimaadka2011@gmail.com

april 13, 2012 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Shaaciyey in Bilaash Lagu Qalli Doono Haweenka Uurka Leh ee Qalliinka u Baahda

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamuud (Xoog)

Sawir. Dhakhtarka Hargeysa
Wasiirka Caafimaadka oo Shaaciyey in Bilaash Lagu Qalli Doono Haweenka Uurka Leh ee Qalliinka u Baahda
Last Modified: Wed 11th Apr,2012

Guddida Caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex iyo Wasiir Xoog oo ka hadlay xaaladda Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

Hargeysa (Jam)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamuud (Xoog) iyo Guddidda Caafimaadka Gobolka Hargeysa, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo laga dayrinayey adeeggiisa caafimaad iyo dhinaca maamulka, waxaanay ganafka ku dhufteen dayrada laga bixiyey xaaladda cusbitaalka.

Read the rest of this post »

april 11, 2012 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Kulan xus ah oo lagu qabtay magaalada Hargeysa maanta, ayaa lagu soo bandhigay cudurrada halista ah ee ka jira dalka

Hargeysa (SDWO 07/04/2012) – Kulan xus ah oo lagu qabtay magaalada Hargeysa maanta, ayaa lagu soo bandhigay cudurrada halista ah ee ka jira dalka iyo dhibaatooyinka caafimaad-darro ee ay sababaan qaar mid ah waxyaabaha dadku cunaan ee la dhaaddan yahay.

Kulankan oo qayb ka ahaa xuska maalinta caafimaadka adduunka oo ku beegan 7-da bisha April oo sannad kasta caalamka laga maamuuso, sannadkana hal-ku-dheg looga dhigay ‘caafimaad qabkaagu waa cimri-dherer,’ oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Caafimaadka oo iyadu soo qabanqaabisay, isla markaana ka qaybgaleen masuuliyiinta wasaaraddaas, dhakhaatiir, wakiillo ka socday qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah iyo shaqaale kala duwan, waxa lagu shaaciyey in dhibaatooyin badan oo caafimaad-darro oo haysta dadka reer Somaliland ay ka dhashaan waxyaabaha la cuno ama la cabbo iyo weliba nolosha reer magaalnimo, kuwaas oo aan shacabku la socon waxyeelladooda.

Read the rest of this post »

april 7, 2012 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Hooyadii ugu da’da yarayd aduunka jirtana 10 sano oo dhashay wiil

Hooyadii ugu da’da yarayd aduunka jirtana 10 sano oo dhashay wiil

dhakhaatiirta ay sheegeen in hooyadan yari ay xaalad aad u khatar badan ku jirto. Saraakiisha Caafimaadka ayaa waxay go’aamiyeen in qaliin deg deg ah lagu sameeyo gabadhaasi, si loo-bad baadiyo xaaladeeda caafimadeed. bal aan daawano.

Gabadh 10 sano jir ah oo u dhalatay dalka Colombia, kana soo jeeda Qabiilada laga tirada badan yahay ee degga Gobolka Wayuu, ayaa waxay dhashay cunug caafimaad qaba, waxayna noqotay hooyadii ugu da’da yareyd ee dhasha cunug. Gabadhaan ayaa waxay soo tagtay Magaaladda Manaure iyadoo aad u xanuun-saneysa, isla-markaana dhiig baxeysa, waxayna dhakhaatiirtu ay sheegeen in gabadhani ay xaalad aad u khatar badan ku jirto. Saraakiisha Caafimaadka ayaa waxay go’aamiyeen in qaliin deg deg ah lagu sameeyo gabadhaasi, si loo-bad baadiyo xaaladeeda caafimadeed, balse wuxuu Alle uu qaddaray in gabadhaasi laga soo saaro cunug caafimaad qaba. Labadooduba ayaa waxaa la-sheegay inay ku wada sugan yihiin hal qol, laakiin Saraakiisha
Read the rest of this post »

april 7, 2012 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Madaxweynihii dalka Malawi oo wadane istaag u geeriyooday

Madaxweynihii dalka Malawi, Bingu wa Mutharika, ayaa geeriyooday shalay, ka dib markii wadnaha lagaga soo booday, waxaana ku dhacay heart attack. Waxaa loola carraray cusbitaalka caasimada dalkaas Malawi, Lilongwe, tiiyo la isku dayey in la badbaadiyo. Waxaana markii danbe loo diyaariyey si loogu qaado oo loo geeyo dalka Koonfur Africa, si halkaas loogu soo daaweeyo. Waxaanay dhakhaatiirkii dalkaasi markii danbe xaqiijiyeen in naftu ka baxday oo uu geeriyooday, madaxweyne Bingu wa Mutharika. oo da´diisu gaadhay 78 jir.

Malawian president reported dead

Bahda mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com
E-amyl: Editor@caafimaadka.com
E-mayl: Caafimaadka2011@gmail.com

april 7, 2012 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Jooniska/cagaarshawga C (HCV)

Jooniska/cagaarshawga C (HCV)
Helitaankii Hepatit C
Jooniskan waxa la healy markii u horeysay 1970 halkaas oo culimada heshay ay u bixiyeen joonis aan ahayn A ama B (non A, non B) sababtoo ah waxa uu noqday nooc ka duban labadaa noocba. Laakiin 1989 kii ayey culimadu isku raaceen magacan imika loo yaqaano ee ah Hepatit C. Read the rest of this post »

april 2, 2012 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo

Daawo sida wadne cusub loogu galinayo qof wadne cusub u baahan

Qalitaanka wadnaha ayaa ka mid ah qaliinada ugu adag, bal haddaba daawo oo wax ka baro video-gan. Waa wiil dhallinyaro ah oo wadne istaag ku dhacay, oo wadnihiisii daciif noqday, shaqadii wadnuhuna hoos u dhacday. Wiig ka hor ayey ahayd markii madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Maraykanka, Dick Cheney, laga beddelay wadnihiisii, oo sidan oo kale lagu sameeyey qaliinka. 3 asbaabood ayaa keeni kara wadne-istaaga. Qalitaanka wadnaha waa laba mid in ay dhakhaatiiri qasho iyo in mishiin Robot oo is wada qalo wadnaha. Waxaana beryahan danbe soo badanaya qaliinka wadnaha lagu sameeyo mishiinka Robot-ka

1-Dufanka dhiiga ku badan
2- Dhiig karka
3- Iyo Macaanka aad u sareeya (kaadi macaan)

mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com
E-mayl:Editor@caafimaadka.com
E-mayl:Caafimaadka2011@gmail.com

april 1, 2012 · admin · No Comments
Posted in: Maqaalo